Weyneynta Faruuryaha (Lip augmentation)
Weyneysiga faruuryaha waa xaalad u baahan in si taxadar leh loo sameeyo una baahan khubaro Caafimaad oo takhasusyo kala duwan wato iney saameeyaan. Ma ahan wax uu hal ama laba dhakhaatiir ah ay sameyn karaan. Aan usoo daadagee ujeedadeydee, Somalia ma joogaan dhakhaatiir howshan fulin Kara? Jawaabta adiga akhristaha ah ayaan kuu daayey.
Ma isweydiisey halista fog ee kaaga imaan karta qalliinkaan marka laga soo tago diin ahaan ma banaantahay mise ma banaana?
Ma tahay oo ma kugu haboontahay in lagu sameeyo?
Si aad uga jawaabto su’aashan isweydii marka hore, maxay tahay sababta kugu kalifeyso inaad bedesho.
Waxaa jira dad aan macquul eheyn in loo sameeyo qalliinkaan oo qabo xanuuno kale oo qarsoon loona baahanyahay in baaritaan dheeraad ah loo sameeyo ka hor inta aanan lagu sameyn qaliinka noocan ah. Haddii adoo qabo xanuunadaas lagugu sameeyo waxaad geli kartaa halis caafimaad oo daran waxaana ugu horeeyo inaad tahay qof
1 xasaasiyad ku qaba dawooyinka loo isticmaalo sameynta howshan.
Qiimaha sameynta qalliinkaan?
Waa ay kala duwantahay oo waxay ku xirantahay:-
Nooca qaliinka lagugu sameynayo
Khibradda dhakhtarka howshan fulinayo
Iyo halka aad ku nooshahay
Qiimaha ugu yar ee hooshaan duriinka afka waa 750$
Maxaad rajeyneysaa inta lagu guda jiro hoshaan?
Habka loo durayo cirbadda ayaaba ah farsamo kale oo dheeraad ah xitaa waxaa dhacda mararka qaar dhakhtarka sameynayo inuu xiro neerfe si aadan u dareemin xanuunka waana halis kale oo dheeraad ah waa haddii qofka sameynayo uusan laheyn khibrad ku filan. Waxaa jirta dhibaato kale oo aynaan horey usoo sheegin oo ah haddii aad qabto dhibaato la xiriirta xinjireynta dhiigga oo aadan ogeyn inaad qabto loona baahanyahay inaad ka feejignaato. Waxaa soo raaco inaad qabto cudurka sonkorta iyo Infekshan-ka la yiraahdo oral herpes.
Dhakhaatiirta la rabo iney saameeyaan qalliinkan
Waxaa ugu horeeyo dhakhtarka cuduradda maqaarka Dermatologist, dhakhtarka la yiraahdo
Gaar ahaan dhaqaatiirta ku taqsustay (Plastic surgeons) oo ah kuwa bedela muuqaalka dadka iyo dhakhtar kale oo la dhaho Cosmetic facial surgeons.
N.B Kama dhigna in sedexdaan uun loo baahanyahay ee waa kuwa ugu muhiimsan qalliinkan
Maxaa ka dhalan Kara marka lagugu sameeyo qaliinka ka dib?
Waxaa jirta dhibaatooyin caafimaad oo kaaga iman Kara markii lagu dhameeyo qaliinkan waxaana ka midda:-
DHIBAATOOYINKA
1.In labada dada faruuryood ayba isla ekaan waayaan
2. Infekshan
3. Barar muddo qaata
4. Kuuskuusyo iyo in faruuryahaagu sidii aad rabtey aysan noqon
• Faruuryaha oo adkaada iyo Iw
WAQTIGA OO JIRIKARO FARSAMADAAN
Wuxuu faruurya haaga sii weynaan karaa
ugu badnaan 18 bilood kadib waxaa imanayaa isbadal Sida muqaalka afka iyo dad daada oo kala weyn.
Fadlan nagu soo biir si aad uga mid noqoto dadka ugu horeeya ee ka faaiidaysta talooyin caafimaad aan soogalino bloggaan #follow #like dheh mahadsanid
Akhriste waxan rajaynayaa in aad wax badan ka faaiiday qormadan hadaba ha hilmaamin in aad sii gaadhsii so asxabtaada iyo bulshada kale si ay uga faaiidaystan #SHEER dheh mahadsanid
Dr shaahid
Abdikadir M. Abdullahi
No comments:
Post a Comment