Saturday, October 3, 2020

Cunooyinka Gaaska uroon

 Cunooyinka Gaaska URoon



1- Malabka: malabku waa daawo, waxaan kula taliyaa bukaanada qaba gaaska soo laalaabto oo wax badan iskaga gartay in subaxii markuu qofka soo tooso isagoo waxba cunin in koob biyo caadi ah uu ku darsado hal qaado weyn oo malab saafi ah, kadib isku qaso sidaas uu ku cabo, badanaa gaaska nooca stresska ka dhasho ama dadka boog calooleedka qababa way ku caafimaadaan, waxaa muhiim ah in aad iska hubiso in malabka uu saafi yahay, hadduusan saafi ahayn waad ku sii xanuunsan kartaa.


2- Burka Shoofaanka ah: waa bur ka samaysan maaddo af english-ka loo yaqaano "Oatmeal" waxaa la yiraahdaa cunanda ugu fiican ee lagu quraacdo dadka gaaska qabo in ay tahay, caloosh markii lagu rido waxay nuugtaa wixii Acid caloosha ku jiray, gaajadane way u fiican tahay oo waa lagu dhargaa.


3- Zanjabiilka qoyan: Sanjabiilka qoyan wuxuu yareeyaa laabjeexa iyo biyaha kulul oo qofka ku soo rogmado weliba markuu cunno gaas kiciso markuu qofka cuno, iska ilaali sanjabiilka qalalan kaasi gaaska wuu kiciyaa, qaabka loo isticmaalo waa in aad biyo caadi ah dhexdhigtid si uu ugu milmo kadibna biyaha aad cabto ama aad cunnada ku darsato.


4- Dacarta: geedka dacarta "Aloe Vera" waxaa lagu daaweeyaa gaaska nabarka ah oo raaysan diiday, hadane waxaa jiro shirkado u sameeya qaab daawo ah, ku dadaal in aadan toos u isticmaalin geedka laakiin aad raadsato isagoo la soo sifeeyay waxaana lagu gadaa farmashiyada ama dukaamada waawayn qaar, wuxuu daboolaa nabarada caloosha ku yaalo oo uu gaaska keeno waana daawo aad u fiican.


5- Qudaarta/ Cagaarka /Saladka: intaba way u roonyihiin gaaska, dadka badanaa badasadane gaas iyo calool fadhi intaba isma arkaan.


6- Caanaha: caanaha subagga laga saaray oo la qaboojiyay waxay yaraysaa acid-ka caloosha, waana muhiim in caanaha aysan ahayn kuwa fadhi ama suusac ah, waa in ay dhaay ahaadaan fresh ah ama caanaha gasacyada ku jiro.


7- Shaaha cagaaran: shaahaan oo faaidooyin la soo koobi karin leh waxaa la sheegaa in gaaska iyo dibbirada uu yareeyo.


8- Babayga: caloosha wuu bixiyaa wuxuuna yareeyaa acid-ka caloosha, dheefshiidkane wuu wanaajiyaa, laakiin liin dhanaan iyo sokor haku darin.


Intaa waxaa sii dheer in ay jiri karaan cunnooyin iyo waxyabo dabiici ah oo aan halkaan lagu soo koobi karin oo qofba khibradiisa ku arkay inay faa'ido u leedahay, waxaa kaloo jiri kara waxyaabo lagu kala duwanaan karo oo gaaska ku kicin karo meesha dad kale uu ka dajin karo, waxaa waxyaabahaas ka mid ah liinta, mooska, kalluunka, timirta iyo waxyaabo kale.


Waxaa muhiim ah in aad ka fogaatid basbaaska, waxyaabaha shiilshiilan ama dhanaanka ku badan yahay, cunanda khamiirka lagu badiyay sida canjeerad qaar, cabitaanada acid-ka leh, qaraha, ananaaska iyo wixii la mid ah


Abdikadir M. Abdullahi 

Wednesday, September 30, 2020

Macluumaad Aad Kuu Anfaci doona Dadka Kale ayagane Anfaci doona Haddaad U Sii Shar gareyso , Sadaqo Jaariyane Waa Kuu tahay.

 Macluumaad Aad Kuu Anfaci doona Dadka Kale ayagane Anfaci doona Haddaad U Sii Shar  gareyso , Sadaqo Jaariyane  Waa Kuu tahay


:


1: Ma Ogtahay in Xilliga Cunuga Uurjiifka yahay Waqtiga hurdadiisa Uu Arki Karo dhamaan Meerta Nololeedkiisa Laga bilaabo Marka Uu U Soo baxo ifka  ilaa Uu Ka dhinto .?


