Saturday, August 28, 2021

5 calaamadood oo kuu sheegaya inuu kugu dhici rabo kansarka naasaha.

 

5 calaamadood oo kuu sheegaya inuu kugu dhici rabo kansarka naasaha

Calaamadahan waxay kuu sheegayaan inuu kugu soo socdo kansarka naasaha.


14397

Kansarka naasaha wuxuu ka mid yahay cudurrada faraha kulul ku haya caalamka dadka ugu badanna ku dhaca. 

Waddan kasta bulshadiisa waxay halis ugu jirtaa cudurkan oo u badan dumarka, balse ragga xitaa qaarkood ku dhaca.

Waxaa jira astaamo badan oo uu leeyahay kabsarka naasaha balse gabdhaha badankood ay iska indho tiraan.

Marka xilli hore la ogaado wuxuu leeyahay wax ka qabasho. Gabdhaha badankood waxaa lagu sameeyaa qalliin looga gooyo naaska xanuunsan haddii aan la daweyn karin si naftooda loo badbaadiyo.

Fadlan ha yaraysanin calaamadahan muujinaya inuu kugu soo socdo cudurkaas dilaaga ah.

1- Qufac joogto ah







Marka aad isku aragto qufac qallalan, neefta oo ku dhibaysa iyo dhuunta oo angagan waxaa suuragal ah in kansar uu ku sii fidayo sambabbadaada.

Xaaladdan waxaa loo yaqaannaa “kansarka naasaha ee heerka sare ah” wuxuuna ku dhacaa 60% ilaa 70% ka mid ah dumarka.

Inta badan dumarka waxay arrintan ku khaldaan hargabka caadiga ah, kumana baraarugaan.

Haddii aad isku aragto fadlan si deg deg ah ula xiriir dhakhtar.

2- Calaamad kasoo muuqata maqaarka

Inkasroo astaamaha kasoo baxa maqaarka ay calaamado u yihiin kansarka maqaarka, haddana waxyaabaha lagu karto kansarka naasaha waxaa ka mid ah in jirka lagu arko meel u eg sida inuu dhiig ku jiro.

Meel noocaas ah oo cusub haddii aad isku aragto ha yaraysanin.

Calaamaddan waxay kasoo muuqan kartaa meel walba oo ka mid ah jirkaaga, sida gacanta, xabadka, naaska dushiisa ama dhabarka.

3- Daal xad dhaaf ah

Daalka qayrul-caadiga ah wuxuu ka mid yahay calaamadaha ugu waawayn ee kansarka.

Inkastoo astaantan aad loogu yaqaanno xanuunnada dhuunta ku dhaca iyo isku dheellitir la’aanta hirmoonnada, haddana ma aha in la yaraysto.

Haddii uu yahay kansar, daalkaas ma baxayo marka aad seexato ama aad nasiino badan qaadato.

Daraasad ayaa muujisay in 10% ka mid ah dadka uu ku dhaco kansarka naasaha ay isku arkaan calaamaddan.

4- Dhibaato dhanka dheef shiidka ah

Caloosha oo istaagta, mindhicir xanuun, xanuun kaadi haysta ah iyo dibirada waxay ka mid yihiin calaamadaha ugu waawayn ee kansarka naasaha.

Bukaannada qaarkood waxay xakamayn waayaan kaadida marka ay qoslayaan, qufacayaan ama hindhisayaan.

Qaar kalena kaadida ma ceshan karaan marka ay qabato.

5- Dhabar xanuun

Siddeed ka mid ah tobankii qofba waxay dareemaan dhabar xanuun.

Sida caadiga ah waxaa dhabar xanuunka keeni kara waxyaabo ay ka mid yihiin fadhiga badan, qaab dhismeedka jirka oo aan toosnayn, culays loo qaado si aan habboonayn iyo dhaawacyada.

Laakiin nasiib darro, dhabat xanuunka wuxuu sidoo kale ka mid yahay calaamadaha kansarka.

Sidaas awgeed, astaamahan oo dhan fiiro u yeelo, haddii aad isku aragtana si deg deg ah ula xiriir dhakhtar.

Thursday, August 26, 2021

Wax Ka Baro Mucjisooyinka Ku Lammaansan Hindhisada.

 

Wax Ka Baro Mucjisooyinka Ku Lammaansan Hindhisada. 

HindhisoHindhisadu waxa ay muhiimad weyn iyo faa’idooyin kala duwan u leedahay nolosha qofka iyo caafimaadkiisa. Hindhisada oo waqtigeedu uu yahay ilbidhiqsi ama ilbidhiqsi badhkii, waa geeri uu qofku dhimanayo kadibna uu mar labaad dib ugu soo noqonayo nolosha. Waana sababta aynu ugu tilmaamayno in ay tahay mucjiso Rabbaani ah oo duruus badan oo ruuxi ah iyo kuwo caafimaadba ku jiraan, waana sababta sida ay culimada Islaamku sheegeen loo sunneeyey in marka uu qofku hindhisho uu yidhaahdo, “Alxamdu Lillaah (Allaa Mahad leh). Waa farxadda uu addoonku Alle uga mahadcelinayo in geeridaa ilbidhiqsiga badhkii ah ee uu qofku ka soo badbaaday.

