Thursday, October 8, 2020

XASAASIYADDA ISKA DAAWEE ADIGA OO GURIGAADA JOOGA.

 XASAASIYADDA ISKA DAAWEE ADIGA OO GURIGAADA JOOGA.



WAA MAXAY XASAASIYAD?


Xasaasiyadda waxa ay dhacdaa marka   habka difaaca jirka ay walax shisheeye ah soo gasho  oo caadi ahaan waxyeello u lahayn jidhka,

 balse difaaca jirka uu umaleeyo walaxdaas mid dhib ku ku ah jirka sidaasna uu ula diriro,


Dabadeed dagaalkaas uu difaaca jirku qaadey ayey ka dhashaan inta badan calaamadaha xasaasiyada ee aad aragtร an.


CALAAMADAHA XASAASIYADA.


- Cun-cun sanka iyo indhaha ah.

-duuf kulul iyo ilmo kulul.

- Jirka oo ku cun-cuna,xoqma oo dhiiga


- Nabro yar-yar oo guduud ah oo maqaarka kaasoo yaaca oo cun cun badan bararna leh.


- Barar sanka carabka iyo indhaha ah.

- hindhiso ama neefta oo ku dhibta.

- qufac saaid ah mararka qaar.


MAXAA SABABA XASAASIYADDA?


 Cilmi-baadhayaashu Ma caddeen wali sababta  habka difaaca jidhku uu u sababo fal-celin xasaasiyad leh marka walxaha caadiga ah ee aan khatarta lahayn ay soo galaan jidhka.


 Xasaasiyaddu qayb ka mid ah ayaa la socota hiddo-wadayaasha waalidiinta. Tani macnaheedu waxaa weeye waalidiinta ayaa u gudbin kara carruurtooda xasaasiyadda.


 Xasaasiyad gaar u ah waalidiintada kama dhaxli kartid Tusaale ahaan, haddii hooyadaadu xasaasiyad ku leedahay Digirta, macnaheedu maahan inaad adna digirta ay qasab tahay in aad xasaasiyad ku yeelato balse waxyaalo kale ayaad xasaasiyad ku yeelan kartaa oo aad ka dhaxli kartaa.


WAXYAALAHA UGU CAANSAN OO KICIYA.


1= CAYAYAANKA:  Qaniinyada kaneecada,in aad caaro taabato ama baran-baro.

2=CUNTADA: Hilibka kaluunka, looska, caanaha,digirta,ukunta iyo qaar kale oo badan.

3=DAAWADA: sida Penicillin ama sulfa iyo qaar kale.


Qof walbana xaasaasiyada waxaa ku kiciya shey ama dhowr shey oo kuwaan kamid ah,

Waana muhiim qofku in uu ogaado waxa ku kiciya xasaasiyada si uu uga dheeraado.


DAAWADA XAASAASIYAD.


 Habka ugu wanaagsan ee looga hortagi karo xasaasiyadda waa in laga fogaado wax kasta oo kugu kicinaya xasaasiyad, Haddii aysan suurtagal ahayn, waxaa jira fursado daaweyn ah oo la heli karo.


Daawada xasaasiyadda waa in laxiraa dheecaanka histamine oo ah kan kiciya xasaasiyada si dheecaankaas loo xirana waa in la qaataa daawada antihistamines ka ah.


SIDEE ADIGA OO XAAFADAADA JOOGA AAD ISKAGA DAAWEYN KARTAA XASAASIYADA?


1= MOOSKA


moosku waxa ku jirta maado layiraahdo antioxidant taas oo aad faa'iido ugu leh in ay baabi'iso dhamaan bararka iyo nabarada ay keentey xasaasiyadu.

Sidoo kale waxaa ku jirta patashiyum oo isku dheeli tireysa biyaha dhecaanada jirka ay saameysey xasaasiyadu.


Hadii aad cun-cun faro badan maqaarka ku leedahay soo qaado diirka mooska kadib si fiican ugu xoq meelaha ku cun-cunaya ama nabarada iyo bararka leh.


2=  CABITAABKA LIINTA.


 In aad cabto mar walba cabitaan liin rasiin ah ayaa kaa caawineysa in aad ka hortagto xasaasiyada jirka,

Kumiiro galaas barkiis oo biyo ah liinta kuna darso qaado malab ah cabna aroor walba.

Taas ayaa ka hortag u ah xasaasiyada  daawana u ah jirkana kasaari doonta sunta.


3= SANJABIISHA


Sanjabiisha waxa ay qani ku tahay Antihistamin oo awood u leh in ay xir-xirto unugyada Soo saaraya Histaminta kicisa xasaasiyadda


Ku isticmaal sanjabiisha in aad shaah kulul ku darsato dabadeed aad cabto ama caadi aad u ruugto oo aad cunto maalin walb.


4=  BABAYGA


Hadii aad xasaasiyad jirka ah leedahay iyo cun-cun siyaado ah babaygu waa daawo muhiim ah oo aad ku raysan karto hadaad isticmaasho,


Soo qaado babayga si fiican u mar-mari meelaha aad xasaasiyada ku leedahay daawo wanaagsan oo aad ku raysan karto ayuu leeyahay babaygu.


5=  TOONTA


Toontu waxay hormarisa difaaca jirka sidoo kale waxa ay koontaroosha elerjiga waxayna daawo utahay caabuqyada kala duwan,madax xanuunka iyo Hindhissada.


Xoogaa toon ah iyo caano isla kululeyso kadib cab maalin walba inta aad ka caafimadeyso.


