Friday, August 28, 2020

Wax badan ka ogow xanuunka TIIFOOWGA.

 Xanuunka Typhoid oo ay Soomaalidu u taqaano tiifoowga waxa uu aad ugu badanyahay deegaanada Soomaalida oo idil,


Waa jeermis halis ah oo ay keento Bakteeriyo loo yaqaano "Salmonella typhi (S. typhi)" oo si fudud ugu dhex faafta biyaha iyo cuntada wasakhaysan,


Dadka la siiyo daawada xanuunkan si fudud ayey uga bogsadaan, balse dadka aanan helin daawada xanuunkan ayaa la kalma xaalado kale oo khatar ah,


Calaamadaha ugu badan ee qofka ka soo muuqda marka uu haleelo xanuunkan waxaa kamid ah,


- qandho

- tabar darro

- calool xanuun

- madax xanuun

- abateetka oo yaraada

- daal iyo culeys iyo diiqad,

Waxaa u raacda dadka qayb calool fadhiid ama shuban mararka qaarna nabaro yar-yar.


𝗦𝗶𝗱𝗮 𝘂𝘂 𝗸𝘂 𝗳𝗮𝗮𝗳𝗶 𝗸𝗮𝗿𝗼


Habka ugu weyn oo uu ku faafo waa marinka afka oo ah in aad cunto ama cabto biyo wasakhaysan ama cunto wasakhaysan oo ay ku dulnooshahay bakteeriyada keenta tiifoowga,

Ama waxaa lagu kale qaadi karaa in xiriir toos ah lala yeesho qof cudurka qaba.


𝗦𝗶𝗱𝗮 𝗹𝗼𝗼𝗴𝗮 𝗵𝗼𝗿𝘁𝗮𝗴𝗶 𝗸𝗮𝗿𝗼


Waa laga hortagi karaa xanuunkan hadii aad raacdo tilmaamaha dhakhaatiirtu ay ku siinayaan,


• iska hubi biyaha iyo cuntada aad cuneyso in ay yihiin kuwo nadiif ah,


• Haka cabin biyaha meelaha waraha ama baliyada ay biyihu jiifaan,


• Si fiican iskaga kari hilibka aad cuneyso

• si fiican iskaga dhaq khudrada aad

 cuneyso,

 

• caanaha xoolaha iska karkari ka hor inta aadan cabin siiba caanaha Lo'da,


• si fiican u falxalo mar walba oo aad cunto cuneyso ka hor,


• sidoo kale saabuun ku farxalo mararka aad musqulaha ama suuliyada kasoo baxdo.


𝗧𝗮𝗹𝗮𝗮𝗹 𝗺𝗮 𝗹𝗲𝗲𝘆𝗮𝗵𝗮𝘆?


Labo nooc oo talaal  ka hortag u ah tiifoowga ayuu leeyahay,


Oo lagu kala magacaabo 

"Inactivated typhoid vaccine" iyo

 "Live typhoid vaccine"


𝗦𝗶𝗱𝗲𝗲 𝗹𝗼𝗼 𝗱𝗮𝗮𝘄𝗲𝗲𝘆𝗮𝗮?


Baadhitaan dhiig oo lagu sameeyo qofka ayaa xaqiijin kara jiritaanka xanuunka Tiifoowga,

Markaas kadib Dhakhaatiirta ayaa u daaweysa si fudud iyaga oo siinaya bukaanka daawada qayb kamid ah oo waxtar weyn u leh xanuunkan loona yaqaano antibiyootig.


Daweyn la'aan, cudurka loo yaqaan 'typhoid' waxay horseedi kartaa dhibaatooyin culus oo nolosha halis geliya. 

Sanadkii qiyaas ahaan dunida dadka loo diwaangaliyo in ay u dhinteen tiifoowga ayaa kor u dhaafaya 200,000 oo qof.


Taas badalkeeda qofka hela daawada xanuunkan ayaa si deg-deg uga bogsooda wax ka yar 5 maalmood ilaa 3 maalmood marka uu cuno daawada.


