Saturday, July 11, 2020

Wax badan ka ogow INFAKSHANKA DUMARKA.


Waa su'aal is weydiin mudan oo u baahan in jawaba loo helo, si loo ogaado cilaldaha jira iyo siyaabaha logoa hortagi karo intaba.

5-tii haweenba oo soomaali ah 3 ka mid ah waxay ka cabataa infekshan ama laga daaweeyay caabuq xagga hoose ah.

Inta aanan ka jawaabi su'aashaan aan ka hadalno waxay infekshanka uu yahay iyo waxa keeno marka horaba.

Waa maxay infakshanka dumarka?

Waa caabuq ku dhaca xubnaha taranka ee dumarka, waxuu saameeyaa farjiga, tubooyinka, minka iyo ugxan sidayaasha.
haddii aan la daaweyn wuxuu keenaa madhalaysnimo iyo in ay howlgabaan xubanahaas aan soo tilmaamay.

Waa cudur caan ka ah dunida, inkastoo lagu kala badan yahay waana sababta ugu horreyso oo laga hortagi karo oo madhalysnimada u keento dumarka.

Wuxuuna infakshanka aad ugu badan yahay #gabdhaha_qaangaarka_ah_iyo_haweenka da'da yar.

Maxaa keeno caabuqa xubnaha taranka?

Sida eebbe ugu talagaly waxay xubanaha taranka dumarka ay leeyihiin waxyaabo ka hortaga infakshanka oo qof caafimaad qaba uusan ku dhici karin illaa in qofka uu la yimaado dhibaato difaaca hoos u dhigayso ama ku caawinayso in bakteeriyada ay taranto ama dhaawac gaarsiiyo afka minka taasoo keensanayso in bakteeriyada gudaha u gudubto.
Waxyaabaha ugu badan ee dunida keeno xanuunadaan waxaa ka mid ah cudurrada galmada la isku qaadsiiyo sida #jabtada, xanuunka #chlymedi-yaha, #HIV-ga, isfiilitada, herbiska, honqorta cawrada iyo xanuuno kale oo halkaan aad ka akhrisan kartid:

Sababta ugu badan ee dumarkeenna u keento way ka duwan tahay waxa aan kor ku xusnay, waxaa u keeno cudur fangaska uu keeno oo loo yaqaanno cabeebka oo galo farjiga iyo agagaarkiisa, waana cudur ku yar dadka kale ee ka cabada caabuqaan.

Sababta u gaarka ah Soomaalida maxaa keeni karo?

Caabuqa cabeebka keeno ee farjiga galo waa cudur fangas ah wuxuuna ku dhashaa meelaha huurka ah oo qoyaanka u badan tahay, waxaane uu ka dhashaa nadaafad darrada iyo hawo yarida, calaamadaha u gaarka ah ee lagu garto waxaa ka mid ah in qofka uu dareemo qoyaan ama dheecaan xagga hoose ka yimaado oo cad sida labeenta caanaha oo kale, waana dheecaan ur badan oo farjiga agagaarkiisa laga dareemi karo meelaha uu gaaro, wuxuu wattaa cuncun iyo dhabar xanuun, murqo xanuun bowdyaha ah iyo caajis kalagoysyada lugaha khaas ahaan jilbaha.
Waa xanuun si aayar ah u tarmo oo qofka inuu ka sheegto waxay ku qaadataa dhowr billood sidaa awgeed qofka markaa waraysatid ka cabanayo wuxuu kuu sheegayaa in 6 illaa 8 bilood inuu caabuqaan uu dareemayay.
Wuuna soo noqnoqon karaa haddii aan la daawaynin sababta iyo xaaladda uu ky yimid.
Haddii aan u gudbo sababta u gaarka ah oo aan u kuur galay, haween badanne taladaan markay qaateen ay ku fiicnaadeen waxay tahay in haweenkeenna soomaalida ay xirtaan maro gorgorad loo yaqaanno oo lagu labisto diraca, waxay ka samaysan tahay maadada Nylone-ka waa maaddo soo jiiddo kuleelka, waxayna abuurtaa dhidid badan, hawadane kama gudubto waa sadaxda shey oo u baahan yahay fangaska caabuqaan keeno oo loo yaqaanno "Candida" inuu tarmo.

