Saturday, March 27, 2021

𝖥𝖠𝖠’𝖨𝖨𝖣𝖮𝖮𝖸𝖨𝖭𝖪𝖠 𝖢𝖠𝖠𝖥𝖨𝖬𝖠𝖠𝖣 𝖤𝖤 𝖲𝖠𝖭𝖩𝖠𝖡𝖨𝖨𝖲𝖧𝖠.

 𝖥𝖠𝖠’𝖨𝖨𝖣𝖮𝖮𝖸𝖨𝖭𝖪𝖠  𝖢𝖠𝖠𝖥𝖨𝖬𝖠𝖠𝖣 𝖤𝖤 𝖲𝖠𝖭𝖩𝖠𝖡𝖨𝖨𝖲𝖧𝖠




1. 𝗝𝗲𝗲𝗿𝗺𝗶𝘀𝗸𝗮 𝗮𝘆𝗲𝘆 𝗹𝗮 𝗱𝗮𝗴𝗮𝗮𝗹𝗹𝗮𝗻𝘁𝗮𝗮

Maadooyinka kiimikaal ee ku jira sanjabiisha ayaa jirka ka ilaaliya jeermiga, una diida inay so galaan ama ku bakteeriyada-“E.coli iyo Shigella” iyo fayraska-“RSV”.


2. 𝗪𝗮𝘅𝗮𝘆 𝗱𝗵𝗼𝗼𝗿𝘁𝗮𝗮 𝗰𝗮𝗮𝗳𝗶𝗺𝗮𝗮𝗱𝗸𝗮 𝗮𝗳𝗸𝗮

Sanjabiisha waxaa ku jira maado kiimikaal oo loo yaqaanno 'gingerols'- waxayna kaa saacideysaa inaad dhoola-cadeyso, sababtoo ah waxay joojisaa koritaanka bakteeriyada keenta xanuunada afka sida Suuska, Yiridka iyo IWM.

 

3. 𝗪𝗮𝘅𝗮𝘆 𝘆𝗮𝗿𝗲𝘆𝘀𝗮𝗮 𝗹𝗮𝗹𝗮𝗯𝗮𝗱𝗮

Sanjabiishu waxay kaa caawin kartaa inaad socod-siisid caloosha waliba haddii aad xaamilo tahay, waxay nuugtaa gaaska caloosha, sido kale waxay baabi’isaa lallabada ay keenaan daawooyinka kiimoteraabiga ee loo isticmaalo kansarka.


4. 𝗪𝗮𝘅𝗮𝘆 𝘆𝗮𝗿𝗲𝘆𝘀𝗮𝗮 𝗺𝘂𝗿𝗾𝗼 𝘅𝗮𝗻𝘂𝘂𝗻𝗸𝗮

Waxaa la ogaaday dadka jimicsiga ku dareema murqo xanuunka, haddii ay isticmaalaan sanjabiisha waxaa yaraada xanuunkii hayey, marka loo barbar dhigo kuwa aan qaadan. Sidaa awgeed,  sanjabiishu waxay yareysaa murqo xanuunka.


5. 𝗪𝗮𝘅𝗮𝘆 𝘆𝗮𝗿𝗲𝘆𝘀𝗮𝗮 𝗔𝘀𝘁𝗮𝗮𝗺𝗮𝗵𝗮 𝗔𝗿𝘁𝗵𝗿𝗶𝘁𝗶𝘀-𝗸𝗮

Sanjabiishu waxay yareysaa bararka ama hurgunka,-taasina waxay waxtar u leedahay xanuunada qaar ee ku dhaca kala-goysyada sida 'rheumatoid arthritis' iyo 'osteoarthritis' -adoo ka qaadanaya afka, ama saaraya maqaarka korkiisa.


6. 𝗪𝗮𝘅𝗮𝘆 𝗵𝗼𝗼𝘀 𝘂 𝗱𝗵𝗶𝗴𝘁𝗮𝗮 𝗸𝗼𝗿𝗶𝘁𝗮𝗮𝗻𝗸𝗮 𝗸𝗮𝗻𝘀𝗮𝗿𝗶𝘀𝗸𝗮

Daraasadaha qaarkood waxay muujinayaan in maadooyinka bioactive-ka ee ku jira sanjabiisha ay hoos u dhigaan koritaanka kansarrada qaarkood sida kansarka mala-wadka, caloosha, ugxan sidaha, beerka, maqaarka, naaska, iyo kansarka qanjirka 'prostate'-ka.


