Saturday, August 8, 2020

HALISTA MARAQ DIGAAGA


waxaan ka hadlayaa maanta mawduuc muhiim u ah qoys walba oo soomaaliyeed inay wax ka ogaadaan, wuxuu ku saabsan yahay caafimaadkaaga iyo midka qoyskaaga, dhibaatadaas oo ay dhici karto inay jikada kuu taallo, waa "maraq digaaga" lagu daro suugada cunnada lagu cuno.


Maraq digaagu aad ayay soomaalida u isticmaashaa waxayna ku darsadaan suugada si loogu carfiyo, dhanaane loogu yeelo, shirkadaha sameeyo maraq digaaga ay badanaa soomaalidu isticmaasho waa: "Maggi", "Oxo" "Jumbo", "Knorr" iyo "CalNort".


Talow ma isweydiisay, Muxuu maraq digaaga ka samaysan yahay? Muxuuse dhibaato leeyahay?


Xaqiiqada ugu horeyso waxay tahay in aan maraq digaaga laga samaynin "Maraq Digaag", taasi waxaa sii dheer in laga sameeyay waxyaabo caafmaadka u daran oo halis ku galin karo waxaana ka mid ah:

Cusbo: Waxa ugu badan ee maraq digaaga uu ka samaysan yahay waa cusbo weliba xad dhaaf ah.

Dufan: Waxaa ku xiga waa dufan loo yaqaano "trans fat" oo la ogyahay halista ay wadnaha u leedahay maadaama xididada yaryar ee wadnaha xirto.


 

"MSG": Maadadaan waa waxa ugu qatarsan ee ku jiro maraq digaaga, maraykanku waxay u yaqaanaa "slow killing poison" oo macnaheedu yahay "suntii sida aayarka ah wax u dilaysay", cilmibaarisyo kala duwan oo lagu sameeyay maadadaan "MSG" oo maraq digaaga ka buuxdo waxaa la ogaaday inay keento cudurka Goon-jabka, Dhiigkarka, Boogaha gaaska "Ulcer", Beer xanuunka, Hilmaanka / Foojignaan la'aanta iyo xanuun loo yaqaano "Fibromyalgia" oo soomalida ku soo badanayo sanadahaan dambe, 

MSG waxaa laga soo gaabiyay "monosodium glutamate"


Lafo digaag: Markii shirkada "Maggi" ay bilaabaysay samaynta maraq digaaga, waxay ku dari jireen lafo digaag oo la shiiday ama hilib la shiiday, waxaana la dhihi jiray wuxuu galayaa badalka digaaga ma hilibka aad suugada ku darsatid, laakiin waayahaan dambe laguma daro oo waxaa intaa dheer toon, filfil iyo wayxaabo kale oo carfis ah oo shirkaduhu ku kala duwanaan karaan.


Waxay cilmibaarayaashu ku taliyaan in badalka maraq digaagaan suuqyada ganacsiga loo keenay in aad si dabiici ah ku carafsan kartid suugadaada sidii awalba ay soomaalida taqaanay, kabsarcaleenta, toonta, filfisha, xawaajiga iyo wixii la mid ah.


Haddii kale inta aad digaag karsato, maraqa ka miiro oo carfiso, kadibne qaboojiyaha gasho oo maalintii aad wax dallacanayso xoogaa yar ku darso suugada.


Ogow waxaa jiro shirkado aanan ka fakaraynin caafimaadkaaga oo jeebkaaga ku tiirsan, wixii cusub oo aadan aqoon u lahayn baaris ku samee inta aadan isticmaalin.

Somalidoc


Wednesday, August 5, 2020

DIGNIIN: Kaniiniga Viagra.

Dad badan ayaa isticmaala kiniino ay ku xoojinayaan raganimadooda sida Viagra oo suuq xoogan ku leh dunida marka laga hadlaayo dadka la tacaalaaya cilada hami yaridda, balse keena dhibaatooyin caafimaad oo qofka ku keeni kara dhimasho canuunada uu keeno kiniinkani ayaa ah wadna xanuun, madax xanuun daran iyo dawakhaad aakhirkana hadii la joogteeyo wuxuu keena hami yari.

Halkan waxaan idiin kusoo gudbinayaa cunooyinka ay tahay inaad badsato kuwaasoo xoojiya awooda raganimadda.
Ukumaha /Qaraha

Cilmi baaris  badan ayaa daahfuray in uu xabxabku ama
Qarahu yahay cuntadda u dhigmi karta kiniinka Viagra, Xabxabku wuxuu qani ku ayah citrulline maadadan oo jidhka ka caawisay inuu soo daayo xadi badan oo arginine iyo nitric acid.

Nitric acid waxaa la xaqiijiyey inay qayb ka qaadato inay kisico dareenka ninka xoojisana qulqulka dhiiga ee aada xubinta taranka ee ninka.

 

Lawska

Lawsku wuxuu ku caan yahay inuu xoojiyo dareenka rabitaan ee ninka, wuxuu qani ku yahay dufanka omega-3 fatty acids iyo vitamin B3 kuwaasoo qayb ka qaada inay sameeyaan shahwad tayo leh waxayna sidoo kale kordhiyaan qulqulka dhiiga ee aada xubinta taranka ee raga isla markaana ka dhiga mid aan la loodin Karin.