Qormadan waxaan akhristayaasha kula wadaagaynaa dhowr ka mid ah mucjisooyinka ku lammaan hindhisada:

– Marka uu qofku hindhisayo waxa gebi ahaanba shaqada joojiya wadnaha, iyo sidoo kale dhammaan hab-dhisyada shaqooyinka kala duwan qabta ee jidhka bani’aadamka.

– Haddii uu qofku si xoog leh u hindhiso waxa suuro gal ah in mid ka mid ah feedhihiisu ay jabot cadaadiska xoogga badan ee neefta awgeed.

– Waxa ay khubarada caafimaadku sheegaan in hindhisada kediska ah oo uu qofku doono in uu isku celiyaa ayaa keeni karto dhiig ku furma raqabadda iyo madaxa, taasina ay keenayso khatar illaa heer dhimasho gaadhsiisan.

– Khubarada caafimaadku waxa ay sheegeen in ay dhici karto in uu qofku si kedis ah u dhinto, oo uu ka soo noqon kari waayo istaagista wadnaha iyo unugyada kale ee muhiimka ah.

– In kasta oo aanu qofku awoodayn in marka uu hindhisayo indhaha kala hayo, haddiiba se uu isku dayo qofku inuu xoog indhaha ku kala hayo marka uu hindhisayo waxa dhici karta in ishu ay xoog kaga soo baxdo godkeeda ama xididdada tiftiflayaasha ah ee dhex maraa ay faruurmaan oo ay taasi keento in isha gudaheeda uu dhiig ku furmo

Monday, August 23, 2021

3 xal oo loo haayo dadka uu afkooda soo shiiro.



Maanta laga bilaabo waad heshay xalka ku habboon afka soo shiiro




6190

Sababo badan ayaa keeni kara in afkaaga uu soo shiiro, balse xal fiican ayaa laguu hayaa. 

Inta badan dadku waxay u maleeyaan in nadaafad darro ay sababto xaaladdaas, laakiin xaqiiqdu sidaas ma aha.

Qayb ahaan way jeeni kartaa dadaal xumada dhanka nadaafadda, balse waxaa jira arrimo kale oo dhammaanteen na saameyn kara.

Tusaale ahaan oohka badan ee jirkaaga uu dareemo waxa uu abuuri karaa in afka uu soo shiiro.

Waxaa kale oo arrintaas sababa in qofka uu seexdo habeenkii isagoo afkiisa uu furan yahay.

Haddaba muxuu yahay xalka?

Dabcan anagoodhan subaxdii waan dareennaa inuu afkeenna soo shiirayo, waxaase nagu filan in aan cadeysanno oo aan biyo ku luqluqanno.

Hase yeeshee waxaa jira dad uusan sidaas uga harin shiirka afka.

Waxaa dadka ay arrintan saameyo lagula taliyaa saddex waxyaabood.

1- Biyo badan

Maadaama afka iyo dhuunta oo qallala ay ka mid yihiin sababaha ugu waaweyn ee keena neefta shiireysa, xalka ugu muhiimsan ee la isku difaaci karo waa in biyo badan la cabo.

Xaqiiqi in aad maalintii cabto 6 ilaa 8 galaas oo biyo ah.

Haddii aad taladaas raacdo waa hubaal inaad isbaddal ka sameyn doontid marxaladdaas aad naftaada ku dhibsatay.

2- Liin dhanaan

Ma og tahay in liin dhanaanta ay tahay xal deg deg ah oo lagu baabi’iyo neefta shiirka wadata?

Haddii aad si joogto ah u cabto biyo lagu qasay liin, ama aad liinta sideeda ku ruugto iyadoo xitaa qolofkeeda wadata waxaad ogaaneysaa inay wax badan ka baddashay dhibaatadii kaa heysatay shoirka afka.

Waxaa la mid ah caleenta cagaaran ee shaaha laga sameysto, taasoo iyada qudheeda afka carfisa.

3- Dawooyinka jeermiska lagu dilo

Neefta shiireysa inta badan waxaa keeni kara bakteeriyo ku dhalatay afkaaga oo u baahan in lala dagaallamo.

Hubka ugu habboon waa inaad si joogto ah ugu cadeysato dawooyinka loogu talogalay.

Xasuusnow in aad cadeysato waqti kasta oo aad raashin cunto ama shaah cabto.

