Saturday, September 4, 2021

π—ͺ𝗔𝗫 𝗕𝗔𝗗𝗔𝗑 π—žπ—” π—’π—šπ—’π—’π—ͺ 𝗕𝗔π—₯𝗔π—₯π—œπ—¦π—”π——π—”

 π—ͺ𝗔𝗫 𝗕𝗔𝗗𝗔𝗑 π—žπ—” π—’π—šπ—’π—’π—ͺ 𝗕𝗔π—₯𝗔π—₯π—œπ—¦π—”π——π—”





Waxaan casharkaan kaga hadli doonaa cudurka ay soomaalida badanaa u taqaano “Barariso”, afka qalaad waxaa lagu dhahaa “Pyogenic Flexor Tenosynovitis”.


Cudurkaan wuxuu ku billawdaa in mid ka mid ah faraha gacanta ay gaarto dhaawac mudis ah, dhaawacaas oo farta gudaha u galo illaa uu ka gaaro xuubka ku hareeraysan lafta farta.


Waxa ku muday haddii aysan farta gudaha safiican ugu galin, badanaa ma keento caabuq daran, si dhakhsane uguma faafto faraha kale, waana xaalad ka duwan caabuqa bararisada, waxaana loo yaqaanaa “Cellulitis”.


Maxay badanaa gacmaha ugu dhacdaa?


Gacmaha waa meelaha ugu badan ee u nugul in qofka ka dhaawacmo, waana meesha ugu fudud oo dhaawac si sahlan ku gaari karo seedaha iyo lafaha maadaama aysan sidaa uga fogayn hilibka kore.


Badanaa waxyaabaha qofka mudo waa wax dhulka yaallo oo jeermis xambaarsan, waxaana badanaa cilladaan lagu arkaa dadka gacmaha ku shaqaysto sida dadka beeraha falo, geedaha gooyo ama biraha ka shaqeeyo.


Jeermiskaas markuu jirka gudaha u galo, wuxuu ku tarmaa farta dhaawaca gaaray, waxyar ka dibne way barartaa, kadibne malax ayay gashanataa, kadibne caabuqii wuxuu si dhakhso ah ugu gudbaa faraha kale illaa uu gacanta wada gaaro.


Haddii aan laga gaarin dhaawaca markuu cusub yahay wuxuu si joogto ah u naafeeyaa seedaha iyo kalagoysyada yaryar ee faraha, taasina waxay keenaysaa in faraha qalloocdaan ama gacantaba ay qallafto ama qallasho.


Sidee loo daaweeyaa cudurkaan?


Daawada waxay waxtar degdeg ah leedahay markuu dhaawaca cusub yahay, waa in meesha dhaawaca kaa gaaray si dhakhso ah loo nadiifiyo si caabuqa loo yareeyo, waa in nabarka la mariyo ama lagu xiro jeermis dile, lana qaato daawo qallajiye ah si jirka looga caawiyo la dagaallanka jeermiska soo galay.


Hadduu nabarka muddo ka soo wareegato, waa in la fiiriyo inuu malax yeeshay iyo in kale, hadduu malax gashtay waa in sida ugu dhakhsiyaha badan loo dillaaciyo oo malaxda laga soo daadiyo, kadibne dhaymo iyo daawo la isugu daro qofka.


Hadduu caabuqa ku fidiyay faraha kale ama gacantma waa in qalliin lagu sameeyo qofkaas si gacanta loo badbaadiyo, lagana saaro gacanta wixii unugyo ah oo dhintay ama wasakhoobay si faafitaanka caabuqa loo xadido.


Gaarsii Asxaabtaada oo u #SHARE garee.

W/Q Somalidoc


Share

Abdikadir M. Abdullahi 

Thursday, September 2, 2021

CABITAANKA BASASHA

 CABITAANKA BASASHA





Basasha waxaa laga samayn karaa cabbitaan dawo ah!

