Monday, June 15, 2020

Dhabar xanuun cid kasta waa ka sheekataaa ee ma isku aragtay dhabar xanuun ?



Araxadda ayaan ka kici wayey si wanaagsan uma foorarsan karo,waxaan ka dareemaa xanuun aad u daran waa Astaamaha lagu garto dhabar xanuunka.

Dhabarka waa meesha ugu muhiimsan jidhka marka loo fiirsho socodka,jiifka iyo marka wax culus la qaadayo inta badan waxaa la isticmalaa murqaha dhabarka.

Haddii uu jirado dhabarka,waxaa  luma socodka iyo dhaqdhaaqa jidhka sababtoo ah jidhka waxaa isku haya  murqaha dhabarka iyo lafta dheeer ee ku tararsan dhabarka, waana xubin aad muhiim u ah jidhka.

Maxaa keena dhabar xanuunka ?

Waa su,aal muhiim ah in la is weydiiyo waxa keena dhabar xanuunka lakiinse dadka dhabarka laga hayo sadax ayey isku qaldaan lafta oo dhawac  soo gaara iyo murqaha dhabarka oo is gala waxaana saddaxeya neerfaha oo jug soo gaarta

Waxyaabaha keeni kara 

✓Jug soo gaarta dhabarka,jugta waa wax dhib badan waxaa laga yabaa mudo dheer kaddib in uu soo kacdo jugta  ,jugta waxay noqon kartaa kufitaan aad kuftay ama wax kaga dhacay sida ul,shil gaari iyo wixii la mid ah, 

✓Wax culus oo la qaado,caaddiyan qofka hadii uu wax culus qaado waxaa dhawac  soo gaari kara murqaha iyo seedaha dhabarka ee isku haya.

✓Xanuunka arthritis iyo osteoarthritis oo ah xanuuno  ku dhaca lafaha iyo iskoosyada waxay kalifi karaan dhabar xanuun in mudo ku haya haddii aan la daweyn.

✓Dhabarka waxaa ka baxa neerfayaal badan oo kala aada jidhka haddii uu bukoodo mid ka mid ah wuxuu siidayaa xanuun laga daremi kara  dhabarka qeybta danbe ilaa lugta

✓Herniated disk waa xanuun lagu arko dadka qaba dhabar xanuunka 

✓Dhalmadda badan  waxay horseedi kartaa dhabar xanuun raaga oo soo noqnoqda 

Talo guud 

Haddii uu xanuunka aheen lafta dheer ee dhabarka waxaa muhiim ah in aad sameysid jimcsi joogta ah ,sidoo kale waxaa muhiim ah in aad raadsatid physiotherapist oo si fiican u kala yaqaan murqaha dhabarka.

Qabkee iska daweyn kartaa adiga oo Gurigaada jooga

Marka aad dareenitid xanuun daran waxaad isticmaali kartaa xanuun baabiye sida Paracetamol, ibuprofen, DICLOFENIC iyo creamada la mariyo dhabarka sida Vicks  

Sidoo kale waxaad isticmaaali kartaa biyaha Kulul ee boorsada  lagu shubo adigoo ku haynaya dhabarka..

Markastana ku xirnoow dhakhtarka kugu dhawo...



Abdikadir M. Abdullahi 

Wednesday, June 10, 2020

Waa maxay Giardiasis

Bismilahi raxmaani raxiim. 

Waa maxay Giardiasis
?

Giardiasis waa noc ka mid ah bukashada caloosha (Gastroenteritis) waxaa keena bahal yar oo ku dhexnool mindhicirka loona yaqaano Gardia Lamblia. Giardiasis qof walba waa ku dhici karaa, wuxuuse u badan yahay carruurta, iyo dadka waawayn oo da’doodu u dhexayso 20 ilaa 40 sanadood.

