Saturday, August 28, 2021

5 calaamadood oo kuu sheegaya inuu kugu dhici rabo kansarka naasaha.

 

5 calaamadood oo kuu sheegaya inuu kugu dhici rabo kansarka naasaha

Calaamadahan waxay kuu sheegayaan inuu kugu soo socdo kansarka naasaha.


14397

Kansarka naasaha wuxuu ka mid yahay cudurrada faraha kulul ku haya caalamka dadka ugu badanna ku dhaca. 

Waddan kasta bulshadiisa waxay halis ugu jirtaa cudurkan oo u badan dumarka, balse ragga xitaa qaarkood ku dhaca.

Waxaa jira astaamo badan oo uu leeyahay kabsarka naasaha balse gabdhaha badankood ay iska indho tiraan.

Marka xilli hore la ogaado wuxuu leeyahay wax ka qabasho. Gabdhaha badankood waxaa lagu sameeyaa qalliin looga gooyo naaska xanuunsan haddii aan la daweyn karin si naftooda loo badbaadiyo.

Fadlan ha yaraysanin calaamadahan muujinaya inuu kugu soo socdo cudurkaas dilaaga ah.

1- Qufac joogto ah







Marka aad isku aragto qufac qallalan, neefta oo ku dhibaysa iyo dhuunta oo angagan waxaa suuragal ah in kansar uu ku sii fidayo sambabbadaada.

Xaaladdan waxaa loo yaqaannaa “kansarka naasaha ee heerka sare ah” wuxuuna ku dhacaa 60% ilaa 70% ka mid ah dumarka.

Inta badan dumarka waxay arrintan ku khaldaan hargabka caadiga ah, kumana baraarugaan.

Haddii aad isku aragto fadlan si deg deg ah ula xiriir dhakhtar.

2- Calaamad kasoo muuqata maqaarka

Inkasroo astaamaha kasoo baxa maqaarka ay calaamado u yihiin kansarka maqaarka, haddana waxyaabaha lagu karto kansarka naasaha waxaa ka mid ah in jirka lagu arko meel u eg sida inuu dhiig ku jiro.

Meel noocaas ah oo cusub haddii aad isku aragto ha yaraysanin.

Calaamaddan waxay kasoo muuqan kartaa meel walba oo ka mid ah jirkaaga, sida gacanta, xabadka, naaska dushiisa ama dhabarka.

3- Daal xad dhaaf ah

Daalka qayrul-caadiga ah wuxuu ka mid yahay calaamadaha ugu waawayn ee kansarka.

Inkastoo astaantan aad loogu yaqaanno xanuunnada dhuunta ku dhaca iyo isku dheellitir la’aanta hirmoonnada, haddana ma aha in la yaraysto.

Haddii uu yahay kansar, daalkaas ma baxayo marka aad seexato ama aad nasiino badan qaadato.

Daraasad ayaa muujisay in 10% ka mid ah dadka uu ku dhaco kansarka naasaha ay isku arkaan calaamaddan.

4- Dhibaato dhanka dheef shiidka ah

Caloosha oo istaagta, mindhicir xanuun, xanuun kaadi haysta ah iyo dibirada waxay ka mid yihiin calaamadaha ugu waawayn ee kansarka naasaha.

Bukaannada qaarkood waxay xakamayn waayaan kaadida marka ay qoslayaan, qufacayaan ama hindhisayaan.

Qaar kalena kaadida ma ceshan karaan marka ay qabato.

5- Dhabar xanuun

Siddeed ka mid ah tobankii qofba waxay dareemaan dhabar xanuun.

Sida caadiga ah waxaa dhabar xanuunka keeni kara waxyaabo ay ka mid yihiin fadhiga badan, qaab dhismeedka jirka oo aan toosnayn, culays loo qaado si aan habboonayn iyo dhaawacyada.

Laakiin nasiib darro, dhabat xanuunka wuxuu sidoo kale ka mid yahay calaamadaha kansarka.

Sidaas awgeed, astaamahan oo dhan fiiro u yeelo, haddii aad isku aragtana si deg deg ah ula xiriir dhakhtar.

Thursday, August 26, 2021

Wax Ka Baro Mucjisooyinka Ku Lammaansan Hindhisada.

 

Wax Ka Baro Mucjisooyinka Ku Lammaansan Hindhisada. 

HindhisoHindhisadu waxa ay muhiimad weyn iyo faa’idooyin kala duwan u leedahay nolosha qofka iyo caafimaadkiisa. Hindhisada oo waqtigeedu uu yahay ilbidhiqsi ama ilbidhiqsi badhkii, waa geeri uu qofku dhimanayo kadibna uu mar labaad dib ugu soo noqonayo nolosha. Waana sababta aynu ugu tilmaamayno in ay tahay mucjiso Rabbaani ah oo duruus badan oo ruuxi ah iyo kuwo caafimaadba ku jiraan, waana sababta sida ay culimada Islaamku sheegeen loo sunneeyey in marka uu qofku hindhisho uu yidhaahdo, “Alxamdu Lillaah (Allaa Mahad leh). Waa farxadda uu addoonku Alle uga mahadcelinayo in geeridaa ilbidhiqsiga badhkii ah ee uu qofku ka soo badbaaday.