7. 𝗪𝗮𝘅𝗮𝘆 𝗬𝗮𝗿𝗲𝘆𝘀𝗮𝗮 𝗦𝗼𝗻𝗸𝗼𝗿𝘁𝗮 𝗗𝗵𝗶𝗶𝗴𝗴𝗮

Daraasad la sameeyey ayaa sheegaysa in Sanjabiishu ay ka caawin karto jirkaaga isticmaalka sonkorta si ka wanaagsan maadada insulin-ta.

 

8. 𝗪𝗮𝘅𝗮𝘆 𝘆𝗮𝗿𝗲𝘆𝘀𝗮𝗮 𝘅𝗮𝗻𝘂𝘂𝗻𝗸𝗮 𝗰𝗮𝗮𝗱𝗮𝗱𝗮 

Ma isku aragtay xanuun xilliga caadada, sanjabiisha ayaa kaa caawin karta, waxaa la ogaaday dumarka qaata 1,500 oo miligram oo sanjabiil budo ah hal mar maalintii muddo 3 maalmood ah, inay ka xanuun yaryihiin kuwa aan qaadan.


9. 𝗪𝗮𝘅𝗮𝘆 𝘆𝗮𝗿𝗲𝘆𝘀𝗮𝗮 𝗞𝗼𝗹𝗲𝘀𝘁𝗮𝗿𝗼𝗼𝗹𝗸𝗮

Qaadashada maalin laha ah ee sanjabiisha waxay kaa caawin kartaa inaad yareyso kordhidda heerka kolestaroolkaaga-LDL, waxaa la ogaaday qaadashada 5gram oo sanjabiil ah maalintii muddo 3 bilood ah ayaa hoos u dhigtay kolestarolka dadka celcelis ahaan 30 dhibcood.


10. 𝗪𝗮𝘅𝗮𝘆 𝗸𝗮 𝗵𝗼𝗿𝘁𝗮𝗴𝘁𝗮𝗮 𝗖𝘂𝗱𝘂𝗿𝗮𝗱𝗮 𝗿𝗮𝗮𝗴𝗴𝗮

Sanjabiisha waxaa ka buuxa maadooyin iskudhafyo ah oo loo yaqaanno “Antioxidants”-kuwaas oo ka ilaaliya dhibaatada hiddesidaha DNA-da ee jirkaaga, taas oo ka caawin karta jirkaaga inuu la dagaallamo cudurrada raaga sida dhiig karka, wadna xanuunka iyo cudurrada sambabada.

 

11. 𝗪𝗮𝘅𝗮𝘆 𝗰𝗮𝗮𝘄𝗶𝗻 𝗸𝗮𝗿𝘁𝗮𝗮 𝗱𝗵𝗲𝗲𝗳𝘀𝗵𝗶𝗶𝗱

Isticmaalka sanjabiisha ayaa fududeeya burburinta cuntada si dhaqsa ah, taasoo yareysa dibiryada iyo xanuunada caloosha.


𝐌𝐚𝐡𝐚𝐝𝐬𝐚𝐧𝐢𝐝𝐢𝐧 

W/Q: 𝔻𝕣 𝔸𝕓𝕕𝕦𝕝𝕜𝕒𝕣𝕚𝕞 𝕁𝕒𝕓𝕣𝕒


Abdikadir M. Abdullahi 

Monday, March 22, 2021

𝗚𝗮𝗮𝘀𝘁𝗮𝗿𝗶iga ( 𝗛.𝗽𝘆𝗹𝗼𝗿𝗶 𝗶𝗻𝗳𝗲𝗰𝘁𝗶𝗼𝗻 )

 𝗚𝗮𝗮𝘀𝘁𝗮𝗿𝗶 ( 𝗛.𝗽𝘆𝗹𝗼𝗿𝗶 𝗶𝗻𝗳𝗲𝗰𝘁𝗶𝗼𝗻 ) 





Waa mar kale iyo maqaaladeenii taxanaha ahaa oo aynu maanta ku faaqidi doono xanuunka gaastariga. Cudurkan ayaa ah mid haleela qaybo ka mid ah dheef-shiidka inta badana abbaara caloosha. Ereyga gaastari ayaa isagu ah mid aynu qalad fahanay islamarkaana aan ahayn sida aynu u naqaano ama u adeegsano. Ereygan ayaa isagu asal ahaan ka soo jeeda afka laatiin-ka oo inaga afkeena u dhigmaya caloosha. Ereygani ma sheegayo cillad ku timaada caloosha bini’aadmiga ee keliya waa magaca xubintani leedahay.


