Friday, January 29, 2021

𝗚𝗮𝗱𝗴𝗮𝗱𝘂𝘂𝗱𝗸𝗮 𝗪𝗮𝗷𝗶𝗴𝗮 (𝗥𝗼𝘀𝗮𝗰𝗲𝗮).

 𝗚𝗮𝗱𝗴𝗮𝗱𝘂𝘂𝗱𝗸𝗮 𝗪𝗮𝗷𝗶𝗴𝗮 (𝗥𝗼𝘀𝗮𝗰𝗲𝗮)


Xanuunkaan waa mid kamid ah xanuunada kudhaca maqaarka gaar ahaan wajiga waxaana loo ya qanaa (Rosacea)


□ .𝗥𝗼𝘀𝗮𝗰𝗲𝗮: 


Waa Xanuun ku dhaca maqaarka kore ee Wajiga kaas oo laga dareemo wajiga hore, hareeraha indhaha, Sanka, iyo Dhabanada xanuunkan waxa uu soo maraa afar marxaladood oo kala duwan. Waxa ayna yihiin.


(A) 𝗘𝗿𝘆𝘁𝗵𝗲𝗺𝗮𝘁𝗼𝘁𝗲𝗹𝗮𝗻𝗴𝗶𝗲𝗰𝘁𝗶𝗰𝘁𝗮𝘁𝗶𝗰 𝗿𝗼𝘀𝗮𝗰𝗲𝗮:


Waa marka uu marayo Marxalada dhiiga wajiga ayaana lagu arkaa calaamadaha xididada qaada dhiiga.


(B) 𝗣𝗮𝗽𝘂𝗹𝗼𝗽𝘂𝘀𝘁𝘂𝗹𝗮𝗿 𝗿𝗼𝘀𝗮𝗰𝗲𝗮: 


Waa marxalad marka uu marayo Barar la dareemo sidoo kale waxa kasoo baxa wajiga finan afka hore ka furan ama sida afka qalaad lagu dhaho ( Acne Breakouts ).


(C) 𝗣𝗵𝘆𝗺𝗮𝘁𝗼𝘂𝘀 𝗿𝗼𝘀𝗮𝗰𝗲𝗮:


Waa marxalada 3aad waxaana Maqaarka wajiga laga dareama xoogaa adeeg ah marka la taabto.


(D) 𝗢𝗰𝘂𝗹𝗮𝗿 𝗿𝗼𝘀𝗮𝗰𝗲𝗮:


Waa Marxalada 4aad bukaanka indhihiisa ayaa Gaduud noqda ama Casaada, Cun cun ayuuna dareema indhaha ayaa barara xataa mararka qaar waxa kasoo baxa Nabro kuwaas oo ay Somalida y u taqaano ( Abuu tuutu ) oo afka qalaadna lagu dhaho Sty.


La Soco qaybaha kale oo aan uga hadli doono Waxa Sababa Xanuunkan iyo sida looga hortago iyo waliba sida loo daweeyo.


Like Saar pagekan si aad ula socoto Qormooyinkeena soo socda oo muhiimad gaar ah leh.


 Share u dheh walaalahaada, Asxaabtaada si ay uga faa'iideystaan.



Wednesday, January 27, 2021

𝗦𝘂𝗺𝗺𝗮𝗱𝗮 𝗠𝗮𝗾𝗮𝗮𝗿𝗸𝗮 𝗸𝗮𝗹𝗮 𝗝𝗶𝗶𝗱𝗺𝗼 (𝗦𝘁𝗿𝗲𝘁𝗰𝗵 𝗠𝗮𝗿𝗸𝘀)

 𝗦𝘂𝗺𝗺𝗮𝗱𝗮 𝗠𝗮𝗾𝗮𝗮𝗿𝗸𝗮 𝗸𝗮𝗹𝗮 𝗝𝗶𝗶𝗱𝗺𝗼 (𝗦𝘁𝗿𝗲𝘁𝗰𝗵 𝗠𝗮𝗿𝗸𝘀)




Sumadda maqaarka oo kala jiidmo waa wax lagu arko maqaarka oo ah xariiqmo barbaryaal, laymankaan wey ku kala duwan yihiin midabka iyo dareenka taabashada, midabkana wuxuu u dhexeeya guduud ama basali, marka aad taabatid na waxaad dareemeysaa in maqaarka intiisa kale ay ka godan tahay.


