Saturday, May 16, 2020

TIMIRTA IYO FAA'IDEEDA

Geedka barakaysan ee timirta waa geed ka baxa dhulka kulaylaha ah gaar ahaan dhulka aanay ku samaysmeyn badi dalagyada kale ee la quutaa, dhulka ay timirtu ka baxdo waxa kale oo la yidhaa lama dagaan, waana dhul saxare ah oo cimilo ahaana aad u kulul.

Timirtu waxa ay leedahay faa'iido badan waxana ay caawisaa qaybo badan oo kamid ah jidhka aadamaha. Haddaba faa'iidooyinka iyo mucjisada uu koobsaday geedka timirtu maaha mid qoraal lagu soo koobi karo laakiin waxa aynu xusi doonaa waxyaahaba ugu caansan ee laga dhaxlo isticmaalka timirta.

1. timirtu waxay aad u caawsa dheefshiidka jidhka  waxaanay yaraysaa calool istaaga(constipation).

2. timirtu waxay hoos yaraysaa caabuqa jidhka ku dhaca maadaamo ay ku jirto maado la dhaho (magniisum)

3. waxay faaido u tahay inay yarayso cadaadiska dhiiga

4. Waxay ka joojisaa in Ilkaha uu Suus galo, sababtoo ah waxa ku jirta Maadada "Fluoride"

5. Waxay daawaysaa Xanuunada Ciridka ku dhaca waxan laga helaa
 Vitamin C .

6.Waxay ka joojisaa in Ilkaha uu Suus galo, sababtoo ah
waxa ku jirta Maadada "Fluoride"

7. Waxay ka ilaalisaa Jidhka Sumaha waayo waxaa ku jira Maadooyinka Sodium, Potassium iyo Vitamin C.

8. Waxay daawaysaa Dhiig la'aanta sababtoo ah waxa ku jira Maadooyinka Iron, Copper iyo Vitamin B2.

9. Waxay daawaysaa Jil jileeca Lafaha oo waxa ku jira Maadooyinka Calcium, Phosphorus iyo Vitamin A

10. Waxay daawaysaa Appetite la'aanta, sababtane waa maadada Potassium-ka ee ku jirta.

Timirtu waa cunnada ugu haboon ee lagu furo soonka caafimaad ahaan sababtoo ah waxay u roontahay dheefshiidka, waana cunnada sida tartiibka ah calooshu u shiido.

waxaa intaa sii dheer inay dheecannada iyo fitamiinada jirka ku jiro ay isu dheelli tirto markuu qofka muddo gaajaysnaado, waxayna sare u qaadaa appetite-ka qofka iyadoo gaajada si dhakhso ah u yarayso.

 waxaa intaa sii dheer inay gaaska iyo aashitada caloosha ay ka ilaaliso inay dhaawac gaarsiiso dahaarka caloosha, sidaas awgeed waa in aan ku dadaalnaa in soonka aan ku afurnaa timir anagoo sunanda nabigeena suuban raacayno.


Wednesday, May 13, 2020

Waa maxay cilmiga 'Chiropractic care' ?

Waa maxay  cilmiga  'Chiropractic care' ?



Chiropracticcare  wuxuu diiradda saaraa ciladaha ku yimaada  habdhiska lafaha iyo  muruqyada ( masculoskeletal system) iyo  neerfayasha, iyo saameynta dhibaatooyinkaas ku yeelan karaan caafimaadka guud ee qofka.
cilmigan

Chiropractic waxaa daaha laga qaaday sanadkii 1895.

dhakhtarka cilmigan ku takhasusa waxa loo yaqaan chiropractors ama chiropractic physicians.

5. xanuunadee  ay Dhakhaatiirta Chiropractic Daaweeyaan?

Dhakhaatiirta Chiropractic waxay inta badan daweeyaan xanuunada  sida:

dhabar xanuunka (back pain )
qoor xanuunka ( neck pain)
madax xanuunka ( head ache )
dhaawacyada ka yimaada ciyaaraha kala duwan (sport injury)
dhaawacyada shaqada la xiriira
kalagoysyo xanuunka  ( joint pain)
iyo xanuunada ka dhasha cadaadiska neerfayaasha
 (neuropathic pain|)

waxa la ogaaday in dadka qaba xanuunadan kor ku xusan ee u taga dhakhaatiirta cilmigan ku takhasusay inay ka fiicnaan badan yihiin kuwa la xidhiidha dhakhatiirta guud.

qaabka ay dhakhatirtani wax ku daweeyan waa inay wiistayn iyo taabasho iyo cilad saaris ku sameeyeaan lafdhabarta iyo xangulada iyagoo  adeegsana gacmahooda qaliina aan sameynayn. iyagoo markaa hagaajinaya laftii ama muruqii ciladaysnaa .