Ha raacin dabeecadda ay dad badan leeyihiin oo ah in subaxdii oo kaliya la cadeysto.

Maxaa intaas sii dheer? 

Waxaa laga yaabaa in dhibkaaga uu yahay mid ka duwan waxyaabaha aan kasoo hadalnay oo dhan.

Waxaa jira sababo kale oo keena shiirka afka, kuwaasoo u baahan inaad dhakhtar la kulanto.

Haddii waxyaabaha aan soo sheeg ay aysan xal kuu ahayd waxaa laga yaabaa in neeftaada shiireysa ay ka imaaneyso dhibaatooyin kale, sida:

* Ilkaha iyo cirridka oo aad ka xanuunsan tahay

* Caabuq kaa haya afka iyo dhuunta

* Cillad dhanka caloosha iyo uur ku jirta ah

* Dhagaha oo uu ka jiro xanuun

*Isticmaalka tubaakada iyo sigaarka

Waa inaad booqato dhakhtarka si uu xal caafimaad oo kugu habboon kuugu helo.

Sunday, August 22, 2021

Lugaha Oo La Isa Saaro Marka La Fadhiyo Waxaa Laga Qaadaa Cilladahaan!!

 

Lugaha Oo La Isa Saaro Marka La Fadhiyo Waxaa Laga Qaadaa Cilladahaan!!

Dad badan oo weliba sida tirkoobyadu muujinayaan dumar u badan ayaa markaa ay fadhiistaan lugaha is saarta. Iyaga oo u arka in ay tahay hab quruxsan aadna u soo jiidanaysa indhaha. Qaabfadhigan quruxda laga raadiyo ayaa ay khubarada caafimaadku sheegayaan in uu khatar ku yahay caafimaadka qofka.

Qormadan oo aynu Afsoomaali u rognay waxa ay soo bandhigaysaa qaar ka mid ah dhibaatooyinka caafimaad ee la sheegay in laga qaadi karo fadhiga cagaha la is dul saaro:

– Xididka: Waxa uu dhaawaca neerfaha dhabarka illaa suulka lugta xidhiidhsan ee keena waxa aynu u naqaanno xididka, dadka qaabkan u fadhiista, gaar ahaan dumarkana waxaa lagu arkaa in uu xidid qabto.

– Dhiigga oo kaca: Qaab-fadhiga labada lugood oo is weydaarsan la is-dul-dhigaa waxa ay kor u qaaddaa cadaadiska wareegga dhiigga ee jidhka oo dhan, waxa aana dhacda in qofka oo xitaa aan dhiigkar lahayn, haddana lagu arko in uu dhiiggiisu kor u kacay.

Baadhiataanni caafimaad oo arrintan lagu hubiyey ayaa muujiyeyin fadhigan sababo in dhiiggu si xawli ah u wareego, xawaare iyo xaddi ka badan inta dabiiciga ahna ku gaadho wadnaha.

– Isu dheellitiranaanta miska oo lunta: Qaab-fadhiisiga cago is-dul-saarku waxa uu lumiyaa isu-dheelli-tirnaanta miskaha, haddii qofku muddo caadaystana waxa uu aakhrika dareemaa in labadiisa lugood kala dheeraadeen, oo socodkiisu aanu isu miisaannayn. Sababtuna waa fadhigan oo la badsado ayaa keenta in muruqa cagta hoose oo urura iyo cagta sare oo muruqeedu weynaado, aakhirkanawaxa  ay keenaysaa in ay dhaawacmaan, neerfayaashu, isu dheelli tirnaantuna ka lunto miskaha, waxa kale oo qofka lagu arki karaa qoorta oo xanuunta.

–  Halbawlayaasha dhiigga oo ballaadhan: Qofka oo muddo caadaysta qaab-fadhiga ah in lugaha mid ta kale la dul saaro waxa keentaa khatarta ah in ay ballaadhaan halbawlayaasha dhiigga ee lugta oo ah xaaladda afka qalaad lagu yidhaahdo, ‘Varicose Vein’ in kasta oo ay xaaladdani aalaaba ku timaaddo hidde, haddana waxa ay khubarada caafimaadku caddeeyeen in lugta oo lugta la dul saaraa ay cadaadis kukeento halbawlayaasha, taasina ku keento bukaan, sababaya in wareeggii dhiigga ee lugta soo gaadhayey oo aad u yaraada, waxa aana xigaya in ay daciifaan halbawlayaasha. Dadka xaaladdani ku dhacdo waxaa lagu cagta oo ay xididdada dhiiggu si aan caadi ahayn meelo kala duwan ka soo kuusmo, iyo gashiimo dhiig ah oo yaryar oo lagu arko labada lugood.