Waa Maxay Astaamaha Giardiasis?
Astaamaha ugu badan ee Giardiasis waa shuban, yaqyaqsi / lalabo, calool majiir, waxaa astaamahaas la socon karo qandho, madax xanuun, caajis iyo daal aadan isku aqoon, mararka qaarkoodna qofka astaamo maba yeesho.
Ifakshanka markuu kugu dhaco, 7 ilaa 10 berri ayuu qofka ku jiradaa. Si loo raadraaco jirada waa muhiim in la ogaado halkaad joogtey iyo waxaad cuntay 2dii asbuuc ee la soo dhaafay intaan jiradu ku qaban.

 Xanuunku wuxuu ku dhamaan karaa maalmo yar ilaa asbuucyo hadduu difaaca jirkaaga uu fiican yahay.

Xagee Giardia laga hellaa?

Gardia Lamblia waxaa laga qaadi karaa bini’aadamka ama xoolaha.

Sidee ayey Giardiasis ku Fidaa?
Sida qaalibka ah Giardia waxay timaada marka cunno ama biyo wasakhaysan laga qaato afka, kadibne waxay u gudubtaa qof ilaa qof.
Dadka ay Giardia lamblia ay ku dul nooshahay waxaa laga hellaa saxaradooda. Haddii dadkaasi si fiican aanay u dhiqin gacmahooda, markay musqusha ka soo baxaan, gacmahii wasakhaysnaa ayaa u gudbin kara alaabta dushooda halkaas oo ay taaban karaan dadka kale. gacmaha wasakhaysani waxay iyaguna u gudbin karaan cunadii taas oo qof kale cuni karo. Gacantu waxay kaloo wasakhda qaadi kartaa marka qofku bedelayo naabi ilmo qaba xanuunkaan....

Xigasho somalidocs.



Fadlan share garee..

Sunday, June 7, 2020

MAXAA UU JIRKEYGU U KULULYAHAY MAR WALBA?



 Heerkulka jidhka ee caadiga ah, oo loo yaqaano 'normothermia' ama 'euthermia', waa heerkulka caadiga ah ee laga helo bini-aadanka. Heerkulkaan  caadiga ah waxaa lagu sheegey cabirkiisa in uu yahay inta udhaxaysa ( 36.5-37.5 ° C)- (97.7-99.5 ° F)
Hadii uu intaas ka bato ayaa la oran karaa heerkulka qofka waa uu siyaadey.

Hadaba waxyaalaha ugu badan ee in aad kuleyl ka dareento jirka sababi kara waxaa kamid ah 11 qodob ee aan kuusoo koobey waxayna kala yihiin.

1=  Walaac stress ama wel-wel hadii aad qabto.

 Dareemidda kulaylka iyo dhididka aan caadi ahayn waxay noqon kartaa calaamad muujineysa inaaq tahay qof uu hayo walaac ama stress kaas inta badan sababa in heer kulka gudaha jirka uu kordho.

2= Dhibaato ka jirta qanjirta qanjirka "Thyroid"

 Qanjirkaaga waa qanjir ku yaala qoorta  kaas oo soo saaro hoormoonka tayroodh, kaasoo kaalin muhiim ah ka ciyaaraya dheef-shiid kiimikaadkaaga.

"Hyperthyroidism" waa marka uu kordho soo saarista Hoormoonada Thyroid, waana cilad ku timaada qanjirka oo ah xanuun,
 Tani waxay keeni kartaa isbeddel muuqaal ah oo kala duwan. Oo ay ugu horeyso kul badan ama hur badan in aad dareento oo lugaha iyo dhamaan jirka.

3= Daawooyinka aad qaadato ayaa keeni kara kulka jirka.

Daawooyinka qayb kamid ah ayaa sababa kuleel iyo dhidid joogta ah waxaana daawooyinkaas kamid ah

-antidepressants, including desipramine (Norpramin) and nortriptyline (Pamelor).
-hormonal medications.
-antibiotics.
-pain relievers.
-heart and blood pressure drugs.

Way yaryihiin dadka ay kulka ku keenaan daawooyinkan.

4= Cuntooyinka iyo cabitaanada qayb kamid ah ayaa sababi kara kulka jirka.

