Friday, November 6, 2020

XASAASIYADDA ISKA DAAWEE ADIGA OO GURIGAADA JOOGA

 XASAASIYADDA ISKA DAAWEE ADIGA OO GURIGAADA JOOGA


.


WAA MAXAY XASAASIYAD?


Xasaasiyadda waxa ay dhacdaa marka   habka difaaca jirka ay walax shisheeye ah soo gasho  oo caadi ahaan waxyeello u lahayn jidhka,

 balse difaaca jirka uu umaleeyo walaxdaas mid dhib ku ku ah jirka sidaasna uu ula diriro,


Dabadeed dagaalkaas uu difaaca jirku qaadey ayey ka dhashaan inta badan calaamadaha xasaasiyada ee aad aragtàan.


CALAAMADAHA XASAASIYADA.


- Cun-cun sanka iyo indhaha ah.

-duuf kulul iyo ilmo kulul.

- Jirka oo ku cun-cuna,xoqma oo dhiiga


- Nabro yar-yar oo guduud ah oo maqaarka kaasoo yaaca oo cun cun badan bararna leh.


- Barar sanka carabka iyo indhaha ah.

- hindhiso ama neefta oo ku dhibta.

- qufac saaid ah mararka qaar.


MAXAA SABABA XASAASIYADDA?


 Cilmi-baadhayaashu Ma caddeen wali sababta  habka difaaca jidhku uu u sababo fal-celin xasaasiyad leh marka walxaha caadiga ah ee aan khatarta lahayn ay soo galaan jidhka.


 Xasaasiyaddu qayb ka mid ah ayaa la socota hiddo-wadayaasha waalidiinta. Tani macnaheedu waxaa weeye waalidiinta ayaa u gudbin kara carruurtooda xasaasiyadda.


 Xasaasiyad gaar u ah waalidiintada kama dhaxli kartid Tusaale ahaan, haddii hooyadaadu xasaasiyad ku leedahay Digirta, macnaheedu maahan inaad adna digirta ay qasab tahay in aad xasaasiyad ku yeelato balse waxyaalo kale ayaad xasaasiyad ku yeelan kartaa oo aad ka dhaxli kartaa.


WAXYAALAHA UGU CAANSAN OO KICIYA.


1= CAYAYAANKA:  Qaniinyada kaneecada,in aad caaro taabato ama baran-baro.

2=CUNTADA: Hilibka kaluunka, looska, caanaha,digirta,ukunta iyo qaar kale oo badan.

3=DAAWADA: sida Penicillin ama sulfa iyo qaar kale.


Qof walbana xaasaasiyada waxaa ku kiciya shey ama dhowr shey oo kuwaan kamid ah,

Waana muhiim qofku in uu ogaado waxa ku kiciya xasaasiyada si uu uga dheeraado.


DAAWADA XAASAASIYAD.


 Habka ugu wanaagsan ee looga hortagi karo xasaasiyadda waa in laga fogaado wax kasta oo kugu kicinaya xasaasiyad, Haddii aysan suurtagal ahayn, waxaa jira fursado daaweyn ah oo la heli karo.


Daawada xasaasiyadda waa in laxiraa dheecaanka histamine oo ah kan kiciya xasaasiyada si dheecaankaas loo xirana waa in la qaataa daawada antihistamines ka ah.


SIDEE ADIGA OO XAAFADAADA JOOGA AAD ISKAGA DAAWEYN KARTAA XASAASIYADA?


1= MOOSKA


moosku waxa ku jirta maado layiraahdo antioxidant taas oo aad faa'iido ugu leh in ay baabi'iso dhamaan bararka iyo nabarada ay keentey xasaasiyadu.

Sidoo kale waxaa ku jirta patashiyum oo isku dheeli tireysa biyaha dhecaanada jirka ay saameysey xasaasiyadu.


Hadii aad cun-cun faro badan maqaarka ku leedahay soo qaado diirka mooska kadib si fiican ugu xoq meelaha ku cun-cunaya ama nabarada iyo bararka leh.


2=  CABITAABKA LIINTA.


 In aad cabto mar walba cabitaan liin rasiin ah ayaa kaa caawineysa in aad ka hortagto xasaasiyada jirka,

Kumiiro galaas barkiis oo biyo ah liinta kuna darso qaado malab ah cabna aroor walba.

Taas ayaa ka hortag u ah xasaasiyada  daawana u ah jirkana kasaari doonta sunta.


3= SANJABIISHA


Sanjabiisha waxa ay qani ku tahay Antihistamin oo awood u leh in ay xir-xirto unugyada Soo saaraya Histaminta kicisa xasaasiyadda


Ku isticmaal sanjabiisha in aad shaah kulul ku darsato dabadeed aad cabto ama caadi aad u ruugto oo aad cunto maalin walb.