Dhabarka oo soo xoodma: Ugu dambayntii waxa ay khubarada caafimaadku sheegeen in haddii qofku muddo 3 saac iyo ka badan u fadhiyo qaab-fadhiga sawirka ka muuqda ee ah in labada lugood la is dul saaro, waxaa dhacda in dhabarku uu soo xoodmo, iyo in dhabarka intiisa hoose xanuun bada yeelato, sidoo kale waxa uu qofku isku arkaa raqabad xanuun.

Khubaradu waxa ay sheegeen in lugaha oo la is-dul-saaraa aanay u fiicnayn si guudba caafimaadka qofka si gaar ahna dumarka.

Thursday, July 1, 2021

🐏 𝐈𝐃𝐀𝐇𝐀 𝐈𝐘𝐎 𝐂𝐀𝐀𝐅𝐈𝐌𝐀𝐀𝐃𝐊𝐀 🐑

 🐏     𝐈𝐃𝐀𝐇𝐀 𝐈𝐘𝐎 𝐂𝐀𝐀𝐅𝐈𝐌𝐀𝐀𝐃𝐊𝐀     🐑





Soomaalidu waxay siyaabo kala duwan ugu daaweysaa subagga idaha xanuuno kala duwan, waxaana ka mid ah:


1- Bakteeriyada caloosha.

2- Hargabka iyo ifilada.

3- Xanuunada lafa xanuunka sida Riixa iyo roomaatiisamka.

4- Baxnaaninta iyo ka soo kabsashda dhaawacyada iyo lafo jajabka.

5- Xanuunka shoqosha ama idiinyada.

6- Xanuunka neerfaha ee sinta ku dhaco ee loo yaqaanno "Sciatica"

7- Xasaasiyadda iyo xauunka neefta / xiiqda.

8- Gaas calooleedka, nooca "Ulcer" ka ah.

9- Dilanka haweenka.

10- Korriimo la'aanta caruurta.


Waxay kaloo soomaalida sheegtaa in raganimada uu xoojiyo iyo in difaaca jirka sare u qaado oo wixii jirka lid ku ah aysan si sahlan wax u gaarsiinin sida in qofka ay qaban wayso daawada suuxdinta iyo wixii la mid ah.


Maxaa ka jiro in Subaga Idaha uu daaweeyo xanuunadaas kor aan ku soo xusay?


Marka hore Subaga Idaha ee laga shiilay barida inuu daawo yahay waxaa noo sheegay rasuulkeena nabad galyo iyo naxariis korkiisa ha ahaatee, 


waxaana jiro xadiith ka hadlayo sida loogu daaweeyo xanuunka neerfaha ee sinta ku dhaco oo dad badani ka sheegtaan, 


Xadiithkaas waxuu ku shardiyay in subaga idaha uu wax ka taro xanuunkaan in idahaas la daajiyay cows dabiici ah oo banaanka la daajiyay oo aan la siinin waxyaabo la farsameeyay, waxaa kaloo shardi looga dhigay in markii daawayn loo isticmaalayo in caloosha oo faaruq ah la isticmaalo weliba subaxii hore.


Sababta labadaas shardi iyo faa'idada Subagga u leeyahay xanuunkaan waxaa la ogaaday mar dhaw, cilmibaarayaal u dhashay dalka Australia ayaa waxay qoreen research ay kaga hadlayaan arrimahaan soo socdo:


1- Barida wanka ama idaha waa sida kuruska geela oo kale waxaa lagu keediyaa wixii nafaqo ah oo hadhow xilliyada abaarta ah uu ka faa'idaysto xayawaanka inuu jirkiisa ku nafciyo, sidaas awgeed xoolaha wixii la siiyo ayay keedsadaan, haddii geedo dabiici ah uu daaqo oo aan la siinin waxyaabo la farsameeyay ama aan la daajin meelo wasakh ah ama magaalada aanan lagu korin, faaidadiisa way ka badan tahay midka lagu soo koriyaya waxyaabaha aan dabiiciga ahayn.


2- Midda kale sida la wada ogyahay subaga xoolaha waxaa loo qeybiyaa laba nooc, nooc waxaa la yiraahdaa jirka dhibaato ayuu u leeyahay waa nooca Kolestaroolka keeno oo la dhaho "Saturated Fat", noocne waxaa la yiraahdaa faa'ido ayuu leeyahay oo waxaa loo yaqaanaa "unsaturated fat", sidaa awgeed haddii idaha la daajiyo dhul nadiif ah oo dabiici ah, subaga laga heli karo barida wuxuu noqonaa mid si dabiici ah ku yimid waana "Unsaturated Fat", waxaana subagaan ku jirto maado la yiraahdo "OMEGA".


Maadadaan waaye waxa jirka faa'ido uu ka helo oo inta kor ku xusan iyo ka badanba waa laga helaa.


