Saturday, September 12, 2020

𝗦𝗔𝗡𝗝𝗔𝗕𝗜𝗜𝗦𝗛𝗔 𝗜𝗬𝗢 𝗖𝗔𝗔𝗙𝗜𝗠𝗔𝗔𝗗𝗞𝗔.

 𝗦𝗔𝗡𝗝𝗔𝗕𝗜𝗜𝗦𝗛𝗔 𝗜𝗬𝗢 𝗖𝗔𝗔𝗙𝗜𝗠𝗔𝗔𝗗𝗞𝗔



Sanjabiilku wuxuu ugu horreeyaa geedo daaweedyada, waxaana lag isticmaalaa wadamo aad u badan, waxaana warbixinta caafimaadkisia laga dhaxlay hindida iyo shiineeska oo weligood u adeegsan jiray in ay ku daaweeyaan xanuunno aan la soo koobi karin.


Laakiin cilmiga cusub, cilmibaarisyo dhowr ah oo lagu sameeyay sanjabiilka waxaa ka soo  baxay dhowr  aarimood oo kal ah:


● Waxaa la ogaaday in sanjabiilka uu alle ku abuuray 115 walxo oo faa'ido u leh caafimaadka laakiin waxaa ugu muhiimsan wax loo yaqaano "Gingerol" oo ka faa'ido badan daawooyin kiimiko ah oo hadda jira loona adeegsado xanuuno kala duwan in lagu daaweeyo.


Maadada Gingerol waaa maado sun-saare iyo caabuqdile xoog leh, waana xanuun baab'iye isku jiro!!!.


● cudurka ugu horreeyo oo sanjabiilka daawo u yahay ama ka hortag loogu adeegsado waa wadna xanuunka iyo wadna howlgabka, 


wuxuu sanjabiilka, tuunta iyo basashaba siyaadiyaan qulqulka dhiiga, waxayna la mid tahay daawada "Asprin-ka" ee la siiyo dadka wadnaha ka xanuunsan, 


waxay kaloo awood siiyaa murqaha wadnaha maadaam uu daciifay, waxayna u shaqeysaa sida daawo loo yaqaano "Digoxin" oo wadnaha murqahiisa ka shaqaysiiso, 


Waxay kaloo waasicisaa howlbowlayaasha dhiiga qaado, waxayna qabataa daawooyink wadnaha ee howshaas loo qaato oo loo yaqaano "Vasodilators", sidaas awgeed sanjabiilku wuxuu kulansaday faa'idada daawooyinkii loo wada qaadan jiray howlgabka wadnaha,


● Sanjabiilku wuxuu kaloo alle ku abuuray awood lalabo dajin iyo matag ka hortag, waana sababta loogula taliyo in haweenka ay adeegsadaan ku kotaroolidda wallaca,


maadaama daawooyinka badanaa lalabada iyo mataga loo qaato uurka ay saamayn ku yeelan karaan uurjiifka, waxaa hooayda lagula taliyaa in ay isticmaasho sanjabiilka,


 waxaa jiro kaniiniyaal laga sameeyay sanjabiilka oo laga helo wadamada qaar, laakiin waxaad badalkooda isticmaali kartaa ni sanjabiilka nooca qoyan aad biyo la dhigto, kadibna biyahaas aad cabto markii lalabo ku qabataba, sanjabiilka ha ruugin wuxuu kugu kicin karaa gaaska.


● Waxaa kaloo sanjabiilka loo adeegsadaa calool xanuunka, calool majiirka iyo dheefshiid xumada, iyadoo loo cabo sidii cabitaan oo kale, wuxuuna ka hortagaa laguna daweeyaa calool fadhiga, 


Dadka ka sheegto dheefshiid xumada, waxaa lagula taliyaa in ay toonta iyo sanjabiilka badsadaan, 


● Sanjabiilku wuxuu sare u qaadaa difaaca jirka isagoo firfircooni galiyo unuygyada difaaca jirka ka qayb qaato khaas ahaan kuwa "lymphocytes-ka" loo yaqaano oo howshuudu ka mid tahay la dagaallanka feyrasyada, sidaas darteed hergabka iyo wixii la mid ah, sanjabiilku aad buu wax uga taraa, 


● Cilmibaaris lagu sameeyay awoodda antibiotic ahaan ee sanjabiilka waxaa lagu ogaaday inuu ka awood badan yahay daawooyinka ay ka mid yihiin: Ampicillin, Tetracycline iyo Chloramphenicol-ka,


 waxay dhakhaatiirtu dhahaan, haddii aad qalliin galaysid ama markaa qalliinka ka soo baxdid oo aad ka cabsi qabtid in aad infekshan ka qaadid meesha lagaa qalay, marso saliidda sanjabiilka, 

 

waxay ka awood badan tahay qallajiyayaasha la liqo, tani waxaa la mid ah oo badalkeeda isticmaali kartaa saliida dhaga-yaraha, 


● Sanjabiilku wuxuu leeyahay awood uu kaga takhallusi karo jeermiska fangaska loo yaqaano oo badanaa keeno caabuqyada maqaarka, waxuu sanjabiilka koobka u qaaday 29 daawo oo la barbardhigay awooda jeermis dilidda fangaska.


