Saturday, October 17, 2020

๐—•๐—น๐—ฒ๐—ฝ๐—ต๐—ฒ๐—ฟ๐—ถ๐˜๐—ถ๐˜€

 ๐—•๐—น๐—ฒ๐—ฝ๐—ต๐—ฒ๐—ฟ๐—ถ๐˜๐—ถ๐˜€



Waa caabuq ku dhaca isha baarkeeda,caadiyan caabuqaani wuxuu ku dhacaa caarada hore ee baarka isha (eyelids) meesha tintu ka soo baxdo.xaaladaanid waxay korartaa markii ay xirmaan qanjidhada yaryar ee ku yaal mesha ay tintu ka sobaxdo ee isha baarkeeda hore,taasoo keenaysay.

1-barar

2.Gaduudasho

3.cuncun


๐—–๐—ฎ๐—ฎ๐—น๐—ฎ๐—บ๐—ฎ๐—ฑ๐—ฎ๐—ต๐—ฎ (๐—ฆ๐˜†๐—บ๐—ฝ๐˜๐—ผ๐—บ๐˜€)


1-isha oo aan la isu hayn karin.

2-ilin iyo isha oo gaduudata.

3-cun-cun

4-baarka isha oo rifma ama tifma.

5-isha oo hurta dareentana mudid.

6-isha oo u muuqata imd duxleh.


๐——๐—ฎ๐—ฎ๐˜„๐—ฎ๐—ฑ๐—ฎ (๐—ง๐—ฟ๐—ฒ๐—ฎ๐˜๐—บ๐—ฒ๐—ป๐˜)


1-Nadiifi malinkasta ado istimalaya maro nadifa ah iyo biyo diiran.

2-Qaado dawoyinka caabuqa(anibiotics)

3-Ka daaweey calaamada ku soo kordha sida:

xanuun,barar iyo cun-cun.


Wednesday, October 14, 2020

๐Ÿ’—๐Ÿ’—FARIIN CAAFIMAAD ๐Ÿ’—๐Ÿ’—.

 ๐Ÿ’—๐Ÿ’—FARIIN CAAFIMAAD ๐Ÿ’—๐Ÿ’—



1-Maxaa sababa in inta badan caruurta la keeno isbitaaalada ee dhamaantood ama badankood ka cabanaayaan caabuqa ku dhaca dhagaha ama dhagaha dilaacaan oo dheecaan ama malax ka keenaan dhagaha  ???


2-Maxaa sababa markii laga daaweeyo dhaga dilaaca  inuu soo laab laabto dheecaanka oo markale dhagta dilaacdo  ???


3-Maxaase ku badiyay caruurta dhaga dilaaca  oo dadka waaweeyn ugu yartahay dilaaca dhagaha ??


Sadaxdaan suaal ayaa ubaahan jwb sax ah in loo helo si xal looga gaaro dhaga dilaaca ku badan ilmaha insha allaah ....

Si fudud ku ogoow ?? Si fududna uga hortag

insha allaah ....


1-  Maxaa sababa in inta badan caruurta la keeno ibitaaalada ee dhamaantood ama badankood ka cabanaayaan caabuqa ku dhaca dhagaha ama dhagaha dilaacaan oo dheecaan ama malax ka keenaan dhagaha  ???


waxa ugu badan ee sababa ayaa ah masaasada jiifka caanaha lagula siiiyo ama cunuga asaga oo jiifo in masaasad afka loo geliyo laguna seexiyo waa waxa ugu badan ee keeno daga dilaaca ilmaha...


๐Ÿ’—Sidee ku keeni kartaa ???


