Wednesday, January 6, 2021

𝗫𝘂𝗯𝗶𝗻𝘁𝗮 𝗧𝗮𝗿𝗮𝗻𝗸𝗮 𝗗𝘂𝗺𝗮𝗿𝗸𝗮 𝗼𝗼 𝗖i𝗿𝗶𝗶𝗿𝗶 𝗻𝗼𝗾𝗼𝘁𝗮

 𝗫𝘂𝗯𝗶𝗻𝘁𝗮 𝗧𝗮𝗿𝗮𝗻𝗸𝗮 𝗗𝘂𝗺𝗮𝗿𝗸𝗮 𝗼𝗼 𝗖i𝗿𝗶𝗶𝗿𝗶 𝗻𝗼𝗾𝗼𝘁𝗮.



Waa cillad galmo oo ku dhacda dumarka qaar, waxay na sababtaa dareen xanuun badan xiliga galmada taasoo hoos udhac wayn ku keenta tayada galmada, ciladaan waxay faragelin ku sameysaa xiriirka lamaanaha iyo tayada noloshooda.


Dumarka qaba xalaadaan waxaa si ikhtiyaar la’aan ah isu soo uruura murqaha xubinta galmada, waxayna dhacdaa inta aan la bilaabin galmada, in kastoo dumarka qaar uu isu soo uruuro murqaha ferjiga xilli aan ahayn xiliyada galmada sida marka ay isticmaalayaan tambooni ama marka la taabto hareeraha ferjiga, xaaladaan waxaa loo yaqaanaa “vaginismus”. Waana xaalad is hortaagi karta in loo galmooda qofka qaba xaaladaan. Waa xaalad kadhigta galmada mid aad u xanuun badan.


Xubinta taranka oo iski ururta isma hortaagto kacsiga qofka dumarka, laakin wuxuu is hortaagaa galmada.


𝗡𝗼𝗼𝗰𝘆𝗮𝗱𝗮 𝗩𝗮𝗴𝗶𝗻𝘂𝘀𝗺𝘂𝘀


Waxaa loo qeybiyaa laba nooc.


𝗣𝗿𝗶𝗺𝗮𝗿𝘆 𝗩𝗮𝗴𝗶𝗻𝗶𝘀𝗺𝘂𝘀 waa marka qofka dumarka ah aan waligeed loo galmoon, hadana ay dareento xanuun markasta oo la isku dayo in loo galmoodo.


𝗦𝗲𝗰𝗼𝗻𝗱𝗿𝗮𝘆 𝗩𝗮𝗴𝗶𝗻𝗶𝘀𝗺𝘂𝘀:waa marka ay noqoto galmada mid xanuun badan leh, in kastoo awal aysan ahayn mid xanuun leh, marxaladaan waxaa sababi kara qaliinada lagu sameeyo dumarka.


Dumarka qaar ayaa waxaa lasoo darsa cidhiidhigaan marka ay dhalma gooyaan, waxaana loo aaneyaa iney sababta dheecaanka entrojiin oo heerkiisa hoos uga dhaca marka dumarka ay dhalma goyaan. Hormoonka estrojiin wuxuu sahlaa laastiiga iyo qoyaanka xubinta galmada.


𝗠𝗮𝘅𝗮𝗮 𝗦𝗮𝗯𝗮𝗯𝗮 𝗩𝗮𝗴𝗶𝗻𝗶𝘀𝗺𝘂𝘀?


Ilaa iyo hada lama oga waxa sababa arintaan, laakin waxaa la isku raacay mararka qaar ineysan jirin wax sababa, hasa yeeshee waxaa lala xiriiriyaa walwal qofka dumarka ah uu ka qabo galmada iney tahay mid xanuun badan sidaa darteed waxaa si akhtiyaar la’aan ah isugu soo urura xubinta taranka.


𝗦𝗶𝗱𝗲𝗲 𝗹𝗼𝗼𝗹𝗮 𝘁𝗮𝗰𝗮𝗮𝗹𝗮𝗮 𝗩𝗮𝗴𝗶𝗻𝘂𝘀𝗺𝘂𝘀?


