Friday, January 15, 2021

𝗧𝗶𝗺𝗮 𝗱𝗮𝗮𝗱𝗮𝘀𝗵𝗼.

 𝗧𝗶𝗺𝗮 𝗱𝗮𝗮𝗱𝗮𝘀𝗵𝗼,




Timuhu waxay ka sameysan yihiin nooc borotiin ah oo loo yaqaan keratin kaasoo laga soo daayo daldalooda yar yar ee timuhu kasoo baxaan. 

Marka daldalooladan yaryar ay soo saaraan unugyo cusub oo timo ah, kuwii hore banaanka ayaa loo saarayaa si kuwa cusub boos loogu helo.


Madaxa qofka wayn  wuxuu leeyahay ugu yaraan 100,000-150,000 waxaana maalin kasta dhunta ilaa 100 kamid ah timahaas. Koritaanka timaha ee qofku wuxuu lee yahay isbadal joogto ah oo kuxidhan da’da qofka, xanuun, iyo qodobo kale.


Noocyada isbadalka timaha.


𝗔𝗻𝗮𝗴𝗲𝗻: 

waa nooc timuhu si firfircooni ah u korayaan wuxuuna koriinkaas soconayaa 2-6 sano


𝗖𝗮𝘁𝗮𝗴𝗲𝗻𝗮:

koriin kumeel gaar ah oo soconayaa 2-3 isbuuc


𝗧𝗲𝗹𝗼𝗴𝗲𝗻: 

waa nooc nasasho ah oo wax isbdal ah dhacayn balse dhamaadka noocaan dhamaan timihii hore waxaa badalaya kuwo cusub.


Noocyada tima daadashada.


𝗜𝗻𝘃𝗼𝗹𝗹𝘂𝘁𝗶𝗼𝗻𝗮𝗹 𝗔𝗹𝗼𝗽𝗲𝗰𝗶𝗮: 


Xaalad dabiici ah taasoo timuhu si tartiib ah u khafiifayaan marka dadku duqoobaan.

Heerka koritaanka timaha ayaa yaraanaya timaha madaxa ku yaalana way yaraanayaan wayna gaagaabanayaan.


𝗔𝗻𝗱𝗿𝗼𝗴𝗲𝗻𝗶𝗰 𝗔𝗹𝗼𝗽𝗲𝗰𝗶𝗮: 


Xaalad la iska dhaxli karo taasoo ragga iyo dumarkaba ku dhacda. Xaalada noocan oo kale ah markay ragga asiibto waxaa loo yaqaan bidaar rageed (male pattern baldness), waxayna raga ku dhacdaa ayagoo yaryar qiyaas ahaan 20 sano jirada.


Calaamadaha lagu yaqaan waxaa kamid ah qaybta kore ee wajiga iyo dhakada sare madaxa oo timuhu ka yaraadaan. Sidoo kale dumarkana way ku dhacdaan xaaladan (female pattern baldness) balse dumarku isbdal wayn ma dareemaan ilaa ay ka gaaraan da’da 40 jirka ama kadib.

Dumarku markay da’daan gaaraan waxaa ka daata timaha dhakada sare ee madaxa oo dhan.


𝗔𝗹𝗼𝗽𝗲𝗰𝗶𝗮 𝗔𝗿𝗲𝗮𝘁𝗮:


 Xaalad si lama filaan ku bilaabata, waxayna sababtaa in timuhu si teelteel ah uga daataan madaxa, badanaa waxay xaaladan asiibtaa caruurta iyo dhalinyarada. 

Xaaladan waxay sababi kartaa timaha oo gabi ahaanba daata balse 90 boqolkiiba dadka ay ku dhacdo timuhu dib ayay ugu soo baxaan dhawr sano kadib.


𝗔𝗹𝗼𝗽𝗲𝗰𝗶𝗮 𝗨𝗻𝗶𝘃𝗲𝗿𝘀𝗮𝗹𝗶𝘀: 


Xaalad qariib ah, waxayna sababtaa in timaha jirka oo dhan ay daataan sida suuniyaha, timaha bisqinta ama shicrada iyo timaha baalasha indhaha.