4=  BABAYGA


Hadii aad xasaasiyad jirka ah leedahay iyo cun-cun siyaado ah babaygu waa daawo muhiim ah oo aad ku raysan karto hadaad isticmaasho,


Soo qaado babayga si fiican u mar-mari meelaha aad xasaasiyada ku leedahay daawo wanaagsan oo aad ku raysan karto ayuu leeyahay babaygu.


5=  TOONTA


Toontu waxay hormarisa difaaca jirka sidoo kale waxa ay koontaroosha elerjiga waxayna daawo utahay caabuqyada kala duwan,madax xanuunka iyo Hindhissada.


Xoogaa toon ah iyo caano isla kululeyso kadib cab maalin walba inta aad ka caafimadeyso.


4=  CABIDDA BIYO BADAN


Hadii aad leedahay xasaasiyada waa in aad cabtaa biyo badan maalin walba waxay kaa caawinayaan biyaha badan jirka in laga qashin saaro sunta iyo waxyaalaha xasaasiyada kicinaya,waxayna dheeli tiraayaan caafimaadka jirkaada iyo murqaha.


Maalin walba isticmaal ku dhawaad 2 liitar oo biyo ah ama kabadi.


TALLO


Hadii mid kamid ah daawadan aan idiin soo xusey aad markaad isticmaasho aad xasaasiyad ka sii qaado amaba aad horey u ogeed midkood in aad xasaasiyad ku leedahay fadlan iska jooji.


Xanuunkan daawadiisa ugu muhiimsan waa in inta aad ogaato waxa kugu kiciya xasaasiyada aadna ka dheeraataa waxyaalahaas.


Intaan daawo allaha idinkaga dhigo.


Fadln U #SHARE gareeya walaalihiin ama halkaan ugu wac asxaab muhiim kuu ah oo xanuunkan la ildaran si ay uga faaiideystaan.


XIGASHO: Dr Amen


SHARE SHARE SHARE 


Share

Tuesday, November 3, 2020

Maxaa keeno qumanka oo barara?

 🩺TONSILLITIS 

     Maxaa keeno qumanka oo barara?



♠️Waa caabuq ku dhaco labada qumood ee dadka kuwaaaasi oo muuqaal ahaan u eg sida ukunta  kuna yaaalo qeybta gadaaale ee dhuunta labadeeda dhinac..


♠️Waxa ugu badan ee sabab qunka ayaa ah bacteriada loo yaqaan streptococcus pyogenes  taasi oo dhuunta u geeysato caabuq daran  iyo  barar.


♠️Qumanka ayaa inta badan ku dhaca caruurta ku jirta 5 ilaa 15 k sano sidoo kale  dumarka ayaa qatar badan ugu jiro qumanka markii lala bar bar dhigo raga .


♠️Qumanka oo safka hore uga jira shaqa difaaca  jirka ayaa ka tirsan hab dhiska difaaca jirka ee loo yaqaan immune system 

markii jirka viral ama bacteriada soo wareero

 ku waasi oo sameeya fal calin is difaaficid ah ayagoo oo jirka ka difaac in bacteriadu

 u gu dubto masxaxda iyo qeybaha  kale sababta ey u bararaan ayaa ha la dagaalkna bacteriada. .


🩺Calaamadaha


✍Qumanka oo barar iyo gaduud yeesha

✍Wasaq cad cad oo dul fuusho qumanka

✍Dhuunta oo ku xafafta

✍Liqaida oo ku dhibta

✍Qandho

✍Qanjirada lympha ha oo barara

✍Codka oo is badala

✍Neefta oo soo urto

✍Madax xanuuun

✍dhareeer iyo naaafta oo ku dhibta


🩺Qataraha ka imaaado qunka


💥Neefta oo kugu xiranto.

💥Infection ka oo si fog ugu baaho qumanka

💥Qumanka oo maali gasho.

💥Rheumatic fever, oo ah caabuq ku dhaca wadanha  iyo kala goosyada kaaso oo asal ahaan ka bilaaawdo bacteriada sababta qunka.

💥Poststreptococcal glomerulonephritis, 

Sidoo kale waa caabuqa  ku dhaca kilida kaasi oo asal ahaan ka bilaawdo in kiladu jirka wasaqda ka saari weyyso ayow keeni kartaa caabuqan hadii aan dhaqso loo daaweyn.


🩺Sidee looga hortagaa

Gacmahaada dhaq mar walb iyo kuwa caruurtaaada Kadib isticmaalka suuliga iyo inta aadan cunto cunin ka hor

✍Ka fagoow in  hal weeel aaad biyo kuwada cabtaan sida hal galaaas

✍Badal buraashka ilkaha kadib markii lagaaa  

     helo  caabuqa qumanka

✍Ku qunfac ama ku hindhisoo tiiish ama   

      xusulkaaadaa.


Sidee loo daweeeyaaa

💊Penicillin    500mg  

💊Penicillin v 500mg 

💊Ibuprofen    200mg

🩸Tonsilectomy oo ah in gabi ahaanba lagaa

    saaro labada qun ee caabuqay...