2: Ma Ogtahay in Koofiyadaha ay Gashtaan Ardayda Ka qalinjebisa jaamacadaha Asalkeeda laga Keenay Muslimiintii Ku Nooleed Bilaadul-Andulus 


 Taas Oo Micnaheedu ahaan jirtay in Kitaabka Musxafka Madaxa la saarto 

Si loo dhaqan geliyo Hadalka Allah Ee Ahaa

{وفوق كل ذي علم عليم}: 


3: Ma Otahay in Cigaalka ay Hadda Madaxa Saartaan Madaxda Carabta Uu yahay Dhaqan ay lahaan jireen Muslimiinti Al-Andulus Ku Noolaa Waagaas Waxa Uu ahaa Midab  Cadddaan ah..


Lkn Hadda Waa Midab Madow ah Sababta Looga dhigay Midabka Madowga ah  Waa Murug Laga Mureysan yahay Qabsashii laga qabsaday Muslimiintii Al-Andulus


Midabkaa Madowga ayuu ahaan doonaa ilaa ay Ka soo laabato Dhulkii Al-Andulus Ee Laga qabsaday Muslimiinta.


4:  Ma Ogtahay 1400Sano Ka hor in ay Soo dagtay Aayadan ah   " إقتربت الساعة"  yaa Allah !!


5: Ma Ogtahay Dhediga in ay Ka Fadli badan tahay Labka Sida Ka Muuqata Aayadan Barakeysan   =   " وليس الذكر كالأنثي" 

Qaacido ahaan Sidaa ayaa ayey tilmaameysaa

Lkn Annaga Waxaan U qaadanay Bil Caksi Oo Labaka ayaa Ka fadli badan dhediga.


6: Ma Ogtahay Marka Aad Hindhisooneyso in Dhamaan Xubnaha  jirkaaga Shaqada joojinayaan .? Daqiiqado Ka dibne  Caadi Ku Soo laabanayaan , Una shaqeynayaan Sidoodii hore  .!


Sababta Allah Loogu Xamdiya Waxeey tahay in Mar labaad Xubnahaada Shaqadii Ku soo laabtaan Kuu Suurta geliyay. 


7: Ma Ogtahay Aadem Csw in Uu Ahaa Basharka Kan Ugu Madow Xagga Midabka Nisbo ahaan dhoobada Laga Abuuray Waxeey aheeyd 6:3:1 Madowga Waa 6= Caddaanka Waa 3 =Midabada KaleAyagane Waxeey ahaayeen= 1?


8: Ma Ogtahay Cunuga  Uur jiifka ah inta Uu Ku jiro Caloosha hooyadiis 6da  bilood Ee Ugu horeeyso Waxaa Uu Beerkiisa Ku  Keeydsadaa Xaddi Aad U badan Oo Xadiid ah {bir ah} Taas Oo Uu Adeegsan doona inta Uu Aduunka nool yahay.?


9: Ma Ogtahya in Haamaansigu Micnihiisu aheeyn Hurdo Ku hayso Lkn Ujeedka Aad U hamaansaneyso Waa jirkaaga Oo U baahan Oxygen badan 


10: Ma Ogtahay Markii Aad Salaadda Ka  baxdo Haddaad Ka Cararto Meesha Aad fadhisay in ay Halkaa Kugu dhaafayaan Fursado Aad U badan Sida Ducada Malaa'igta Rabbi.


"Waxaad soo gaartay dhamaadka Waa Markii Aad U duceeyn laheed Walaalaha Muslimiinta.


NB waxan idinka codsanayaa macluumaad walbo ood ka hesho inaa asxaabtaada kuwa aad ugu jeceshahay aad mention soo dhahdo si ay noola faa iidaystaan ogow dad ku saaxiibay dar ilaahi waxay kamid yihin kuwa carshiga alle hadhsan doono maalinka lawada dhuban yahay allow noo gargaar.


Macluumaad aad u qaali 1k oo share baan rajaynayaa maanta bal si un u gaadhsiiya kol aa groupyada ku share garaaysan qadarintu bini aadanimaday kamid tahay🙏🙏🙏.


Sunday, September 27, 2020

KANSARKA JIDIINKA / DHUUNTA/ HUNGURIGA (ESOPHAGEAL CANCER).

 TALO CAAFIMAAD


KANSARKA JIDIINKA / DHUUNTA/ HUNGURIGA (ESOPHAGEAL CANCER)



Waa maxay kansarka jidiinka?


Waa kansarka kudhaca unugyada ku weeqaaran gudaha dhuunta , lagabilaabo cunaha ilaa caloosha inta u dhexaysa. 