Sumaddaan waxay inta badan soo baxdaa marka uu dhaco is bedel culeyska jirka ah oo degdeg ah, iyo inta lagu guda jiro uurka ama uurka kadib, laymankaan ma ahan kuwo khatar wata, waana kuwo iskood u baaba’aan.


Sumadda maqaarka oo kala jiidmo waxay kasoo bixi karaan meel kasta oo jirka ka mid ah, laakin waxay caan ku yihiin oo lagu arkaa, caloosha, naasaha, qeybta kore ee gacmaha, iyo dabada.


𝗠𝗮𝘅𝗮𝗮 𝗦𝗮𝗯𝗮𝗯𝗮


Sumadda maqaarka oo kala jiidmay waxay ka dhalataa marka jirka uu u koro in ka badan xowliga uu maqaarka ku kori karo, taasna waxay sababeysaa in ay go’do laastiiga maqaarka, taas oo keenta iney sameysanto sumadda maqaarka oo kala jiirdmay.


Arintaan waxay caantahay waqtiyada qaar sida


• Dumar badan waxaa lasoo dersa sumaddaan xiliga ay uurka leeyihiin, sababtoo ah maqaarka ayaa kala jiidma si boos loogu helo uurjiifka

• Sumaddan waxay soo baxdaa marka qofka uu si degdeg ah u siyaadiyo ama u nusqaamiyo culeyska jirka

• Waxaa jirka cilado qaar oo sababa in sumadda maqaarka oo kala jiidmay ay ufududaato dadka qaar.


𝗬𝗮𝗮 𝗛𝗮𝗹𝗶𝘀 𝗨𝗴𝘂 𝗝𝗶𝗿𝗮


Waxaa halis ugu jira


√ Dumarka

√ Taariikh hore qof u leh

✓ Dumarka uurka leh

✓ Dumarka dhalay dhalaan culculus

Qof cayilan

✓ Qof culeyska si degdeg ah uriday ama u koray

✓ Isticmaalka dawooyinka loo yaqaano kortiko istiiroyd

✓ Dadka qabo ciladaha lagu dhasho ee hiddaha ah.


𝗦𝗶𝗱𝗲𝗲𝗻 𝗜𝘀𝗮𝗴𝗮 𝗗𝗮𝘄𝗲𝗲𝘆𝗮𝗮?


Waxaa jira waxyaabo badan iyo nidaamyo kala duwan oo sheegta iney bixin karaan sumadda maqaarka oo kala jiidma, laakin xaqiiqadi ma jirto wax waxtar leh oo la cadeeyay iney bixin karaan ilaa iyo hadda. In kareem la marsado oo la qooyo maqaarka iyo in la cabo biyo badan ayaa la sheegay iney fududeeyaan in ay khafiifiyaan sumaddaan, sidoo kale sumaddaan waa mid mustaqbalka iskeeda u baa ba’do xitaa hadii aan wax daweyn ah lagu sameyn.


 𝗦𝗶𝗱𝗲𝗲 𝗯𝗮𝗮 𝗨𝗴𝗮 𝗛𝗼𝗿𝘁𝗮𝗴𝗮𝗮?


Nasiib darro majirto qaab looga hortagi karo sumadda maqaarka oo kala jiidma, xitaa hadii aad si joogta ah u isticmaashid kareemka, hasa yeeshee inaad ku ilaalisid culeyska jirkaaga cabir wanaagsan, iyo cunidda cunno wanaagsan waxay ka hortagi kartaa sumaddaan oo ku soo baxdo is bedelka culeyska jirka.


In kastoo ay caafimaad tahay in qofka uurka leh uu siyaadiyo culeyska jirka, waxaad weydiin kartaa dhaqtarkaaga, cabirka culeyska ee kugu haboon inaad ku dartid jirkaaga


Abdikadir M. Abdullahi 

Sunday, January 24, 2021

Wax ka baro Cuntoooyinka nadiifiya Beerka iyo dhibaatada dufanka badan.

 Wax kabaro Cuntoooyinka nadiifiya Beerka. iyo dhibaatada dufanka badan.






