Saturday, September 5, 2020

SHOCK.

 #SHOCK



Shock : waa xaalad dhiig wareega hoos uridda amajoojisa waxaana kadhasha in xubintii dhiigweeyso iyo oxygen taas oo xubinta hoowlgab ka dhigta.


Waxaa jira afar nuuc oo shock ah:

l . Hypovolemic shock

2. Distributive shock

3. Cardiogenic shock

4. Obstractive shock


• Hypovolemic shock: shooga nuucaan waxa uu ka dhashaa dhiig baxa daran, shubanka iyo matagga daran, iyo gubashada daran.


• Distributive shock: waa xaalad eey yaraaneeyso amaba eeynan xididdadu geeyneey xubnaha dhiig ku filan.


• Cardiogenic shock: shooga nuucaan ah waa mid uusan wadnahaagu bambeeyneeyn dhiig kufilan jirka waxa uuna badanaa kuyimaadaa dadka ka xanuunsan wadnaha.


• Obstractive shock: shooga nuucaan ah waxa uu dhashaa marka eey xirmaan xididada waaweeyn ee dhiiga ama irdaha wadnaha.


#Waxa_Keena_Shock (Causes of Shock):- 


Wax yaabaha shooga keeni kara waxaa kamid ah:

 

1. Marka qofku dhiig baxo oo loo yaqaano

(Heamorrhage)

2. Gubasho oo loo yaqaan (Burns)

3. lafjabtay oo loo yaqaan ( Fracture)

4. Fuuq bax oo loo yaqaan (Dehydration)

5. Shil galid (Accident)

6. Sumoobid (Poisoning)

7. Xajiin (Allergic reaction)

8. Jugta (trauma)


#Sign and Symtoms of Shock


#Calaamdaha Shooga waxaa ka mid ah:


1.Qofka shoogsan waxaad moodaa in uu hurdayo ama uu miir la'yahay

2- Jirka qoow noqda

3- Jirka oo doorsooma (pale)

4- Wadna garaac (rapid pulse)

5- Neeftuur (rapid breathing)

6- Lalabo iyo matag (nausea and vomiting)

7- Tabardarri iyo daal (weakness and fatigue)

8- Dawaqid (Dizziness)


#Xalinta Shooga (Shock Management):- 


1.Qofka shoogsan wa in la jiifiyaa qaarkiisa dambena lag sara mariyaa Qaarkiisa hore


2- Qofka shoogsan Waa in la dadaa laguna dadaa waxyaabaha ad adag sida bustaha iwm.

3- Hadii qofka miir la'yahay waa in 100 seexiyaa (Ihaban dhaban si uusan candhuuftiisa ugu margan hana siin cuno iyo cabitaan midna


4- Hadii qofku dhiig baxayo jooji dhiiga baxaaya 5- Fiisito guud u samee qofka shoogsan.


6- Haddii uu xanuunjiro cirbad xanuun joojin sii (diclofen) 7- Haddii qandho jirto cirbad qandho jabin sii.


8- Waa in qofka lagu xiraa oxygen ama vintolator.


9- Waa in qofka lagu xiraa faleenbooyin (fluid therapy)



Abdikadir M. Abdullahi

Wednesday, September 2, 2020

Dhabar Xanuunka Xilliga UURKA.

 #Dhabar_Xanuunka Xilliga UURKA: iyo Talooyin muhiim ah. 

Xillaga uurka waa xaalad uu isbadal ku imaanayo jirka mid jir ahaaneed iyo mid maskax ahaaneedba.


Haweenka uurka leh kudhawaad 50% - 80%  waxa ay ka cawdaan dhabar xanuun (back pain)

Arintaas oo  badanaa sicaadiya utimaado waxaana ugu badan oo keeno :


1.Waxaa dhaco isbadal dhanka dheecaanada (hormonal changes)  waxaan dabco oo lajilciyaa murqaha, kala-goysyada, iyo seedaha dhabarka iyo miska 


si loo diyaariyo jawi ama meel uu ilmuhu kunoolaan karo  sidoo kale arrintaas waxaa loo bahanyahay oo ay saacidaa inta lagu gudo jiro xilliga dhalmada.


Dabacsanaantaas ku timid adkaantii murqaha iyo miisaanka kordhey  waxay sabababaysee xanuun. 


2. qaab-dhismeed jooga jirka oo isbaddel ku yimaad : (Altered posture)

Hanaanka jooga jirka ee isku dheellitiran oo meesha kabaxo waxay keenaysaa culayska jirka oo hal dhinac u bato iyo jirka oo hal gees ka rarmo .


Arrintaasna waxayaalaha sababo waxaa ka mid ah uurka ilmaha uurjiifkaa oo miisaankiisu badanayo, ilmo galeenka oo kala baxo xaaladaas oo keenayso caloosha oo horey u raaracsanaato / dhanka hore u soo badnaato waxana culays ku sababaysaa qaybta hoose ee dhabarka iyo murqaha iyo seedaha ku dhagan qaybtaas, waxaana ka dhalanayo xanuun  miskaha ah iyo qaybta danbe.  