Beedka/Ukunta

Beedka/ukuntu waxay ka mid tahay cunooyinka kaalmaha hore ka ga jira door ka ciyaarista xoojinta hamiga ninka kana dhiga ninka mid ku gacan sareeya kulamada xasaasiga ah , waxaanu qani ku yahay Vitamins D, B5 iyo B6 oo door wayn ka qaata xoojinta hamiga ina rag.

Koostadda

Koostadda waa cunooyinka uugu caafimaadka badan dunida,Koostadu waa cagaar la karsado oo cunno ahaan loo cuno, waxaa afka english-ka lagu yidhaa “Spinach”, waxaa la rumeysan yahay in asalkeedu ay ka soo jeedo dalka Iran.
Laakin meelo badan ayay dunida gaartay oo hada laga isticmaalaa.

Koostadu waxaa aad uga buuxa maadooyinka Niacin, Zinc, Protein, Vitamin A, C, E, K, Thiamin, vitamin B6, Calcium, Birta (iron), Magnesium, POtassium, Copper.
Waxaa ku yar dufanka iyo kolestaroolka, waa qudaar kulansatay nafaqo kala duwan oo jirka qeybihiisa kala duwan wax u tarto.

Joogtaynta koostadu waxay qayb wayn ka qaadataa in hamadaadu saa’id noqoto maadaamo koostadu qani ku tahay nafaqo dhamaystiran waxaana lagu tilmaama inay udhiganto kiniinka Viagraha oo kale.

Muuska

Muusku waxaa ku jirta dheecaan la yidhaahdo bromelain kaasoo la rumaysan yahay inuu siiyo ninka awood kacsi kuna hogaamiyo rabitaan galmo, sidoo kale muusku wuxuu qani ku yahay potassium iyo magnesium kuwaasoo faa’iidooyin badan jidhkeena u leh.

 

Haylka

Hayl Caduhu waa kan uugu sareeye liiska cuntooyinka u dhigma kiniiniga viagraha, waxaa uu qani ku yahay maado looyaqaano cineole, maadadani waxay xoojiyaan qulqulka dhiiga ee aada xubinta taranka ninka taasoo kadhiga mid adag.

Rumaanka

Rumaanku waxaa lagu tiriyaa inuu yahay mid u dhigma badalka kiniinka viagraha, rumaanku sida cunooyinka Kaleen soo sheegnay wuxuu qayb ka qaataa xoojinta qul qulka dhiiga ee aada xubinta taranka xiliga ninku lamaanihiisa wakhtiga la qaadanaayo, waana cunto faa’iidooyin badan leh oo dhinacyo badan loo isitcmaalo

Sinjibiisha

Sinjibiishu waa geed Alle ku manaystay faa’iidyooyin caafimaad balse aynaan ka warhaynin, sinjibiisha waxay qayb wayn ka qaadataa soosaarista shahwad badan oo tayoleh waxayna qofka ka caawisaa in habdhiskiisa dareenwadku si fiican iskula shaqeeyo, sinjibiisha oo inta lagu daro inyar oo malaba la cabo lana joogteeyo waxay ninka ka dhigtaa mid ooridiisu mahadiso.
  

      YICIBTA.

miraha yicibtu waxaa laga helaa faa'iidooyin caafimaad oo aad muhiim u ah, yicibta waxyaabaha ku jira waxaa kamida proteino heer sare ah, sida vitamin E magnesium fiber oo caafimaad badan jirka siinaya isla markaasna wax tar fiican u leh raganimada, waa hadii aad joogtayso oo ugu yaraan maalintii aad laba xabbo ka cunto.

Talo Guud:
Qof walba waa inuu ku dadaalo waxyaabahaan soo socda si uu u helo caafimaad jinsi ah:

Ku dadaal in aad cunto cunno caafimaad leh oo aan la soo warshadayn
Jooji isticmaalka sigaarka, jaadka iyo khamriga
Sameey jimicsi joogto ah
Welwelka iyo diiqada iska yareey
Ku dadaal in aad hesho hurdo  kugu filan
intaasba waa inta ugu muhiimsan oo qof waliba uu samayn karo si uu uga fogaado dhibkaan.

Waxaan ku soo gabagabaynayaa in haddii la helo lamaane is jecel oo is fahansan oo wixii cillad jirta la wada wadaago oon waxba kala qarsan in ay tahay aasaaska guusha sariirta, sababta aan sidan u leeyahay waxay tahay, dhibka ugu badan ee qoysaska soomaaliyeed aysan ogeyn ayaa ah in arintan ay u baahan tahay is xog waraysi oo xalka uusan ahayn kaliya in hal qof xal keeni karo, haddii labada dhinacba xal loo helin, waxba hagaagi maayaan.