...ogoow hadiii cunuga oo jiifo aaa caaano masaasad afka ugiliso ineeey toos dhagta ugalaaayaaan caanahaas  maadaaama qaaab dhismeedka duleelka ama tubada  udhaxeeyo dhagta iyo cunaha ee loo yaqaano  ( eustachian tube )  eetahay  mid toos ah ama si jiiif jiif ah ufuran  ( horizontal ) taas oo keeneeso hadii cunuga jiif lagu siiyo caanaha ineey galaan dhagta kadib maalmo kooban eee meeshaas ka dhalato caabuq ama infection ( otitis ) ku keeno in cunuga dhagaha dilaacaan marka hooyo ka ilaaali in cunugaaada aaa jiiif ku siiiso caanaha si aaad uga hortagto dhibaatadaaaas ...insha allaah 


2-  -Maxaa sababa markii laga daaweeyo dhaga dilaaca  inuu soo laab laabto dheecaanka oo markale dhagta dilaacdo  ???


dheecaanka caabuqa  inuu soo laablaabto waxaa sababa hadiii markii aaadka daaaweeyso caabuqiii ku dhashtay meesha aa hadana dib usiiso masaasadii caanaha cunaga oo jiifo  , markalana dib ugalaaan dhagta sidaas ayaana ah sababta keento in caabuqa uu soo laablaabto  marka hoooyo kadaa ama ka ilaali in cunuga aaa jiif ku siiso caanaha masaasada...


3- Maxaa  ku badiyay caruurta dhaga dilaaca  oo dadka waaweeyn ugu yartahay dilaaca dhagaha ??


waxa dadka waaweeyn ugu yartahay ayaaa ah- dadka waaweeyn dhagtooda eeysan ugu furneen dhagtooda  cunaha si tooos ah ama jiif jiif ah  ( horizontal ) lkn waxeeey ufurantahay si dadban ama joogjoog ah  ( vertical ) taaas oo keeeneeyso xitaaa haduuu jiif wax ku cabo sida biyo iyo wax la mid ah in waxiii uuu cabay ugudbin dhagaha maadaaama qofka marka uuu weeynaado qaaab dhismeedka dhagta is badaleeyso..


Ugu dambeen waxaa jiro wax yaabe kale oo kooban oo sababi kara sida qunfaca badan ooo dilaacin kara xuubka dhagaha marka hooyo asna hadaaa ku aragto qunfac geeey goobta caafimaad ee kuugu dhaw insha allaah ..

๐Ÿ’—#fadlan cunugaada caanaha haku siinin jiif adiga oo isticmaalaaayo masaasada...


#Share gareey si dadka dhan uga faaideestaaan insha allaah...


#like Gaaarsiii asxaabta adiga oo mahadsan.....

Sunday, October 11, 2020

SIDEE LA ISKU CAYILIYAA?

 SIDEE LA ISKU CAYILIYAA?


Codsi Ka Yimid Asxaabta


Wuxuu ahaa qof caato ah waliba waligii qofna kuma fikirin in uu cayili doono, xata dadka qaar waxay gaareen heer marka caato lasoo hadal qaado lagu soo halqabsado, hebel siduu ka yahay caatanimada waxay ahayd ereyga ugu badan ee la dhihi jiray marka qof kale oo caato ah laga sheekaynayo. 


Fulay xantiisa ma mooga isagu wuu ogaa waxa dadku ka aaminsanaayeen balse awood uu isku cayiliyo ma hayn, waddo kasta ayuu raadiyay uu ku cayili karo, xitaa kaniniyaal ayuu isticmaalay balse wax is badal ah kuma arkin ilaa markii dambe uu iska dhaadhiciyay in aanba cayil loogu talagalin


Wajiga ayuu lafo lafo ka ahaa waana waxa ugu darnaa oo uu ka walwali jiray, waxaa wax walba uga darnaa ereyada dhagihiisa ku dhacayay sida bahal ayaa qabta, baabasiir miya ku haayo, iyo ereyo aan u rooneen dhagihiisa. Subax ayuu soo baxay si uu dhakhtar ula tashto waana subxda noloshiisa badashay, waa subaxda uu ogaaday in warka dadku u sheegayeen aysan waxba ka jirin, waa subaxda cagta uu saaray wadadii cayilka kana baxay wadadii caatanimada


Subxdaas wixii ka dambeyay wuxuu badalay รฑoloshiisa wuxuu aad u cunayay waxyaabaha  Burka laga sameyay sida canjeerda, rootiga, muufada, sabaayada, malawaxa, shuwermada, iyi pizzaha. Dhaktarka ayaa kula taliyay in waxyaabahabburka laga sameeyay aragti ku cuno mesha uu ku arkana uusan dhaafin waana u sameyay. Subaxdaas wixii ka dambeyay wuxuu aad u cunayay waxkasta oo protein leh sida digirta, hilibka, kaluunka iyo digaaaga, meesha uu bur wax ka samaysan ku arko iyo wax protein leh daqiiqad ma sugeen ilaa uu calooshiisa ku hubsado


