Wednesday, June 10, 2020

Waa maxay Giardiasis

Bismilahi raxmaani raxiim. 

Waa maxay Giardiasis
?

Giardiasis waa noc ka mid ah bukashada caloosha (Gastroenteritis) waxaa keena bahal yar oo ku dhexnool mindhicirka loona yaqaano Gardia Lamblia. Giardiasis qof walba waa ku dhici karaa, wuxuuse u badan yahay carruurta, iyo dadka waawayn oo da’doodu u dhexayso 20 ilaa 40 sanadood.

Waa Maxay Astaamaha Giardiasis?
Astaamaha ugu badan ee Giardiasis waa shuban, yaqyaqsi / lalabo, calool majiir, waxaa astaamahaas la socon karo qandho, madax xanuun, caajis iyo daal aadan isku aqoon, mararka qaarkoodna qofka astaamo maba yeesho.
Ifakshanka markuu kugu dhaco, 7 ilaa 10 berri ayuu qofka ku jiradaa. Si loo raadraaco jirada waa muhiim in la ogaado halkaad joogtey iyo waxaad cuntay 2dii asbuuc ee la soo dhaafay intaan jiradu ku qaban.

 Xanuunku wuxuu ku dhamaan karaa maalmo yar ilaa asbuucyo hadduu difaaca jirkaaga uu fiican yahay.

Xagee Giardia laga hellaa?

Gardia Lamblia waxaa laga qaadi karaa bini’aadamka ama xoolaha.

Sidee ayey Giardiasis ku Fidaa?
Sida qaalibka ah Giardia waxay timaada marka cunno ama biyo wasakhaysan laga qaato afka, kadibne waxay u gudubtaa qof ilaa qof.
Dadka ay Giardia lamblia ay ku dul nooshahay waxaa laga hellaa saxaradooda. Haddii dadkaasi si fiican aanay u dhiqin gacmahooda, markay musqusha ka soo baxaan, gacmahii wasakhaysnaa ayaa u gudbin kara alaabta dushooda halkaas oo ay taaban karaan dadka kale. gacmaha wasakhaysani waxay iyaguna u gudbin karaan cunadii taas oo qof kale cuni karo. Gacantu waxay kaloo wasakhda qaadi kartaa marka qofku bedelayo naabi ilmo qaba xanuunkaan....

Xigasho somalidocs.



Fadlan share garee..

Sunday, June 7, 2020

MAXAA UU JIRKEYGU U KULULYAHAY MAR WALBA?



 Heerkulka jidhka ee caadiga ah, oo loo yaqaano 'normothermia' ama 'euthermia', waa heerkulka caadiga ah ee laga helo bini-aadanka. Heerkulkaan  caadiga ah waxaa lagu sheegey cabirkiisa in uu yahay inta udhaxaysa ( 36.5-37.5 ° C)- (97.7-99.5 ° F)
Hadii uu intaas ka bato ayaa la oran karaa heerkulka qofka waa uu siyaadey.

Hadaba waxyaalaha ugu badan ee in aad kuleyl ka dareento jirka sababi kara waxaa kamid ah 11 qodob ee aan kuusoo koobey waxayna kala yihiin.

1=  Walaac stress ama wel-wel hadii aad qabto.

 Dareemidda kulaylka iyo dhididka aan caadi ahayn waxay noqon kartaa calaamad muujineysa inaaq tahay qof uu hayo walaac ama stress kaas inta badan sababa in heer kulka gudaha jirka uu kordho.

2= Dhibaato ka jirta qanjirta qanjirka "Thyroid"

 Qanjirkaaga waa qanjir ku yaala qoorta  kaas oo soo saaro hoormoonka tayroodh, kaasoo kaalin muhiim ah ka ciyaaraya dheef-shiid kiimikaadkaaga.