Xaaladaan waa xaalad la daweeyn karo ayadoon la isticmaalin wax dawo ah, waxaana loo daweeyaa si ku dheehan barashada galmada, latalin iyo jimicsi


𝗕𝗮𝗿𝗮𝘀𝗵𝗮𝗱𝗮 𝗚𝗮𝗹𝗺𝗮𝗱𝗮:


Waa barasho laxiriirta in wax lagaa barto qaab dhismeedka jirkaaga iyo sida ay wax udhacaan marka lagu guda jiro galmada, macluumaad ku saabsan murqaha isku soo arura iyo waxa sababi kara iney isku soo ururaan, waxaa kaloo kamid ah barashada in wax lagaa baro xiriirka ka dhexeeya maskaxda iyo xubnaha taranka, waana barasho sahli karta inaad macluumaad saxan ka heshid xubnaha jirkaaga iyo sida ay u falgalaan xiliga lagu guda jiro galmada.


𝗪𝗮𝗮𝘀𝗶𝗰𝗶𝘆𝗲


Waasiciye waa caag dhuuban oo loogu talagalay in si tartiib tartiib ah loogu waasiciyo xubinta galmada haweenka, waxaana laga yaabaa in dhaqtarkaagu kugula taliyo inaad isticmaashid waasiciye Vaginal Dilator waasiciyaha wuxuu caawiyaa iney kala baxaan murqaha ferjiga oo ay unoqdaan kuwa dabca si ay galmada ufududaato, waxaana lagula taliyaa in uu lamaanaha ka caawiyo in sowjadiisu isticmaasho waasiciyaha. Mar hadii ay dhamaato xiliga loo qabta inaad isticmaashid, waxaa adiga iyo saygaaga dib ubilaaban kartaan galmada.


𝗝𝗶𝗺𝗶𝗰𝘀𝗶𝗴𝗮 𝗞𝗲𝗴𝗮𝗹: 


Waa jimicsi lasameeyo si loo adkeeyo murqaha sagxada miskaha, adkeynta murqahaan ayaa caawiyo xakameynta qulqulka kaadida.


𝗦𝗶𝗱𝗲𝗲 𝗹𝗼𝗼 𝘀𝗮𝗺𝗲𝘆𝗮𝗮 𝗷𝗶𝗺𝗶𝗰𝘀𝗶𝗴𝗮 𝗸𝗲𝗴𝗮𝗹?


Hel murqaha aad isticmaashid marka aad rabtid inaad joojisid qulqulka kaadida

Tuujin ku samee murqahaas in 3 sekeno ah, kadib nasi 3 seken oo kale. La marabo in murqaha caloosha iyo bawdyada iney adkaadaan

kudar hal ilbiriqsi isbuuc kasta ilaa inta aad tuujin ku sameen kartid toban ilbiriqsi markasta


Ku celceli jimicsigaan 10 ilaa 15 mar halki fadhi oo aad sameyneysid. Isku day inaad sameeysid ugu yaraan 3 jeer maalin kasta

Hasamayn jimicsigaa marka aad kaadineysid, sababtoo ah waxaad dhaawici kartaa kadi haystaada.


𝗧𝗮𝗹𝗼


Cillad ku timaada galmada waxay dhib ku keeni kartaa xiriirka ka dhexeeya lamaanaha, sidaa darted waa muhiim inaadan ka xishoon oo aad la hadasho ninkaaga oo aad uga waranto dareenkaaga iyo hadii ay jirto wax cabsi ah oo aad kaqabtid galmada, sababtoo ah waxay kaa caawin kartaa inaad nasiino dareentid xiliga galmada.


Saliideynta iyo boosaska qaar oo la isugu galmooda ayaa yarayn kara raaxa-darida ka timaada galmada.


Akhriste ugu yaraan hadaad akhrisatay qormdan caafimaad fadlan #LIKE saar si ay walaalaha kale ee boggan ku xiran usii gaarto, haddi aad sii #SHARE garaysid-na kaba sii fiican oo walaalaha iyo saaxiibadaada ayaa waxaad faa'iiday lasii wadaagtay, anigana dhiirigelin bay ii tahay mahadsanidiin.


