Thursday, April 15, 2021

FINANKA KA DHASHA XIRASHADA XAFAAYADA( DIAPER RUSHES):

 FINANKA KA DHASHA XIRASHADA XAFAAYADA( DIAPER RUSHES):




 Haddii maqaarka cunuga yar aad ku aragto finan gaduudan ama casaan ah aaga ay ku xirantahay xafaayada waxaa loo yaqaanaa afka qalaad (DIAPER RUSHES ) oo macnaheedu tahay finan ka dhashay xirashada xafaayada.

Inta badan waa ay dhacdaa in ilmaha xasaasiyad ama Elerjik ku qaado xirashada xafaayada waxaana ugu wacan dhoor arimood oo aan xaga hoose idin kula wadaagi doono: 

■ Xafaayada oo aad loogu dhuujiyo ama lagu adkeeyo ilmaha markii loo xiraayo iyada oo meel ay hawada ka qaadato loo furin.

■ Xafaayada oo in mudo ah u xirnaanta cunuga markii uu ku saxaroodo ama uu ku kaadsho kadib.

■ Xafaayadaha qaar oo ay ku jiraan walxo ( irritants) ku keenayo ilmaha xasaasiyad ama finan wata cun cun.

■ Qoyaanka oo uu wato Masaxa xafaayada ayaa laga  yaabaa in uu mararka qaar ku keeno ilmaha xasaasiyada ama Ellerjik .


HADDABA SIDEE LOOGA HORTAGAA FINANKA KA DHASHA XAFAAYADA?

Si aad uga ilaaliso ilmahaaga yar finanka ka dhasha xafaayada raac talaabooyinkan hoos ku qoran:

■ U banay ama ufur xafaayada meel ay hawada ama layrta ka kasho.

■ Badal xafaayada markii uu ilmaha qooyo( ku Saxaroodo ama kaadsho).

■ Haddii finanka ka so baxaan cunuga ku dhaq ama ku meer maro diiran, una mari kareemka lagu magacaabo ZINC Oxide. 


Abdikadir M.  Abdullahi 

Wacyigelin ku saabsan Isnidhaamis (Scabies):

  Wacyigelin ku saabsan Isnidhaamis (Scabies): Isnidhaamisku (Scabies) waa mid kamid ah cudurrada faafa ee ku dhaca maqaarka kaas oo ay sa...