Maanta laga bilaabo waad heshay xalka ku habboon afka soo shiiro
Sababo badan ayaa keeni kara in afkaaga uu soo shiiro, balse xal fiican ayaa laguu hayaa.
Inta badan dadku waxay u maleeyaan in nadaafad darro ay sababto xaaladdaas, laakiin xaqiiqdu sidaas ma aha.
Qayb ahaan way jeeni kartaa dadaal xumada dhanka nadaafadda, balse waxaa jira arrimo kale oo dhammaanteen na saameyn kara.
Tusaale ahaan oohka badan ee jirkaaga uu dareemo waxa uu abuuri karaa in afka uu soo shiiro.
Waxaa kale oo arrintaas sababa in qofka uu seexdo habeenkii isagoo afkiisa uu furan yahay.
Haddaba muxuu yahay xalka?
Dabcan anagoodhan subaxdii waan dareennaa inuu afkeenna soo shiirayo, waxaase nagu filan in aan cadeysanno oo aan biyo ku luqluqanno.
Hase yeeshee waxaa jira dad uusan sidaas uga harin shiirka afka.
Waxaa dadka ay arrintan saameyo lagula taliyaa saddex waxyaabood.
1- Biyo badan
Maadaama afka iyo dhuunta oo qallala ay ka mid yihiin sababaha ugu waaweyn ee keena neefta shiireysa, xalka ugu muhiimsan ee la isku difaaci karo waa in biyo badan la cabo.
Xaqiiqi in aad maalintii cabto 6 ilaa 8 galaas oo biyo ah.
Haddii aad taladaas raacdo waa hubaal inaad isbaddal ka sameyn doontid marxaladdaas aad naftaada ku dhibsatay.
2- Liin dhanaan
Ma og tahay in liin dhanaanta ay tahay xal deg deg ah oo lagu baabi’iyo neefta shiirka wadata?
Haddii aad si joogto ah u cabto biyo lagu qasay liin, ama aad liinta sideeda ku ruugto iyadoo xitaa qolofkeeda wadata waxaad ogaaneysaa inay wax badan ka baddashay dhibaatadii kaa heysatay shoirka afka.
Waxaa la mid ah caleenta cagaaran ee shaaha laga sameysto, taasoo iyada qudheeda afka carfisa.
3- Dawooyinka jeermiska lagu dilo
Neefta shiireysa inta badan waxaa keeni kara bakteeriyo ku dhalatay afkaaga oo u baahan in lala dagaallamo.
Hubka ugu habboon waa inaad si joogto ah ugu cadeysato dawooyinka loogu talogalay.
Xasuusnow in aad cadeysato waqti kasta oo aad raashin cunto ama shaah cabto.
Ha raacin dabeecadda ay dad badan leeyihiin oo ah in subaxdii oo kaliya la cadeysto.
Maxaa intaas sii dheer?
Waxaa laga yaabaa in dhibkaaga uu yahay mid ka duwan waxyaabaha aan kasoo hadalnay oo dhan.
Waxaa jira sababo kale oo keena shiirka afka, kuwaasoo u baahan inaad dhakhtar la kulanto.
Haddii waxyaabaha aan soo sheeg ay aysan xal kuu ahayd waxaa laga yaabaa in neeftaada shiireysa ay ka imaaneyso dhibaatooyin kale, sida:
* Ilkaha iyo cirridka oo aad ka xanuunsan tahay
* Caabuq kaa haya afka iyo dhuunta
* Cillad dhanka caloosha iyo uur ku jirta ah
* Dhagaha oo uu ka jiro xanuun
*Isticmaalka tubaakada iyo sigaarka
Waa inaad booqato dhakhtarka si uu xal caafimaad oo kugu habboon kuugu helo.
No comments:
Post a Comment