Daryeel Magazine

Abdikadir M. Abdullahi 

Sunday, January 3, 2021

Cunnooyinka Saxa Dhiiga Caadada.

 Cunnooyinka Saxa Dhiiga Caadada.





BABAYGA


Babaygu waxa uu dhiiri galiya qulqulka dhiiga caadada in uu si xiriir ah ay u hesho haweynaydu cabitaanka babayga oo si xiriir ah aad u wado dhowr bilood ayaa kaa caawinaysa in ay kuu saxanto caadadu  xanuunka caadadana ay kaa yareyso, balse ma fiicna in la cabo babayga xiliga ay caadadu ay kuu joogto.


SANJABIISHA


Kululeeyso galaas biyo ah oo sanjabiil ku dar sonkor yarna ku darso kadib isku qas sadexda waqti cuntada kadibna cab,

Tani ayaa kaa caawinaysa in aad si xiriir ah u hesho caadada waqtigeeda sidoo kale kaa caawanaysa in ay kaa yareyso xanuunka caadada.


QORFAHA


kaliya in lagu carfiyo cuntooyinka looma isticmaalo balse waxa uu saxaa caadada sidoo kale waxa uu meesha ka saara xanuunka caadada,

 Qaado galaas caano ah oo aan qaboobeyn ku darso qaado haafkeed oo qorfo tuman ah kadib cab.


ISKA YAREE WEL-WELKA AMA STRESSKA


Stress ku ama welbahaarku waa waxa ugu badan oo sababa in ay caadadu qaldanto fadlan isku dey in aad ka fogaato waxkasto oo welbahaar kuu keenaya hadii aad dumar tahay,

Sida welbahaarka la iskaga baabi'iyo waxaad ka heli kartaa iyadoo qormo ah page ka hoos u raac ama linkiga qaybta comments ka yaala ku dhufo.


MIISAANKAADO HADUU HOOSEEYO FADLAN CUNTO NAFAQO LEH CUN


 Waxyaalaha keena in ay caadadu qaldanto waxaa kamid ah in uu miisaankaadu hooseeyo fadlan cuntadaada joogtee hadii aad heli karto,


Hana isku dayin in aad miisaankaada kor ugu soo qaado daawooyinka la isku cayiliyo ee Vitimiinaadka ah waayo iyagaa qatar kale oo weyn keena.


HADII MIISAANKAADU SARREEYO AMA AAD CAYILANTAHAY FADLAN HOOS U DHIG


 Waxyaalaha keena caado wareerka ayaa kamid ahaa cayilitaanka saaidka ah fadlan iska dhim si ay caadadu kuugu saxanto baruurta adiga oo sameynaya jimicsi cuntada culus oo habeenkii ahna iska yareenaya.


SIYAABAHA KALE EE DHAKHTARKA


Hadii caado wareerku ay kuu keentay dheecanada taranka oo aan isku dheeli tirneen ama ay  dhibaato ka jirto ka jirto qanjirka Thyroid waxaa qasab ah in aad booqato dhakhtarkaada si uu kuu baaro kadibna uu kuu siiyo daawooyin isku dheeli tira dheecaanada taranka.


Hadii aad leedahay sonkoroow waxa uu keenaa caado wareerka waa in aad la tashataa dhakhtarkaada si uu kuu xaliyo.


Fadlan hadii aad dhiikar ama Sonkoroow leedahay ha isku isticmaalin 

Cunooyinkan waxaa macquul ah in ay kugu kiciyaan.


Gaarsiiya asxaabtiina sida aan idiin soo gaarsiiyey SHARE u dhaha ama halkaan uga waca si ay uga faaiideystaan gabdhaha.

Xigasho: Dr Amen:

Wacyigelin ku saabsan Isnidhaamis (Scabies):

  Wacyigelin ku saabsan Isnidhaamis (Scabies): Isnidhaamisku (Scabies) waa mid kamid ah cudurrada faafa ee ku dhaca maqaarka kaas oo ay sa...