In aad qaadato cuntooyin iyo cabitaano kulul ayaa iyaguna sabab u noqon jara kulka aad dareemayso, cuntooyinkaasna waxaa kamid ah cuntooyinka fast food ahaanta loo shiilo oo saliida lagu shiilo, Kafayga iyo qamriga.

5=  "Anhidrosis" xanuunkan ayaa isna sababi kara hadii aad qabto in aad dareento kul badan,

 Anhidrosis waa xaalad aanad dhididi karin inta jidhkaagu u baahan yahay, taas oo horseedi karta kulayl badan.

6=  hadii aad qabto Sonkoroow/macaan ayaa sabab u noqon kara in aad kul dareento.

 Sonkoroowgu wuxuu kaloo kaa dhigi karaa inaad kuley badan dareento
Dadka qaba nooca 1aad iyo nooca 2aad ee sonkorowga waxay aad u nugul yihiin kuleylka. Tani waxay si gaar ah ugu badantahay dadka aanan xakamaynin Sonkorowga ay qabaan  kuwaas oo ay ka dhalato  dhibaatooyin gaara neerfaha iyo dhaawaca ku yimaada xididdada dhiigga.

7= 65 sano hadii aad ku dhawdahay ama aad dhaaftay ayaa iyudana ah sabab kale oo kugu keeni kara in aad kul dareento.

8= haweenku ay Caadadu ka guurto oo dhaafa 45 sano ama ku dhaw ayaa dareema kul badan oo qaarka sare ee jirka u badan waxaana sabab taas u ah isbadalka hoormoonada ah ku yimid haweenayda,

9=  Xiliga Caadada ay gabadhu u joogto ayaa iyaduna ay dareemi kartaa kul badan waxaana u sabab ah isbadalada hoormoonada ee dhacaya waqtigaas.

10= Hooyada uurka leh ayaa iyudana si lamid ah dareenta kulkaas maadaama ay iyudana uu is badal ku imaanayo xiliga uurka hoormoonadeeda.

11= Dhaawac gaara neerfayaasha ah mid kamid ah kuwa ugu badan ee kulka jirka sababa.

 Haddii aad u maleyso inaad la kulantay mid ka mid ah xanuunadan ama xaaladahaa aan soo taxay ee  kor ku xusan, fadlan ballan ka sameeyso Dhakhtarkaada si uu kuu caawiyo.

Hadii aad isku aragto calaamado kale oo dheeraad ku ah sida
-dhidid badan iyo kul joogta ah habeenkii.
- miisaankaada oo hoos u dhacaya
-garaaca wadnaha oo badan ama yaraada
- xanuun xabadka ah
- ama calaamado ka dheeraad ah intaas fadlan horey katag goob caafimaad si laguu caayaraada.



Fadalan Gaarsii asxaabtaada una SHARE garee ama halkaan uga wac qof kuu muhiim ah si uu u faaiideysto.

Dr amen


Wednesday, June 3, 2020

Daweynta Gaaska iyo Cunnooyinka la rabo in la cuno halkan kaga BOGO

Daweynta Gaaska iyo Cunnooyinka la rabo in la cuno halkan kaga BOGO
......✓✓✓✓

Fadlan share garee si ay u gaadho dadka la dhiban xanuunkan gaaska.

Daawaynta Gaaska dhanka dawada...

Si loo daweeyo dhibaatooyinkii uu keenay iyo calamadaha uu qofku dareemayo, waxaana kamid ah dawoyinka ,Omeprazole/ lansoprozole/ eprix/ dompridone/ aluminum sulfate/ misoprostol/ metronidazole/ iyo kuwo kale. 

Fiiro gaar ah 

Dawooyinkaan waxa ay isugu jiraan kuwo bacteriyada gaaska lagula dagaalamo, kuwo xoojiya/ kuwo dhaawaca caloosha yareeya/ iyo kuwo dhecaanada dheefshiidka yareeya.

