Thursday, September 24, 2020

Caabuqa ku dhaco xaniinyaha kadibne keeno in xaniintu shuuqdo ama baaba'do.

 Caabuqa ku dhaco xaniinyaha kadibne keeno in xaniintu shuuqdo ama baaba'do


.


Caabuqaas waxaa loo kala qaadaa laba qeyb, mid xaniinta laftirkeeda ku dhaco, loona yaqaanaa "Orchitis", mid ku dhaco tubada shahwada oo xaniinta ka korayso, waxaana loo yaqaanaa (Epididymitis), laakiin sida ay u badan tahay labada meelba hal mar ayuu ku wada dhacaa caabuqaan waxaana markaas loo yaqaanaa (Epididymo-orchitis) Badanaa caabuqa hal xiniin ayuu ka bilawdaa, laakiin labaduba hal mar wuu ku dhici karaa, waana cillad ragga ku badan waxayna badanaa ka dhalataa infekshan ka yimid kaadi mareenka ama lagu kala qaaday galmada.


#Maxaa keeno caabuqa xiniinyaha 

Infekshanka kaadi mareenka oo xumaaday wuxuu keenaa caabuqa xiniinyaha, khaasatan bakteeriyada loo yaqaano (E coli)


Cudurrada lagu kala qaado galmada waa kuwa ugu badan ee keeno caabuqa xiniinyaha khaasatan cudurrada Jabtada iyo kalamiidiyaha, sidokle 

Caabuqa fayraska khaasatan midka keeno Qaamo-qashiirka (Mumps virus) waa midka ugu badan oo keeno caabuqa xiniinyaha, 


#Jugtu waxay ka mid tahay waxyaabaha keeno caabuqaan khaasatan xilliyada ciyaarta banooniga iyo baaskiil wadidda.


#Qalliinka lagu sameeyo qanjirka ragga ee (prostate-ka) mararka qaar waxaa laga dhaxlaa caabuqaan xiniinyaha khaasatan haddii nadaafadda qalabka qalliinka loo adeegsaday aysan fiicnayn.

#Tiibishada ku dhacdo xiniinyaha iyaduna waxay keentaa xanuunkaan, dhakhsane laguma baraarugo.


#Yuu ku dhacaa xanuunkaan?


Xanuunkaan wuxuu aad ugu badan yahay ragga da'doodu u dhaxayso 15 illaa 30 sano iyo ragga ka wayn 60 sano.


#Astaamaha lagu garto xanuunkaan


Badanaa xanuunkaan si dhakhso ah ayaa lagu dareemaa calaamadihiisa hal malain ama laba maalin gudahooda, isla markiiba qofka wuxuu dareemaa qooraha oo bararo, xanuun iyo danqasho siyaado ah.

Hadduu xanuunkaan ka dhashay xanuun kale sida aan kor ku soo xusayne qofka wuxuu dareemi karaa astaamo kale oo la xiriira xanuunka keenay, tusaale: hadduu infekshan kaadi mareenka horay kuu hayay waxaad dareemaysaa kaadida oo ku gubto, dhabar xanuun, gumaar xanuun.


 midda kale hadduu caabuqa ka yimid xanuunada galmada lagu kala qaado waxaa dareemi kartaa dheecaan ibta ka yimaado, qanjirrada saracda ku jira oo barara IWM.


#Sidee loo baaraa xanuunkaan?


#Baaritaan kaadida iyadoo la fiirinayo inuu infekshan kaadi mareenka uu horay kuu hayay, sababne u ahaa caabuqaan xiniinyaha.


Baaritaanka dheecaanka ibta ka yimaado hadduu jiro taasoo astaan u ah xanuunada galmada lagu kala qaado sida jabtida, kalamiidiyaha IWM.


Baaritaanka computer-ka qooraha (Doppler Ultrasound) iyadoo la fiirinayo xaaladda xininyaha iyo xididada soo galo, hadduu barar jiro, haday biyo galeen ama shuuqeen intaba.


#Sidee loo daaweeyaa xanuunkaan?


Markuu xanuunkaan cusub yahay waa in qofka sida ugu dhakhsiyaha badan saacado gudaheeda lagu bilaabo qallajiyo cirbad ah ama kaneeni iyadoo loo fiirinayo xaaladda qofka heerka ay gaarsiisan tahay, daawaduna waa inay noqotaa nuuca ka gudbo xiniinyaha iyo qanjirka prostate-ka sida: Ciprofloxacin, Levofloxacin.


Baaritaan markii la sameeyo kadib haddii la helo jeermis gooni ah oo loo aaneynayo inuu keenay caabuqaan waa in lagula tacaalo daawada shaqada ku leh khaasatan hadday cilladu ka timid xanuun ka mid ah kuwa galmada lagu kala qaado.


