Saturday, August 28, 2021

5 calaamadood oo kuu sheegaya inuu kugu dhici rabo kansarka naasaha.

 

5 calaamadood oo kuu sheegaya inuu kugu dhici rabo kansarka naasaha

Calaamadahan waxay kuu sheegayaan inuu kugu soo socdo kansarka naasaha.


14397

Kansarka naasaha wuxuu ka mid yahay cudurrada faraha kulul ku haya caalamka dadka ugu badanna ku dhaca. 

Waddan kasta bulshadiisa waxay halis ugu jirtaa cudurkan oo u badan dumarka, balse ragga xitaa qaarkood ku dhaca.

Waxaa jira astaamo badan oo uu leeyahay kabsarka naasaha balse gabdhaha badankood ay iska indho tiraan.

Marka xilli hore la ogaado wuxuu leeyahay wax ka qabasho. Gabdhaha badankood waxaa lagu sameeyaa qalliin looga gooyo naaska xanuunsan haddii aan la daweyn karin si naftooda loo badbaadiyo.

Fadlan ha yaraysanin calaamadahan muujinaya inuu kugu soo socdo cudurkaas dilaaga ah.

1- Qufac joogto ah







Marka aad isku aragto qufac qallalan, neefta oo ku dhibaysa iyo dhuunta oo angagan waxaa suuragal ah in kansar uu ku sii fidayo sambabbadaada.

Xaaladdan waxaa loo yaqaannaa “kansarka naasaha ee heerka sare ah” wuxuuna ku dhacaa 60% ilaa 70% ka mid ah dumarka.

Inta badan dumarka waxay arrintan ku khaldaan hargabka caadiga ah, kumana baraarugaan.

Haddii aad isku aragto fadlan si deg deg ah ula xiriir dhakhtar.

2- Calaamad kasoo muuqata maqaarka

Inkasroo astaamaha kasoo baxa maqaarka ay calaamado u yihiin kansarka maqaarka, haddana waxyaabaha lagu karto kansarka naasaha waxaa ka mid ah in jirka lagu arko meel u eg sida inuu dhiig ku jiro.

Meel noocaas ah oo cusub haddii aad isku aragto ha yaraysanin.

Calaamaddan waxay kasoo muuqan kartaa meel walba oo ka mid ah jirkaaga, sida gacanta, xabadka, naaska dushiisa ama dhabarka.

3- Daal xad dhaaf ah

Daalka qayrul-caadiga ah wuxuu ka mid yahay calaamadaha ugu waawayn ee kansarka.

Inkastoo astaantan aad loogu yaqaanno xanuunnada dhuunta ku dhaca iyo isku dheellitir la’aanta hirmoonnada, haddana ma aha in la yaraysto.

Haddii uu yahay kansar, daalkaas ma baxayo marka aad seexato ama aad nasiino badan qaadato.

Daraasad ayaa muujisay in 10% ka mid ah dadka uu ku dhaco kansarka naasaha ay isku arkaan calaamaddan.

4- Dhibaato dhanka dheef shiidka ah

Caloosha oo istaagta, mindhicir xanuun, xanuun kaadi haysta ah iyo dibirada waxay ka mid yihiin calaamadaha ugu waawayn ee kansarka naasaha.

Bukaannada qaarkood waxay xakamayn waayaan kaadida marka ay qoslayaan, qufacayaan ama hindhisayaan.

Qaar kalena kaadida ma ceshan karaan marka ay qabato.

5- Dhabar xanuun

Siddeed ka mid ah tobankii qofba waxay dareemaan dhabar xanuun.

Sida caadiga ah waxaa dhabar xanuunka keeni kara waxyaabo ay ka mid yihiin fadhiga badan, qaab dhismeedka jirka oo aan toosnayn, culays loo qaado si aan habboonayn iyo dhaawacyada.

Laakiin nasiib darro, dhabat xanuunka wuxuu sidoo kale ka mid yahay calaamadaha kansarka.

Sidaas awgeed, astaamahan oo dhan fiiro u yeelo, haddii aad isku aragtana si deg deg ah ula xiriir dhakhtar.

No comments:

Post a Comment

Wacyigelin ku saabsan Isnidhaamis (Scabies):

  Wacyigelin ku saabsan Isnidhaamis (Scabies): Isnidhaamisku (Scabies) waa mid kamid ah cudurrada faafa ee ku dhaca maqaarka kaas oo ay sa...