Friday, October 30, 2020

𝗧𝗮𝗹𝗼𝗼𝘆𝗶𝗻𝗸𝗮 𝗡𝗮𝗮𝘀 𝗡𝘂𝘂𝗷𝗶𝗻𝘁𝗮 𝗜𝗹𝗺𝗮𝗵𝗮.

 𝗧𝗮𝗹𝗼𝗼𝘆𝗶𝗻𝗸𝗮 𝗡𝗮𝗮𝘀 𝗡𝘂𝘂𝗷𝗶𝗻𝘁𝗮 𝗜𝗹𝗺𝗮𝗵𝗮


1.Isla markiiba markuu ilmuhu dhasho waa in lasaara laabta hooyada, taasi waxay keneysaa in ay dhawaansho dareemaan iyo hormar maskaxeed iyo hooyadu in caanaha dambarku soogalo.


2. In labilaabo naasnujinta saacada ugu horaysa ee uu dhasho ilmuhu waayo caanaha ugu horeeya waa dambarka waana talaalka ugu horeya ee ka difaacaya cuduro badan


3.Nuuji si joogta ah maliintii iyo habeynkii maalmaha yar ee ugu horeyo waxa siin karta 2 ila 3 jeer malitii, haduu wali jiifo malinta labaad hooyadu waa in ay u listaa dambarka kuna siisaa koob.

Kadib isbuucyada yar ee ugu horeeya ilmaha yar badankood waxa laraba in lanuujiyo 8 ila 12 jeer malinti, wayo nujinta isku xigxiga waxay soosaarta caano badan


4.Waa in lanuujiyaa naaska oo kaliya 1 ila 6 bilood waayo caanaha naaska hooyada waxa kujira cuntada iyo biyaha uu ubahna 6 da bilood ee ugu horeysa, waxkale hasiinin xitaa biyo


5.Wa in la nuujiyaa si isku xigxidto maalintii iyo habeynkii markii hooyadu badiso nuujinta waxa bato caanaha lasoo saarayo.


6.Wa in la nuujiyaa iyado lagu saleynayo bahida cunuga, marwalbo oo ubaahdo waa in la nuujiyaa: 

ooyintu waa calaamada ugu danbeyso ee kutusinayso in uu bahanyahay. 

Waxa sifudud ugu fahmikartaa in u ubahanyahay nuujin astaamahaan :

» nasasho la’an, 

» afka oo uu furayo madaxana wuu wareejinayaa hadba dhinac, 

» carabkuuna gudaha afka u galinayaa wuuna soobixinayaa. 

» waxa uu nugayaa faraha ama faruhuu isku laa laabayaa


7.Inta aadan naaska kale u wareejinin u ogolow inuu ka dhamaysto naaska u nuugayo.

Warejinta ilmaha yar naaska kale si dhasqo ah waxay keeneysaa in u heli waayo caanihii nafaqada lahaa.

Caanaha qeebta ugu horeyso waxa ku badan biyaha, waxana logu talagalay in ay kababi’iso oonka, halka qebta dambe ay ka ku badantahay dufan taasoo loogu talagalay in ay kababi’iso baahida.


8.Waan in loo qabtaa tabta saxan iyo qabsashada saxan: waxa jira afar calamadod u ku tusinaysa qabsashada saxan iyo tabta saxan.


9.Waa in lajogteya naasnujinta ilaa 2 tasoo kaqayb qaadanayso kala korinta ilaha


10.Waa in la jogteeyo naasnujinta xiliga ay ilmaha jiran yahay ama hoyadu jirantahay.

Nuuji in badan oo isku xigxiga marka u jiranyahay ama uu soo bogsanayo, 


11.Hoyadu waxa loga bahanyahay in ay cabto, oo cunto cuno isku dheelitiran sin ay isga ilaa liso haraad iyo oon ilmuhuna uhelo nafaqo fiican


𝗦𝗵𝗮𝗿𝗲 𝗶𝗻𝗮𝗮𝗱 𝘁𝗶𝗿𝗮𝗮𝗵𝗱𝗼 𝗵𝗮 𝗵𝗶𝗹𝗺𝗮𝗮𝗺𝗶𝗻


Tuesday, October 27, 2020

FAA'IIDADA LOWSKA LAGA HELO.

 FAA'IIDADA LOWSKA LAGA HELO



Lawska wuxuu faa'idooyin badan u leeyahay jirka bini'aadanka, waxaana halkaan idin kugu soo gudbin doonaa faa'idooyin lagu xaqiijiyay cilmibaarisyo kala duwan:


Wadnaha: Lawska waxaa ku jira saliida aan cufnayn taasoo faa'ido u leh wadnaha, wuxuu lawska la dagaalamaa cudurka kolesatroolka oo ah subaga fadhiisto xididada wadnaha, taas oo ka hortag u ah xanuunka wadne qabadka iyo faaliga (Stroke).


