Saturday, December 26, 2020

Wax badan ka ogaaw boogta caloosha ka soo baxdo iyo sida looga hortago.

 Wax  badan ka ogaaw boogta

caloosha ka soo baxdo iyo

sida looga hortago.




Boogta caloosha ka soo baxdo waa nabar furan kaas oo ka soo baxa gudaha gidaarka caloosha iyo qeebaha sare ee mandhaciirada yar yar ka ah caalamada ugu caansan ee boogta caloosha waa xanuun inta badan boogta waxay ka soo baxdaa labo qaybood oo kala ah.


1-gudaha caloosha. 


2-qeebaha sare ee mandhaciirta yar yar.


waxa ugu badan ee sababa boogta caloosha ka so baxdo waa caabuq caabuqaas waxaa sababo bacteria loo yaqaan #helicobactor pylori (H.pylori) sido kale boogta caloosha waxaa sababo in la isticmaalo daawada lo yaqaan asprinka iyo daawoyinka lo yaqaan (non esteroidal anti inflamatory drugs)

#wal walka iyo #cunooyinka shiilan ma sababaan boog calooledka lakiin waxay sii xumeeyaan calaamadaha qofka leh boogta caloosha.


calaamadaha boogta caloosha waxaa ka mid ah.


1-xanuun gubasho ah in aad caloosha ka dareentid.


2- in aad dareentid caloosha in ay ku buuxdo ama qaylo caloosha ka maqashid.


3-in aad caafimaad daro darerntid marka qaadatid cuno baruur leh.


4-laab jeeex in aad dareentid.


5-labo labo.


afar meelood 3 qeeb dadka ka mid ah ee qabo boogta wax calΓ amad ah ma dareemaan.


halka dad aan badneen lagu arko calaaamado qatar ah sida.


1-in ay matagaan dhiig madaw ah ama gaduud ah.


2-in ay saxaroodaan dhiig madaw ah.


3-neefta dhib noqoto.


4-suuxdin.


5-matag labo labo.


6-cuno qaadashada yaraato miisaanka hoos u dhaco.


maxaa sababo boogta caloosha.


boogta caloosha waxay timaada marka aashitada calooosha cunto xuubka ku dahaaran caloosha inta ka dib qofka waxa oo dareemayaa xanuun aad u daran.

guud ahaan  tubada dheer ee dheefshiidka waxaa ku dahaaran xuub kaas oo ka difaaco aashitada lakiin hadii ay siyaado tirada aashitada xuubka difaaca waxa oo noqonayaa mid jilcan sidaaasna waxaa ku imaan karo boog calooledka.

waxyaabaha ugu badan ee sabani karo in aashitada caloosha siyaado waxaaa ka mid ah.


1-bakteriyada loo yaqaan H-pylori.


2- isticmaalka daawada asprinka.


3-iyo daawayin kale.


dadka qatarta ku jiro in bogta kaso baxdo waxaa ka mid ah.


1-dadka  sigaarka cabo.


 2'dadka caabuqyada qabo


dhibaatoyinka ka dhasho boogta caloosha waxaa ka mid ah.


1-dhiig bax gudaha ah.


2-caabuq.


3-iyo mandhiciirda in ay xermaan.


sidee looga hortagaa boogta caloosha.


1-ku dadaal nadaafada cunada iyo deegaanka.


2-iska yareey isticmaalka daawoyinka xanuunka yareeyo.



Share dheh walaal

Wednesday, December 23, 2020

Wax badan ka ogaaw cunooyinka siyaadiyo koriinka naasaha dumarka.

 Wax badan ka ogaaw cunooyinka

siyaadiyo koriinka naasaha dumarka.




Cunooyinka siyaadiyo kobaca naasaha.


#cunioyinka ugu wanaagsan ee siyaadiyo cabirka naasaha dumarka.


inta aadan ku fikirin daawoyin ama qaliin qatar galin karo nolashada ee lagu sameeyo naaasaha si loo siyaadiyo cabirka  naasaha waxaaa wanaagsan in aad isticmaasho cunooyinkan kuwaas oo door muhiim ah ka ciyaaro in ay siyaadiyaan cabirka naasaha cunooyinkaas waxaa ka mid ah.


1-#cawitaan ka sameesan #digir cayriin ah sida caanaha ayaad u cabeesa waxayna aad ugu wanaagsan yihiin guud ahaan jirka cawitaanka digirta ka sameesan waxaa laga helaaa maadada loo yaqaan #phytoestrogen kaas oo u dhigmo hormonka dabiiciga ah ee dumarka kaas oo loo yaqaan #estrogenka kaas oo ka qeeb qaato in cabirka iyo koriiinka naasaha siyaado.


2- caanaha iyo waxyaabaha caanaha laga sameeyo.caanaha iyo farmaajada waxa ay ka qeeb qaatan in ay siyaadiyaan cabirka naasaha gaar ahaan caanaha lo' da waxaa waxaa laga helaa baruur aad u tira badan sidoo kale caanaha lo'da waxaa laga helaa hormono aad u tiro badan kuwaas oo ka qeeb qaato koriinka xubnaha taranka dumarka sida naasaha hormonadaas waxaa ka mid ah.#estrogenka #progestronka iyo #prolactin ka kuwaas oo door muhiim ah ka ciyaaro koriinka naasaha.


3-babaayga: cunista babaayga waxa ay ka qeeb qaadataa in ay siyaado cabirka naasaha  waxaana laga helaa maadada loo yaqaan #phyytoestrogen kaas oo la mid ah hormonka loo yaqaan estrogenka kaas oo ka qeeb qaato in ay siyaadaan cabirka naasaha dumarka.


4-looska iyo miraha qalalan:


looska iyo miraha qalalan waxaa laga helaa hormonka loo yaqaan #estrogenka kaas oo ka qeeb qaato in cabirka naasaha siyaado.


5-cunooyinka bada: cunooyinka bada waxaa laga helaa xadi aad u badan   oo hormonka 

estrogenka  kaas oo door muhiim ah ka ciyaaro kobca naasaha.


6-xulbada: xulbada waxaa laga helaaa hormonka loo yaqaan estrogenka kaas oo ka qeeb qaato kobcaa naasaha.




Share dheh la wadaag asxaabtada


Page ka like saar

Wacyigelin ku saabsan Isnidhaamis (Scabies):

  Wacyigelin ku saabsan Isnidhaamis (Scabies): Isnidhaamisku (Scabies) waa mid kamid ah cudurrada faafa ee ku dhaca maqaarka kaas oo ay sa...