Shabakadda Bold Sky oo Arrimaha caafimaadka wax ka qorta ayaa dhowaan faafisay Warbixin caafimaad oo tilmaamayso in basashu ay qani ku tahay maaddooyinka lidka mariidka, caabuqa iyo bakteeriyada. Sida oo kalana ay hodan ku tahay Faytamiinnada A, B, C, Asiidhka Foolik iyo macnado ay ka mid yihiin calcium, phosphorous, magnesium, sulfur, chromium iyo iron.


Marka aynu soo ururinno faa’iidooyinka tirada badan ee basasha waxaa ka mid ah:


1. DHIMISTA MIISAANKA


In qofku uu maalin kasta qaata 100 ml oo sharaab basala ahi muddo siddeed toddobaad ah waxa uu si weyn u yareeyaa dufanka ku urrua caloosha iyo dhexda, waxa aanu yareeyaa heerka kalastaroolka dhibaatada keena.


2. LA DAGAALANKA XANUUNNADA WADNAHA


Basasha oo sharaab ahaan loo isticmaalaa waxa ay ka hortagtaa xinjirowga dhiigga oo sababa in xididdadu xidhmaan, waxa aanu caawiyaa in halbawleyaasha dhiiggu aanay adkaan.

Sida oo kale waxa ay caawisaa hoos u dhigista heerka asiidhka ‘Homocysteine’ taas oo ka hortagta in wadne xanuunku uu goor hore meel sare ku gaadh oqofka.


3. XANUUNNADA INDHAHA


Sharaabka basashu raadad badan oo togan ayaa uu ku leeyahay daweynta caabuqa guud iyo xanuunnada indhaha ku dhaca ee ay ka mid yihiin ‘Conjunctivitis’ (Daafka ama indha guduudka) iyo xanuunka indhaha ololka iyo bararka ku keena ee ‘Blepharitis’.


4. DAADASHADA TIMAHA


Muddo laba bilood ah oo maalin kasta madaxa la mariyo muudka basasha, iyada oo marka hore la dhukurayo waxa ay timaha ka ilaalisaa daadashada, sidaas awgeed waxa ay ka hortag fiican u noqon kartaa bidaarta.


5. LAFA BURBURKA / IS LISKA LAFAHA EE OSTEOPOROSIS


Lafaha oo waaya ama lumiya cufnaanta macdaneed ayaa keenta in ay jilcaan si fudud isu lisaan isla markaana ay burbur keenaan, taas oo ah xaaladda caafimaad ee loo yaqaanno Osteoporosis.

Xanuunkani waxa uu si gaar ah ugu badan yahay haweenka, gaar ahaan waxa uu ku dhacaa marka ay da’da caada deyska gaadhaan. Cilmibaadhiso lagu sameeyeyna waxa ay muujiyeen in raadka togan ee muudka basashu ku leeyahay lidka mariidku ay caawiso in ay dib u wanaagsanaadaan cufnaanta lafuhu.

Marka maalin kasta la cabbo 100 ml oo basal la miiray ah, muddo siddeed toddobaad ah, waxa la dareemayaa isbeddelk weyn oo ku yimi caafimaadka iyo quwadaysiga lafaha. Waxa kale oo uu cabbitaanka basashu caawiyaa daweynta xaaladaha caafimaad darro ee kale ee la xidhiidha lafaha.


6. LA DAGAALANKA XANUUNKA MACAANKA


Cabitaanka basasha laga sameeyaa waxa uu boqolkiiba 50 yareeyaa heerka Gulukoosta ku jirta dhiigga qofka qaba xanuunka macaanka noociisa labaad. Waxa kale oo uu cabbitaankani ka qayb qaataa dib u cusboonaysiinta unugyada ‘Beta’ ee ganaca oo marka ay dhaawacmaan sababa xanuunka macaanka, kaddib marka uu ganacu soo saari kari waayo maadadda sonkorta gubta ee Insulin.


7 DAWADA XASAASIYADDA


Cilmibaadhis lagu sameeyey raadka uu muudka basashu ku yeelan karo waxyaabaha sababa xasaasiyadda jidhka bani’aadamka, waxaa lagu ogaaday in cabbitaanka basasha laga sameeyaa uu si weyn u caawin karo yaraynta barootiinnada ‘Inflammatory cytokines’ oo iyagu sababa xasaasiyadda maqaarka iyo xanuunnada kale ee shabbaha sida xiiqda.


