πͺππ« πππππ‘ ππ π’ππ’π’πͺ πππ₯ππ₯ππ¦πππ
Waxaan casharkaan kaga hadli doonaa cudurka ay soomaalida badanaa u taqaano “Barariso”, afka qalaad waxaa lagu dhahaa “Pyogenic Flexor Tenosynovitis”.
Cudurkaan wuxuu ku billawdaa in mid ka mid ah faraha gacanta ay gaarto dhaawac mudis ah, dhaawacaas oo farta gudaha u galo illaa uu ka gaaro xuubka ku hareeraysan lafta farta.
Waxa ku muday haddii aysan farta gudaha safiican ugu galin, badanaa ma keento caabuq daran, si dhakhsane uguma faafto faraha kale, waana xaalad ka duwan caabuqa bararisada, waxaana loo yaqaanaa “Cellulitis”.
Maxay badanaa gacmaha ugu dhacdaa?
Gacmaha waa meelaha ugu badan ee u nugul in qofka ka dhaawacmo, waana meesha ugu fudud oo dhaawac si sahlan ku gaari karo seedaha iyo lafaha maadaama aysan sidaa uga fogayn hilibka kore.
Badanaa waxyaabaha qofka mudo waa wax dhulka yaallo oo jeermis xambaarsan, waxaana badanaa cilladaan lagu arkaa dadka gacmaha ku shaqaysto sida dadka beeraha falo, geedaha gooyo ama biraha ka shaqeeyo.
Jeermiskaas markuu jirka gudaha u galo, wuxuu ku tarmaa farta dhaawaca gaaray, waxyar ka dibne way barartaa, kadibne malax ayay gashanataa, kadibne caabuqii wuxuu si dhakhso ah ugu gudbaa faraha kale illaa uu gacanta wada gaaro.
Haddii aan laga gaarin dhaawaca markuu cusub yahay wuxuu si joogto ah u naafeeyaa seedaha iyo kalagoysyada yaryar ee faraha, taasina waxay keenaysaa in faraha qalloocdaan ama gacantaba ay qallafto ama qallasho.
Sidee loo daaweeyaa cudurkaan?
Daawada waxay waxtar degdeg ah leedahay markuu dhaawaca cusub yahay, waa in meesha dhaawaca kaa gaaray si dhakhso ah loo nadiifiyo si caabuqa loo yareeyo, waa in nabarka la mariyo ama lagu xiro jeermis dile, lana qaato daawo qallajiye ah si jirka looga caawiyo la dagaallanka jeermiska soo galay.
Hadduu nabarka muddo ka soo wareegato, waa in la fiiriyo inuu malax yeeshay iyo in kale, hadduu malax gashtay waa in sida ugu dhakhsiyaha badan loo dillaaciyo oo malaxda laga soo daadiyo, kadibne dhaymo iyo daawo la isugu daro qofka.
Hadduu caabuqa ku fidiyay faraha kale ama gacantma waa in qalliin lagu sameeyo qofkaas si gacanta loo badbaadiyo, lagana saaro gacanta wixii unugyo ah oo dhintay ama wasakhoobay si faafitaanka caabuqa loo xadido.
Gaarsii Asxaabtaada oo u #SHARE garee.
W/Q Somalidoc
Share
Abdikadir M. Abdullahi