Markii uu qofku dawooyinkaan qaato oo uu ka bogsoodo gaaska  hadii uu sii wadao dawadii waxa uu la kulmi karaa xaalado ay sababeen dawooyinka waxaana kamid ah.

Xanuun lafaha ah oo ku bilaabta qofka dawada gaaska waqti dheer wada dheecaanka dheefshiidka oo yaraada, iyo hurdo laaan.

Si xaaladahaan looga gaashaanto  qofku marka uu ku caafimaado dawada gaaska waa in uu joojiyaa taa badalkeedana si uusan ugu soo laaban sidaan sameeyaa.

Cuntada koobaaad ee gaaska lagu daweeyo.
Isticmaal toon maxaa yeelay toonta waxa ay awood u leedahay burburinta bacteriyada iyo fungalka.

Si aad ahna waxa ay ugu wanaagsantahay bacteriyada gaaska keenta ee (h.pylori)
Waxaa laga yaabaa in aadan isku taxalujin laakiin waa dawo si fudud aad u isticmali karto aadna u yareyn doonta gubashada qalbiga iyo boga.

Marka hore qolofta toonta qaado oo ha iska badin wax yar rug sidaa ku wad kadib maalmo kordhi oo wax yar jabso kadibna joogtay insha allah waad ka guulaysandoontaa gaaska.

Cuntada labaad ee gaaska lagu daweeyo.

Isticmaal dawooyinka bogsiiya dhaawaca caloosha yareeyana calamadaha gaaska.

Waxaa kamid ah sanjabiil waliba nuuca qoyan ee meelaha dawooyinka dabiiciga ah lagu gado taalaa.

Tufaaxa la shiiday ee cabitaanka loo diyaariyay
Sacafaraanka qudaarta lagu kalar badalo.

Cananaaska nuuciisa aan la shiidin ee qudaarta ah

Karootada cabitaan ahaan oo la badsado

Caleenta cagaaran ee shaaha.

Sidaa oo kale wax aaad isticmaali kartaa cuntada uu fitamin A ku badanyahay sida beerka, begelka, karootada, sabiibka iyo kuwo lamid ah.

Maxaa yeelay fitamin A waxa uu muhiim u yahay shaqada caloosha iyo soo kabashada dahaarka caloosha.

Cuntada sedaxaad ee gaaska.

Ka fogaaw cuntada ama cabitaanka kugu kiciya calaamadaha gaaska.

Dadka qaar waa ay garanayaan waxa ku kiciya gaaska hadana iskama deynayaan taasina waa mushkilo uu qofku keensanayo hadana uu xanuunkii kacabanayo.

Hadii aadan aqoon nuuca cunto kugu kiciya waa ay fududahay garashadiisa.

Ilaa labo isbuuc qor cuntada ama cabitaanka  aad isticmaashay iyo saacada aad isticmaashay habeen iyo maalin kadibna qor xiligiga aad calaamadaha dareentay.

Kadib qiyaas xariirka ka dhaxeeya cuntadii aad isticmaashay iyo calaamadaha aad la daristay.
 kadibna xaqiiji cuntada kugu keentay markalena ha isticmaalin.

Tusaale:  baasto ayaad basbaas ku cuntay kadib saacado waxaad aragtay kuleel badan iyo wadna garaac, waad xaqiiqsan kartaa waxa kugu keenay.

Tusaale kale:  waxa aad isticmaashay cocacola iyo pizza  kadib saacado waxaad dareentay lalabo kuleel iyo wadna garaac , dib ayaad u xasuusatay waxaad isticmaashay waana aad ogaatay waxa ku haya iyo waxa kugu kiciyay.

Cuntada afaraad ee gaaska.

Xaqiiji in aad cuntadaada si dhab ah u badashay oo aadan ku ekaan waqti gaaban.

Hadii aad rabto in aad si toos ah uga guulaysato gaaska waxaa dhab ah in lagaa rabo badalid nololeed.

