Wednesday, January 22, 2025

Wacyigelin ku saabsan Isnidhaamis (Scabies):

 Wacyigelin ku saabsan Isnidhaamis (Scabies):



Isnidhaamisku (Scabies) waa mid kamid ah cudurrada faafa ee ku dhaca maqaarka kaas oo ay sababto cayayaan ku dul nool maqaarka (scabies mite, Sarcoptes scabiei) wuxuuna keeni karaa cuncun daran, finan, iyo dhaawac maqaarka ah. Waa cudur aad u fudud in laga qaado dadka kale, sidaa darteed wacyigelinta caafimaadka ee ku saabsan isnidaamis waa mid muhiim ah si loo fahmo sida loo xakameeyo iyo sida looga hortago..


Isnidaamisku waa cudur qof walba ku dhici karaa, waxaa la qiyaasa 204 million inuu saameyey dunida oo dhan, wuxuuna ku badan yahay dadka waaweyn iyo caruurta.


Yaa u nugul inuu cudurkaan ku dhaco?

- Barakacayaasha 

- Dadka aan nadaafadooda ficneyn

- Dadka difaacooda jirka hooseeyo

- Dadka hooy la’aanta ah 

- Dadka nafaqadarrada heyso.

Sidookle, isnidaamisku wuxuu ku dhici karaa qoyska iyo caruurta isla ciyaarta xilliga iskuulka ama meel wada seexda.


 Sida Loo Qaado (Transmission):

Istaabasho toos ah:

Isnidhaamis wuxuu ku faafo iyadoo la isku taabto ama la isku raaco qof qaba cudurka. Cudurka waxaa lagu qaadi karaa siyaabo kala duwan:

Istaabasho toos ah mudo ka badan 15 daqiio sida in caruurta isla ciyaarto ama dadka xaaska oo jirkooda isku dhaganaado.


 La wadaagista dharka, gogosha.

 Haddii qofka qaba cudurka uu isticmaalo dhar ama gogol aan la nadiifin, Isnidaamisku wuu ku faafi karaa.

 Astaamaha Isnidaamisku (Scabies Symptoms):

- Cuncun iyo finan:


 Cuncunka ayaa ah astaanta ugu weyn ee isnidaamisku. Cuncunku wuxuu noqon karaa mid daran, gaar ahaan habeenkii. Finanka waxay ku soo muuqan karaan meelaha ay isnidaamisku ku ku noolaanayaan, sida gacmaha, faraha, suulka.


- Finan:


 Meelaha ay ku jiraan isnidaamisku waxay u muuqan karaan finan casaan ama biyo afka ku wato.

- Dhibaatooyin caafimaad oo kale: 


Haddii cudurka aan si degdeg ah loo daaweyn, waxaa suurtogal ah inuu keeno dhibaatooyin caafimaad oo kale, sida infekshan maqaarka ah iyo caabuqyo dheeraad ah.


 Sidee Looga Hortagi Karaa Isnidaamisku?


- Ka fogow taabashada dadka qaba cudurka:


 Haddii aad ogtahay in qof uu qabo isnidaamis, isku day inaad ka fogaato taabashada tooska ah ee maqaarka. Sidoo kale, ka fogow wadaagista dharka iyo agabka kale ee shakhsiyeed.


 Nadaafadda shaqsiga ah:


 Nadiifi gacmahaaga si joogto ah, gaar ahaan ka dib markaad taabato meelaha dadweynaha ama kadib markaad dadka kale la xiriirto.

- Nadiifinta dharka iyo gogosha: 


Dharka iyo gogosha qofka qaba cudurka waa in si fiican loo nadiifiyaa, waxaana lagu talinayaa in la dhaqo heerkul sare (60°C) si loo dilo isnidaamiska.


 Wacyigelin dheeraad ah:

 Daawaynta qofka qabo cudurka:


 Qofka qaba cudurka waa inuu helo daaweyn si degdeg ah si looga hortago faafinta cudurka iyo dadka la nool xitaa haddii aysan jirin astaamo badan, waxaa muhiim ah in qofka uu raadsado daaweyn caafimaad.

- Ka hortagga cudurka: Waxaa muhiim ah in wacyigelin loo sameeyo bulshada si loo fahmo sida cudurku u faafi karo iyo sida looga hortagi karo, gaar ahaan marka ay jiraan xaalado caafimaad oo faafitaan ku keeni kara sida iskuulada ama goobaha caafimaadka.

Xilliyada uu cudurkaan aadka u faafo waa in wacyigelin guud la siyo gaar ahaan xanaanooyinka caruurta, iskuulada, madarasooyinka.

Haddii hooyadu caruurteeda ay ku aragto astaamahaan waa inaysan u ogolaan inay aadaan goobaha waxbarashada, sidaas si lamid ah macalimiinta haddii ay ku arkaan astaamahaan ardada waa inaysan u ogolaan goobaha waxbarashada.


 Gabagabo

Isnidhaamis waa cudur faafa oo ka dhasha isnidaamiska ku jira maqaarka, waxaana lagu qaadi karaa taabashada, la wadaagista dharka, iyo galmada. Cudurka wuxuu keeni karaa cuncun daran iyo finan, waxaana muhiim ah in la raadsado daaweyn caafimaad si loo xakameeyo cudurka iyo ka hortagga faafinta. Si looga hortago cudurka, waxaa lagama maarmaan ah in la raaco talooyinka nadaafadda shaqsiga ah,, oo la sameeyo wacyigelin guud oo ku saabsan cudurka scabies.


Haddii aad qabto su'aalo ama aad rabto wacyigelin dheeraad ah, waxaa fiican inaad la xiriirto dhakhtarkaaga ama xarunta caafimaadka ee kuugu dhow ama halkaan iigu reeb fariin. 

La wadaag asxbtaada si ay ugu faaideystaan. 


  Mahadsanid πŸ’₯


W/Q: Dr. Abdikadir M. Abdullahi 



Wacyigelin ku saabsan Isnidhaamis (Scabies):

  Wacyigelin ku saabsan Isnidhaamis (Scabies): Isnidhaamisku (Scabies) waa mid kamid ah cudurrada faafa ee ku dhaca maqaarka kaas oo ay sa...