Haweenka aanan isticmaalin marada aan tilmaamay way ku yartahay xanuunka caabuqa ee fangaska keeno.

Iska ilaali xirasahda gorgoradda!!

Ma garanayo meel kale oo laga xirto maradaan, caafimaad darradeedane waa mid muuqato inkastoo dadka u baraarugo ay yaryihiin, dad badan oo ka faaiday taladaan oo joojiyay ilaahayne ugu gargaaray way jiraan, khaas ahaan dadka ka caban jiray inuusan xanuunak ka bixin oo ku soo laalaabto, talaydaydu waxay tahay in aad xiratid maro ka samaysan shay aan nylon ahayn oo hawada ka gudib karto, kuleelne keensanayin, dhididna abuuraynin, sida marada baatiga oo kale in aad gorgoro ahaan u tolatid. 
Haddii marada Nylon-ka aad xarago ahaan u qaadatid, qeybta hoose wixii jilbadaha ka hooseyso goonnadaada baatiga ah ku talo qeyb gorgorad ah. (Waa fashion caafimaadka u roon!!)

Maxay tahay calaamadaha kale ee caabuqa lagu garto?
1- Xanuun qeybta hoose ee wareegga ah.
2- Kaadida oo ku gubto.
3- Qandho qarqaryo wadato.
4- Xanuun xilliga galmada.

Maxay ku kala duwan yihin caabuqaan iyo kan kaadida?

Dadka badanaa way isku qaldaan caabuqa kaadi mareenka iyo caabuqa haweenka ku dhaco.
Caabuqa kaadi mareenka waa mid ka ku dhaco kaadi heysta iyo kilyaha, waxaadne ka akhrisan kartaa halkaan qoraal ku saabsan:

Calaamadaha la dareemo way isku dhow yihiin laakiin caabuqaan wuxuu kaga duwan yahay kaliya dareemidda dheecaan ama qoyaan siyaado ah oo aan dabiici ahayn iyo cuncun farjiga ah ama nabarro ama isbadal maqaar ee ku dhaca xubnaha taranka.

Sidee loo baaraa xanuunkaan?

Dad badan ayaa aaminsan in xanuunkaan kaadida lagu ogaado, caabuqaan xubnaha taranka galo waxaa lagu ogaadaa in dheecaankaas la baaro ama dhiig lagaa baaro iyadoo la raadinayo jeermiska kuu keenay xanuunka ama lagu saaro qalabka Ultrasound-ka si loo ogaado caabuqa dhaawaca uu gaarsiiyay xubnaha taranka sida tubooyinka, ugxan sidayaasha ma aminka intaba.
Hadduu caabuqa daran yahay wuxuu takhtarka kaa qaadi karaa cad laga soo qaado minka gudihiisa.

Xanuunkaan sidee loo daaweeyaa?

Waxaa lagu daaweeyaa dhowr daawo oo antibiotic ah iyo daawo fangaska loogu tala galay ha ahaato mid la cunayo, la marsanayo ama sumboosto ahaan loo isticmaalayo.
Waa qassab in lamaanahaaga la daaweeyo haddii lagaa helo caabuqaan.
Hadduu xanuunka siyaado uu noqdo oo uu malax gashado tubooyinka ama gudaha waa in qalliin lagugu sameeyo si loo badbaadiyo fursadda ah in aad uur qaadi kartid.

Sidee looga hortagaa xanuunkaan?

Waxaa looga hortagi karaa adigoo raaca tillaabooyinkaan hoos ku xusan:
1- Jooji isticmaalka gorgoradda!! caafimaadkaaga kuma jiro waa wax cilmi ahaan loo og yahay, dheefta laga helaayo markii la joojiyane waa mid aan tijaabo iyo hubaal u hayo.
2- Ku dadaal dhadaafaddaada guud oo iska ilaali wax kasto oo caabuqa kordhin karo khaas ahaan xilliga caadada. 
3- Haddii aad leedahay xanuun ka mid ah xanuunada galmada lagu kala qaado iska daaweey, lamaanahaagane daawee isagane.
3- Haddii aad doonayso in aad xakamayso uurkaaga ama aad ka hortagto iska ilaali isticmaalka qalabka lagu xiro tubooyinka wuxuu keenaa caabuq haddii aanan si nadiif ah loo xirin.

