Friday, December 4, 2020

Wax badan ka ogaaw xiriirka ka dhaxeyo cunada iyo kansarka naasaha

 Wax badan ka ogaaw xiriirka ka dhaxeyo

cunada iyo kansarka naasaha


.



Cunooyinka siyaadiyo qatarta in dumarka ku dhaco kansarka naasaha.


Waxaa ku wanaagsan in aad yareeso isticmaalka cunooyinka noocaan ah si aad kaga hortagto kansarka ku dhaco naasaha.


Cunooyinka siyaadiyo qatarta waxaa ka mid ah.


1-Cunooyinka caanaha laga sameeyo ee warshadiisan.


Si loo joogteeyo soo saarista caanaha iyo gaarsiinta caanaha iyo waxyaabaha caanaha laga sameeyo aduunka oo idil warshadaha waxay isticmaaalan kiimikaada iyo hormonada kala duban kiimikaadkas waxaa laga helaa hormono jirka bini aadamka laga helo kuwaas oo ka qeeb qaato qeebsanka unugyada marka dumarka isticmaalaan caanaha warshadiisa waxaa ku sii siyaaado in unugyda si xad dhaaf ah u qeebsamaaan taas oo siyaadin karto qatarta in kansarka so deg dego.


2- isticmaalka baruurta.


Daraasado badan waxa ay soo jeediyeen in baruurta noocyo ka mid ah ay halis yihiin sida baruurta lagu so daro cunooyinka diyaarsan ma ahan kuwa wanagsan waxayna siyaadiyaan qatarta in kansarka naasaha yimaado.


3- hilibka gaduudan.


Daraasado badan oo la sameeyay waxaaa la arkay in xariir ka dhaxeeyo isicmaalka hilibka gaduudan iyo kansarka naasaha.gaar ahaan hilibka gaduudan ee warshadaha diyaariyeen waxaana laga helaaaa nooc baruurta ka mid ah taas oo siyaaadiso qatarta in o yimaado kansarka naasaha.


4-macmacaanka.


Waxaaa lo ogaaday dumarka isticmaalo macmacaanka aadka u tirada badan in ay qatar ugu jiraan in oo ku dhaco kansarka naasaha.


5 -saliida dhirta laga helo.


Saliida dhirta laga helo sida saliida laga helo galayda, digirta iyo gabal dayaha waxaa ka buuxo nooc saliid ah loo yaqaan #pollyunsaturated taas oo siyaadiso qatarta kansarka naasaha ku dhaco.




La wadaag ASXAABTAADA 

Sunday, November 29, 2020

Wax badan ka ogaaw xanuunka neerfaha jirka ugu dheer iyowaxaa sababo.

 Wax badan ka ogaaw xanuunka

neerfaha jirka ugu dheer

iyowaxaa sababo.




Xnuunka neerfaha ugu dheer jirka.


#neerfaha ugu dheer jirka laguna magacaabo '#sciatic nerve, mararka qaar waxaa lagu arkaa xanuun kaas oo ka soo bilaabto qeebaha hoose ee dhabarka kuna soo baaho lugaha.


xanuunka neerfahaas waxa oo noqon karaa mid meel dhaxaad ah ama mid aad u daran xanuunka neerfaha waxaa la socdo kawaawiyo iyo in ay daciifaan murqaha lugaha sido kale waxaa la arkaa mar mar in qofka waayo xakameenta saxarada iyo kaadida.


inta badan xanuunka waxa o sameeyaa qeeb ka mid ah jirka ama hal dhinac oo kaliya.


xanuunka inta badan waxaa oo yimaada marka qeeb ka mid ah carjawda laf dhabarta banaanka u soo baxdo ka dibna waxay cadaadis saartaa neerfaha inta ka dib waxaa mesha ka dhaco caabuq ka dibna xanuun iyo kawaawiyo ayaa yimaado.


calaamadaha lagu garto xanunka neerfaha waxaa ka mid ah.


1- xanuun ka soo bilaabto qeebaha hoose laf dhabarta kuna soo baaho lugaha iyo mel kasto neerahaas quudiyo.


2-sidoo kale waxaa la arkaa kawaawiyo lugaha laga dareemo.


3-murqaha lugaha daciif noqdo.


4-mar mar waxaa la arkaa dhibaato ku timaado xakamenta saxarada iyo kaadida.


waxaa wanaagsan in aad dhaqtar aado hadi ad aragto calaamadahaaan.


1- hadii aad aragto xanuun aad u daran lama filaan ah kana dareenta qeebaha hoose ee dhabarka iyo lugaha.


2- hadii aad isku aragto kawaawiyo iyo murqaha lugaha daciifaan.


3-hadii aad celin waydo ana xakameen waydo kaadida iyo saxarada.


 maxaa sababo xanuunkan 


1-waxaa sababo marka cadaadis la saaro neerfaha  caadaadiska inta badan waxa oo ka yimaada laf dhabarta.


dadka qatarta ku jiro in oo ku dhaco xanuunkaan waxa ka mid ah.


1- dadka dadooda waynaato markasto dada qofka siyaado waxaa dhacdo in lafaha si qaldan usameesnmaan caadaadisna saaraan neerfaha.


2- dadka aadka u cayilan marka oo siyaado cadaadiska  saaran laf dhabarta sida marka miisanka qofka aad u sareyo  waxay ka qeeb qaataan in laf dhabarta is badal ku yimaado sidaasna neerfaha cadaadis lagu saaro.


3- dadka ka shaqeeyo shaqooyinka qaar sida dadka xamaaliga ah iyo kuwa kaxeeyo mootooyinka.


4- dadka fadhiga fabadan fadhiga badan waxa oo cadaadis saara neerfaha.


5- dadka qabo cudurka sokorta hadii ay sokorta ku badato qul qulka dhiiga waxay dhaawacdaa neerfayaasha.


dhibaatooyinka ka dhasho neerfa xanuunka waxaa ka mid ah.


1- lugta xanuunka sameeyay oo darreenka ka lumo.


2- murqaha lugta daciif noqdo.


3-  in qofka xakameen waayo kaadida iyo saxarada.


sidee loogu hortagaa xanuunka neerfaha.


1- waxaa wanaagsan in aad sameeso jimic si joogto.



share dheh walaal

Wacyigelin ku saabsan Isnidhaamis (Scabies):

  Wacyigelin ku saabsan Isnidhaamis (Scabies): Isnidhaamisku (Scabies) waa mid kamid ah cudurrada faafa ee ku dhaca maqaarka kaas oo ay sa...