Friday, September 18, 2020

𝗜𝗻𝗷𝗲𝗰𝘁𝗶𝗼𝗻 (𝗗𝘂𝗿𝗶𝗶𝗻𝗸𝗮)

 𝗜𝗻𝗷𝗲𝗰𝘁𝗶𝗼𝗻 (𝗗𝘂𝗿𝗶𝗶𝗻𝗸𝗮)




Duriin waxaa loo qeybiyaa afar qeybood oo kala ah 


1 Intramuscular injection (duriinka muruqa dhexdiisa) I.M

2 Intravenous injection (duriinka xididka dhexdiisa) I.V

3 Inter derma injection (duriinka maqaarka dhexdiisa) I.D

4 Subcutaneous injection (duriinka baruurta dhexdeeda) S.C


IntraMascular Injection (I.M)


Waa ku shubid si toos ah loogu shubo daawo nudaha dhexdiisa nudahaasoo ah kan muruqa. Ujeedaduna waxay tahay si ay daawada u gaarto jirka intiisa kale muddo aan ka badnayn 10-30 daqiiqo.


𝗦𝗶𝗱𝗮 𝗹𝗼𝗼 𝘀𝗮𝗺𝗲𝗲𝘆𝗼 𝗗𝘂𝘂𝗿𝗶𝗻𝗸𝗮


1 Soo qaado syringe and needle with sterile

2 Soo qaado suuf antiseptic wata

3 Haddii ay daawada budo tahay soo jiido water for injection inta CC ee aad dooneysid kadibna ku shub daawada budada ah, rux ilaa ay ka qasanto daawada kadibna soo jiido qiyaasta aad rabto


4 Aaryo bixin ku samee cirbada.

5 Dooro meesha aad rabto inaad durto

6 In yar marada kabanee meesha aad rabto inaad durto.

7 Si tartiib ah u garaac meesha aad rabtid inaad durto adigoo ka koontaroolayo in ay 

barar leedahay meesha ama ay casaan tahay oo ay boog ka hooseyso ama ay daawo hore fariisatay


8 Soo qaado suufkii kuu diyaarsanaa kadibna mari meesha aad duri rabtid.

9 Gacanta bidix ku qabo cirbada hab durin sagaashan “90”.

10 Ku qabo farta iyo suulka isku xiga muruqa adigoo kor u soo jiidayo waa haddii uu 


qofku yahay qof caato ah ama qof yar. Balse haddii uu qofku yahay qof buuran in yar kala siki muruqa. 


11 Gali cirbada muruqa adigoo silingada u qabanayo sida qalinka oo kale.

12 Markaad cirbada galineyso muruqa gali meesha aad nadiifisay adigoo iska dhigayo 


sida qof wax tuurayo oo kale xoogna aanan isticmaaleyn, Soo qaado suuf antiseptic wata


13 Cirbada marka aad geliso kadib farta iyo suulka ka qaad maqaarka oo qabo halka ay iska galaan maqaarka iyo cirbada.


14 Dib usoo jiid silingada si aad u hubiso in ay cirbada ku jirto muruqa iyo in kale, haddii uu dhiig soo raaco waxay muujineysaa in ay cirbada ku jirto xididka, ka saar cirbada oo geli meel kale haddii sidoo kale cirbada ay soo raacdo hawo ka saar, balse haddii aysan hawo iyo dhiig midna soo raacin waxay muujineysaa inay cirbada ku jirto muruqa, haddaba si tartib ah ugu shub daawada hana ku boobsiin, kadibna marka aad ku dhameyso si tartiib ah uga saar cirbada oo ku jajabi suuf meesha aad durtay.


N.B Waxaad durtaa sinta afar qeybood qeybta sare ee dibada xigta. Halka kan 

bowdadana laga duro saddex qeybood qeybta dhexe.


𝗙𝗮𝗱𝗹𝗮𝗻 𝘀𝗵𝗮𝗿𝗲 𝗱𝗵𝗲𝗵

Wednesday, September 16, 2020

𝗧𝗮𝗹𝗮𝗮𝗹𝗸𝗮

 𝗧𝗮𝗹𝗮𝗮𝗹𝗸𝗮



Tallaalka waa daawooyin la siiyo hooyooyinka iyo dhallaanka si ay isaga difaacaan cudurada. 


ilmaha marka ay dhashaan waxaa laga tallaalaa cudurka qaaxada waxaana 

la siiyaa tallaalka loo yaqaano (B.C.G.) waxaa kale oo laga tallaalaa cudurka dabeysha waxaana la siiyaa tallaalka loo yaqaan (O.P.V.) afartan baxa ka dib waxaa laga tallaala tallaalka saddexan ee loo yaqaan (D.P.T.) oo ay la socota polio. Bil kadibna waxaa laga tallaalaa tallaalka seddexan iyo polio haddana bil kadib waxaa la siiyaa tallaalka 


saddexan oo ay la socoto Polio. ilmuhu marka ay gaaraan 9 bilood iyo wixii ka sareeya waxaa la siiyaa tallaalka jadeecada ee loo yaqaan (measles vaccine) M.V. ilmuhu marka ay gaaraan 10 bilood iyo wixii ka sareeya waxaa la siiyaa tallaalka saddexan (D.P.T) iyo (polio) oo loo yaqaano (booster) 


𝗠𝗲𝗲𝗹𝗮𝗵𝗮 𝗹𝗮𝗴𝗮 𝘁𝗮𝗹𝗮𝗮𝗹𝗼


𝗕.𝗖.𝗚 waxaa laga tallaalaa gacanta bidix maqaarka hoostiisa (interdermal)


𝗗.𝗣.𝗧 waxaa laga tallaalaa labada bowdo ee muraqyada hadba tii aad doonto 


𝗠𝗘𝗔𝗦𝗟𝗘𝗦 waxaa laga tallaalaa garabka midig ee baruurta hoosteeda (subcutaniously)


𝗣𝗢𝗟𝗜𝗢 waxaa laga siiyaa labo dhibcood oo afka ah haddii uu shubmayana 3 dhibcood 


𝗧𝗘𝗧𝗔𝗡𝗨𝗦 teetanada haweenka waxaa laga tallaalaa labada garab ee muraqyada 

hadba kii aad doonto (intermuscular)


𝗗𝗵𝗶𝗰𝗶𝘁𝗮𝗮𝗻𝗸𝗮 𝗧𝗮𝗹𝗮𝗮𝗹𝗸𝗮

 

1)Tallaalka waxa uu dhacaa marka uu kululaada ama qabowga ka bato 

2) Marka meel qorax ah lagu bixiyo 

3) Marka waqtiga dhicitaanka la gaaro 

4) Silsilada keydinta qabowga oo lunto 


𝗦𝗵𝗮𝗿𝗲 𝗱𝗵𝗲𝗵 𝗼𝗼 𝗹𝗮 𝘄𝗮𝗱𝗮𝗮𝗴 𝗮𝘀𝘅𝗯𝘁𝗮𝗱𝗮 𝗸𝗮𝗹𝗲


Abdikadir M. Abdullahi 

Wacyigelin ku saabsan Isnidhaamis (Scabies):

  Wacyigelin ku saabsan Isnidhaamis (Scabies): Isnidhaamisku (Scabies) waa mid kamid ah cudurrada faafa ee ku dhaca maqaarka kaas oo ay sa...