Thursday, July 9, 2020

Haddii aad isku aragtid calamadahan ha moodin in aad jiran tahay.

Haddii aad isku aragtid calamadahan ha moodin in aad jiran tahay 

Dhiigga caadada 

✓ Ha mooddin in aad jiran tahay ama aad xanuunsaneysid marka uu kugu soo socodo dhiigga caadada, 

Dumar badan ayaa ku jirada xilliga dhiigga caadad ku soo socoda ama kaddib markii ay ka meyertaan ha moodin xanuun waxaa kalifiya waa hormoonada oo is badala. xilliyadas haddii aad dareentid xanuun cun xanuun baabiye sida paracetamol 500 mg , Ibuprofen 400 mg , DICLOFENIC 50 mg iyo wixii la mid ah.

Xanuun dhanka midigta  ah 

✓ Qodobka kale ee ugu muhiimsan wuxuu yahay dumar badan ayaa isku arka xanuun ka qabta dhanka midigta xiga gumaarka hoostiisa la soco ma ahan xanuun ee waa marka la soo deynayo ukxaanta, 

haddii uu xanuunka kugu  saaiddo waa in aad la xariirtaa dhakhtarka kugu dhawo si lagu baaro.

Timaha oo daa,ta

✓ Rag iyo dumarba wey u siman yihin in ay tinta ka daa,dato ogsonow haddii uusan jirin xanuun qatar ah ma ahan xanuun ee waxaa ku haya vitamino yari ama stress iyo wixii la mid ah 

Haddaba haddii aad isku aragtay tin daa,dasho Fadlan isticmaal vitamino kala gaddisan sida Vitamin A,B,C,E iskana badal shampooyinka aad isticmaashid.

Madax xanuun

✓ Madax xanuunka waa wax markasta lagu arko bini,aadamka ha moodin in aad jiran tahay haddii aad isku aragtid madax xanuun joogto  ah waxaa sabab u ah dhoor waxyabood oo ay ka mid yihin

1-Hurda yari/Dhafar
2-Biyo yari 
3-iyo isticmaalka badan ee internetka

Labjeex,Laab olol 

Waxa keena gaaska ama Cunnooyinka kulul ee la cuno sida basbaaska ,xawaajiga,toonta sanjabiisha iwm haddaba ha moodin in aad la il daran tahay gaas ee markaa iska sax Cunnooyinka aad cuntid, qor cuntooyinka ku dhiba kana fagoow hadhow .


Tuesday, July 7, 2020

Waa Maxay Cagaarshowga B maxaase Keena?



Cagaarshwgu waa erey xaga caafimaadka loo yaqaano beerka bararsan ee jiran. Hal nooc oo ka mida cagarshowga B waxaa keena jeermiska cudurka dhaliya ee loo yaqaan (virus).
Jeermiska cudurkani dhaliyaa wuxuu dhex galaa jirkaaga kuna keenaa xanuun beerkaaga.

Mararka qaarkood dhibaato ayuu cudurkani u keenaa beerkaaga iyo isaga oo ku yeelan kara caafimaadkaaga saameyn xanuun oo qoto
dheer. 

Dadka qaarkood ma ogaan karaan inuu hayo cudurku, ama waxay ku qaldaan inuu hayo lafo-garaac. Si kastaba ha ahaatee, dad ayaa dareemi kara jiro aad u daran lagana yaabaa iney u baahdaan in lagu daaweeyo cisbitaalka.

Sidee Ayuu Caam u Yahay Cagaarshowga B?

Waxaa lagu cabirey ilaa 350 milyan oo ka mida dadka dunida ku nool uu hayo cudur qoto dheer oo ay ka qaadeen jeermiska dhaliya 

cudurka cagaarshowga B. Qeybo dunida ka mida ayuu aad caam ugu yahay, sida wadamo badan oo Afrikaan ah, Koonfurta Bari ee Aasiya, Bariga Dhexe iyo Bariga Fog iyo Koonfurta iyo Bariga Yurub.

Ma Halis baa?