Cun raashin isu dheeli tiran kana kooban raashinka qolofta leh iyo qudaarta cagaaran iyo mida miraha ah ee aan warshadaha soo marin.

Cuntada shanaad ee gaaska.

Ugu danbayn ha isticmaalin cuntadaan oo ka fogaw waxyeelada dheefshiidka iyo difaaca jirkaaaga.

Ha cunun cuntadaan.
Basbaaska
Sabuulka 
Cuntada la qamiiriyay
Digirta iyo salbukada
Shukulaatada
Cabitaanada ashitada leh sida cocacola
Cuntada warshada soo martay
Kafeega
Kuntada saliida ama baruurta leh.

 Dr Cabdiraxmaan Maxbuub.
Balanteenu waa Soomaali Caafimaad Qaba.

Monday, June 1, 2020

waxbadan ka ogaw qoyaanada aan caadiga ahayn ee ka yimado xubinta taranka dumarka.

waxbadan ka ogaw qoyaanada   aan caadiga ahayn ee ka yimado xubinta taranka dumarka

qoyaanada aan caadiga ahayn ee ka yimaado xubinta taranka dumarka 

qoyaanada aan caadiga ahayn ee ka yimaado xubinta taranka dumarka waa qooyaan leh ur aan caadi ahayn iyo midab aan caadi ahayn 
qoyaanadaas inta badan waxaa la socdo cun cun iyo xanuun 

hadaba maxaa sababo qoyaanada aaan caaadiga ahayn ee ka yimaado xubinta taranka dumarka 

waxa ugu badan ee sababo qoyaanada aan caadiga ahayn ee ka yimaado xubinta taranka dumarka waa caabuqa loo yaqaan yeast infection iyo bacterial vegenosis sido kale waxyaabaha sababo qoyaanka waxaa ka mid ah marka dumarka dhalmada gooy rabaan waxaa la arkaa qoyaan yimaado lakΓ¬in qoyaankaas wax dhibaato ah malahan 

sido kale qoyaanka ka yimaado xubinta taranka dumarka waxay calaamad u noqon karaan qaar ka mid ah cudurada galmada ku faafo 
 
waxyaabaha kale ee sababa  qoyaanka aan caadiga ahayn waxaa ka mid ah 

1-kansarka ku dhaco afka hore ee minka 
2-kansarka ku dhaco xubinta taranka dumarka
3-isku furanka 
4-dhalmo gooynta dumarka

waxyaabahan soo socdo midkood haddii aad aragto waxaa muhiim ah in aad dhaqarka aado 

1-qoyaaan cagaaran ama jaalo ah ama aad u adag 

2-xubinta tarankaa aad u ureeso 

3-gaduud 'cun cun gobasho hadii aad ka dareento xubinta taranka 

4-hadii aad aragto dhiig bax yar aan xariir lalaheen waqtiga caadada 

dumarka qatarta ku jiro in ka yimaado qoyaanka aan caadiga ahayn waxaa ka mid ah 

1-dumarka isticmaalo qalajiyayaalka tirada badan 

2-marka sare u kaco heerka hormonka estrogen gaar ahaan xilliga uurka 

3-dumarka qabo cudurka sokorta hadana aan la xakameen 

4-dumarka difaaca jirka hooseyo

sidee loga hortagaa qoyaanka aan caadiga ahayn ee ka yimaado xubinta taranka dumarka 

1-ilaali nadaafada xubinta taranka adigoo isticmaalayo saabuun aan caraf badan laheen iyo biyo fara badan si aad u ilaaliso nadaafada 

2-isticmaal nagis kugu haboon waxaa wanaagsan in hareeraha xubinta taranka markasto ahaato mid qalalan nagiska ugu wanaagsan waa midka suufka ka sameesan
sido kale waxaa wanaagsan marka aad seexaneso in aad seexato nagis la aan 

3- marka aad qubeesato ka dib waxaa wanaagsan in aad qalajiso xubinta taranka

4-ha xeran dhar kugu dhagan dharka kugu dhagan waxay keenaaan dhidid fara badan iyo qandac waxayna kicin karaan caabuq 