(sidee kuyahay bulshada soomaalida)


Kansarka jidiinka oo aad ugusii kordhaya bulshada soomaalida wuxuu kudhacaa sida badan dadka waayeelka ah oo da’dooda 60 sano tahay celcelis. Wuxuuna kudhaca inta badan raga boqolkiiba 80 ( prevalence Male:female = 4:1 )


NOOCYADIISA (TYPES) 

Wuxuu ukalabaxaa labo nooc, kuwaas oo kala aha :


1. Squamous– noocan oo kabilaaban kara meel walbo oo jidiinka kamid aha


2. Adenocarcoma  - noocan wuxuu kabilowda isgoyska udhexeeya caloosha iyo jidiinka,gaaska caloosha daraadeed oo dib ugusoo noqda jidiinka


ARRIMAHA SABABA/KEENA (RISK FACTORS)


1. Sigaarka oo lacabo ( tobacco smoking )


2. Khamra badan oo lacabo ( high alcohol intake )


3. Cabitaanka kulul oo mudo dheer lacabo sida shaaha mise qaxwada ( long term consumption of hot beverages for example tea or coffee)


4. Nafaqo xumo – sida cuno ay kuyartahay fiitamiinka A , C , iyo cunada leh kiimikada looyaqaano Nitrosamines sida cuntada qiiqa lagukariyo ( consumption of diet deficient in vitamins A , C and nitrosamine containing foods found in smoked and pickled foods  )


5. Shucaac mar hore qof lagudaaweeyay ( prior radiation therapy)  


6. Cayilka (obesity)


7. Cunada saliida xoolaha kubadantahay ( diet rich in animal fat and cholesterol)


CALAAMADAHA LAGUGARTO QOFKA QABA KANSARKA JIDIINKA(SYMPTOMS)


1. Qofka oo liqida dhibto ama xanuujiso ( difficulty or pain while swallowing )


2. Cunada oo dib jidiinka ugusoonoqota ( regurgitation)


3. Qofka oo miizaankiisa hoos udhoco ( loss of weight)


4. Feedho xanuun ( chest pain )


5. Mantaq ( vomiting )


6. Iyo calaamadaha markuu jidhka kufaafo lagu garto sidha Higo ( hiccoughs), bog xanuun (abdominal pain)dhabar xanuun(back pain), xabeeb (hoarseness of voice ) cagaarshow (jaundice) neefta oo qofka dhibta ( difficulty in breathing ) saxarada oo madoobaata (melena)


SIDA LOOGA HORTAGO (PREVENTION)


1. In aadan cabin khamrada iyo sigaarka ( do not consume alcohol and smoke cigarette )


2. Cabitaanka kulul ood iskayarayso ama iskadhaafto ( stop consuming  hot beverages)


3. In aad iskajoojiso cunada warshadaha lasoomariyay ama kuwa qiiqa lagukariyay ( stop consuming processed and smoked foods)


4. In aad cuntid cuno dheelitiran oo iskugujirta noocyada cuntada oo dhan sida khudaarta iyo miraha ( take balance diet rich in vitamins e.g vegetables and fruits )


5. In aad kudadaasho sida aad iskagabadali lahayd hab dhaqameedka nooleed sida jimicsiga jidhka (lifestyle changes e.g regular exercise) 


6. In aad iskayarayso saliida xoolaha lagadhaliyo ( minimize consumption of animal fats and cholesterol intake)


SIDA LAGU OGAADO(INVESTIGATIONS)


1. Dhiigga guud – dhiig yari (anemia)

2. Barium swallow

3. In tuubo bukaanka jidiinka lagagaliyo (Endoscopy )

4. CT scan

5. In qofka hilib yar ama dhaacaan lagaqaado ( biopsy)


DAAWEYNTIISA (MANAGEMENT)

1. Qalniin hadii uu bukaanka xili quman xaaladiisa laogaado ( surgery )


2. Radiotherapy 


3. Chemotherapy 


4. Iyo in bukaanka lalatacaalo si uuna cudurka usiifaafin ama dhibka xanuunka lagabar yareeyo (palliative care)


F.G : mar walbo laxariir dhakhtarka si aad u hubsato heerka caafimaadkaaga hadaad iskashakido, waxaadna ogaataa cudurada qaarkood waa isku calaamado!!



Wacyigelin ku saabsan Isnidhaamis (Scabies):

  Wacyigelin ku saabsan Isnidhaamis (Scabies): Isnidhaamisku (Scabies) waa mid kamid ah cudurrada faafa ee ku dhaca maqaarka kaas oo ay sa...