#Haddii aan la daaweyn maxaa dhacayo?


Xanuunkaan wax ka qabadkiisa waxay ku fiican tahay maalmaha hore ee caabuqu cusub yahay, hadduu qofku daawo qaadan amaba ku baraarugin inuu dhakhtar u tago, afar mid ayay noqotaa xaaladdu.


#In caabuqa u gudbo xiniinta kale oo labaduba saameeyo oo malax gashato qooraha "Scrotal Abscess" taasoo qalliin degdeg ah u baahan.


#In caabuqa iskiis u yaraado, laakiin dhibku uu weli jirka ku jiro taasoo ka dhalan karto in xiniinto baaba'do ama shuuqdo markaasoo isu badasho xaaladda loo yaqaano (Testicular Atrophy), markay xaaladaas timaadane xiniintu way howlgabtaa, shahwadiine hoos ayay u dhacdaa tiro iyo tayo ahaanba, qofkane wuxuu noqdaa madhalays.


#Caabuqa oo noqdo mid raago oo xaniintu biyo gashato taasoo iyaduna isu badalayso xaalad kale oo loo yaqaano "Hydrocele", iyaduna waxaa lagula tacaalaa qalliin fudud oo lagu saarayo biyahaas.


#marar dhif ah caabuqa xiniinta wuxuu u gudbaa qooraha iyo inta ku hareeraysan, wuxuuna caabuqaas keeni karaa in xubnaha kale u keeno waxa loo yaqaano (Gangrene) oo ah caabuq si dhakhso ah ku faafo, xaaladaasne waa in si degdeg ah banaanka loogu soo saaro xiniinta inta aysan dhib kale keenin.


#Tallo


Hadduu jiro xanuun infekshan kaadi mareenka "UTI" oo aad la nooshahay in si dhakhso ah iskaga daaweysid inta aysan dhib iyo jahwareer kale kuu keenin.


Hadduu jiro cudur ka mid ah kuwa lagu kala qaado galmada oo aad la nooshahay "STI" ama daawo rasmi ah aadan u raadsan waa inaadan xishoon oo aad dhakhtar la xiriirtaa.


#W.Q Dr mahamed abukar

Tuesday, September 22, 2020

Guuxa Dhagaha laga maqlo caafimaad ahaan waxaa loo yaqanaa Tinnitus.

 Guuxa Dhagaha laga maqlo caafimaad ahaan waxaa loo yaqanaa Tinnitus. 




waana xaalad qofka uu maqlaayo guux ama shanqar aan aan ka jirin deegaanka Ama agagaarkisa.


inta badan ciladaan waxaa lagu arkaa dadka dadoodu weynatahy sidoo kale  waxaa lagu arki karaa 15 -20 jirada.


Mahan xaalad halis ah oo  qatar  caafimaad keeni karto,  waxaa dhacada ciladaan in ay ka sii darto marka da'da qofka sii siyaado.


▪Maxaa sababo guuxa dhagaha.


1- Maqalka qofka yaraado inta badan waxaa lala xiriiriyaa da'da.


2- Sidoo kale waxaa kaana ka shaqeenta meelaha buuqa badan sida warshadaha.


3- isbadal ku yimaada lafaha yaryar Ee ku yaalo gudaha dhagata.


4- sidoo kale xalaadan waxaa keenta dhaawac soo gaaro Gudaha dhagaha.


5- cuduro iyo dhibaatoyin kale Ee ku imaada xididdada dhagaha sida:


A- xididada adkaado.

B- Burooyin ka so baxo madaxa iyo qoorta, kuwaas sameen ku yeesho xididada.

C- dhiig karka.

D-xididada u sameesmo si qaab daran.


Sidoo kale xaaladan waxaa sabab Daawoyinka qaar sida:


1- Noocyo ka mid ah dawooyinka qalajiyayaasha sida : Erothromycine 

Neomycine vancomycine)


2-  Daawooyinka lagu daweeyo xanuunka kansarka (cancer)


3- qaar ka mid ah dawooyinka malariyada sida quinine-ta.


4-i sidoo kale waxaa sabab daawada asprin-ka.


▪Dadka qatarta ugu jiro cildaan waxaa ka mid ah:


1- Dadka ka shaqeeyo meelaha buuqa iyo sabaxabka bada.

 

2- dadka da'dooda wayn tahay.


3- Ragga 


4-dadka isticmaala muqaadaradka sida sigaarka.


5-  sidoo kale waxa uu halis ku yahay dadka qabo cudurada ku dhaco xididada sida dhiig karka.


▪Dhibaatoyinka ka dhalan karro Guuxa  dhagaha waxaa ka mid ah:

 

Daal,wal wal, hurdo la'aan, Niyad jab, caro fara badan, xusuusta iyo xifdinta oo yarta.