8. WAXA AY LA DAGAALANTAA QABOWGA IYO HARGABKA


Basashu waxa ay ka mid tahay dawo guriga lagula dagaalamo hargabka iyo noocyada duriga ee qabowga ku yimaaddo. Basal la miiray oo lagu daray in yar oo malab ah ayaa dawo waxtar muuqda leh u noqon kara habdhiska neefsiga iyo hargabka.

Daraasadaha lagu sameeyey faa’iidooyinka muudka basashu waxa ay tilmaameen in dareeraha laga miiro basasho uu caawin karo yaraynta bararka iyo xidhanka ku dhaca marinnada neefta, isla markaana uu yareeyo caabuqa ku dhaca. Isla markaana uu ka takhaluso balqanka iyo xabka ka dhasha hargabka ee xidha marinnada neefta.


9. CAAFIMAADKA ILKAHA


Cilmibaadhis cusub ayaa lagu ogaaday in raadka liddiga ku ah jeermiska ee ay caanka ku tahay basashu uu sida oo kalana ka takhaluso suuska ilkaha ku dhaca iyo caabuqa cirridka.


10. KA HORTAGGA BUROOYINKA KANSARKA AH


Cilmibaadhiso lagu sameeyey waxtarka caafimaad ee basashu jidhka u leedahay ayaa daahfuray, in muudka basashu uu caawin karo ka hortagga faafitaanka kansarka ku dhaca xiidmaha iyo malawadka, sida oo kalana uu faa’iido u leeyahay ka hortagga noocyo kale oo ka mid ah kansarka, sida kansarka ku dhaca naaska iyo midhicirada.


11. FAA’IIDOOYIN KALE


Faa’iidooyinka kale ee uu cabbitaanka laga miiro basashu leeyahay waxaa ka mid ah, in uu joojiyo dhiigga ka furma sanka, in uu madax xanuunka daran daweeyo, in uu daweeyo xanuunka qaaxada, in uu dhaqso u daweeyo findoobka, in uu yareeyo garaaca iyo xanuunka xubnaha iyo xaglaha iyo in uu daweeyo gubniinka fudud.

–Kamaal Marjaan.


Abdikadir M. Abdullahi 

Tuesday, August 31, 2021

πƒπ‡πˆπƒπˆπƒπŠπ€ π†π€π‚πŒπ€π‡π€πŸ‘‹

 πƒπ‡πˆπƒπˆπƒπŠπ€ π†π€π‚πŒπ€π‡π€πŸ‘‹




Dhididka badan ee qofka uu ku arko gacmihiisa ama lugahiisa waxaa caafimaad ahaan loo yaqaannaa "Hyperhidrosis" oo macnaheedu yahay cillada dhididka xad dhaafka ah.


Qofka markuu kululaado ama uu jimicsi sameeyo inuu dhidido waa arrin caadi ah oo eebbe ugu talagaly in jirka lagu qaboojiyo si loo yareeyo heerkulka.


Waxaa kaloo dabiici ah hadduu qofka xanaaqo ama naxo ama welwelo inuu dhidid ka yimaado.Laakiin cillada ku kooban sacabada iyo calaacalaha oo aad looga dhidido iyadoo aysan jirin wax kiciyo sida aan kor ku soo xusay waa cillad qanjirrada dhididka oo si xad dhaaf ah u shaqeeyo..


Qofka qabo cilladaan, waxaa kacsan qanjirrada dhididka u qaabilsan ee ku yaallo jirka ama meelo gooni ah sida sacabada iyo calaacalaha, qofka uu dhididka badan ka sii welwelo ama dhibsado waxay sii kordhinaysaa dhididka horay u badnaa.


Hadduu iyadoo cillada dhididka badan jirto, qofka uu sii welwelo ama naxo wuu ka sii daraa dhididka sida markii aad imtixaan ka shaqaynayso oo kale.


haddii calaacalaha aad ka dhidido waxaa loo yaqaanaa "Palmar Hyperhidrosis" kan cagahana "Plantar Hyperhisrosis".


