Friday, October 23, 2020

π—›π—˜π—”π— π—’π—₯π—₯π—›π—”π—šπ—˜(DHIIG BAX)

 π—›π—˜π—”𝗠𝗒π—₯π—₯π—›π—”π—šπ—˜



Ereyga Heamorrhage waa luqada giriiga micnihiisuna waa dhiig lumid (lost of blood) ama dhiig bax.


Dhiig baxa hadii dibada ku socdo waxaa looya qaan (External Heamorrhage).

Dhiig baxa haddii uu gudaha kusocdo waxaa looyaqaan (Intenal Heamorrhage). 


Wax yaabaha ugu waa weyn ee keeni kara dhiig bax (main couses of bleeding)

Dhiigbax waxa uu imaan karaa marka eey go’aan sadexdaan xidid midkood:


𝗔π—₯π—§π—˜π—₯𝗬

π—©π—˜π—œπ—‘π—’π—¨π—¦

π—–π—”π—£π—œπ—Ÿπ—Ÿπ—”π—₯𝗬


𝗔π—₯π—§π—˜π—₯𝗬 Xididadaan halboowlaha waa kuwo hoos jira oo lafta dulsaaran si eey u nabadgalaan.


Artery marka uu go’o ama uu dhaawcmo wxaa ka yimaada dhiig casaan cad leh oo xowli u socda waxaan loo yaqaanaa


π—©π—˜π—‘π—’π—¨π—¦ oo ah xididada arorayaasha marka ay go’aan ama ay dhaawacmaan waxaa ka yimaada dhiig madow waxaana loo yaqaanaa (Veinous bleeding) ama dhiiga aroorayaasha 


π—–π—”π—£π—œπ—Ÿπ—Ÿπ—”π—₯𝗬 oo ah xididada teeftaafyada marka ay go’aan ama ay dhaawacmaan waxaa ka yimaada dhiiga caadi ah oo xowli u socda waxaana loo yaqaanaa (Capillary bleeding) ama dhiiga teeftaafyada.


π—–π—”π—Ÿπ—”π—”π— π—”π——π—”π—›π—” π——π—›π—œπ—š 𝗕𝗔𝗫𝗔


Calaamadaha dhiig baxa waxaa ka mid ah


1 Naxdin ama argagax ( Shock) 

2 Doorsoon (Pale) 

3 Dhidid qabow ah

4 Cadaadiska dhiiga oo hoos u dhaca 

5 Garaaca wadnaha oo bata

6 Garaaca wadnaha oo hoos dhaca 


Hemorrhage management


Waa in aad baneeysaa meesha dhiig baxeeysa (remove any clothing).


Dhiigga jooji adiga oo faashad nadiifa ama maro nadiif ah dhaawaca ku cadaadinaya. Isha oo kale cadaadis xoogan hasaarin sidookale haddi qofka wax kumudanyihiin hakusii cadaadin, waa in aad dhaawaca geesihiisa cadaadisaa.


Qofka waa in uu ahaadaa mid dhulka yaala.

Dhiig baxa daran waxaa loo adeegsadaa cirbad dhiig joojin (Transamin Inj) ama vitamin k3.


Qofka aadka udhiig baxay, wareeraaya ama shooksan faleenbo ayaa lasiinayaa sida NS infusion.


Haddii uu jiro xanuun daran sii cirbad xanuun joojin ah.


Haddii uu dhaawucu leeyahay wasaq badan ku dhaq NS infusion.

Haddii uu dhaawacu u baahan yahay tolmo waa in latolaa.


Marka aad xireysid dhaawaca haku xirin waxyaabaha ad adag sida siliga iyo waayirka sababtoo ah waxaa roon in la dabciyo nabarka dhaawicii la xirraba 30 daqiiqaba mar si aysan u dhiig waayin inta ka hooseysa ee jirka qofka.




Share dheh oo lasi wadaag asxbtada kale

Tuesday, October 20, 2020

Faa'iidooyinka Mooska (CUN 2 XABBO MAALIN KASTA).

 Faa'iidooyinka Mooska (CUN 2 XABBO MAALIN KASTA)



Mooska waxa uu ka mid yahay qudaarta caafimaadka u roon, Cunidda moosku waxay kordhisaa tayada faya-qab iyo caafimaad ee aadanaha, Sida khubarada caafimaadku sheegeen cunista moosku waxay korisaa nudayaasha la dagaalama kansarka. 


Moosku waxa uu leeyahay tamar waxaana laga helaa maadada Potassium ka oo faa’iido weyn u leh caafimaadka, Waa kuwan tiro faa’iidooyin ah oo laga helo cunista 2 xabo oo moos ah maalin walba.