5-si joogto ah u badal nagiska iyo waxyaabaha kale aad isticmaasho xilliga caadada

W/Q talooyin caafimaad 

Abdikadir M. Abdullahi 

Wednesday, May 27, 2020

DHEECAANKA KUJIRA MASKAXDA IYO LAF-DHABARTA CSF-TA




Waa dheecaan ka mid ah jirka bani’aadanka waa dheecaan sida biyaha oo kale nadiif u ah oo ku wareegsan maskaxda iyo gunta laf dhabarta, kaasoo wada gaara dhammaan gododka maskaxda oo idil iyo kannaalka gunta laf-dhabarta, maskaxda waxay dul sabbaysaa dheecaankaan oo markaas aad qafiif uga noqota culayskeeda caadiga ah, maskaxda iyo gunta laf dhabarka dheecaanka ku wareegsan ee quudiya waxa loo yaqaana cerebrospinal fluids, sidaa daraadeed maskaxda waxa lagu riixaa basada agagaarkeeda marka madaxa si xad-dhaaf ah loo dhaq- dhaqaajiyo maskaxda waxa ku dahaaran xuub loo yaqaano meninges.

Meanings waa seddax xuub oo ku yaala kannaalka u dhexeeya basada madaxa iyo fiinta ricirka lafaha laf dhabarta sameeya kuwaas oo ku dahaaran maskaxda, xuubkaan waa kala adag yihiin oo kan ugu horeeya ayaa ugu adag waxana loo yaqaanaa dura-mater kan hoose iyo kan dhexe waa ay ka jilicsan yihiin kan kore kan dhexe waxaa loo yaqaanaa arachnoid halka kan hoose loo yaqaano pia-mater kan dhexe iyo kan hoose waa meesha laga helo dheecaanka loo yaqaano cerebrospinal fluids.


Cerebrospinal fluids: waxa soo saara waxa loo yaqaano choroid plexuses, choroid plexuses wuxuu ku yaalaa maskaxda wuxuna ka kooban yahay blood vesses iyo epithelial tissue waxana loo yaqaanaa ependymal cells, ependymal cells ka wuxuu isku xiraa cerebral ventricles iyo spinal cord, ependymal cells ka waa nooc ka mid ah nervous tissue oo ah cadka dareen wadka oo loo yaqaano neuroglia wuxuuna soo saaraa dheecaanka loo yaqaano cerebrospinal fluids.

Ependymal cells ka wuxuu kale oo ka qayb qaadtaa inuu filtareeyshan ku sameeyo biyaha iyo waxyaabaha kale oo kasoo gudba dhiigga, taasi waxa ka qayb qaadta xuub loo yaqaano Blood Brain Barrier, waa xuub ku wareegsan unugyada maskaxda oo shaqadeedu tahay inay kala soocdo wareega dhiigga ee soo gaara maskaxda si ay u sii dayso waxyaabaha dareeraha ah waxay kaloo dib u celisaa wixii adag oo aan dareerin.

Cerebrospinal fluid: wuxuu qabtaa seddax shaqo oo aad muhiim u ah:

Wuxuu difaac u yahay maskaxda iyo gunta laf dhabarta wuxuuna ka difaacaa in ay soo gaarto jug ama dhaawac.

Waxay quudisaa hab dhiska unugyada dareen wadka ee jirka bani,aadanka (nervous system)

Waxay ka qayb qaadataa inay kasoo saarto waxyaabaha wasaqda ah maskaxda.



Sidee Loo qaadaa dheecaanka cerebrospinal fluids?

Sawirkaan wuxuu ku muujinaa sida laf dhabarta looga qaado dheecaanka loo yaqaano cerebrospinal fluids. Dheecaanka cerebrospinal fluid ka marka la qaadaayo waxa habboon in uu qaado qof aqoon u leh ama khibrad sare u leh sida loo qaado sababtoo ah qofkasta ma iska qaadi karo dheecaankaan waxa laga qaadaa laf-dhabarta gaar ahaan laf-dhabarta laf xangulaha tan 3aad, 4aad ama tan 5aad inta u dhexeysa ayaa laga qaadaa dheecaanka loo yaqaano cerebrospinal fluids.