Haddii marka la cuno ama la cabo subagga idaha caloosha oo cunto ku jirto ama lala cuno cunno kale oo dufan leh, waxay ka hortagi kartaa in jirka uu ka faa'ideesto, waana sababta keentay in markii la isku daaweynaayo in subaxii hore la isticmaalo, laakiin markii lagu daweynaayo xanuunada kale ee jirka la marinayo kuma xirno caloosha in ay faaruq ahaato.


Maadaama dagaal culus lagu hayay wax kastoo dufan ah iyadoo laga cabsi qabo cudurka Kolestaroolka, laakiin iyadane waa muhiim in la kala ogaado subaga khatarta ah iyo midka faa'idada leh, waana muhiim in la ogaado subag la'aan jirka ma shaqayn karo oo waa u muhiim, sidaas awgeed in aad dooratid midka faa'idada leh ama aad badsatid cunnada laga helo waa lagama maarmaan.


Xanuunada kor ku xusan oo ay soomaalida ku daaweyso subagaan, qaar ka mid ah waa wax cilmibaaris lagu arkay, qaarne waa wax khibrad iyo aragti lagu arkay. Mana ahan soomaalida kailya dadka isticmaala Subaga Idaha, subaga ugu caafimaadka badan ee la isku daaweeyo waa nooca madaxa madow oo barida weyn leh, seenta gaaban leh, waana wananka u badan dhulkeena.


Waxaa cajiib ah in cilmibaarayaasha sheegaan in subaga idaha uu daawo u yahay wadna xanuunka iyo dufanka xididada wadnaha fadhiisato.


Waxa kale oo la xaqiijiyay waxaa ka mid ah ku daaweynta cilladaha ku dhaco laabatooyinka ama kalabaxyada shanqarta ka yeerto kuwaas oo ay keenaan Roomaatisamka, Tufta / Riixa.


Waxaa kaloo la xaqiijiyay in lagu daaweeyo xanuunka Sciatica oo aan kor uga soo hadlay oo lagu tiriyo xanuuanda aan kaalmaati waxaan ahayn loo haynin, wayna jiraan takhaatiir ku daaweyso oo ku nool dalka Yemen, Sacuudiga iyo Iraq.


Waxaa kaloo iyadane la arkay in dadka qabo xanuunka gaaska ee "Peptic Ulcer" oo aysan keenin bakteeriyada "H.Pylori" iyagane in lagu daaweeyo oo la arkay in boogta caloosha ay si dhakhso ah ku raysato.


Sidaas awgeed waxaan ku soo gabagabaynayaa jawaabtayda in Subaga Idaha oo la isku daaweeyo in uu ka mid yahay talooyinka caafimaad ee rasuulkeena nabad galyo iyo naxariis korkiisa ha ahaatee uu noo reebay, waana arrin sanooyin badan la soo isticmaali jiray, waxaana isa soo taraya cilmibaarisyada taageersan isku daaweynta Subaga Idaha.


Qaabka loo diyaariyo subaga ayaa ah in barida markii la shiilo, laga sooco subaga cad ee soo hara waana midka la isku daaweeyo siyaabaha la isugu daaweeyane waa in la cabo ama la marsado ama cunnada lagu darsado.


Haddii aad heli karto Wan jabsaday oo baadiye lagu soo koriyay, waxaad ka dareemi kartaa isbadal caafimaad adigoo isbadal ka dareemo dheecaanada jirkaaga sida dhididka, candhuufta iyo kaadida adigoo dareema carafta subaga idaha.


𝘀𝗵𝗮𝗿𝗲-𝗱𝗵𝗲𝗵 oo gaarsii asxaabtada si ay uga faaideystaan. 


Abdikadir M. Abdullahi 

W/Q: somali doc

Monday, May 24, 2021

TAXANAHA CAAFIMAADKA (9) ♧ Maqanaanshaha caadada♧.

        TAXANAHA CAAFIMAADKA (9)


       ♧ Maqanaanshaha caadada♧





 ♤Amenorrhea waa maqnaanshaha caadada, badanaa waxaa lagu qeexaa inay maqan tahay mid ama in ka badan oo caadada ah.


 ■Amenorrhea Primary waxaa loola jeedaa maqnaanshaha caadada qof aan mudo ku dhicin da'da 15 sano. Sababaha ugu badan ee sababa amenorrhea waxay la xiriiraan heerarka hoormoonka, in kastoo dhibaatooyinka anatomical ay sidoo kale sababi karaan.


 ■Amenorrhea Secondary waxaa loola jeedaa maqnaanshaha seddex ama in ka badan oo xiriir ah oo isku xigta qof horey u lahaa caadooyin horay u soo maray.  Uurku waa sababta ugu badan ee sababa amenorrhea, in kastoo dhibaatooyinka hormoonnada sidoo kale ay sababi karaan amenorrhea labaad.


 ●Daaweynta amenorrhea waxay kuxirantahay sababta keentay.