Dhididka badan oo noocaan ahi, wuxuu noqon karaa mid dahxal ah oo aan la xiriirin xanuun kale.


Laakiin waxaa dhacdo xaalado caafimaad darro oo dhididka siyaadiyo waxaana ka mid ah cudurradaan soo socda:

1- Kacsanaanta dheecaanka korriinka jikra "Growth hormone"

2- Cilladaha niyad jabka iyo welwelka ee maskaxda ku dhaca.

3- Kansarka 

4- Daawooyinka qaar oo si qaldan loo isticmaalo

5- Kacsanaanta qanjirka thyroid-ka.

6- Tiibishada sambabka ku dhacdo "Qaaxada" 

7- Xanuunka Buruseelka 

8- Dhaawac xangullaha lafdhabarta

9- Faalijka nooc ka mid ah.

10- Xanuunka xasuusta lumiya ee Parkinson.

11- Xilliga dhalmodeyska ama caadada istaagto.

12- Cillada sonkorta dhacdo.


Haddii qofku iskala noolaan karo wax dhib ah kuma yeelaneyso laakiin haddii ay saameyn ku yeelato nolol maalmeedkiisa waa inuu la xiriiraa takhtar si xal loogu helo.


Dadka ugu badan ee dhibaato ku qabo ayaa waxaa ugu horreeyo ardayda weliba xilliyada imtixaannada maadaama ay niyad kacsaniyihiin dhididkane uu saaid yahay taasoo keenta in ay warqadaha iska qooyaan imtixaankane ka shaqayntiisa dhib ku noqdo.


Hababka kontoroolidda dhidhidka xad dhaafka ah waxaa lagu yarayn karaa kareemyada leh deodorants-kaoo ay ku jirto maado loo yaqaanno "antiperspirants" oo dhididka yarayso.


Waxaa kaloo lagu joojiyaa iyadoo koronta lagu qabto qanjirrada dhididka siyaadada ah u soo daayo ama cirbad lagu duro ama qalliin lagu sameeyo neerfaha kontoroolo qanjirrada dhididka.


Daaweyntaan waxay ku xiran tahay qofka xaaladiisa heerka ay gaarsiisan tahay iyo meesha dhididkiisu u badan yahay.


haddii cilladaadu aysan gaarsiisneyn heer daawo ama qalliin waxaa jiro tillaabooyin aad guriga ku samayn karto si aad dhididka iskaga yarayso:

1- Baradho inta aad xaliif ahaan u jarjartid, gacmaha ama meelaha aad uga dhidido ku xoqo.

2- Cusbo iyo liin dhanaan la isku daray marso meelaha aad uga dhidido waxay yareeyaan shaqada qanjirka dhididka.

Wixii macluumaat intaa dheer kala xiriir takhtarkaaga, haddii aad qabtid su'aalo kale ama aad faahfaahin u baahan tahay waad na soo weydiin kartaa.

WQ: somali Doc


Abdikadir M. Abdullahi 


πŸ‘‰π†πšπšππ‘π¬π’π’ Ama 𝐌𝐞𝐧𝐭𝐒𝐨𝐧 Dheh Asxaabta si Eey uga  faaideystaan.πŸ‘ˆ


𝐬𝐑𝐚𝐫𝐞- dheh wll

Sunday, August 29, 2021

Halista qarsoon ee WEYNEYNTA FARUURYAHA.

 Weyneynta Faruuryaha (Lip augmentation)

Weyneysiga faruuryaha waa xaalad u baahan in si taxadar leh loo sameeyo una baahan khubaro Caafimaad oo takhasusyo kala duwan wato iney saameeyaan. Ma ahan wax uu hal ama laba dhakhaatiir ah ay sameyn karaan. Aan usoo daadagee ujeedadeydee, Somalia ma joogaan dhakhaatiir howshan fulin Kara?  Jawaabta adiga akhristaha ah ayaan kuu daayey.

Ma isweydiisey halista fog ee kaaga imaan karta qalliinkaan marka laga soo tago diin ahaan ma banaantahay mise ma banaana?