Qormadan waxaan akhristayaasha kula wadaagaynaa dhowr ka mid ah mucjisooyinka ku lammaan hindhisada:

– Marka uu qofku hindhisayo waxa gebi ahaanba shaqada joojiya wadnaha, iyo sidoo kale dhammaan hab-dhisyada shaqooyinka kala duwan qabta ee jidhka bani’aadamka.

– Haddii uu qofku si xoog leh u hindhiso waxa suuro gal ah in mid ka mid ah feedhihiisu ay jabot cadaadiska xoogga badan ee neefta awgeed.

– Waxa ay khubarada caafimaadku sheegaan in hindhisada kediska ah oo uu qofku doono in uu isku celiyaa ayaa keeni karto dhiig ku furma raqabadda iyo madaxa, taasina ay keenayso khatar illaa heer dhimasho gaadhsiisan.

– Khubarada caafimaadku waxa ay sheegeen in ay dhici karto in uu qofku si kedis ah u dhinto, oo uu ka soo noqon kari waayo istaagista wadnaha iyo unugyada kale ee muhiimka ah.

– In kasta oo aanu qofku awoodayn in marka uu hindhisayo indhaha kala hayo, haddiiba se uu isku dayo qofku inuu xoog indhaha ku kala hayo marka uu hindhisayo waxa dhici karta in ishu ay xoog kaga soo baxdo godkeeda ama xididdada tiftiflayaasha ah ee dhex maraa ay faruurmaan oo ay taasi keento in isha gudaheeda uu dhiig ku furmo

Monday, August 23, 2021

3 xal oo loo haayo dadka uu afkooda soo shiiro.



Maanta laga bilaabo waad heshay xalka ku habboon afka soo shiiro




6190

Sababo badan ayaa keeni kara in afkaaga uu soo shiiro, balse xal fiican ayaa laguu hayaa. 

Inta badan dadku waxay u maleeyaan in nadaafad darro ay sababto xaaladdaas, laakiin xaqiiqdu sidaas ma aha.

Qayb ahaan way jeeni kartaa dadaal xumada dhanka nadaafadda, balse waxaa jira arrimo kale oo dhammaanteen na saameyn kara.

Tusaale ahaan oohka badan ee jirkaaga uu dareemo waxa uu abuuri karaa in afka uu soo shiiro.

Waxaa kale oo arrintaas sababa in qofka uu seexdo habeenkii isagoo afkiisa uu furan yahay.

Haddaba muxuu yahay xalka?

Dabcan anagoodhan subaxdii waan dareennaa inuu afkeenna soo shiirayo, waxaase nagu filan in aan cadeysanno oo aan biyo ku luqluqanno.

Hase yeeshee waxaa jira dad uusan sidaas uga harin shiirka afka.

Waxaa dadka ay arrintan saameyo lagula taliyaa saddex waxyaabood.

1- Biyo badan

Maadaama afka iyo dhuunta oo qallala ay ka mid yihiin sababaha ugu waaweyn ee keena neefta shiireysa, xalka ugu muhiimsan ee la isku difaaci karo waa in biyo badan la cabo.

Xaqiiqi in aad maalintii cabto 6 ilaa 8 galaas oo biyo ah.

Haddii aad taladaas raacdo waa hubaal inaad isbaddal ka sameyn doontid marxaladdaas aad naftaada ku dhibsatay.

2- Liin dhanaan

Ma og tahay in liin dhanaanta ay tahay xal deg deg ah oo lagu baabi’iyo neefta shiirka wadata?

Haddii aad si joogto ah u cabto biyo lagu qasay liin, ama aad liinta sideeda ku ruugto iyadoo xitaa qolofkeeda wadata waxaad ogaaneysaa inay wax badan ka baddashay dhibaatadii kaa heysatay shoirka afka.

Waxaa la mid ah caleenta cagaaran ee shaaha laga sameysto, taasoo iyada qudheeda afka carfisa.

3- Dawooyinka jeermiska lagu dilo

Neefta shiireysa inta badan waxaa keeni kara bakteeriyo ku dhalatay afkaaga oo u baahan in lala dagaallamo.

Hubka ugu habboon waa inaad si joogto ah ugu cadeysato dawooyinka loogu talogalay.

Xasuusnow in aad cadeysato waqti kasta oo aad raashin cunto ama shaah cabto.

Ha raacin dabeecadda ay dad badan leeyihiin oo ah in subaxdii oo kaliya la cadeysto.

Maxaa intaas sii dheer? 

Waxaa laga yaabaa in dhibkaaga uu yahay mid ka duwan waxyaabaha aan kasoo hadalnay oo dhan.

Waxaa jira sababo kale oo keena shiirka afka, kuwaasoo u baahan inaad dhakhtar la kulanto.