         ■ Astaamaha


 Iyada oo ku xiran sababta keenta amenorrhea, waxaad la kulmi kartaa calaamado ama astaamo kale oo ay weheliyaan maqnaanshaha muddooyinka, sida:


• Dheecaanka ibta caano.

• Timo lumis.

• Madax xanuun.

 •Aragtida ayaa isbadalaysa.

 •Timaha wajiga oo siyaado ah.

 •Xanuun miskaha.

 •Finanka.


    ■ Goorta la arko dhakhtar


 La tasho dhakhtarkaaga haddii aad seegtay ugu yaraan seddex caadadood oo isku xigta, ama haddii aadan waligaa helin caadada oo aad tahay 15 ama ka weyn.


     ■ Sababaha


 Amenorrhea waxay ku dhici kartaa sababo kala duwan.  Qaarkood waa caadi, halka kuwa kalena laga yaabo inay saameyn dhinaca daawada ah ama calaamadda dhibaato caafimaad.


 ■Amenorrhea dabiiciga ah.


 Inta lagu jiro noloshaada caadiga ah, waxaad la kulmi kartaa amenorrhea sababo dabiici ah, sida:


 •Uurka.

• Naas nuujinta.

•Caaddo-dayska.



    ■ Ka hortaga uurka


 Dadka qaarkiis ee qaata kaniiniyada ka hortagga uurka (ka hortagga uurka ee afka) waxaa laga yaabaa inaysan yeelan caadooyin.  Xitaa ka dib marka la joojiyo kaniiniyada ka hortagga uurka, waxay qaadan kartaa waqti ka hor ugxaanta caadiga ah iyo caadada oo soo noqota.  Ka-hortagga uur-qaadista ee la duray ama la beeray sidoo kale waxay sababi karaan amenorrhea, sida qaar ka mid ah aaladaha aaladda uur-ku-jirta.


 

 ■ Daawooyinka


 Daawooyinka qaarkood waxay sababi karaan caadada inay joogsato, oo ay ku jiraan noocyo ka mid ah:


 •Daaweynta maskaxda.

 •Dawaynta kansarka.

•Dawooyinka lidka ku ah diiqadda.

•Dawooyinka cadaadiska dhiigga.

 •Daawooyinka xasaasiyadda.


 

  ■ Arimaha nolosha


 Mararka qaar arrimo nololeed ayaa gacan ka geysta amenorrhea, tusaale ahaan:


 ● Miisaanka jirka oo hooseeya.  Miisaanka jirka ee aadka u hooseeya - oo ku saabsan 10% miisaanka caadiga ah - wuxuu carqaladeeyaa hawlo badan oo hormoonno ah oo jidhka ku jira, taas oo keeni karta inay joojiso ugxanta.  Haweenka qaba cunno xumida, sida anorexia ama bulimia, badiyaa waxay joojiyaan caadada sababtoo ah isbadaladaan hormoonada aan caadiga aheyn.


 ● Jimicsi xad dhaaf ah.  Haweenka ka qeybqaata nashaadaadka ubaahan tababarka adag, sida baleedka, waxaa laga yaabaa in wareegyada caadadoodu hakad gasho.  Dhowr arrimood ayaa isku daraa si ay gacan uga geystaan ​​luminta xilliyada cayaaraha, oo ay ku jiraan dufanka jirka oo hooseeya, culeyska iyo kharashka tamarta sare.


 ● Cadaadis.  Cadaadiska maskaxdu wuxuu si ku meel gaar ah u beddeli karaa shaqada hypothalamus - aag maskaxdaada ka mid ah oo xukuma hormoonnada nidaamiya wareegga caadadaada.  Cudurka iyo caadadu waxay u joogsan karaan natiijadaas.  Xilliga caadada ee caadadu caadi ahaan waxay dib u bilowdaa ka dib marka walaacaagu yaraado.


 ●Isku dheelitir la'aanta hormoonka.


 ●Noocyo badan oo dhibaatooyin caafimaad ah waxay sababi karaan isu dheelitir la'aanta hormoonnada, oo ay ka mid yihiin:


♧ Cudurka 'Polycystic ovary syndrome' (PCOS).  PCOS wuxuu sababa heerar sare oo joogto ah oo hormoonno ah, halkii uu ka ahaan lahaa heerarka isbed beddelka ee lagu arko wareegga caadada ee caadiga ah.


 ♧Ciladda qanjirka 'thyroid'.  Qanjirka 'thyroid' qanjirka 'xad-dhaafka ah' (hyperthyroidism) ama qanjirka 'thyroid' oo aan firfircooneyn (hypothyroidism) wuxuu sababi karaa cilladaha caadada, oo ay ku jiraan amenorrhea.


 ♧Burooyinka pituitary.  Buro aan caadi ahayn (aan fiicnayn) oo ku jirta qanjirka 'pituitary gland' ayaa faragalin ku sameyn kara nidaamka hormoonka ee caadada.