Ma tahay oo ma kugu haboontahay in lagu sameeyo?


Si aad uga jawaabto su’aashan isweydii marka hore, maxay tahay sababta kugu kalifeyso inaad bedesho. 


Waxaa jira dad aan macquul eheyn in loo sameeyo qalliinkaan oo qabo xanuuno kale oo qarsoon loona baahanyahay in baaritaan dheeraad ah loo sameeyo ka hor inta aanan lagu sameyn qaliinka noocan ah. Haddii adoo qabo xanuunadaas lagugu sameeyo waxaad geli kartaa halis caafimaad oo daran waxaana ugu horeeyo inaad tahay qof 


1  xasaasiyad ku qaba dawooyinka loo isticmaalo sameynta howshan.


Qiimaha sameynta qalliinkaan?

Waa ay kala duwantahay oo waxay ku xirantahay:-

 Nooca qaliinka lagugu sameynayo

 Khibradda dhakhtarka howshan fulinayo

 Iyo halka aad ku nooshahay


Qiimaha ugu yar ee hooshaan duriinka afka waa 750$






Maxaad rajeyneysaa inta lagu guda jiro hoshaan?

Habka loo durayo cirbadda ayaaba ah farsamo kale oo dheeraad ah xitaa waxaa dhacda mararka qaar dhakhtarka sameynayo inuu xiro neerfe si aadan u dareemin xanuunka waana halis kale oo dheeraad ah waa haddii qofka sameynayo uusan laheyn khibrad ku filan. Waxaa jirta dhibaato kale oo aynaan horey usoo sheegin oo ah haddii aad qabto dhibaato la xiriirta xinjireynta dhiigga oo aadan ogeyn inaad qabto loona baahanyahay inaad ka feejignaato. Waxaa soo raaco inaad qabto cudurka sonkorta iyo Infekshan-ka la yiraahdo oral herpes.

Dhakhaatiirta la rabo iney saameeyaan qalliinkan

Waxaa ugu horeeyo dhakhtarka cuduradda maqaarka Dermatologist, dhakhtarka la yiraahdo 


Gaar ahaan dhaqaatiirta ku taqsustay (Plastic surgeons) oo ah kuwa bedela muuqaalka dadka iyo dhakhtar kale oo la dhaho Cosmetic facial surgeons. 

N.B Kama dhigna in sedexdaan uun loo baahanyahay ee waa kuwa ugu muhiimsan qalliinkan


Maxaa ka dhalan Kara marka lagugu sameeyo qaliinka ka dib?

Waxaa jirta dhibaatooyin caafimaad oo kaaga iman Kara markii lagu dhameeyo qaliinkan waxaana ka midda:-


                  DHIBAATOOYINKA 


1.In labada dada faruuryood ayba isla ekaan waayaan

2. Infekshan

3. Barar muddo qaata

4. Kuuskuusyo iyo in faruuryahaagu sidii aad rabtey aysan noqon

• Faruuryaha oo adkaada iyo Iw


WAQTIGA OO JIRIKARO FARSAMADAAN


Wuxuu faruurya haaga sii weynaan karaa


ugu badnaan 18 bilood  kadib waxaa imanayaa isbadal Sida muqaalka afka iyo dad daada oo kala weyn.  


Fadlan nagu soo biir si aad uga mid noqoto dadka ugu horeeya ee ka faaiidaysta talooyin caafimaad aan soogalino bloggaan #follow #like dheh mahadsanid 


Akhriste waxan rajaynayaa in aad wax badan ka faaiiday qormadan hadaba ha hilmaamin in aad sii gaadhsii so asxabtaada iyo bulshada kale si ay uga faaiidaystan #SHEER dheh mahadsanid 


Dr shaahid


Abdikadir M. Abdullahi 


Wacyigelin ku saabsan Isnidhaamis (Scabies):

  Wacyigelin ku saabsan Isnidhaamis (Scabies): Isnidhaamisku (Scabies) waa mid kamid ah cudurrada faafa ee ku dhaca maqaarka kaas oo ay sa...