Dheecaankaan marka laga soo qaado qofka bukaanka ah waxa lagu shubaa ilaa iyo seddax dhalo ama (tubes), seddaxda dhalo mid kasta waxa laga baaraa cudur gaar ah waxana loo samaynaa calaamad lagu garto dhalo kasta (tube) tusaale ahaan 1,2,3.

Dhallada kowaad waxa u isticmaali kartaa in aad ku samayso baaritaan sida in aad ka baarto waxyaabaha kiimikaaliska ah ee ku jirra dheecaanka CSF-ta (chemical) iyo serological test, serological test waxa ka mid in aad ka baarto sokor ama borotiinka ku jira CSF-ta.

Dhallada labaad waxa u isticmaali kartaa in aad ka baarto waxyaabaha ilma aragtada ah (microbiology) sida virus, bacteria iyo funga sidoo kale waxa u isticmaali kartaa in aad beerto ama koritaan ku samayso (culture) si aad u ogaato jeermiska ku jira dheecaanka CSF-ta


Dhallada seddaxaad waxa u isticmaali kartaa in aad ka baarto cell count, waa marka aad rabto inaa xisaabiso inta unug ee ku jirta dheecaanka sida unugyada cas cas iyo unugyada cad cad ee dhiigga.



Muuqaal ahaan siduu u ek yahay dheecaanka cerebrospinal fluids:

Muuqaal ahaan marka la fiirinaayo dheecaanka cerebrospinal fluids waa sida biyaha oo kale waa mid nadiif ah oo qafiif ah (crystal clear) haddii uu muuqaalkiisa is badalo oo uu noqdo sida caanaha oo kale waxa jira cudur.

Cerebrospinal fluids: waxyaabaha ku jira waxa ka mid protein iyo glucose, borotiinka ku jira dheecaanka cerebrospinal fluids wuxuu gaaraa 15-45 mg/dl borotiinka ugu badan ee ku jira cerebrospinal fluids waa Albumin kan ku xigane waa pre-albumin laakin sida caadiga ah IgA, IgM, fibrinogen iyo beta lipoprotein lagama helo dheecaankaan haddii lagu arko borotiinadaan waxa jiro cuduro.


Haddii uu badto borotiinka ku jira cerebrospinal fluid ka wuxuu dhibaato u gaysan karaa xuubka maskaxda blood brain barrier waxa kale oo jiri kara infections sidoo kale meningitis iyo hemorrhage ayaa lagu arki karaa qofka labadaan cudur waxay dhibaato u geystaan xuubka maskaxda ee loo yaqaano blood brain barrier.

Xasuus:

Meningitis: Waa xanuun ku dhaca maskaxda waxa sababa noole aad halis u ah taasoo ku dhaca seddaxda xuub ee daboola maskaxda, badanaa waxay ku dhacdaa ilmaha oo lagu arko madax xanuun aad u daran, qandho, cunto xumo iyo iftiinka oo dhiba, waxa kale oo lagu arkaa qoor adeeg aan la dhaq dhaqaajin Karin iyo matag joogta ah oo sababa geeri.

Haemorrhage: waa dhiig bax ka timaada gudaha ama banaanka jirka oo ka dhalata xidid dilaacay.

Xididada dhiigga waxay u qayb samaan mid weyn iyo kuwa yar yar, haddii kuwa yaryar ay dhib soo gaaraan waxaa dhici karta in dhiig baxooda wax dhib ah uusan gaysanin, laakin xididada waa weyn ee jirka sida halbowlayaasha haddii ay dilaacaan aad ayey halis u tahay oo waxa dhici karta qofka inuu la dhinto dhiig-bax ka dhasha xaaladaas.

