Friday, April 9, 2021

FAA'IIDOOYINKA CAAFIMAAD EE LAGA HELO QARAHA ama XABXABKA.

 FAA'IIDOOYINKA CAAFIMAAD EE LAGA HELO QARAHA ama XABXABKA.


xabxabka ama qaruhu wuxu kamid yahay cuntooyinka ay dadku ugu jecel yihiin inay cunaan, marka lagasoo tago dhadhankiisa macaan wuxuu qani ku yahay nafaqooyin badan kuwaasi oo si weyn ugu fiican caafimadka.


Sidoo kale qaruhu wuxuu qani ku yahay oo laga helaa carbohydrates, protoein, fiber, vitamin C, A iyo B. sidoo kale waxa ku jira macdanaha ay kamid yihiin potassium, iron, calcium, magnesium, phosphorus, iyo sidoo kale sonkoro dabiiciya.


1: Wuxuu xakameeya cadaadiska dhiigga waayo wuxuu kor u qaadaa caafimaadka xididada iyo socodka dhiiga, wuxuna maamulaa macdanta iyo aashatada jirka, miisaankana hoos buu u dhigaa, hadaad dhiig kar qabtid maalin walba galaas ka cab biyihiisa yacni isagoo cabitaan/sharaab ah.


2: Waxaa ku jirta maadoyin la yiraahdo citrulline iyo arginine oo hoos u dhiga dufanka aan caafimaadka u fiicnayn ee (LDL).


3: Wuxuu jirka siiyaa Qoyaanka uu u baahanyahay oo isugu jira biyo iyo macdan sida macdanta kala ah, calcium, magnesium, potassium iyo sodium, wuxuuna aad u anfacayaa dadka meelaha kulul jooga.


4: Wuxuu ka qayb qaataa caafimaadka indhaha iyo aragooda waayo waxaa ku jira maadooyinka kala ah, Beta-Carotene, Vitamin A, lycopene, vitaminC, lutein iyo zeaxanthin, oo dhamaantood ka qayb qaata aragtida iyo caafimaadka indhaha.


5: Wuxuu kor u qaadaa caafimaadka kalyaha, asagoo jirka kaadi ahaan uga saaraya maadooyinka sunta ah sidaas awgeed dadka kaadidoodu yartahay inay joogteeyaan Qaraha biyihiisa ayaa fiican.


6: Wuxuu dajiyaa qofka xaaladiisa maskaxeed ay kacsantahay waayo waxaa ku jira Vitamin B6 oo nidaamiya neerfayaasha shaqadooda, iyo VitaminC oo jirka ka saara maadooyinka sunta ah (free radicals).


7: Wuxuu isku dheelli tiraa Hormoonada oo muhiim u ah shaqooyinka jirkeena.


Akhriste ugu yaraan hadaad akhrisatay qormdan caafimaad fadlan #LIKE saar si ay walaalaha kale ee boggan ku xiran usii gaarto, haddi aad sii #SHARE garaysid-na kaba sii fiican oo walaalaha iyo saaxiibadaada ayaa waxaad faa'iiday lasii wadaagtay, anigana dhiirigelin bay ii tahay mahadsanidiin.


Nagula soo biir boggan si aad ula socoto qormooyin iyo muuqaalo xiiso badan.



Wacyigelin ku saabsan Isnidhaamis (Scabies):

  Wacyigelin ku saabsan Isnidhaamis (Scabies): Isnidhaamisku (Scabies) waa mid kamid ah cudurrada faafa ee ku dhaca maqaarka kaas oo ay sa...