Hadii aad isku aragty xladaan oo kale comment gaada  hoos iigu reeeb.



Shere

Sunday, November 1, 2020

13_faaaido oo liin dhanaanta laga helo :-

 13_faaaido oo liin dhanaanta laga helo :- 


1- Liin dhanaantu waxaa aad ugu badan fitamiin C-ga, ( vitamin C ) fitamiinkaan oo xoojiyo difaaca jirka ( boosts immunity ),  lana dagaallamo infekshanka ay feyrasyadu keenaan sida Hergabka iyo Ifilada, 


2- Liin dhanaantu waxay caawisaa shaqada beerka, ( liver function )  waxayna dhalaalisaa waxyaabaha halista ku ah, sida aashitada ( Uric Acid ) , waxay kaloo mishaa dacarta, sidaas daraadeed waxaa lagu taliyaa in qofka uu subaxii hore cabo biyo liin dhanaan oo qandac ah si beerka u nadiifismo.


3- Liin dhanaantu waxay nadiifisaa mindhicirrada, waxay kordhisaa dubaaxinta mindhicirrada ( peristalsis movement of intestines )  si ay jirka uga saaraan waxa mindhicirrada ku dhex jiro, waxay kaloo la dagallantaa gooryaannada caloosha ku jiro.


4- Liin dhanaantu waxay daawo u tahay cudurka cirid dhiigga “Scurvey”,( gum bleeding )  xanuunkaan oo aad ugu badan badmaaxayaasha, waxaa lagula taliyaa inay liin dhanaan ku filan ay u qaataan safarradooda bada.


5- Liin dhanaanta waxaa ku jiro aashitada loo yaqaano “Citric acid” tan oo jirka ku caawiso inay misho ama dhalaaliso dhagaxaanta ku samaysmo xameetida ( gallstones )  iyo kilyaha, ( kidney stones ) dadka ay ku soo laalaabtaan dhagaxaanta kilyaha iyo xameetida waxaa lagu booriyaa inay cunista liin dhanaanta joogteeyaan.


6- Qolofta liin dhanaanta waxaa ku jiro maaddo loo yaqaano ( Tangeretin ) taaas oo caawiso dadka qaba  xanuunka laleemada (  Parkinson’s disease ) 


7- Liin dhanaantu waxay xal u noqotaa cabburka iyo oksajiin yarida, waxayna siisaa jirka awood uu oksajiin yar ku noolaan karo, arrintaan oo la ogaaday markii uu ku guuleystay ninkii ugu horeeyay oo gaara cirifka buurta ( “Mt. Everest” ) oo sheegay inuu liin dhanaan kaliya cuni jiray inta uu safarka buurta ku sii jiray!.


8- Liin dhanaanta waxay xoojisaa xididada, waxayna yaraysaa halista inay xidida dillaacaan ama qofka dhiigbax jirka gudihiisa ku dhaco, khaasatan dadka qabo dhiig-karka ( hypertention ) ...


9- Liin dhanaantu waxay wanaajisaa aragga, iyadoo daawo u ah xanuunada ku dhaca shabakadda isha ee ( “Retina” )  waxaana la ogaaday inay sabab u tahay maado liin dhanaanta ku jirto oo loo yaqaano (  “Rutin” )


10- Liin dhanaantu waxaa ku jiro maadooyin kansarka la dagaallamo, kuwaas oo alle ku abuuray liin dhanaanta, howsha badan ey qabtaan waa hakinta ama joojinta tarmidda unugyada kansarka. 


11- Liin dhanaantu waxay jirka siisaa nafaqo kala duwan oo iskugu jirto, fitamiin c, fitamiin b,  kaalsiyam,  birta, magniisiyamta,  bootaaisyamta iyo kuwa kale oo badan.


12- Liin dhanaantu waxay nuurisaa maqaarka qofka, waxaana loo adeegsadaa in jirka looga baab’iyo haaraha wajiga noocyadooda kala duwan, waxaana taariikhda la sheegaa in dadka shiinaha ay caruusooyinka ugu qubeyn jireen liin dhanaanta dhowr maalmood ka hor inta aan la aroosin!, waana arrin cilmibaarista lagu arkay in liin dhanaanta ay maqaarka ka baab’iso haaraha, iftiina u kordhiso, unugyada dhintayna ay ka saarto jirka.


13- Liin-dhanaantu waa jeermis dile awood buuxa leh, waxay la dagaallantaa caabuqa bakteeriyada iyo fayrasyada qaar oo ay ku samayso waxa loo yaqaano ( “inactivation )


  


Wacyigelin ku saabsan Isnidhaamis (Scabies):

  Wacyigelin ku saabsan Isnidhaamis (Scabies): Isnidhaamisku (Scabies) waa mid kamid ah cudurrada faafa ee ku dhaca maqaarka kaas oo ay sa...