Tuesday, April 28, 2020

CUDURKA TIIFOWGA(TYPHOID-PARATYHOID FEVERS

CUDURKA TIIFOWGA(TYPHOID-PARATYHOID FEVERS
) .

Cudurka tiifowga waa cudur laga helo ama Caan ku ah meel waliba oo nadaafad darro ey ka jirto, shaqsi ahaan iyo deegaan ahaanba. waxaa jira in ka badan 20 million oo xaalad oo cudurkan ah sanad waliba caalamka iyadoo in  ka badan 20, 000 oo qofna ey u dhintaan.

TYPHOID  waa cudur ay keento baakteeriyada la yiraahdo
BACTERIUM SALMONELLA TYPHOID   oo xiidmaha(mindhicirrada) yaryar caabuq geliya iyo
qulqulka dhiigga isagoo ka gelaya dheecaanka gidaarrada jirku
sameeyo.
Caabuqa waxa laga yaabaa in uu ku gudbi karo biyo ama
cunto, waana mid ku xiran af-ka-qaadasho.

ASTAAMAHA LAGU GARTO CUDURKAAN:

⏺ Xumad sare oo soo noqnoqota
⏺ Caloosha oo istaagta ayaamaha hore
⏺ Calool xanuun iyo shuban la arko

TODDOBAADKA LABAAD EE XANUUNKA:

⏺Madax xanuun aad u ba’an
⏺ Garaaca wadnaha oo hoos u dhaca iyo xumad wehelisa
⏺ Qofka oo wax kala garanwaaya.
⏺ Dhego-culays
⏺ Beer ka yaraha oo barara

DHIBAATOYINKA SOO RAACI KARA:

⏺ Xiidmaha oo daldalool yeesha
⏺ Xidmaha oo dhiiga
⏺ Xameetida oo aad u caabuqda
⏺ Caabuqa oo baaha (Sepsis)
⏺Oof-wareen (pneuomonia)
⏺ Meninjaytis (meningitis)
⏺Aartaraytis caabuq leh (septic arthritis) iyo lafa-xanuun
(osteomylitis)
⏺Cudur kelyaha ku dhaca

SIDEE LOO MAREEYAA:

 Bukaanka oo si fiican loo daryeelo ayaa ah lagama maarmaan
 Aad isha ugu hay oo hubi inaan dhibaato kale u soo raacin

XANUUNKA

πŸ”ΉDaawee xumadda fuuq-baxna ka ilaali
πŸ”Ή Daawaynta antibaayotiga ah
Ka hortaga cudurka
πŸ”Ή Raashin iyo biya nadiif ah oo la helo
πŸ”Ή Tallaalka cudurka tiifowga oo la qaatto , kaasoo wadama qaar la helo.

TALO CAAFIMAAD:

Sida aan ognahay soomaalida waxa ey qabaan fikrada kala duwan oo ku saabsan cudurrada, haddaba maxaa laga aaminsanyahya cudurka bulshada dhexdeeda?
Qaar ayaa aaminsan inuu wax cudur tiifow la yirahdo aaney jirin ,iyagoo qaar xittaa ku dhahaya dhaqatar ayaan ka maqalnay,sidoo kale qaar ayaa aamisan inuu yahay kaneeca(malaria)xumaatay,ama kaneeca walaalkeed oo eyba isku mid yihiin.sidoo kale dhanka waxyaabaha keena ayey dadka qaar aaminsanyihiin inuu keeno caanaha ama hilibka lo’da ama xittaa hilbka idaha.
 Waxaas oo dhan waxa ka jira ayaa iska yar, iyadoo sida aan horay usoo sheegayba wax waliba oo jeermiskaasi uu taabta laga qaadi karo haba u badnaatto cunnada iyo biyaha.


Wacyigelin ku saabsan Isnidhaamis (Scabies):

  Wacyigelin ku saabsan Isnidhaamis (Scabies): Isnidhaamisku (Scabies) waa mid kamid ah cudurrada faafa ee ku dhaca maqaarka kaas oo ay sa...