🧑⚕️ 5 Sababood oo Bidaarta (Hair Loss) Keena iyo Sida Loo Xakameeyo.
■ Bidaarta ama timo daadashada waa dhibaato ay la kulmaan rag iyo dumarba. Mararka qaar waa caadi, laakiin haddii ay sii socoto waxay u baahan tahay fiiro gaar ah iyo qiimeyn caafimaad.
1. Isbedelka Hormoonada
● Mid ka mid ah sababaha ugu badan ee bidaarta waa xaalad loo yaqaan Androgenetic Alopecia.
Waxay si gaar ah ugu badan tahay ragga, balse dumarkana way ku dhacdaa. Hormoonka androgen ayaa saameeya xididdada timaha, taasoo keenta inay yaraadaan oo ugu dambeyn daataan.
2. Walwalka (Stress)
■ Stress-ka badan wuxuu keeni karaa xaalad loo yaqaan Telogen Effluvium.
Tani waxay keentaa in timo badan si hal mar ah u daataan, gaar ahaan ka dib dhacdo culus sida xanuun ama walwal dheer.
3. Nafaqo Xumo & Dhiig Yari
■ Jirka wuxuu u baahan yahay nafaqooyin muhiim ah sida iron, zinc, iyo vitamins si timaha u koraan.
Dhiig yarida (iron deficiency) waxay si toos ah u keentaa timo daciif ah oo si fudud u daata.
4. Isticmaalka Kiimikooyin Adag
■ Shampoos, dyes, iyo creams aan habboonayn waxay dhaawacaan maqaarka madaxa iyo xididdada timaha. Isticmaalka joogtada ah ee kiimikooyinkan wuxuu kordhiyaa khatarta bidaarta.
5. Cudurada Maqaarka Madaxa sida:
■ Tinea Capitis ( fangas madaxa ku dhaca ) waxay sababaan:
* Cuncun
* Qolof
* Timo ka go’a meel gaar ah
Haddii aan la daaweyn, waxay keeni kartaa bidaar joogto ah.
✅ Goorma Ayaad U Baahan Tahay Dhakhtar?
* Haddii timaha si xad-dhaaf ah u daataan.
* Haddii aad aragto meel bannaan (patches).
* Haddii uu jiro cuncun ama finan madaxa ah.
💊 Gunaanad
Bidaarta waa dhibaato la xakameyn karo haddii si hore loo ogaado. Fahamka sababta keentay ayaa muhiim u ah daaweynta saxda ah.
👉 La tasho dhakhtar si aad u hesho qiimeyn iyo daaweyn ku habboon.
W/Q: Dr. Abdikadir Mustaf Abdullahi
WhatsApp: +252619047408

m.a waa qormo wanaagsan
ReplyDeleteaad baad u mahadsan tahay Dr.
ReplyDelete