#La Tacaalid


1. Ahow qof jir ahaan shaqaynayo oo jimicsi sameeyo taas waxaa loo la jeedaa ku waad 30 daqiiqo in jirku helo xarakaad fiican sida socod,dabaalasho iwm


2. Samee jimicsiyada fudud ee murqaha xoojiyo sida ku tusaalaysan sawirada hoose samee wakhti le’eg 10-20 second.


3.Iska ilaali fadhiga wakhtiga badan ah baddel possitionka sameena xarakaat joogtaa


4.iska ilaali isasoolaabitaanka iyo qalooca aan toosnayn.


5.kafagow qaaditaanka waxyaalaha culus ee dhulka aad kasoo qaadaysid .marka aad waxqaadaysid waa in dhabar kaagu sinaadaa  oo toosnaadaa si aad u isticmaashid murqaha iyo awoodda luggahaaga halkii aad ka isticmaali lahayd murqaha dhabarkaaga.


6.Ku masaajee dhabarka walxo diiran 


7.Isticmaalida suunka caloosha wakhtiga jimicsiga,  iyo socodka waxay saacidaan murqaha dhabarka.

Booqo goobaha caafimaadka..

               

XIGASHO: Dr Cadceed



Abdikadir M. Abdullahi 

Sunday, August 30, 2020

Wax badan ka ogow qanjir bararka.

 Qaamo-qashiir, dadka qaarne u yaqaanaa qanjir barar waa cudur ku dhaca badanaa caruurta, dadka waawayne wuu ku dhacaa.

Xanuunka wuxuu ku dhacaa qanjirka lagu magacaabo "Parotid Gland", qanjirkaan wuxuu ka mid yahay qanjirrada soo daayo ama soo saaro calyada, taasoo muhiim u ah calaajinta cunnada.


Waxaa keeno jeermiska feyraska ee loo yaqaano "Mumps", isla magacaas ayaana afka qalaad lagu dhahaa, dad badan oo bulshada ka mid ah ayaa aaminsan in qaamo-qashiirka laga qaado waxyaabo kale sida cunno afka meel ka gashay ama meel wasakh ah oo candhuuf lagu tufo, taasina waxba kama jirto.


Calaamadaha qaamo-qashiirka waxaa ka mid ah:


Barar iyo xanuun markii wax la calaanjinayo (bararka wuxuu noqon karaa hal dhinac laakiin wuxuu u badanyahay in labada qanjir ay bararaan)


Qandho


Madax xanuun


Xanuun xiniinyaha ah (Orchitis) oo isla feyraska qaamo-qashiirka ayaa keeno caabuq xaniinyaha)


Afqaleel, Dhego-xanuun iyo in Codka uu xirmo.


Boqolkiiba 20% ilmaha ku dhaco qaamo-qashiirka wax calaamado ah ma yeeshaan waxayna halis leedahay in cudurka uu ku faafiyo caruur kale iyadoo aan laga warqabin, si dhakhso ah ayaana lagu kala qaadaa. wadamada qaar waa la iska tallaalaa qaamo-qashiirka.


Markii cudurka caruurta ku soo socdo waxaa lagu fahmaa qandho, madax xanuun, cunno xumo iyo tabardarri. Badanaa cudurka wax baaritaan ah laguma sameeyo oo waxaa lagu gartaa muuqaalka iyo calaamadahiisa.


Qaamo-qashiirka waa cudur ay isku gudbin karaan caruurta wuxuuna ku gudbaa calyada markuu qofku qufaco ama hindhiso.

markii caruurta ku dhaco cudurkaan waxay ku gudbin karaan muddo 2 isbuuc ah gudaheeda.


Qaamo-qashiirka malahan daawo u gooni ah waxaa loo isticmaalaa daawo kaalmaati ah sida qandho jabis, in biyo iyo cusbo lagu luqluqdo iyo cabitaan badan si aan loo fuuq bixin.


Soomaalida qaar ayaa aaminsan in la gubo laakin wax jira ma ahan, badanaa cudurada uu fayrasku keeno way iska baaba'aan mudo ka dib, wax daawo ah looma qaato.

Ilmaha waa in aan la siinin furuutka iyo waxyaabaha aashitada leh inta xanuunka hayo maadaama waxyaabahaas ay kiciyaan qanjirrada calyada taasoo xanuunka uga sii dari karta.


Qaamo-qashiirka waa cudur iska baaba'a maadaama fayras uu keeno, taasi waxay keentay waxyaabo badan oo soomaalidu kula tacaasho in loo saariyo inay iyagu sabab u yihiin ka raaysashada xanuunkaan, laakiin taasi sax maahan oo xanuunka muddo kooban ayuu qofka hayaa, wuuna ka tagaa haddii la gubo ama la kubbeeyo ama bur la mariyo.


Qaamo-qashiirka waxaa looga hortagi karaa tallaal loogu tala galay oo la siiyo caruurta, inkastoo talaalkaas ay dad badani ka sheegtaan inuu waxyeello leeyahay, ..


Somalidocs


Abdikadir M. Abdullahi 


Wacyigelin ku saabsan Isnidhaamis (Scabies):

  Wacyigelin ku saabsan Isnidhaamis (Scabies): Isnidhaamisku (Scabies) waa mid kamid ah cudurrada faafa ee ku dhaca maqaarka kaas oo ay sa...