Haa wuu noqon kara, Hal ka mid ah tobankii qof ee qaangaara ee qaada cagaarshowga B awoodi kari maayo inuu ka bogsado jeermiska dhaliya cudurka. Xaga dhalaanka yar yar wuxuu noqon kartaa in ka badan tobankiiba sideed. Dadkani qaangaarka ah iyo dhalaankaba

waxaa loo yaqaanaa “sidayaasha” Sidayaasha waxa la moodi karaa iney caafimaad qabaan, Laakiin qaar ka mida ayuu mustaqbalka uu ku soo bixi doonaa beer xanuun halis ah. Waxaa kale oo aad u fudud iney qabadsiiyaan cagaarshowga B dadka kale madaama uu cudurku hayo iyaga.

Sidee Ayaad u Qaadi Kareysaa Cagaarshowga B?

Ayadoo si toos ah loo taabto dhiig ama dareere ka yimid jirka qof qaba. Waxyaabaha ugu muhiimsani waa kuwan:

1- In lala galmoodo qof uu jirkiisa ku jiro cudur dhaliyaha cagaarshowga B.
2- In lagu dhasho oo ay hooyadu qabtey oo uu ku jirey jirkeeda jeermiska cudurka dhaliyaa.
3- Iyadoo la wadaago qalabka la isku mudo 
4- Iyadoo lagugu shubo dhiig qaba cudurka, ama lagugu daaweeyo qalab aan si fiican loo nadiifin
5- In la taabto dhiig yar oo ka soo yaacaya meel dhaawacan, jeexan qof qaba cudurka
6- Alaabta guriga oo la wadaago sida cadeyga ama gar-xiirta
Inkasta oo uu u faafo sida jeermiska aydhiska oo kale, ka cagaarshoga B ayaa 100 jeer ka is qabadsiin fudud. Tani macheheedu waa dadka ku wada nool guri hadii mid ka mid ahi uu qabo cagaarshowga B Laga yaabaa in inta kalena ay qaadaan.

Maxay yihiin Calaamadihiisu?

Dadka qaar ma muujiyaan wax calaamad ah habayaraatee.
Calaamadaha kale ee lagu garan karo waxaa raaca:
1- xanuun yar oo sida lafo-garaaca ah oo mudo gaaban ku eg
2- iyadoo la dareemo xanuun iyo daal
3- matag iyo shuban
4- miisaankaaga oo is dhimo
5- is xoqid badan
6- jooniska (indhaho caseeye)
7- midabka saxarada oo khafiif noqota iyo kaadida oo madoobaata.

Baaritaanka Cagaarshowga B

Hadii lagaa baaraayo cagaarshowga B, dhiig tijaabo ah ayaa lagaa qaadaa oo la soo baaraa. Baaristu waxay sheegi doontaa hadii aad:
1- inuu ku hayo hada cagaarshowga B
2- Inuu hore kuu hayey cagaarshowga B ama aad si buuxda uga bogsatey (iyo in aanad dib u qaadi doonin mar labaad)

Maxaa la isku baaraa?

1- Hadii aad tahay side waad qaadi kartaa talaabo aad kaga hor tageysid si aanad u qabadsiin dadka kale.
2- Hadii aad tahay xaamilo tahayna side cagaarshowga B, ilmahaaga waa laga badbaadin karaa iyadoo la talaalayo isla marka uu dhasho
3- Ka warqabida inaad qabto cagarshowga B micneheedu waa inaad heli karto daawo kasta ood u baahan tahay.

Ma suurto gal baa in daawo la helo?

Dad badan ayaa ka bogsada iyadoo aan laga daaweynin cagaarshowga B. Si kastaba ha ahaate, dadka qaar waxay noqdaan ‘sidayaal’
jeermiska cudurka dhaliya. Dadkani oo kale waxay u baahan yihiin daaweyn dheeraad ah ka dib marka laga helo. Waxaa loo diri doonaa
dhakhtar ku takhasusey si uu u helo in wali loo baahan yahay in la daaweeyo. Inkasta oo aan cagaarshowga B aan la daweyn Karin qaar
ka mida ah daawooyinku waxay caawin karaan iney yareeyaan dhibta mustaqbalka gaari karta beerka.