𝗦𝗰𝗮𝗿𝗿𝗶𝗻𝗴 𝗔𝗹𝗼𝗽𝗲𝗰𝗶𝗮: 


Xaalad khatar ah oo timuhu si joogto ah u daadanayaan waxaana sababa caabuq ku yimaada maqaarka iyo noocyo kale oo caabuq ah sida dhaawac soo gaara maqaarka oo sababa in unugyada timaha sameeyaa ay awoodi waayaan in ay timaha dib usoo saaraan.


𝙈𝙖𝙭𝙖𝙖 𝙨𝙖𝙗𝙖𝙗𝙖 𝙩𝙞𝙢𝙖 𝙙𝙖𝙖𝙙𝙖𝙨𝙝𝙖𝙙𝙖?


Khuburada caafimaadku ilaa hada ma cadayn sabbata dhabta ah ee ka danbaysa tima daadashada balse waxaa jira qodobo badan oo loo sababayn karo timaha oo daata.


Cadadka dhecaanka hormoonka androgens oo kordha wuxuu sababaa bidaarta ragga.

Dhaxaal ahaan waa la iskugu gudbin karaa tima daadashada.

Dawooyinka qaarkood way sababaan tima daadashada sida kuwa loo isticmaalo dawaynta cudurka kansarka  sidoo kale dawooyinka lagu yareeyo cadaaadiska dhiiga way sababi karaan sida dawooyinka lagu yareeyo dhlmada ayaguna way sababi karaan.


Gubashada, dhaawaca iyo raajadabu waxay sababi karaan in si kumeel gaar ah timuhu u daataan.

Habka difaacs jirku wuxuu ka qayb qaadan karaa tima daadashada waliba wuxuu sababaa nooca loo yaqaan alopecia areata.

Isqurxinta badan way kaqayb qaadataa daadashada timaha. Shaamabada oo si xad dhaaf ah loo isticmaalo, iyo noocyada kale ee timaha lagu qurxiyo waxay qayb wayn ka qaataan tima daadashada hadii si xawli ah loo isticmaalo.

Waxaa jira xaalado caafimaad oo keeni kara tima daadashada sida, nafaqa daradada, xanuunada taroodhka, cuntada oo si khaldan loo cuno, somkorowga, dhiig yari. Dhamaan xaaladahaas iyo kuwo kaloo badan waa kuwo keeni kara tima daadashada balse maahan khasab inay keenaan.


Abdikadir M. Abdullahi 

Monday, January 11, 2021

Waa Maxay Faa’iidada Caafimaad ee Laga Helo Mooska?

 TAXANAHA CAAFIMAADKA.


Waa Maxay Faa’iidada Caafimaad ee Laga Helo Mooska?




Moosku wuxuu ka mid yahay khudaarta ugu badan ee dalkeenna laga helo, isla markaana qiimo ahaan ugu jaban, Haddii aad ogaato faa’iidooyinka caafimaad ee mooska, waxaa hubaal ah inay isbeddeli doonto habka aad u aragto, Cunidda moosku waxay kordhisaa tayada faya-qab iyo caafimaad ee aadanaha.


Moosku waxa uu leeyahay tamar (Energy) waxaana laga helaa maaddada Potassium-ka oo faa’iido weyn u leh caafimaadka. Sidoo kale mooska waxaa ku jiro borotiin loo yaqaano “Tryptophan” oo maskaxda firfircooni siiya.


Sidoo kale mooska waxaa laga helaa macdanno kala duwan sida fitamiinnada B6, C, macdanta magnesium, copper, protein iyo dufan.


Mooska waxa uu leeyahay faa’iidooyin aad u tiro badan oo aan halkana lagu soo koobi karin waxaana ka mid ah:


1:Wuxuu isu-miisaamaa dheecanada jidhka “hormones” mooska waxa ku jira xaddi badan oo maaddooyinka Potassium iyo Vitamin B6 ah kuwaas oo sarre u qaada soo saarista xaddiga dheecaan walba ee loo baahanyahay.