Hadaba hadii aad isku aragto calaamadaha xanuunkan ama aad iskaga shakido fadlan booqo goob caafimaad oo tayo leh.


Fadlan Gaarsii asxaabtaada iyo qaraabadaada una SHARE garee.



Abdikadir M. Abdullahi 


Tuesday, August 25, 2020

SANBOORKA AMA ELERJIGA ADIGOO XAAFADAADA JOOGA ISKA DAAWEE.

 SANBOORKA AMA ELERJIGA ADIGOO XAAFADAADA JOOGA ISKA DAAWEE

.


sanboorka waxa uu yimaada marka jirkaada ay soo galaan waxyaalo dibadda kaaga yimaadey sida boorka,cuntada ama dhaska.

 Marka ay jirkaada soo galaan walxahaan waxay ayna  toos u tagayaan unug la yiraahdo mast cell kadib isga ayaa falcelin soo diraya unugaas.


Hadii aad leedahay Sanboorka ama allerjiga marka unugaas ay gaaraan walxihii sanboorka keenayey wuxuu unugaa udiriyaaa unugyada kale ee u dhaw digniino badan si loo soo saaro Maadada Histaminta la yiraahdo ee sababta dhamaan calaamadaha Sanboorka ee ay ugu horeeyaan


-Hindhisada

-Jir cun cunka barara

-ilin faro badan oo kulul in ay kaa timaadom

-Duuf khafiif ah oo kulul in uu ka socdo.

-Dhaga cun cun saaid .

-Naqaska oo ku dhaga qofka mar marka qaar.


Marka si loo daaweeyo ama looga hortago xanuunkaan waxaa loo baahnaanayaa Maadadaas Histaminta layiraahdo unugyada soo sii deynaya in la xir-xiro si aysan usoo sii deyn.

Si sidaas loo sameeyo waxaa loo baahnaanayaa ANTIHISTAMINE oo ah maadadii xir-xiri lahayd unugyada soo deynaya histamiinta.


Marka waxaan idinku baraya charkaan adinka oo aanan wax daawo ah qaadan in gurigiina aad ka dhex heshaan maadadaan AntiHistaminta la yiraahdo ee ka hortageysa in lasoo saaro Histamiintii sababeysey Sanboorka iyo elerjigii.


1=   SANJABIISHA


Sanjabiisha waxa ay qani ku tahay Antihistamin oo awood u leh in ay xir-xirto unugyada Soo saaraya Histaminta.


Ku isticmaal sanjabiisha in aad shaah kulul ku darsato dabadeed aad cabto ama caadi aad u ruugto oo aad cunto maalin walba.


2=    TOONTA


Toontu waxay hormarisa difaaca jirka sidoo kale waxa ay koontaroosha elerjiga waxayna daawo utahay caabuqyada kala duwan,madax xanuunka iyo Hindhissada.


Xoogaa toon ah iyo caano isla kululeyso kadib cab maalin walba inta aad ka caafimadeyso.


3=    TUFAAXA.


Waxaa ku jirta maadadii antihistaminta ahayd ee aynu u baahneen si aynu u xir-xirno meelaha laga soo deynayey Histamiintii Sanboorka ama Elergiga sababeysey.wuxuuna daawo rasmi ah u yahay duufka,hindhisada,cun-cunka sanka iyo madax xanuunka waxa uuna kobciyaa difaaca jirka.


Shiido tufaaxa kadib biyo diiran ku qaso markaas kadib cab,

Sidoo kale waxaad ku sii qasan kartaa qaado Malab ah  iyo in aad liin ku miirato markaas kadib cab ilaa intii ayaan ah oo aad ka bogsaneyso.