● Sanjabiilka qoyan wuxuu bogsiiyaa nabraha caloosha ku samaysma oo gaaska uu keeno, waxaana baaritaan lagu ogaaday arrintaan sanadkii 1980-kii, waliba waxaa waagaas lagu taliyay in lagu badalo daawo loo qaadan jiray laabjeexa oo loo yaqaano "Prevacid"


● Sanjabiilku waa xanuun baab'iye sida dhegayaraha oo kale, wuxuuna ku fiican yahay xanuunada ay neerfaha keenaan.


● Sanjabiilku wuxuu kaloo siyaadiyaa awooda hormoonka insulin-ka waxaana lagula taliyaa dadka qabo sokorowga nooca 2-aad, in ay badsadaan sanjabiilka si shaqada hormoonka naaquska ah u siyaado.l


Sanjabiilku waa geed siyaabo kala duwan loo adeegsan karo, qaab cabitaan, qaab cayriin, qaab saliid, qaab shaah, qaab budo iyo qaabab kalaba, intaba waxaa la ogaaday in watarkiisu uusan isbadalin.

Su'aashaada labaad ee ku saabsan basasha qoraal gooni ah ayaan uga hadlin doonnaa insha'llah.


Fadlan la wadaag walalaha


Abdikadir M. Abdullahi 

Thursday, September 10, 2020

𝗧𝗲𝗲𝘁𝗮𝗻𝗼.

 𝗧𝗲𝗲𝘁𝗮𝗻𝗼



Cudurkaan waa cudur ka mid ah cudurada faafa (communicable diseases) gaar ahaan lixda cudur ee dilaaga ah (six killer diseases)


𝗪𝗮𝘅 𝘆𝗮𝗮𝗯𝗮𝗵𝗮 𝘀𝗮𝗯𝗮𝗯𝗮 𝗰𝘂𝗱𝘂𝗿𝗸𝗮𝗮𝗻


Cudurkaan waxaa sababo noole bacteria oo lagu magacaabo (Clostridium Tetani)

bacteriyada keentay cudurkaan waxa ay jirka ku gashaa marka waxyaabo wasaqeysan ay mudaan ama ay gooyaan qofka jirkiisa, 


waxa kale oo ay jirka ku geli kartaa marka 

meel nabar ah ama dhaawac ah ay taabato ciid wasaqeysan Bacteriyada keentay cudurkaan waxaa laga helaa ciida iyo calyada xayawaanka.


Bacteriyada keenta cudurkaan waxay ku kortaa boogaha iyo dhaawacyada waxayna soo saartaa sun xanuun badan Suntaasina waxay si dhaqsi leh u raacdaa qulqulka dhiigga (blood stream) 


waxayna weerartaa habdhiska dareen wadka (nervous system) suntaasina waxay sababtaa in ay murqaha qofka soo kogaan taasina waa calaamada ugu muhiimsan ee lagu garto qofka qaba cudurka Tetanada 


𝗫𝗶𝗹𝗶 𝗵𝘂𝘂𝗿𝗶𝘀𝗸𝗮 𝗖𝘂𝗱𝘂𝗿𝗸𝗮


Xilli huuriska cudurkaan waa 2 ilaa 16 maalmood


𝗖𝗮𝗹𝗮𝗮𝗺𝗮𝗱𝗮𝗵𝗮 𝗖𝘂𝗱𝘂𝗿𝗸𝗮


1 Qofka oo aan afka kala furi Karin 

2 Qofka waxaa ku adkaada wax calalinta

3 Bukaanka oo ay murqihiisa soo kagaan

4 Bukaanka waxaa lagu arkaa naxdin daran 

5 Bukaanka oo carrabka ruugo 

6 Dhabarka oo gadaal u goto 


𝗣𝗮𝘁𝗶𝗲𝗻𝘁 𝗖𝗮𝗿𝗲


1. Bukaanada qaba cudurkaan waa ay dhintaan haddii aysan helin Tetanus anti toxin iyo xanaano kalkaalnimo oo wanaagsan. 


2 Ka hor inta aadan u gudbin isbitaalka isticmaal Antibiotics sida Penicilline Pial haddii penicilline-tu allergic ku noqoto ugu badal Erythromycine 


3 Ka nadiifi boogaha ama dhaawacyada inta aadan ugudbin isbitaalka. 


4 Haddii aad ku aragto bukaanka oo ay murqihiisa soo kogaan isticmaal Valium 


lexadine Pial lixdii saacba mar adigoo ka isticmaalayo IV 


5 Waxaa kaloo la siiyaa Dextrose solution 5%.


𝗛𝗮 𝗵𝗶𝗹𝗺𝗮𝗮𝗺𝗶𝗻 𝗶𝗻𝗮𝗮𝗱 𝘀𝗵𝗮𝗿𝗲 𝗱𝗵𝗮𝗵𝗱𝗼.