▪Sidee looga hortagi karaa ciladaan.


Guuxa dhagaha inta badan waxay ka dhalataa waxyaabo laga hortagi karo.


✔Sidee looga hortagi karaa.


1-  Dadka ka shaqeya warashadaha iyo meelha kale oo buuqdo badan yahay, waxaa wanaaagsan in ay isticmaalan  qalabka  dhagah lagu xiro oo hoos u dhigaa dhabaqa warashadaha.


2- sidoo kale waxaa wanagsan in aad codka ka yareeso marka aad sameecadaha dhagesaneso.


3- waa in aad ka hortagtaa xanuunda iyo dhibaatoyinka kale Ee sameya dhagha oo qaado Talooyinka hoos ku qoran:


A-samee jimicsi joogto ah.

B-qaado cuno isku dheeli tiran.


Daaweynta waxey ku xidhantahy waxa sababay, fadlan la xariir dhakhtarka qaabilsan cunaha iyo dhagaha.


Share-dheh oo gaarsii asxaabtada si ay uga faaideystaan.

Mahadsanidiin 



Sunday, September 20, 2020

Wax badan Ka Ogow Sababta Ukunta Karsan Ugu Wanaagsan tahay in Lagu quraacdo Xilliga Quraacda, Dadka Waa Weeyn iyo Caruurtaba.?

 Wax badan Ka Ogow Sababta Ukunta Karsan Ugu Wanaagsan tahay in Lagu quraacdo Xilliga Quraacda, Dadka Waa Weeyn iyo Caruurtaba.?



Waxaan Halkan Kugu Soo Gudbin Doonaa Cilmi baaris Ku Saleeysan aqoon Cilmiyeed , Waxaan Hubaa inaad Ka faa'ideysan doontid , Waa Haddii Aad Waqti Kooban Siiso aqrinta qoralkan Haddaad daahsan tahay Waqti Kale .!


1:  Waxaa La Sheegaa Qofka Mar Walba Ku Quraacdo Xabad beedh ah {Ukun ah} Waagu Markuu baryo , Miizaanka Qofkaas Waa Uu Xafidmaa Dheeli tirnaada , Mana Kordhayo Mana Ka Nuqsaamayo.


2: Ukunta Karsan Waxeey Ka Mid tahay Maadooyiinka Aad Uga qeeyb qaato Sara U Kaca Shaqada dheefshiidka Waxeeyn Jirka Siisaa Heerkul Ku Haboon Oo Wanaagsan.


3: Shaqada Beerka Oo Si Wanaagsan U Shaqeeyo ayeey qeeyb Ka tahay Si gaar ah Maaddo lagu Magacaabo " Koline' Oo Ku jirto Ukunta Karsan ayaa Si Wanaagsan Uga qeeyb qaadato Habsame U Socodka Wareegiisa Shaqada.


4: Awoodda Caqliga ayeey Xoojisaa isla Maadadan lagu magacaabo"  Koline" Ayaa Si Weeyn Uga qeeyb qaadato Soo Celinta Xasuusta iyo Xifdinta 


Gaar Ahaa inaad Wax badan Tarkiizka Saarto Sidaa darteed Waxaa lagula taliyaa in Caruurta Subaxdii Labaxo Oo Ukun ah loo Kariyo.


5: Waxeey Xoojisaa difaaca jirka Oo Waxaa Yaraado Awoodii ay Cudurada jirka Ku Soo Wareeri lahaayeen.


5: Waxeey Ka Kooban tahay Ukunta Karsan Fitimiinada Kala ah Vitamin A Vutamin B iyo Aasiidhka Nuuca Folic"

Waana Maaddoyiinka Ugu Muhiimsan Ee Xoojiya difaaca jirka Aadanaha.


7 : Vitamin D Oo Ka Mid ah Kuwa Ugu badan Ee Laga Hela Ukunta Karsan 

Waxeey Ka qeeyb qaadataa Dhismaha lafaha Waxaa intaas Sii dheer Waxeey yareeysaa Xanuunka Xubnaha Kala gooysyada Ku dhaca.


☞" Ugu Dambeeyn Salliga Nabiga Oo Aad badiso Waxa ay Kaa yareeysaa Murugta iyo Walaaca War Warka iyo Caloolyowga Ha Hilmaamin inaad Ku Salliso Ka dib faafi.✍πŸ’”



Wacyigelin ku saabsan Isnidhaamis (Scabies):

  Wacyigelin ku saabsan Isnidhaamis (Scabies): Isnidhaamisku (Scabies) waa mid kamid ah cudurrada faafa ee ku dhaca maqaarka kaas oo ay sa...