4=  CABIDDA BIYO BADAN


Hadii aad leedahay xasaasiyada waa in aad cabtaa biyo badan maalin walba waxay kaa caawinayaan biyaha badan jirka in laga qashin saaro sunta iyo waxyaalaha xasaasiyada kicinaya,waxayna dheeli tiraayaan caafimaadka jirkaada iyo murqaha.


Maalin walba isticmaal ku dhawaad 2 liitar oo biyo ah ama kabadi.


TALLO


Hadii mid kamid ah daawadan aan idiin soo xusey aad markaad isticmaasho aad xasaasiyad ka sii qaado amaba aad horey u ogeed midkood in aad xasaasiyad ku leedahay fadlan iska jooji.


Xanuunkan daawadiisa ugu muhiimsan waa in inta aad ogaato waxa kugu kiciya xasaasiyada aadna ka dheeraataa waxyaalahaas.


Intaan daawo allaha idinkaga dhigo.


Fadln U #SHARE gareeya walaalihiin ama halkaan ugu wac asxaab muhiim kuu ah oo xanuunkan la ildaran si ay uga faaiideystaan.


Xigasho: Dr Amen


SHARE SHARE SHARE 


Share

Monday, October 5, 2020

๐—ฅ๐—˜๐—ฅ๐—ฃ๐—ข๐——๐—จ๐—–๐—ง๐—œ๐—ฉ๐—˜ ๐—ฆ๐—ฌ๐—ฆ๐—ง๐—˜๐— .

๐—ฅ๐—˜๐—ฅ๐—ฃ๐—ข๐——๐—จ๐—–๐—ง๐—œ๐—ฉ๐—˜ ๐—ฆ๐—ฌ๐—ฆ๐—ง๐—˜๐— 


Habdhiska taranka waxa uu ka kooban yahay organs ka qeyb qaato taranka taasoo ah inuu qofka dhasho. 



◇ Habdhiskan waxa uu ka kooban yahay laba qeybood oo kala ah


1. Female Reproductive System

2. Male Reproductive System


◇ ๐— ๐—ฎ๐—น๐—ฒ ๐—ฟ๐—ฒ๐—ฝ๐—ฟ๐—ผ๐—ฑ๐˜‚๐—ฐ๐˜๐—ถ๐˜ƒ๐—ฒ ๐—ฆ๐˜†๐˜€๐˜๐—ฒ๐—บ


 Xubnaha taranka raga waxaa ka mid ah Qanjiro, Marino iyo Dhismooyin wax tiiriyo


 Qanjirada waxaa ka mid ah Testicles iyo Qanjirka lagu magacaabo Prostate Gland


 Dhismaha wax tiiriyo waxaa ka mid ah Kiishashka ay ku dhex jiraan xiniinyaha ee la 

yiraahdo Scrotum


◇ ๐—ง๐—ฒ๐˜€๐˜๐—ผ๐˜€๐˜๐—ฒ๐—ฟ๐—ผ๐—ป๐—ฒ


 Waxa uu masuul ka yahay soo saarida qaabka laboodka sidoo kale waxaa ku jira 

hormoonka lagu magacaabo Folicles Stimulating Hormone (F.S.H) si loo soo saaro 

xawada spermada. 


◇ Dhirirka xiniinyaha waxaa lagu qiyasaa 4.5cm balacoodana waa 2.5cm Qiradoodana waxaa lagu qiyasaa 3gr 


◇ ๐—ง๐—ต๐—ฒ ๐—™๐˜‚๐—ป๐—ฐ๐˜๐—ถ๐—ผ๐—ป ๐—ผ๐—ณ ๐—ง๐—ต๐—ฒ ๐—ง๐—ฒ๐˜€๐˜๐—ถ๐—ฐ๐—น๐—ฒ๐˜€


1. Waxay ka qeyb qaataan sameysanka unugyada xawada spermada.


2. Soo saarida Hormoonka lagu magacaabo Testosterone. Testosterone oo ay 

shaqadooda tahay soo saarida qaabka laboodka oo ay ka mid yihiin koriimada murqaha iyo waliba qanjirka lagu magacaabo Prostate Gland


Hormoonadaan waxay kaloo ka qeyb qaataan dib u soo nuugida iyo soo deynta biyaha 

iyo qashin tuurka patassium oo ay kazoo saaraan dhuumaha kelyaha waana hormoonka 

ku shaqada leh koritaanka xubnaha (Epidyms)

Waa hal dhuun oo laalaaban dul saarana cirifka dambe ee xiniinyaha dhawr marino yar yar ayaa isku xiro dhuuman yarooyinka xawada Epidymska


◇ ๐—ง๐—ต๐—ฒ ๐—ณ๐˜‚๐—ป๐—ฐ๐˜๐—ถ๐—ผ๐—ป ๐—ผ๐—ณ ๐—˜๐—ฝ๐—ถ๐—ฑ๐˜†๐—บ๐˜€


1. Waa marin ay minada marto marka ay tageyso dibada 

2. Xooggaa xawo ah ayaa lagu keydiyaa ka hor inta aysan dibada u soo bixin


๐—ฆ๐—ต๐—ฎ๐—ฒ๐—ฟ๐—ฒ  and like. 

Wacyigelin ku saabsan Isnidhaamis (Scabies):

  Wacyigelin ku saabsan Isnidhaamis (Scabies): Isnidhaamisku (Scabies) waa mid kamid ah cudurrada faafa ee ku dhaca maqaarka kaas oo ay sa...