waxyaabaha kale ee ay adeegsandaan waxa ka mida

baraf iyo  kulayliye / koronto ay ku carinayaan murqaha
(electrical muscle stimulation )
duugista ( soft tissue message )
jimicsiyada xubnaha shaqadooda gabay ( rehab exercise )

in badan oo xanuunadan leh waxay dareemaan fiicnaansho deg deg ah halka qaar ay laba ilaa sadex wiig ku qaadato inay ka bogsadaan xanuunka

dhakhaatiirtani waxa kula taliyaan si aad uga hortagto xanuunadan kor ku xusan inaad samayso :

jmicsi  joogto ah
miisaan dhimis
cunto caafimad leh cunitaankeed
yareynta welwelka
iska joojinta sigaar cabista
is baadhis caafimad  ( regular check up )

yar yar iyo waaweynba waa  lagu daweyn karaa cilmigan barashadiisa.

aad bay u yartahay ama ma jirto dr ku takhasusay cilmigan in laga helo dhulkeena lkn waa cilmi heer sare ah dadkeenuna aad ugu baahn yihiin.

la wadaag asxaabta

❤Jumca wngsn❤

Sunday, May 10, 2020

Xanuunka caadada (Dysmenorrhoea)

Xanuunka caadada (Dysmenorrhoea)

Waxay dumarka intooda badan la kulmaan nooc xanuun caado inta ay noloshooda jirto. Erayga caafimaad ahaan loogu isticmaalo waa dysmenorrhoea. Xanuunka uu keeno caadaada dhiigga waxaa laga dareemi karaa qaybta hoose ee calooshaada, laakin waxuu u faafi karaa dhabarkaaga iyo cajiradaada.

Xanuunka caadada waa xaalad iska dhaco. Waxaa daraasaadka la sameeyay qaarkood sheegayaan in ku dhowaad 75% dumarka dhallinta yar iyo 25-50% dumarka qaan-gaarka ah ay la kulmaan xanuun iyo raaxo la’aan inta ay ka qabaan caadada. Ilaa iyo 20% ee dumar ah, xanuunkaan aad ayuu u qabtaa isaga oo ka joojinaayo inay qabsadaan waxqabadyo maalimeedkooda.

 Xaaladaha badankood xanuunka caadada waxay tahay wax-yeelaynta xun ee ka timaadda hab-socodka dabiiciga ah ee caadada. Si kastaba ha noqotee, mar-marka qaarkood, waxuu xanuunka caadada noqon karaa natiijada ka soo baxdo xaalad caafimaad ee gaar ah.

Waxaa xanuunka caadada lagu daawayn karaa guriga. Hase-yeeshee, haddii xanuunka caadadaada u aad u daran yahay, waxaa u baahan doonaa inaad u tagto dhakhtar.

#Calaamadaha

Calaamadda ugu wayn e xanuunka caadada waa murqo xanuun ku dhaca calooshaada hoose. Mar-mar, waxuu xanuunka kuu qabanayaa si xoog leh, waqtiyo kalena waxuu ahaan karaa xanuun fudud, laakin joogsi la’aan ah. Waxuu xanuunka caadada mar-mar u faafaa dhabarkaaga iyo cajiradaada. Waxaad kale oo ogaan kartaa in xanuunka ku qabto uu ku kala duwanaado caado walbo. Ayadoo dheeraad u ah xanuunka calooshaada hoose, waxaa kale kugu dhici karo calaamado kale, sida madax xanuun, labbo-labbo, daalid, war-wareerid, iyo shuban.

Waxuu caadi ahaan xanuunka caadaada bilaabanayaa markii uu dhiigga bilaabanaayo, inkasto oo ay dumarka qaarkood xittaa ay la kulmi karaan xanuun dhoowr maalin ka hor intuusan bilaaban caadada. Waxuu xanuunka caadada socon doonaa 12-24 saacadood, inkasto oo xaaladaha xun ku hayn karo dhoowr maalin. Xanuunka wuxuu badanaa ugu xun yahay markii dhiig-baxaada caadada ugu badan yahay.
Xanuunka caadada waxuu caadi ahaan ku fiicnaanayaa markii aad sii waynaato. Dumar badan waxay sidoo kale dareemaan fiicnaansho ka dib markii ay carruur dhalaan.

#Sababaha

Xanuunka caadaada badanaa waa wax-yeelaynta xun ee hab-socodka dabiiciga ah caadada dhiigga jirkaaga. Waxuu xanuunka caadada dhacaa markii derbiga muruqeed ee ilmo-galeenka is-qabsado (adkaado). Inta ay jirtoo caadadaada, derbiga ilmo galenkaaga wuxuu isku qabanaaya si culus, sidii uu je-jebiyo dhiigga saaran derbiga kana dhigo caadadaada bil walba kugu dhaca. Waxuu hab-socodkaan keeni karaa inuu jirkaaga sii daayo kiimikada keenayso xanuunka. Inta aad ku jirtid caadada dhiigga, waxuu kale uu jirkaaga soo saarayaa koox kale oo kiimiko ah, ee loo yaqaano prostaglandins.