Cudurkan waxa keenta nooc ka mid ah bacteria-da loo yaqaano helicobacter pylori. Bacteria-dan ayaa iyadu ka mid ah kuwa weerara isla markaana dega caloosheena. Waxa ay ku tarantaa bacteria-dani kuna uruurtaa lakabyada gudaha ugu xiga ee caloosheenu leedahay. Waxa mararka qaar ay degi kartaa qaybta hore ee midhicirka yar ee bini-aadmigu leeyahay. Sida aynu hore ugu sheegnay qoraalkeenii ka horreeyey kan, aysiidha caloosha ayaa ah mid ka mid ah wadiiqooyinka aynu isku difaacno. Hadaba bacteria-dan ayaa iyadu ka gabbata aysiidhan oo iska xigsiisa lakabyada qaar caloosheenu leedahay.


Cudurkan ayaa ah mid aad ugu badan wadamada soo koraya. waxa la sheegaa in kala badh dadka dunida ku nool ay jidhkooda ku jirto bacteria-da cudurkan keentaa in kasta oo aanay astaamaha cudurkani dadka ka soo wada bixin. Dadka ayaa ah halka rasmiga ah ee hoyga u ah ilma-aragtaydan. Waxa jira aragtiyo ay qabaan qaar ka mid ah saynisyahanada caafimaadku oo odhanaysa in dukhsigu uu walwaali karo bacteria-dan, ilaa hada se lama caddayn in bacteria-da uu sidaa ay inaga cudur inagu keeni karto.  Cudurkan ayaa ku kala badan dhulalka qaar, da’da, qoomiyada iyo wixii la hal maala. Waxa lagu ladhaa in dumarku uga nugul yihiin inuu uu ku soo noqdo caabuqani. Cudurkan ayaa ku badan dadka dhaqaalahoodu hooseeyo , iyada oo dadku inta badan qaadaan cudurkan ciyaalnimada oo la aaminsan yahay in nadaafada oo hoosaysaa ay tahay qodobka ugu muhiimsan .


Habka loo kala qaado cudurkan Ayaa isagu ah mid lagu kala tagsan yahay hase yeeshee ay jiraan meelo ay ka wada duulayaan culimada caafimaadku. Waxa la sheegaa in lagu kala qaadi karo inaad toos isu soo gaadhaan candhuufta, mataga iyo saxaro sida H.pyori. waxa intaa dheer in lagu qaadi karo biyo ama cunto aad qaadatay oo iyaguna xambaarsanaa bacteria-dan.  Tuumbada lagu dhaadhiciyo caloosha ( Endoscopy) ayaa iyaduna ah mid fudaydin karta fiditaanka cudurkan hadii aan si quman loo nadiifin.


Qodobada kor u qaadi kara in uu cudurkani ku haleelo ayay ka mid yihin in aad ku noolaato dalalka soo koraya, goobaha dadka badani degan yihiin iyo in aad la nooshahay qof qaba cudurkan.


Astaamaha cudurkan leeyahay Ayaan haba yaraatee dadka qaar yeelanin halka dadka qayb ka mid ahina ay la iman karaan astaamaha oo idil. Tan ayaa loo aaneeyaa in ay dadka qaar adkaysi u leeyihiin oo ay iska caabin karaan. Astamaaha cudurkan hadii aynu yara taxno waxa ka mid ah-:


▪︎ Calool olol ama caloosha oo xanuunta

▪︎ Gaajada oo kugu kordhisa calool xanuunka

▪︎ Laab dillaac

▪︎  Matag

▪︎  Dibiro

▪︎ Miisanka oo yaraada


Waxa aad u muhiim ah in dadkeenu fahmaan laab dilaacu inuu yahay keliya astaan ka mid cudurkan, isla markaana aanay mararka qaar keeni karin gaastari oo kale ahi.