♧ Caadayska oo deg deg noqda.  Menopause caadi ahaan waxay bilaabataa qiyaastii da'da 50. Laakiin, dumarka qaarkood, ugxaanta  ee ukunta ayaa yaraata kahor da'da 40 jir caadaduna way joogsataa.



   ■ Dhibaatooyinka dhismaha


 ♧Dhibaatooyinka xubnaha galmada lafteedu sidoo kale waxay sababi karaan amenorrhea.  Tusaalooyinka waxaa ka mid ah:


 •Nabarro kaadi mareenka ah.  Cudurka 'Asherman's syndrome', waa xaalad unugyada nabarradu ay ku soo baxaan gudaha ilma-galeenka, marmarka qaarkood waxay dhici karaan ka dib marka la kala-jaro oo la daweeyo (D&C), qalliinka  ama daaweynta qallalka ilma-galeenka.  Nabar ku dhaca xubinta taranka ilmuhu waxay ka hortagtaa dhisidda caadiga ah iyo daadinta dahaarka minka.


♧ La'aanta xubnaha taranka.  Mararka qaar dhibaatooyinku waxay soo baxaan inta lagu jiro koritaanka uur-jiifka taasoo keenta in la waayo qaybo ka mid ah nidaamka taranka, sida ilmo-galeenka, afka ilmo-galeenka ama xubinta taranka haweenka.  Sababtoo ah nidaamka taranka si buuxda uma uusan horumarin, wareegyada caadada suurta gal ma ahan nolosha dambe.


 ♧Cillad xumo qaabdhismeedka xubinta taranka haweenka.  Xannibaadda xubinta taranka dumarka waxay ka hortagi kartaa dhiigbaxa caadada ee muuqda.  Xuub ama darbi ayaa laga yaabaa inuu kujiro xubinta taranka ee xiraya qulqulka dhiigga ee kasoo baxa ilmo galeenka iyo makaanka afkiisa.


   ♧Waxyaabaha halista ah


 Waxyaabaha kor u qaadi kara halista cudurka amenorrhea waxaa ka mid ah:


 ●Taariikhda qoyska.  Haddii dumarka kale ee qoyskaaga ay la kulmeen amenorrhea, waxaa laga yaabaa inaad ka dhaxashay u janjeera dhibaatada.


 ●Cunno xumida.  Haddii aad qabtid cilad cunno, sida anorexia ama bulimia, waxaad halis sare ugu jirtaa inaad ku dhacdo amenorrhea.


 ●Tababarka ciyaaraha fudud.  Tababbarka jimicsiga adag wuxuu kordhin karaa halista amenorrhea.


 ●Taariikhda hababka daaweynta dumarka qaarkood.  Haddii aad leedahay D&C, gaar ahaan la xiriirta uurka, ama nidaam loo yaqaan habka loo yaqaan 'loop electrodiathermy excision procedure (LEEP)', halista aad ugu jirtid amenorrhea way ka badan tahay.


     ■ Dhibaatooyinka


 Sababaha keena amenorrhea sidoo kale waxay sababi karaan dhibaatooyin kale.  Kuwaas waxaa ka mid ah:


 ●Dhalmo la'aan iyo dhibaatooyinka uurka.  Haddii aadan ugxan sameyn oo aadan yeelan caadada caadada, ma uur qaadi kartid.  Marka dheelitir la'aanta hoormoonka ay sabab u tahay amenorrhea, tani waxay sidoo kale keeni kartaa dhicin ama dhibaatooyin kale oo uur leh.


● Culeys maskaxeed.  La'aanta muddooyinka ay asaagaaga yeelanayaan waxay noqon kartaa mid walaac leh, gaar ahaan dhallinyarada u gudbaya qaangaarnimada.


 ●Lafaha iyo cudurada wadnaha.  Labadan dhibaato waxaa sababi kara la'aanta estrogen ku filan.  Cudurka lafa-beelka waa daciifinta lafaha.  Cudurka wadnaha iyo xididdada dhiigga waxaa ka mid ah wadne qabad iyo dhibaatooyin ku dhaca xididdada dhiigga iyo muruqa wadnaha.


 ● Xanuun miskaha.  Haddii cillad jir ahaaneed ay keenayso amenorrhea, waxay sidoo kale xanuun ku keeni kartaa aagga miskaha.



♡ W/Q: Abdikadir M. Abdullahi 

Friday, May 21, 2021

TAXANAHA CAAFIMAADKA (8). MADAX XANUUNKA GOGOSHA LA QAADO.



     TAXANAHA CAAFIMAADKA (8)


     

     MADAX XANUUNKA GOGOSHA LA QAADO.





     CILMI BAARIS!!