Waxa uu bilabay in uu aad u cabo cabitaanada qasan, caano qasan inuรน aad u cabo, in uu cabo cabitanada baashaalka loo cano sida Faantada, shaaniga iyo waxa la midka ah, biya qasan ayuu ka dhigtay joogto waxa uuna daremay in jirkiisa tartiib usoo kobcayo. Biyaha caadiga ah ayuu 5 galaas ka cabayay maalintii, ninki sidii hore ma ahan, markii hore socod ayaa looga maaro waayay balse mudooyinkaan dambe wa la is waydiyaa halka uu ka dhacay, qaar baa lahaa wuu is huurinaa, ereyo jeesjees u badan ayaa la dhahayay balse dhag jalaq uma siin oo taladii dhakhtarka ayuu samaynayay


Wuxuu yareeyay socodkii faraha badnaa, wuxuu ahaa mid aan guriga ka bixin talada dhakhtarku siyay ayuu intaas oo dhan samaynayay waxa uu ahaa 20 daqiiqo xita mid aan socon maalintii oo dhan, dhafarkii ayuu joojiyay, cishaha marka laga so baxo sida uu u seexdo salaada subax ayuu soo toosi jiray, 8 saac oo xiriir ah ayuu jiifan jiray. Marka hore wuu Socod boobsiin jiray balse dhakhtarka ayaa ku yiri tariib isaga soco sababto ah socod boobsiisku wuxuu ridaa miisaanka wuuna iska luudayay.


Wuxuu wax cunayay 3 waqti quraac, qado iyo casho balse dhakhtarka aya ku yiri quracda iyo qadada inta u dhaxayso wax cun sambuus, bur, doolshe iyo ukun. waa qasab in aad wax af gashi ah cunto, cun quraacda 07:00 subaxnim0 af gashi ka daba mari 10:00 subaxnimo. Cun qadada 01:00 duhurnimo, af gashi ku xiji 05:00 galabnimo ka dibna cashada 08:00 habeenimo sidaas ayuuna 5 waqti wax ku cunayay. Macmacaanka oo dhan ayuuna si joogta ah u cunayay sida shukulaatada, jalaatada, doolshaha, xawlada iyo buskudka


Laba bil oo xiriir ah ayuu sidaas waday, qof kasta oo taqanay ayaa is waydisay meesha uu kusoo duugay caatanimadii, waa la wayay qof aaminta in waxyaabo dabiici ah sidaan uu ku noqday. Isagu noloshisa caadiga ah ayuu watay ila qof walba dhaho maxaa samaysay?


Maxaad u baahan tahay si aad u cayisho


1. Waxyaabaha burka laga sameyay inaa cunto sida canjerada iyo rootiga iyo in aadan maalintii socon 30 daqiiqo ka badan inta aad ka cayilayso

2. Waxyabaha Macmacaanka ah in aad cunto sida xalwada, buskudka, doolshaha, jalaatada iyo shukukatada

3. In aad cunto 3 waqti cunto ah iyo 2 cunto oo af gashi ah sheetare oo qadada iyo quracda u dhaxeeya iyo qadada iyo cashada shaatare u dhaxeeya

4. In aad hurudo 8 saac ugu yaraan iyo socodka in aadan boobsiin oo tartiib u socoto

5. In aad biyaha cad badiso, waxyabaha proteinka lehna cunto sida ukunta, caanaha, hilibka, digaaga iyo kalluunka


Waxan rajaynayaa inaad gaarsiin doonto walalaha kale si inta caatada ah uga faaidaystaan #Share



Wacyigelin ku saabsan Isnidhaamis (Scabies):

  Wacyigelin ku saabsan Isnidhaamis (Scabies): Isnidhaamisku (Scabies) waa mid kamid ah cudurrada faafa ee ku dhaca maqaarka kaas oo ay sa...