1: Wuxuu yareeyaa Niyad-jabka (Depression): Moosku wuxuu yareeyaa heerka cadaadiska maskaxda ee ka dhasha wel-welka, walbahaarka iyo caloolyowga.


2: Waxa uu daweeyaa gaaska : moosku waxa uu ka hortagaa gaaska iyo nabarada ku samaysma caloosha iyo mindhicirada. Sidoo kale moosku waxa uu daweeyaa gaaska iyo nabarada caloosha.


3: Moosku wuxuu ilaaliya Tayada dhiiga: moosku waxa uu ilaaliya tayada iyo caafimaad qabka nudayaasha dhiiga.  Cun 2 moos ah subax walba si aad uga badbaado dhiig-la’aanta.


4: Waa u daawo calool istaagga:– Maadaama moosku leeyahay Baal “Fiber” waxa uu daweeyaa calool istaaga, Cun 2xabo oo moos ah maalin walba oo ka takhalus calool istaaga.


5: Waxa laga helaa tamar “Energy”:- Mooska waxa ku jira 3 sonkorood oo dabiici ah oo kala ah fructose, glucose iyo sucrose kuwaasoo ka caawiya jidhku inuu helo tamar ku filan.


6: Wuxuu xoojiyaa lafaha:- Moosku waxa uu xoojiyaa lafaha, Moosku wuxuu fududeeyaa nuugista calcium ka oo ah maaddo lafaha u roon, Sidaa darted waxa uu lafaha ka dhigaa kuwo caafimaad qaba oo xoogan.


7: Wuxuu la dagaalama cudurada: Moosku waxa uu yareeya sumowga jidhka waxana uu jidhka ka nadiifiyaa wasakhda.


8: Wuxuu kordhiyaa xusuusta: cunidda moosku waxay sare u qaadaa awooda xusuuseed ee qofka, Xaddi badan oo ah Maadooyina tryptophan, potassium iyo magnesium ee ku jira moosku waxay sare u qaadaan xusuusta.


9: Waxa uu yareeyaa halista dhiig-karka: Moosku waxa uu yareeyaa halista qofku ku qaadi karo xanuunka dhiig-karka “Dilaaga aamusan”.  Maadaama mooska ay ku yartahay maadada Sodium isla markaana ay ku jirto Potassium badan wuxuu 10% yareeyaa halista dhiig-karka.


10: Wuxuu isu-miisaama dheecanada jidhka “hormones”:  mooska waxa ku jira xaddi badan oo maadooyinka Potassium iyo Vitamin B6 kuwaasoo u roon soo saarista xadiga dheecaan walba ee loo baahan yahay.


11: Wuxuu caawiya Luminta miisaanka dheeriga ah: Moosku waxa uu sahlaa saarista iyo luminta baruurta aan loo baahnayn ee jidhku kaydiyo.


12: Moosku waxa uu yareeya xanuunada maskaxda: xaddi magnesium ah oo ku jira Moosku ayaa yaraysa xanuunada ku dhaca maskaxda sida Alzheimer’s ka iyo Parkinson’s-ka. 


13: Moosku waa qudaar qiima ahaan jaban se faa’iido weyn uleh caafimaadka iyo faya-qabka, Cun 2 xabbo oo moos ah maalin walba oo hel faa’iidooyinka caafimaad ee ku xusan.


Jooji Qaadka iyo sigaarka oo cun qudaarta uu u horeeyo moosku. Qudaarta cagaarani waa furaha caafimaadka iyo fayaqabka. 

Qaadka iyo sigaarkuna waa furaha cudurka iyo caafimaad darrada.


Qodob-kee dareenkaaga soo jiitay.


Akhriste ugu yaraan hadaad akhrisatay qormdan caafimaad fadlan #LIKE saar si ay walaalaha kale ee boggan ku xiran usii gaarto, haddi aad sii #SHARE garaysid-na kaba sii fiican oo walaalaha iyo saaxiibadaada ayaa waxaad faa'iiday lasii wadaagtay, anigana dhiirigelin bay ii tahay mahadsanidiin.


Nagula soo biir boggan si aad ula socoto qormooyin xiiso badan.

Wacyigelin ku saabsan Isnidhaamis (Scabies):

  Wacyigelin ku saabsan Isnidhaamis (Scabies): Isnidhaamisku (Scabies) waa mid kamid ah cudurrada faafa ee ku dhaca maqaarka kaas oo ay sa...