Macaanka: Diraasad mar dhaw la sameeyay waxaa lagu ogaaday in lawska uu yareeyo boqolkiiba 21% halista macaanka, sababtuna waxaa la sheegay inay tahay maaddo ku jirto lawska oo loo yaqaano "manganese" taasoo muhiim u ah kontaroolka sokorta jirka.


Dhagaxa xameetida: Cunista lawska wuxuu ka hortag u yahay dhagaxaanta ku samaysma xameetida, taasoo badanaa la burburiyo ama xameetida lala soo saaro.


Kansarka: Lawska waxaa ka buuxo maaddo loo yaqaano "beta-sitosterol), waxay maadadaan ka hortagtaa samaysanka burooyinka, waxayna xakamaysaa korriimadooda, diraasad lagu sameeyay dalka maraykanka waxaa lagu arkay dadka lawska cuno usbuucii laba jeer ugu yaraan inay boqolkiiba 58% uu yareeyay halista kansarka ku dhaca malawadka.


Xasuusta: Lawska wuxuu ka mid yahay cunnooyinka loo yaqaano "brain food" sababtoo ah waxaa ku jira fitamiinka B3, loona yaqaano "niacin" kaasoo kobciyo shaqada maskaxda, sarena u qaado xasuusta, waxaa kaloo lawska ku jira maadada loo yaqaano "resveratrol" kaasoo boqolkiiba 30% siyaadiyo qulqulka dhiigga ee maskaxda, taasoo muhiim u ah firfircoonida maskaxda.


Niyad jabka: Lawska waxaa ku jiro borotiin loo yaqaano "tryptophan" kaasoo ka qeyb qaato soo saarista maaddo kale oo lagu magacaabo "serotonin" oo muhiim u ah la dagaallanka niyad-jabka iyo diiqada, wuxuuna lawska u shaqeeyaa sida qaar ka mid ah daawooyinka lagula tacaalo niyad-jabka (anti-depressants).


Uurka: Lawska wuxuu muhiim u yahay hooyada uurka leh, maxaayeelay waxay ka helaysaa maadada "Folic acid" oo hooyooyinka lagula dardaarmo inay cunaan markay uurka leeyihiin, wuxuuna muhiim u yahay korriimada uurjiifka, sida lagu arkay dhowr diraasadood oo lagu sameeyay hooyooyinka lawska cuno, waxaa la arkay in boqolkiiba 70% ay ka badbaadaan caruur ku dhalato cillada dhabar furanka.


Korriimada Caruurta: Lawska wuxuu muhiim u yahay lafaha iyo murqaha caruurta korayo maadaama ay ka buuxaan borotiinno kala duwan, waana sababta loogu dardaarmo in caruurta cunno ahaan loo siiyo laws la shiiday ama laga dhigay dhiiqo.


Cayilka: Lawska waxuu ka mid yahay cunnooyinka lagu dhargo "high satiety food" sidaa darteed qofka joogto u cuno, badanaa dhakhso ma cayilo.


Maqaarka: Lawska wuxuu muhiim u yahay maqaarka, wuxuuna yareeyaa laalaabka maqaarka sababtuna waa fitamiinka C iyo E oo ka buuxo lawska, taasoo iyadane muhiim u ah qashin saarka.


Tinta: Lawska wuxuu xoojiyaa jiridka tinta, sidaa darteed wuxuu ka hortag u yahay daadashada tinta iyo bidaarta ragga nuuca ka dhalato cilladaha hormoonka.


Nafaqo: Lawska waxaa ku jiro macaadin iyo fitaamiino kala duwan oo jirka bini'aadanka faa'ido ugu jirto, qofka wuxuu ka helaa tamar badan.


Isticmaalka siyaadada ah ee lawska wuxuu dadka qaar u keenaa xanuunka gaaska, laabjeexa, dadka qaarne waxay ku yihiin Allergy taasoo halis galin karto nolosha qofka.


Haddii aad xasaasiyad ku qabtid lawska fadlan ka fogow isticmaalkiisa, haddii aad xasaasiyad ku qabtid caanaha, hilibka ama digaaga, waxay u badan tahay in aad xasaasiyad ku qabtid Lawska ee iska ilaali.


Waxaad kaloo ka fogaataa lawska duqoobay ama raagay ama muddo la kaydinayay sababtoo ah waxaa lawskaas ku dhasho jeermiska loo yaqaano "Aspergillus flavus" oo halis ku ah caafimaadka beerka.


SomaliDoc


SHARE garee si ay uga faaiideystaan asxaabtaada.

Wacyigelin ku saabsan Isnidhaamis (Scabies):

  Wacyigelin ku saabsan Isnidhaamis (Scabies): Isnidhaamisku (Scabies) waa mid kamid ah cudurrada faafa ee ku dhaca maqaarka kaas oo ay sa...