   TALLO


Daawada ugu muhiimsan ee Sanboorka waa in aad ka dheerataa wax walba oo kugu kiciya Sanboorka,

qof walba waxbaa ku kiciya qof Ukunta ayaa ku kicisa,qof digirta,qof kaluunka, dadka qayb badan oo kamid ahna waxa ku kiciya boorka ama dhaska dadka qaybna qaboowga ayaa ku kiciya 

Marka ka dheeroow wax walba oo adiga kugu kicin kara.


U #SHARE gareeya walaalihiin ugana yeera halkaan qof la dhibtooda sanboorka si ay uga faaiideystaan daawadaan iyo Tallo soo jeedintaan.


Wixii su'aalaha oo khaas ah qofkii qaba qaybta fariimaha khaaska ah ha iga soo waydiiyo.


Mahadsanidiin.


Mowduuca inoo xiga insha allah wuxuu noqon doonaa Gaaska.


 XIGASHO: Dr Mohamed Amen



Abdikadir M. Abdullahi 

#SHARE

Sunday, August 23, 2020

ISKA DAAWEE ADIGOO GURIGAADA JOOGA GOORYAANKA PINWORM/DIRE-DIRE/IDIINYO.

 ISKA DAAWEE ADIGOO GURIGAADA JOOGA GOORYAANKA PINWORM/DIRE-DIRE/IDIINYO


Pinworm/dira-dire/indi waa dulnoolaha ugu caansan dunida ee ku dhaca midhicirada, wuxuuna inta badan ku dhacaa caruurta sidoo kale waxa uu ku dhacaa dadka waaweyn.


Cabirka dhererkiisu waa qiyaastii  5 ilaa 10 millimeters (mm) waxa uu egyaahay waa cadaan kalarka kareemka oo kale ah.


Waxaana sababa parasite layiraahdo 

 (Enterobius vermicularis).


Waxa uu ku fidaa marka ukumaha pinworm aad si kadis ah aad afka ugu qaadato iyaga oo kuusoo raacaya cuntada ama cabitaanka ay taataabteen ilmaha uu hayey pinworm,


Pinworm waxa uu leeyahay dhadig iyo lab noolayaal ah,

 kiisa dhadigga ah ayaa halkii xabo waxa uu soo saaraa in kabada 10,000 oo ukumood ,


Ukumaha pinworm mudo 2 asbuuc ah ayey ku noolaan karaan banaanka iyagoo saarnaanaya godasha uu ku seexdey qofka qabay pinworm dharka uu qabey ama cidayahiisa hoostooda,ama waxa uu kaasoo raacin saxanka lagu saxaroodo ee uu isticmaaley qofka qabey pinworm.

 

Hadii uu Gabdhaha uu ku dhaco gooryaankan waxa iyaga u dheer in uu ku fidi karo xubinta taranka iyo toobooyinka ugxan sidayaasha kaas ugu danbeen ku sababi kara caabuqyada ku dhaca xubinta taranka.


CALAAMADAHA UU LEEYAHAY.


Cun-cun dabada ah oo ubadan xiliga habeenkii ah 


Xanuun iyo nabaro yar-yar oo ku sameysma agagaarka mesha laga saxaroodo.


Hurdado la'aan ay sababto cun cunka dabada.


Bahalo yar-yar oo cadcad oo nool nool oo dabada ilmaha lagu arko iyo dadka waaweynba.


Bahaladaas yar-yar oo lagu arko qofka saxaradiisa iyaga oo socsoconaya.


Qofka oo inta badan dabada xoqonaya.


SIDEE ISKAGA DAAWEYN KARTAA?


TOONTA


Toontu waxa ay dileysaa ukumaha gooryaankan,sidoo kale waxa ay ka hortegeysaa kiisa dhadigga ah noolahan in uu soo saaro ukumo kale.


Soo qaado dhowr xabo oo toon ah kadib tun kuna dar saliid yar oo tan qunbaha ah kadib mari meesha laga saxaroodo iyo dhamaan aagagaarkeda.


Toontu caafimaad ayey utahay in jirka la marsado waxaa laga yaaba in aad xooga kuleel dareento.