Talaal ma jiraa?

Haa, talaalku waa sida ugu haboon ee lagaga badbaadi karo inuu kugu dhaco cagaarshowgu B. Qof walba oo u maleeya inuu halis u
saran yahay qaaditaanka cagaarshowga B waa uu is talaali karaa.
Waxaa ka mid noqon kara seyga, haweeneyda, laba isku galmootey iyo dhalaan hada dhashey oo ay dhaleen dad qabey ama ah sidayaasha cagaarshowga B.
Talaalka cagaarshowga B wuxuu ka kooban yahay sadex cirbadood waxaana waajib ah inaad wada qaadato si aad uga badbaado cudur
dhaliyaha mudo dheer. 

Halka aad gargaar ka heli karto?
Hadii aad u maleysid inuu ku hayo cagaarshowga B la xiriir dhakhtarkaaga ama isbitaalka aad.

 

Sunday, July 5, 2020

HADDII AAD UUR LEEDAHAY WAA INAAD KA FOGAATAA-----

Hadii aad uur leedahay waa inaad ka fogaataa isticmaalka daawo uusan dhakhtar kuu qorin, isticmaalka daawooyinka qaar waxay saameyn ku leeyihiin uurjiifka amaba hooyadaba markii ay uur leedahay.

Daawooyinka hooyada uurka leh ay qaadato waxay u gudbaan ilmaha, kuwaasoo saameeynta ay ku yeelan karaan ilmaha ay noqon karto:

 

1- Saameyn toos ah taasoo keeni karta inay dhashaan ilmo naafo ah.
2- In ay saameyn ku yeeshaan nafaqada iy hawada uu qaato uurkujirka, taasoo keenta nafaqo darro.
3- In ay saaameyn ku yeeshaan murqaha minka, kadibna uu giigsamo taasoo keenta cadaadis ku dhaca dhiig socodka ilmaha, kadibne dhicisoobo.

Saameynka daawada ay ku yeelan karto ilmaha uurka ku jira waxa ay ku xirantahay:
1- Xilliga iyo marxalada koriinkooda.
2- Nooca daawada la qaatay iyo cabirka laga qaatayba.

daawooyinka qaar waxay saameyn xun ku yeelan karaan ilmaha isla markii ay galaan minka, qaarka kalane markii ay dhalan rabaan.
Sidaa darteed waxaa jiro daawooyin la yaqaano oo dhawr ah, taaso waajib ah in haweenka uurka leh ay ka fogaadaan xilli kasta, waxaana ka mid ah:
1- Diazepam
2- Chloramphenicol
3- Ciprofloxacin
4- Kanamycin
5- Nitrofurantoin
6- Streptomycin
7- Sulfonamides
8- Tetracycline
9- Heparin
10- Warfarin 11- Carbamazepine
12- Phenobarbital
13- Phenytoin
14- Trimethadione
15- Valproate
16- ACE inhibitors 
17- Beta-blockers
18- Thiazide diuretics
19- Actinomycin
20- Busulfan 21- Chlorambucil
22- Cyclophosphamide
23- Methotrexate
24- Mercaptopurine
25- Vinblastine
26- Vincristine
27- Lithium
28- Aspirin
29- Naproxen
30- Ibuprofen 31- Chlorpropamide
32- Tolbutamide
33- Danazol
34- Diethylstilbestrol
35- Etretinate
36- Isotretinoin
37- Methimazole
38- Propylthiouracil
39- Radioactive iodine
40 -Triiodothyronine

Talaalada laga sameeyay feyrasyada nool iyagane waa in laga fogaadaa, sida talaalka jadeecada, dabeesha, qanjir bararka iyo busbuska.
Waxa kaloo muhiim ah in hooyada uurka leh ay ka fogaato sigaar cabidda, taasoo hadii aysan joojin u keeni karta cunugeeda miisaan yari iyo naafoobidba.

Xigasho somalidocs....

Wacyigelin ku saabsan Isnidhaamis (Scabies):

  Wacyigelin ku saabsan Isnidhaamis (Scabies): Isnidhaamisku (Scabies) waa mid kamid ah cudurrada faafa ee ku dhaca maqaarka kaas oo ay sa...