Waxuu kiimikadaan ku dhiiri-gelinaayaa murqaha ilmo galeenka inay si aad ah isku qabsadaan, iyaga oo kordhinaayo heerka xanuunka. Waxaa jiraan labo nooc oo waa-wayn ee xanuunka caadaada. Dysmenorrhoea’da koowaad waa wax-yeelayn xun ee caadi ah ee ka timaaddo caadada. Waxaa dysmenorrhoea’da labaad sababo xaalad gaar ah. Qaar ka mid ah xaaladaha keeni karaan dysmenorrhoea-da labaad waxaa ka mid ah endometriosis (waa markii unugyada ilmo galeenka ay bilaabayaan inay ku koraan ilmo galeenka dibeddiisa), fibroids (burada aan xumayn ee ku dhaco ilmo galeenka) iyo cudurka bararka miskaha (waa bukasho ku dhaco xubnaha dhalidda ee gudaha). Qalabka uurka looga hortago ee minka la dhex dhigo wuxuu xittaa mar-mar keeni karaa xanuunka caadada.

#Baaritaanka cudurka

Waxay dumar aad u badan ee la kulmaan xanuun caado fudud oo lagu daaweeyn karo guriga. Hase-yeeshee, waa inaad kala xiriirtaa dhakhtarkaaga waxii talosiin ah haddii caadadaada kuu keenayaan xanuun aad u daran. Inkasto badanaa xaaladaha xanuunka caadada uusan sababin xaalad gaar ah, waxuu dhakhtarkaaga dareemi karaa inay tahay laga maarmaan in la sameeyo baaris jireed si loo ogaado haddii ay jiraan xaalado kale ee xanuunka keeni karo. Haddii xanuunkaaga caadada uusan wax jawaab ah ka bixinaynin daawaynta, ama haddii uu dhakhtarka u malaynaayo inay keentay xaalad gaar ah, waxaa laguu gudbin karaa dhakhtarka dumarka. Waxuu samayn doonaa dhoowr baaris iyo habab-socod si loo ogaado sababta keentay xanuunkaaaga caadada.
Waxaa baaritaanada ku jiri karaan pelvic ultrasound (oo ah baaritaan computer sidii loo soo saaro muuqaalka xubnaha dhalidda ee gudaha ku jiro) ama laparoscopy (oo la gelinaayo microscope yar meel laga jeexay caloosha hoose). Waxaa kale oo uu baahan kartaa hysteroscopy (oo ah sawir qaade yar ee la marsiinaayo cawradaada lana gaarsiinaayo ilmo galeenkaaga).

#Daawaynta

Waxaa xanuunka caadada caadi ahaan lagu daawayn karaa guriga. Inkastoo suurto gal ah inaadan awoodin inaad iska wada joojisid xanuunka, waxaa jiraan tillaabooyin kaa caawini karo in la qafiifiyo, ama in la dhimo. Jimicsiga, in la qandiciyo calooshaada hoose, ama in la samaysto qubays qandacan, waxay kaa caawini karaan in la dhimo xanuunka. Farsamooyinka daliigidda iyo nasashada xittaa way kaa caawini karaan. Xaaladaha xanuunka caadada badankooda, waxuu dhakhtarka kuugu la talinayaa inaad qaadatid daawada lagu magacaabo non-steroidal anti-inflammatory drug (NSAID), sida ibuprofen. NSAID waxuu wax u qabtaa qiyaas ahaan ilaa 70% ee dumarka qabo xanuunka caadada dhiigga. Haddii uu NSAIDs wax kuu tari wayo, waxaa lagu qori karaa xanuun-joojiye ka xoog badan. NSAID ma ku habbbono dadka qabo neef, kuwa qabo xanuunka gaaska, killiyaha ama beerka, ama dumarka uurka leh, ama naas-nuujinaayo. Waa inaan la siinin carruurta ka yar 16 sano Asbiriin.

 Haddii aad u baahato daawada looga hortago dhalmada, waxaa laguu qori karaa kaniiniyada isku dhafan ee laga qaato afka loogana hortegaayo dhalmada. Noocaan kaniini wuxuu dheeraad ugu yahay ka hortagga uurka, inuu xittaa yarayo xanuunka caadada. Haddii xanuunkaaga caadada u keenayo xaalad gaar ah, daawayntaada waxay ku xirnaan doontaa xaaladda keentay xanuunkaaga.



#Ref Somali.doc.

Wacyigelin ku saabsan Isnidhaamis (Scabies):

  Wacyigelin ku saabsan Isnidhaamis (Scabies): Isnidhaamisku (Scabies) waa mid kamid ah cudurrada faafa ee ku dhaca maqaarka kaas oo ay sa...