SALIIDA QUNBAHA


Saliidana waxay daawo u tahay dhamaan bakteeriyada iyo fayrisyada jirka soo weerara, waxaana loo yaqaanaa mida ugu muhiimsan ee loo isticmaalo gooryaankan pinworm.

Saliid dhib makeeneyso in aad afka ka qaadato in yar iyo in aad mariso jirka labadaba 


Waxaad u istucmaali kartaa labo siyaabood

Mida koobaad Aroortii hal qaado oo saliida qunbaha ah cab.

Mida labaad soo qaado xoogaa saliidaas ka hor inta aadan seexan habeenkii kadib dabada iyo agagaarkeed dhamaan mari oo si fiican ugu daliiq.


KAAROOTADA


in aad cunto kaarooto cayrin ah waa wado fiican oo lagu daaweeyo gooryaanka pinworm sababtoo ah kaarootadu waxa qani ku tahay qalfoofta adag ee hormarisa in habdhiska dheef-shiidku uu si fiican u shaqeeyo.

Waxay dhiiri galisa in madhicirku uu si saaid ah u shaqeeyo taas oo ka dhigeysa in ugu danbeen ay soo daataan dhamaan ukumaha pinworm.


Soo qaado dhowr xabo oo kaarooto ah oo cayriin ah  kadib shiido hana kala miirin tabteeda markaad shiido intaad biyo ku darsato cab maalin walba hal galaas ilaa inta aad ka caafimaadeyso.


Dhamaan daawooyinkan dabiiciga ah waxay daawo u yihiin gooryaankan waxayna ka hortagaan in uu faafo oo dadka kale ee xaafada saameeyo.


MIRAHA BABAYGA IYO MALAB


Daraasaad ayaan dhaw lasameeyey ayaa cadeysey in qaadashada miraha babayga iyo malabku ay si fiican usoo xaaqaan dhamaan gooryaanada yar yar ee madhicirada ku jira

Miraha babaygu waxay ka hortagayaan in uu soo laab laabto gooryaankan 

Cun miraha babayga adiga oo kadaba cabaya qaado ama labo qaado oo malab ah


TALLO MUHIIM KUU AH SI UUSAN UGU FIDIN XAAFADA.


-Gacmaha ku dhaq saabuun mar walba oo aad musqusha ka timaado.

-dhamaan cidayaha iska gaabi

-buumaha ama kastuumada maalin walba ku dhaqo biyo kulul.

-iska badal dharka aad ku seexato mar walba oo biyo kulul ku dhaq.

- dhaqo gacmaha ka hor inta aadan cuntada cunin mar walba.


Dhakhaatiirtu waxa ay xanuunkan ku daaweysaa labo kaniini oo kala ah albendazole 400mg hal xabo, 2 asbuuc kadibna hal kale ayaa loogu daraa.


 mebendazole 100mg oo hal xabo laga qaadanayo hadii xabadaas lagu caafimaadi waayo hal kale 2 asbuuc kadib ayaa lasiinayo


Labadaan kaniini hadaad aad ka isticmaasho in kabadan 2 xabo iyaga ayaa xanuuno kale hor leh kugu keenaya.


Marka hore isticmaal daawada dabiiciga ah kadib hadii ay wax katari waydo isticmaal kaniiniyaashan.


U #SHARE  gareeya walaalihiin ama halkaan uga yeer qof muhiim kuu ah oo ilmihiisa ay la dhibtoodaan ama isaga la dhibtooda si uu uga faaiideysto daawadan.


In aad Ila socotaan dhiiri galin ayey ii tahay.


Mahadsanidiin


XIGASHO: Dr Mohamed Amen


SHARE.

Wacyigelin ku saabsan Isnidhaamis (Scabies):

  Wacyigelin ku saabsan Isnidhaamis (Scabies): Isnidhaamisku (Scabies) waa mid kamid ah cudurrada faafa ee ku dhaca maqaarka kaas oo ay sa...