Thursday, December 17, 2020

Wax badan ka ogaaw olalka oogada sare ee jirka iyo waxa sababo.

 Wax badan ka ogaaw olalka oogada

sare ee jirka iyo waxa sababo



Olalka oogada sare ee jirka waa dareen lama filaan ah oo ah in la dareemo diirnaasho iyo hur jirka ah qeebaha jirka ee ugu badan laga dareemo olalka waxaa ka mid ah wajiga qoorta iyo xabadka sido kale waxyaabaha la socdo waxaa ka mid ah in maqaarka gaduud noqdo iyo dhidid Inta badan dhididka habeenki waa nooc ka mid ah olalka jirka waxayna caqabad ku noqotaa hurdada.


Olalka jirka waxaa kalo sababi karo xaalado kale oo caafimaad daro ah olalka jirka dumarka intoda badan waxa ay isku arkaan marka ay gaaraan da'da dhalmo goynta.


Calaamadaha lagu garto ama la socdo olalka jirka waxaa ka mid ah.


1-in aad diirnaasho ama kulel  dareento si lama filaan ah kuleelka waxa oo ku sii baaha xabadka qoorta iyo wajiga.


2- in maqΓ arka gaduud noqdo.


3- garaaca wadnaha siyaado.


4-dhidid aad u badan qeebaha sare ee jirka.


5-qarqaryo.


6-in aad dareento wal wal.


Maxaa sababo olalka jirka.


Waxa ugu badan ee sababo jir olalka waa isbadalada ku yimaado hormonada jirka daraasado badan oo la sameeyay waxa ay soo jeediyeen in olalka jirka yimaado marka hoos u dhaco hormonka loo yaqaan #estrogenka.


Dadka qatarka ugu jiro in olalka jirka ku dhaco waxa ka mid ah.


1-dadka sigaarka cabo.


2-dadka aadka u cayilan.


Sidee looga hortagaa ama lagu xaliyaa olalka jirka.


1-waxaa wanaagsan in aad joogto mel qabob ah si heer kulka jirka aan u siyaadin waxaa la dhahaa hadii heerkulka jirka siyaado waxa ay kacinesa in olalka jirka yimaado.


2-waa in aad aad ugu fiirstaa cunada ama cawitaanka aad cabeso cunooyinka kulul ama iidaanka ku badan yahay waxa ay kiciyaan olalka jirka.


3-jooji sigaarka.


4-samee nasiino.


5-yaree miisaanka jirka.




Share dheh walaal

Wacyigelin ku saabsan Isnidhaamis (Scabies):

  Wacyigelin ku saabsan Isnidhaamis (Scabies): Isnidhaamisku (Scabies) waa mid kamid ah cudurrada faafa ee ku dhaca maqaarka kaas oo ay sa...