 Laab dilaaca waxa keeni kara qaar ka mid ah dawooyinka, cuntooyinka qaar sida basbaaska iyo jalka saliidu ku badan tahay, uurka iyo bog dillaaca. Marar badan ayaanu laab dilaacu u baahnayn daawayn ee waxa lagu sixi karaa hab nololeedka qofka oo la hagaajiyo. 


Habka uu laab dilaacu ku imanayo ayaa ah in aysiidha caloosheenu kor u soo baxdo oo ay soo gaadho hunguriga, halkaas oo aan xikmada Rabi darteed u adkaysan karin walaxda ay caloosheenu hoyga u tahay. 


Wax kasta oo kor u qaada ama badiya aysiidha amaba se caloosha soo cadaadiya ayaa iyaguna keeni kara arrintan. Caloosha oo aad loo buuxiyo (dheregga) ayaa iyadu ah mid carin karta soo saarida aysiidh badan si loo dheef shiido dhuunigaas.


Cudurkan ayaa lagu ogaan karaa qaabab kala duwan oo mararka qaar mid qudha ahi kugu filan yahay si loo xaqiijiyo, mararka qaarna loo baahan yihiin in la adeegsado dhawr qaab si ay isu kabaan. Dariiqyada lagu ogaado waxaa ka mid ah -:


▪︎Dhiiga oo laga baadho bacteria-dan inay soo gashay jidhkeena

▪︎ Neefsiga oo laga baadho walxaha ay bacteria-dan soo saari karto

▪︎ saxarada oo laga baadho , shaybaadhkan waxa qaldi kara dawooyinka qaar ka mid ah oo lagu la taliyo inuu joojiyo bukaanku laba todobaad ka hor baadhitaanka 

in lagu dhaadhiciyo tuumbada caloosha lageego oo lagu arki karo dhibaato hadii ay soo gaadhay caloosha isla makraana laga soo qaado cad yar oo ku yaala caloosha si loo baadho.


Cudurkan ayaa isagu ah mid laga bogsan karo hadii loo adeegsado dawooyinka saxda ah isla markaana loo qaato sida saxda ah. Waxa lagu taliyaa keliya in laga daweeyo cudurkan dadka yeesha cabashada cudurkan ama astaamihiisa. 


Waxa la qaataa 3 dawo oo laba yihiin antibiotics iyo mid hoos u dhigaysa aysiidha caloosha. Daawooyinka ayaa la wadaa mudo 10-14 cisho ah oo xidhiidha. Laba ka mid ah dawooyinkan ayaa iyagu ka horreeya cuntada halka xabada kale ay ka dambayso. Iyada oo lagu salaynayo goobta uu bukaanku ku nool yahay ama inuu guul darraystay qorshe daweedka hore ayaa qasabta in la adeegsado 4 dawo oo kala duwan isla markaana kor u qaadi kara cidhib tirka cudurkan.


Cudurkan ayaa keeni kara dhibaato ka weyn tii hore hadii aan si rasmi ah loo dawayn. Waxa ka mid ah-:


▪︎ Nabaro soo gaadha caloosha ( ulcers)

kor u kac ku yimaada haleelida kansarka caloosha

▪︎ Dhiig bax


Qofka oo qaata khudaar badan iyo vitamin C ayaa la sheegaa in ay hoos u dhigi karto caabuqa bacteria-dan. Halka taa lidkeeda cuntada oo aan si wacan loo karin ama u bandhiganta biyo wasakhaysan ama ciidu ay kor u qaadi karaan halista cudurkan. Waxa aan ka madhnayn nadaafadda oo hoosaysa, uruka dadka oo bata iyo dakhliga oo hooseeyaa oo iyagana aad loo tuhunsan yahay inay ka qayb qaataan korodhka ama fiditaanka caabuqan.




Waxa Diyaarisay Deeqa Aadan



   Abdikadir M.  Abdullahi 

Wacyigelin ku saabsan Isnidhaamis (Scabies):

  Wacyigelin ku saabsan Isnidhaamis (Scabies): Isnidhaamisku (Scabies) waa mid kamid ah cudurrada faafa ee ku dhaca maqaarka kaas oo ay sa...