"Hyperthyroidism" waa marka uu kordho soo saarista Hoormoonada Thyroid, waana cilad ku timaada qanjirka oo ah xanuun,
 Tani waxay keeni kartaa isbeddel muuqaal ah oo kala duwan. Oo ay ugu horeyso kul badan ama hur badan in aad dareento oo lugaha iyo dhamaan jirka.

3= Daawooyinka aad qaadato ayaa keeni kara kulka jirka.

Daawooyinka qayb kamid ah ayaa sababa kuleel iyo dhidid joogta ah waxaana daawooyinkaas kamid ah

-antidepressants, including desipramine (Norpramin) and nortriptyline (Pamelor).
-hormonal medications.
-antibiotics.
-pain relievers.
-heart and blood pressure drugs.

Way yaryihiin dadka ay kulka ku keenaan daawooyinkan.

4= Cuntooyinka iyo cabitaanada qayb kamid ah ayaa sababi kara kulka jirka.

In aad qaadato cuntooyin iyo cabitaano kulul ayaa iyaguna sabab u noqon jara kulka aad dareemayso, cuntooyinkaasna waxaa kamid ah cuntooyinka fast food ahaanta loo shiilo oo saliida lagu shiilo, Kafayga iyo qamriga.

5=  "Anhidrosis" xanuunkan ayaa isna sababi kara hadii aad qabto in aad dareento kul badan,

 Anhidrosis waa xaalad aanad dhididi karin inta jidhkaagu u baahan yahay, taas oo horseedi karta kulayl badan.

6=  hadii aad qabto Sonkoroow/macaan ayaa sabab u noqon kara in aad kul dareento.

 Sonkoroowgu wuxuu kaloo kaa dhigi karaa inaad kuley badan dareento
Dadka qaba nooca 1aad iyo nooca 2aad ee sonkorowga waxay aad u nugul yihiin kuleylka. Tani waxay si gaar ah ugu badantahay dadka aanan xakamaynin Sonkorowga ay qabaan  kuwaas oo ay ka dhalato  dhibaatooyin gaara neerfaha iyo dhaawaca ku yimaada xididdada dhiigga.

7= 65 sano hadii aad ku dhawdahay ama aad dhaaftay ayaa iyudana ah sabab kale oo kugu keeni kara in aad kul dareento.

8= haweenku ay Caadadu ka guurto oo dhaafa 45 sano ama ku dhaw ayaa dareema kul badan oo qaarka sare ee jirka u badan waxaana sabab taas u ah isbadalka hoormoonada ah ku yimid haweenayda,

9=  Xiliga Caadada ay gabadhu u joogto ayaa iyaduna ay dareemi kartaa kul badan waxaana u sabab ah isbadalada hoormoonada ee dhacaya waqtigaas.

10= Hooyada uurka leh ayaa iyudana si lamid ah dareenta kulkaas maadaama ay iyudana uu is badal ku imaanayo xiliga uurka hoormoonadeeda.

11= Dhaawac gaara neerfayaasha ah mid kamid ah kuwa ugu badan ee kulka jirka sababa.

 Haddii aad u maleyso inaad la kulantay mid ka mid ah xanuunadan ama xaaladahaa aan soo taxay ee  kor ku xusan, fadlan ballan ka sameeyso Dhakhtarkaada si uu kuu caawiyo.

Hadii aad isku aragto calaamado kale oo dheeraad ku ah sida
-dhidid badan iyo kul joogta ah habeenkii.
- miisaankaada oo hoos u dhacaya
-garaaca wadnaha oo badan ama yaraada
- xanuun xabadka ah
- ama calaamado ka dheeraad ah intaas fadlan horey katag goob caafimaad si laguu caayaraada.



Fadalan Gaarsii asxaabtaada una SHARE garee ama halkaan uga wac qof kuu muhiim ah si uu u faaiideysto.

Dr amen


Wacyigelin ku saabsan Isnidhaamis (Scabies):

  Wacyigelin ku saabsan Isnidhaamis (Scabies): Isnidhaamisku (Scabies) waa mid kamid ah cudurrada faafa ee ku dhaca maqaarka kaas oo ay sa...