Abdikadir M. Abdullahi 

Tuesday, September 8, 2020

Wax badan ka ogow CHLAMYDIA.

 #Chlamydia

Waa xanuunka ugu dawada sahlan ee kamida STD-ga (Cudurada lagu kala qaado galmada). Waxa dhalin kartaa natiijo xun hadii muddadu dheeraato, hadii aan hore loo daween. 

Chlamydiyadu waxay waxyeeshaa madaxa ilma-dhaleenka. Iyo indhaha lab iyo dhadigba. Astaamaha xanuunku xili kasta way soo bixi karaan. Inta badan waa 1 ilaa 3 wiig marka uu qofka ku dhaco. Hasa yeeshee waxa laga yaabaa inaaney muuqan ilaa muddo dheer laga soo wareego. 


Astaamaha iyo calaamadaha 


Dumarka: 

Astaamaha marka ay doonaan bay soo baxaan. Inta badan 1 ilaa 3 wiig kadib marka aad qaado. Hasa yeeshee, waxa suurtogal ah inaanad wax astaana isku arag ilaa ay mudo kasoo wareegto. Dadka qaar baan wax astaamo ah aan lagu arag. Astaamaha suurtogal ahi waa kuwan: 

●Caadada oo yara badata taas oo sababtay tuubka oo yara weenada.

●Kaadida oo badata/ama xanuun aad dareento marka aad kaajayso.

●Qaybta hoose ee caloosha oo ku xanuunta.

●Xanuun aad dareento galamada.

●Caaadada oo si aan nidaamsanayn u timaada.

●Xanuun iyo barar kaaga dhaca indhaha (hadii infekshanku gaaro).


            Raga:

Astaamaha infekshanku markasta way soo bixi karaan. Inta badan ilaa 1 ilaa 3 asbuuc kadib marka aad qaaday. 


Hasa yeeshee, waxa suurtogal ah inaanad wax astaana isku arag ilaa ay mudo kasoo wareegto.


 Raga ayaa inta badan astaamuhu ka muuqdaan laakiin iyaguna waxa suurtogal ah inaaney waxa astaami ka muuqan.


 Astaamaha ka muuqan karaa waxa kamida: 

●Dhicaan cad oo cawrada ka yimaada.

●Kaadida oo badata/ama xanuun aad dareento marka aad kaajayso.

●Xanuun iyo barar kaaga dhaca indhaha (hadii infekshanku gaaro).


Sidee chlamydiyadu loo qaadaa


Chlamydia waxa loo kala qaadaa: 

●Adoo la seexda qof qaba xanuunka

●Hooyadoo dhalmada ugu gudbisa ilmaha

●Marmar faraha oo marka ay cawrada taabtaan xanuunka u gudbiya indhaha.


#Daweenta 


Hadii laguu sheegay inaad cudurkan qabtid, waxa laguu gudbin karaa lataliye caafimaad si uu kuusiiyo wixii talo ah. 


Lataliyehu waxa uu ku waydiinayaa inaad leedahay lamaane (nin ama xaas) si iyagana loo baadho inay xanuunka qabaan. 


Waa inaad galmo samayn inta si fiican laguu daweenayo, laguuna sheegayo in xanuunkii kaa dhamaadey. 


Dhakhtarkaaga ayaa kuu sheegaya marka arintanu suurogal tahay. 


Dumarka 


Hadii aan la daweyn chlamydiyada waxay isu bedeli kartaa xanuunka pelvic inflammatory disease (PID). Waxa xanuunka gaaraa dhabarka caloosha inta ka hooseesa xundhurta.


 PID waxay ka dhigi kartaa dumarka madhalays, ama ilmaha oo ka qoolma.

Hadii aad chlamydiyada leedhay oo aad ilme dhasho waxa aad waad qaadsiin kartaa. Waxaanu ilmuhu dhalan karaa isagoo indhaha ka xanuusanaya. 


Raga 


Chlamydiyadu waxay sababi kartaa mindhicarka iyo qaybta hoose oo bararta, taas oo keeni karta xanuun. 


Hadii aan la daween xanuuno kale ayay isku badashaa

Marka chlamydiyada lagaa daweeyo, masoo noqoto hadii aaney infekshankii dib kuugu dhacin.


Abdikadir M. Abdullahi 


Wacyigelin ku saabsan Isnidhaamis (Scabies):

  Wacyigelin ku saabsan Isnidhaamis (Scabies): Isnidhaamisku (Scabies) waa mid kamid ah cudurrada faafa ee ku dhaca maqaarka kaas oo ay sa...