Haddii waxyaabaha aan soo sheeg ay aysan xal kuu ahayd waxaa laga yaabaa in neeftaada shiireysa ay ka imaaneyso dhibaatooyin kale, sida:

* Ilkaha iyo cirridka oo aad ka xanuunsan tahay

* Caabuq kaa haya afka iyo dhuunta

* Cillad dhanka caloosha iyo uur ku jirta ah

* Dhagaha oo uu ka jiro xanuun

*Isticmaalka tubaakada iyo sigaarka

Waa inaad booqato dhakhtarka si uu xal caafimaad oo kugu habboon kuugu helo.

Sunday, August 22, 2021

Lugaha Oo La Isa Saaro Marka La Fadhiyo Waxaa Laga Qaadaa Cilladahaan!!

 

Lugaha Oo La Isa Saaro Marka La Fadhiyo Waxaa Laga Qaadaa Cilladahaan!!

Dad badan oo weliba sida tirkoobyadu muujinayaan dumar u badan ayaa markaa ay fadhiistaan lugaha is saarta. Iyaga oo u arka in ay tahay hab quruxsan aadna u soo jiidanaysa indhaha. Qaabfadhigan quruxda laga raadiyo ayaa ay khubarada caafimaadku sheegayaan in uu khatar ku yahay caafimaadka qofka.

Qormadan oo aynu Afsoomaali u rognay waxa ay soo bandhigaysaa qaar ka mid ah dhibaatooyinka caafimaad ee la sheegay in laga qaadi karo fadhiga cagaha la is dul saaro:

– Xididka: Waxa uu dhaawaca neerfaha dhabarka illaa suulka lugta xidhiidhsan ee keena waxa aynu u naqaanno xididka, dadka qaabkan u fadhiista, gaar ahaan dumarkana waxaa lagu arkaa in uu xidid qabto.

– Dhiigga oo kaca: Qaab-fadhiga labada lugood oo is weydaarsan la is-dul-dhigaa waxa ay kor u qaaddaa cadaadiska wareegga dhiigga ee jidhka oo dhan, waxa aana dhacda in qofka oo xitaa aan dhiigkar lahayn, haddana lagu arko in uu dhiiggiisu kor u kacay.

Baadhiataanni caafimaad oo arrintan lagu hubiyey ayaa muujiyeyin fadhigan sababo in dhiiggu si xawli ah u wareego, xawaare iyo xaddi ka badan inta dabiiciga ahna ku gaadho wadnaha.

– Isu dheellitiranaanta miska oo lunta: Qaab-fadhiisiga cago is-dul-saarku waxa uu lumiyaa isu-dheelli-tirnaanta miskaha, haddii qofku muddo caadaystana waxa uu aakhrika dareemaa in labadiisa lugood kala dheeraadeen, oo socodkiisu aanu isu miisaannayn. Sababtuna waa fadhigan oo la badsado ayaa keenta in muruqa cagta hoose oo urura iyo cagta sare oo muruqeedu weynaado, aakhirkanawaxa  ay keenaysaa in ay dhaawacmaan, neerfayaashu, isu dheelli tirnaantuna ka lunto miskaha, waxa kale oo qofka lagu arki karaa qoorta oo xanuunta.

–  Halbawlayaasha dhiigga oo ballaadhan: Qofka oo muddo caadaysta qaab-fadhiga ah in lugaha mid ta kale la dul saaro waxa keentaa khatarta ah in ay ballaadhaan halbawlayaasha dhiigga ee lugta oo ah xaaladda afka qalaad lagu yidhaahdo, ‘Varicose Vein’ in kasta oo ay xaaladdani aalaaba ku timaaddo hidde, haddana waxa ay khubarada caafimaadku caddeeyeen in lugta oo lugta la dul saaraa ay cadaadis kukeento halbawlayaasha, taasina ku keento bukaan, sababaya in wareeggii dhiigga ee lugta soo gaadhayey oo aad u yaraada, waxa aana xigaya in ay daciifaan halbawlayaasha. Dadka xaaladdani ku dhacdo waxaa lagu cagta oo ay xididdada dhiiggu si aan caadi ahayn meelo kala duwan ka soo kuusmo, iyo gashiimo dhiig ah oo yaryar oo lagu arko labada lugood.

Dhabarka oo soo xoodma: Ugu dambayntii waxa ay khubarada caafimaadku sheegeen in haddii qofku muddo 3 saac iyo ka badan u fadhiyo qaab-fadhiga sawirka ka muuqda ee ah in labada lugood la is dul saaro, waxaa dhacda in dhabarku uu soo xoodmo, iyo in dhabarka intiisa hoose xanuun bada yeelato, sidoo kale waxa uu qofku isku arkaa raqabad xanuun.

Khubaradu waxa ay sheegeen in lugaha oo la is-dul-saaraa aanay u fiicnayn si guudba caafimaadka qofka si gaar ahna dumarka.

Wacyigelin ku saabsan Isnidhaamis (Scabies):

  Wacyigelin ku saabsan Isnidhaamis (Scabies): Isnidhaamisku (Scabies) waa mid kamid ah cudurrada faafa ee ku dhaca maqaarka kaas oo ay sa...