 Madax xanuunka galmada waxaa keena galmada - gaar ahaan kacsiga.  Waxaad dareemi kartaa xannuun caajis ah oo ka jira madaxaaga iyo qoortaaga oo kor u kaca marka xiisaha galmada uu kordho.  Ama, badanaa, waxaad la kulmi kartaa madax xanuun lama filaan ah, daran kahor ama inta lagu jiro kacsiga.


 Badanaa madax xanuunka galmada ma ahan wax laga walwalo.  Laakiin qaar ayaa calaamad u noqon kara wax culus, sida dhibaatooyinka xididdada dhiigga siiya maskaxdaada.


 


      Astaamaha


 Waxaa jira laba nooc oo madax xanuun galmo ah:


 ● Xanuun caajis ah oo ka jira madaxa iyo qoorta oo sii xoogeysanaya sida xiisaha galmada u kordho.


 ● Madax xanuun lama filaan ah, daran, oo ku dhaca wax yar ka hor ama xilligii kacsiga.


 ● Dadka qaarkiis, labada nooc ee madax xanuun waa la isku daraa.


 ● Badi madax-xanuunnada galmada waxay socdaan ugu yaraan dhowr daqiiqo.  Kuwa kale ayaa laga yaabaa inay raagaan saacado ama xitaa laba ilaa saddex maalmood.


 ● Dad badan oo qaba madax xanuun galmo ayaa iyaga kala kulmi doona kooxo dhowr bilood gudahood, ka dibna waxay aadi karaan sanad ama ka badan iyagoo aan lahayn wax madax xanuun galmo ah.  Ilaa kalabar dhammaan dadka qaba madax-xanuun galmo waxay la kulmaan muddada lix bilood ah.  Dadka qaar ayaa laga yaabaa inay yeeshaan hal weerar oo keliya inta ay nool yihiin.


     Goorta la arko dhakhtar.


 Madax xanuunka galmada badanaa ma aha wax walaac keena.  Laakiin la tasho dhakhtarkaaga isla markiiba haddii aad isku aragto madax xanuun inta lagu jiro dhaqdhaqaaqa galmada - gaar ahaan haddii ay ku bilaabato si kadis ah ama ay tahay madax-xanuunki ugu horreeyay ee noocan ah.



   Sababaha


 ● Nooc kasta oo hawlo galmo ah oo u horseedaya kacsiga ayaa kicin kara madax xanuun galmo.


 ● Bilaabis-bilow iyo gaabis-dhismo madax-xanuun waxay noqon kartaa cilado madax-xanuun aasaasi ah oo aan lala xiriirin xaalad kasta oo salka ku haysa.  Madax xanuunka galmada ee si lama filaan ah u yimaada waxay u badan tahay in lala xiriiriyo:


● Ballaarin ama xumbo ku haysa darbiga halbowlaha madaxaaga dhexdiisa (aneurysm intracranial)


 ● Xidhiidh aan caadi ahayn oo u dhexeeya xididdada  dhiigga iyo xididdada maskaxda (cillad arteriovenous) oo dhiig ku daadata meel dareeraha ka buuxo laf-dhabarka maskaxda iyo hareeraheeda.


 ● Dhiig ku qulqulaya darbiga halbowlaha keena maskaxda (kala-baxa).


● Faalig.


 ● Cudurka halbowlayaasha wadnaha.


 ● Isticmaalka daawooyinka qaar, sida kaniiniyada ka hortagga uurka.


● Caabuq ka yimaada infekshannada qaarkood.


 ● Madax xanuun galmo oo la xidhiidha miyir beelid, matag, qoor adag, calaamadaha kale ee neerfaha iyo xanuun daran oo soconaya in ka badan 24 saacadood waxay u badan tahay inay sabab u yihiin sababo jira.


    Waxyaabaha halista ah.


 Madax xanuunka galmada ayaa saameyn ku yeelan kara qof walba.  Laakiin arrimaha halista ugu jira madax-xanuunkan waxaa ka mid ah:


■ Ahaanshaha lab.  Ragga ayaa u nugul galmada madax xanuun.


■ Taariikhda dhanjafka.  U nuglaanta madax xanuunka dhanjafku waxay kordhisaa halistaada madax xanuun galmo.


    Ka Hortagga.


 Mararka qaarkood madax xanuunka galmada waxaa looga hortagi karaa iyadoo la joojiyo howlaha galmada ka hor inta aan la sameynin kacsiga.  Qaadashada door firfircoon inta lagu guda jiro galmada sidoo kale way caawin kartaa.



W/Q: Abdikadir M. Abdullahi 

Wacyigelin ku saabsan Isnidhaamis (Scabies):

  Wacyigelin ku saabsan Isnidhaamis (Scabies): Isnidhaamisku (Scabies) waa mid kamid ah cudurrada faafa ee ku dhaca maqaarka kaas oo ay sa...