Monday, August 3, 2020

7 Sababood Oo Ay Tahay Inaad Uga Fogaato Sonkorta Iyo Waxa Ugu Fiican Ee Aad Ku Badalan Karto:

7 Sababood Oo Ay Tahay Inaad Uga Fogaato Sonkorta Iyo Waxa Ugu Fiican Ee Aad Ku Badalan Karto:
----------------------------------------------------------------------

Nafaqo ma’aha

Waa kalooris maran, oo waxtarkeeda cunto iyo nafaqadeedu aad u yar yihiin. Waxaa intaas u dheer in jidhku si uu u burburiyo una dhammaystiro geeddiga dheefshiid ee sonkorta uu u baahdo in uu dib xubnaha jidhka uga soo qaato faytamiinno muhiim ah.
Arrintani waxa ay sababtaa in nafaqada jirku hoos u dhacdo.

Dufanka ayaa ay jirka ku qabataa

Kalooriska sonkorta ku jiraa marka ay jidhka ku bataan waxa ay sababaan in ay ku kaydsamaan nudaha dufaneed ee jidhka, taas oo sababta in miisaanku uu kordho.

Caro badan iyo qulub

Cilmibaarisyo la sameeyey ayaa daahfuray in uu xiriir caadi ah ka dhexeeyo cunista sonkorta badan iyo in qofka ay ku dhacaan xanuunnada nafsiga ah ee ay ka mid yihiin sakatiga, warwarka, qulubka, iyo xitaa in qofku uu bulshada ka faquuqmo. Sababtuna waa sonkorta oo sababaysa in Insulin ta iyo Adrenaline ta jidhka uu heerkoodu kor u kaco.

Sonkortu waxa ay sababtaa cudurro khatar ah

Sonkorta oo jirka ku badata waxa ay sababtaa xanuunno khatar ah oo ay ka mid yihiin, macaanka, kelyo xanuunka iyo xanuunnada wadnaha ku dhaca. Waxa kale oo suurtagal ah in ay burburiso awoodda uu ganacu u leeyahay in uu si habsami ah shaqadiisa u qabsado.

Sonkortu waxa ay sababtaa suus

Sonkortu waxa ay kordhisaa bakteeriyada afka ku dhaqan, sidaa awgeed waxa ay dishaa dheeha ilkaha.

Waxa ay daciifisaa habdhiska difaaca ee dabiiciga ah

Sonkortu waxa ay hoos u dhigtaa firfircoonida dabiiciga ah ee shaqada habdhiska difaaca. Cilmibaaris ay samaysay jaamacadda Loma Linda ee gobalka California, dalka Maraykanka ayaa iyaduna muujisay in cunista badan ee sonkortu uu raad caafimaad darro ah ku yeesho shaqada unugyada dhiigga cad.

Coor-coorka

Sonkorta cad / aan dabiiciga ahayn oo jirka ku badataa waxa ay burburisaa barootiinka ‘Collagen’ taas oo sababta in coodh-coodh da’diisa ka soo horreeyaa uu jirka ku bato.

Talooyin kaa caawinaya in aad sonkorta joojiso

Habka ugu fiicani waa in aad si tallaabo tallaabo ah u dhinto cuntooyinka sonkorta lagu daro, adiga oo taas beddelkeedana cunaya:

– Khudradda darayga ah iyo ta qallalan. In kasta oo ay sonkorta dabiiciga ahi ku badan tahay khudradad, haddana waa ay ka caafimaad badan tahay sonkorta samayska ah, waxa aanay hodan ku tahay faytamiinno iyo macdanno kala duwan. Waxa la ogaaday in khudraddu ay jidhka illowsiiso baahida iyo doonista uu u qabo sonkorta. Sonkortan dabiiciga ahi malaha kalooris, waxa aanay nafaqaysaa ganaca.

Cilmibaarisyo la sameeyey ayaa daahfuray in sonkorta dabiiciga ahi ay nidaamiso heerka sonkorta dhiigga, isla markaana ay caawiso dejinta dhiigkarka.

– Si tallaabo tallaabo ah u yaree isticmaalka macmacaannada kala duwan.

– Ku dadaal in aad cuntadaada ku soo koobto xilliyada cunto ee waaweyn, iyo in aad waqti go’an cunto, si aad jidhka ugu ilaaliso sonkorta oo hoos u dhacaysa haddii waqtigii jidhku cuntada u baahnaa uu dhaafo.

– Ku dadaal in aad cabto cabbitaannada dabiiciga ah, sida liinta noocyadeeda.

– Gurigaaga, xafiiskaaga, gaarigaaga ama meel kale oo kuu muuqata ha dhigin sonkor ama shay sonkor leh sida shaglaydhka sonkorta leh, si aanay naftu doonistiisa u xasuusan.

– Ku dadaal jimicsiga, gaar ahaan socodka. Xeeldheereyaashu waxa ay ku talinayaan in mar kasta oo aad dareento in aad sonkor ama macmacaan u baahantahay in aad bilowdo socod.


Wacyigelin ku saabsan Isnidhaamis (Scabies):

  Wacyigelin ku saabsan Isnidhaamis (Scabies): Isnidhaamisku (Scabies) waa mid kamid ah cudurrada faafa ee ku dhaca maqaarka kaas oo ay sa...