Beerku waxaa uu ka mid yahay xubnaha ugu muhiimsan ee jirkeenna waxaa uu qabtaa howlo badan waxaa ka mid ah in uu burburiyo ama jirka ka saaro sunta soo gasha, waxa uu kaalin mug leh ka qaataa shaqada hab-dhiska difaaca, sidoo kale dufanka dheeraadka ah ayaa uu jirka ka saaraa.

Maadaama ay aad ubateen cunista cuntooyinka dufanka leh, cuntooyinka shiilan iyo cuntooyinka warshadaysan kuwaas oo culays xooggan saaraya beerka marka wasakhda la saarayo taasoo sababaysa in beerka shaqadu ka badato kadibna uu shaqada yareeyo. Sidaa daraadeed waxaa muhiim ah in qofku uu ku dedaalo cuntooyinka beerka ka caawiya inuu si fudud iskaga saaro qashinka.

Hadaba waxaan halkaan kusoo aruurinay cuntooyinka beerka sifeeya waxayna kala yihiin:


1➡️Toonta: toontu waxa ay ka caawisa beerka in uu dar dar geliyo fal dedejiyaha kaas oo saara sunta, labada ugu caansani waxa weeye selenium, iyo allicin. waxa ay difaacdaa waxyaabaha khatarta ku ah beerka.


2➡️Liin Bambeelmada: waxay hodan ku tahay fiitamin C iyo maadada jirka sunta ka saarta ee “antioxidants”. Hal koob oo cabitaanka liin bambeelmada ah wuxuu ku filan yahay in beerka uu ka caawiyo qashin saarka.


3➡️Kaarootada: Cunista kaarootadu waxay hagaajisaa shaqada beerka.


4➡️Shaaha cagaaran: Waxaa ku jira maadada “catechins” oo caan ku ah caawinta beerka iyo qashin saaridda. Akhriso Faaidooyinka Shaaha Cagaaran.


5➡️Avocado: Miraha avocodo da waxay ka mid yihiin cuntooyinka loo yaqaan “Super foods”, waxay leedahay faaidooyin caafimaad oo aan lasoo koobi karin. Avocado-da waxaa ku jira maado loo yaqaano “Glutahione” oo muhiim u ah sun saarista beerka. Akhriso: faaidooyinka avocado-da.


6➡️Tufaaxa: Tufaaxu wuxuu horumariyaa caafimaadka beerka waxaa ku badan maado loo yaqaan “Pectin” oo ka caawisa mindhicirrada in aysan nuugin wixii jirka khatar ku ah.


7➡️Huruuda: Waxay u fiican tahay caafimaadka beerka. waxay caawisaa in beerku iska saaro qashinka.


8➡️Lowska Walnuts: Miraha lowska nooca loo yaqaan Walnuts waxaa ku jira “glutathione” iyo omega-3 Fatty acids oo caawiya nadiifinta beerka.


9➡️Koostada:  Koostadu (spinach)  waxay beerka ka caawisaa soo saarista qarasta beerka uu soo saaro taasoo muhiim u ah qashin saarka iyo dheefshiidka cuntada dufanka leh.


10➡️Kaabashka: kaabashka iyo broccoli-ga waxay ka mid yihiin khudaarta beerka u roon. Kaabashka waxaa kor u qaadaa shaqada waxyaabaha dheecannada burburiya ee loo yaqaan “enzymes” kuwaas oo howshoodu tahay inay qashinka beerka ka saaran.


11➡️Saliida saytuunka: Waxay jirka ka caawisaa sun saarista waxayna u fiican tahay beerka.


12➡️Liin Dhanaan: Liin dhanaanta waxaa ka buuxo fiitamin C oo sunta ka dhiga mid ku milmi karta biyaha taasoo sahlaysa in jirka laga saaro. Cabbista cabitaan liin dhanaan fresh ah aroorta hore waxay dardargelisaa shaqada beerka.


Fadlan Hadii Aad Ka Heshay La Wadaag Asxaabtaada.


MAHADSANID 

Wacyigelin ku saabsan Isnidhaamis (Scabies):

  Wacyigelin ku saabsan Isnidhaamis (Scabies): Isnidhaamisku (Scabies) waa mid kamid ah cudurrada faafa ee ku dhaca maqaarka kaas oo ay sa...