2:Dhiig-karka: Mooska waxaa aad ugu badan maadda potassium, waxaana ku yar cusbada. Hay’adda maamusha cuntada iyo daawada ee dalka Mareykanka ayaa u oggolaatay shirkadaha mooska ka shaqeeya inay si rasmi ah u sheegtaan in mooska uu awood u leeyahay inuu yareeyo khatarta dhiig-karka iyo shalalka.


3:Wuxuu yareeyaa Niyad-jabka “Depression”: Moosku wuxuu yareeyaa heerka cadaadiska maskaxda ee ka dhasha wel-welka, walbahaarka iyo caloolyowga.


4:Waxa uu daweeyaa gaaska: moosku waxa uu ka hortagaa gaaska iyo nabarrada ku samaysma caloosha iyo mindhicirrada, Sidoo kale moosku waxa uu daweeyaa gaaska iyo nabarada caloosha.


5:Moosku wuxuu ilaaliya Tayada dhiiga: moosku waxa uu ilaaliyaa tayada iyo caafimaad qabka nudayaasha dhiiga, Cun 2 moos ah subax walba si aad uga badbaado dhiig-la’aanta.


6:Waa u daawo calool istaagga: Maadaama moosku ka mid yahay cunnooyinka ama khudaarta qolofta amaba diirka leh “Fiber” waxa uu daweeyaa calool istaagga, Cun 2xabo oo moos ah maalin walba oo ka takhallus calool istaaga.


7:Waxa laga helaa tamar “Energy”: Mooska waxaa ku jira 3 nooc oo sokor dabiici ah oo kala ah fructose, glucose iyo sucrose kuwaas oo ka caawiya jirku in uu helo tamar ku filan.


8:Wuxuu xoojiyaa lafaha: Moosku waxa uu xoojiyaa lafaha, Moosku wuxuu fududeeyaa nuugista calcium ka oo ah maaddo lafaha u roon. Sidaa darteed waxa uu lafaha ka dhigaa kuwo caafimaad qaba oo xooggan.


9:Wuxuu la dagaallama cudurrada: Moosku waxa uu yareeya sumowga jirka waxaana uu jirka ka nadiifiyaa wasakhda.


10:Wuxuu kordhiyaa xusuusta: cunidda moosku waxay sare u qaaddaa awoodda xusuuseed ee qofka, Xaddi badan oo ah Maadooyinka tryptophan, potassium iyo magnesium ee ku jira moosku waxay sare u qaadaan xusuusta.


11:Waxa uu yareeyaa halista dhiig-karka: Moosku waxa uu yareeyaa halista qofku ku qaadi karo xanuunka dhiig-karka “Dilaaga aamusan”. Maadaama mooska ay ku yartahay maaddada Sodium isla markaana ay ku jirto Potassium badan wuxuu 10% yareeyaa halista dhiig-karka.


12:Wuxuu caawiya Luminta miisaanka dheeriga ah: Moosku waxa uu sahlaa saarista iyo luminta baruurta aan loo baahnayn ee jirku kaydiyo.


Qodobkee Darenkaaga Si Gaar Ah Usoo Jiitay?


Akhriste ugu yaraan hadaad akhrisatay qormadan caafimaad fadlan #LIKE saar si ay walaalaha kale ee boggan ku xiran usii gaarto, haddi aad sii #SHARE garaysid-na kaba sii fiican oo walaalaha iyo saaxiibadaada ayaa waxaad faa'iiday lasii wadaagtay, anigana dhiirigelin bay ii tahay mahadsanidiin.


Hadaad tahay walaal ku cusub boggan, nagula soo biir si aad ula socoto qormooyin iyo muuqaalo xiiso badan.

Wacyigelin ku saabsan Isnidhaamis (Scabies):

  Wacyigelin ku saabsan Isnidhaamis (Scabies): Isnidhaamisku (Scabies) waa mid kamid ah cudurrada faafa ee ku dhaca maqaarka kaas oo ay sa...