Cerebrospinal fluids waxa ku jira sokor (glucose) sababtoo ah sokorta marka ay dhiigga soo gasho waxaa ku dhacaayo (circulation) macnaha waxay gaareysaa jirka oo dhan marka ay gaarto maskaxda 65 ilaa 70% waxay ka gudbaysaa maskaxda, maskaxda waxa ku yaala xuub loo yaqaano blood brain barrier xuubkaas waxa ka gudbi kara oo kelliya waxyaabaha dareeraha ah laakin glucose waxay uga gudbaysaa qaab selective transport ah.

Sokorta laga baaro cerebrospinal fluids iyo sokorta laga baaro plasma aha isku mid ma’ahan bukaanka marka aad rabto in aad cerebrospinal fluids aad ka baarto sokorta waxa habboon in aad dhiiggane ka baarto, cerebrospinal fluids iyo dhiigga halmar ayaad ka baareysaa.

Tusaale: bukaanka haddii ay sokorta dhiiggiisa noqoto 300 mg/dl sokorta ku jirta cerebrospinal fluid waxay noqonaysaa ku dhawaad 215 ilaa 230 mg/dl, haddii ay hoos u dhacdo sokorta ku jirta cerebrospinal fluid qofkaas wuxuu qabi karaa meningitis sidoo kale waxa kor u kacaayo WBC count waxa keeni kara bacteria ama virus.

Xasuus:

Ricir: waa lafo gaaggaaban oo xoog leh oo dhexda ka daldaloola oo korka iska saarsaaran oo laf dhabartu ka samaysan tahay.

Fadlan Sii #Share Gareeya

Sunday, May 24, 2020

DHIDIDKA XILLIGA HURDADA



Sleep Hyperhidrosis : Waa xaalad uu qofku dhidido marka uu seexdo (Hyperhidrosis and Focal Hyperhidrosis) . Dadka qaarkood waxa laga yaaba in ay isku arkaan dhidid xad-dhaaf ah wakhtiga ay seexdaan sidoo kale waxaa suurto gal ah in ayna ka caban dhidid xad-dhaaf ah laakiin ay tilmaamaan in ay dhididaan wakhtiga ay hurdaan.
Xaalada ugu badan ee sababta in ay dumarka ka wayn da'ahaan 40-ku dhididaani waa isbadalada ku dhaca hormoonada jidhkeeda kuwaaso calaamad u ah in gabadha ay caadadu ka joogsanayso (Menopause and Premenopause)
Dhididka habeenkii la dhididaa waa calaamad aan tilmaamayn dhibaato badan laakiin marmarka qaarkood dhididka habeenkii la dhididaa waa mid kamid ah calaamadaha tilmaama cudurada halista ah
Sidaa daraadeed waa muhiim in la garto oo la aqoonsado sababta saxda ah ee qofka dhididka ku sababaysa sidoo kale inta aanu dhakhtarku baadhitaano galin waa in uu waydiiyaa bukaankiisa
Goobta aad ku nooshahay ma goob kulul ama diirran baa ?
Sariirta ama goobta aad seexataa ma meel aad u diirranbaa ama aad u kulul ?
Marka aad seexanaysid ma waxa aad isticmaashaa dhar badan iyo bustayaal badan ?
Dhididka la xidhiidha caabuqyada waxaa lagu aqoonsan karaa waa dhidid radiya oo  qooya go'a sariirta saaran iyo ashyaada uu qofku huwan yahay marka uu hurdo (Drench Sleepwear and Sheets) laakiin dhididkani lama xidhiidho jawi kulul ama jawi qabaw
Cudurada dhididka sababa waxaa kamid ah :
1. Cancer : kansarada qaarkood sida Lymphoma iyo Leukemia
2. Infections : Caabuqyada qaarkood sida Aids-ka , TB-da , Mycobacterium Avium-Intracellulare Infection , Infectious Mononucleosis iyo sidoo kale caabuqyada ay sababaan jeermisyada fungus-ku sida Histoplasmosis , Coccidioidomycosis , iyo qaar kale (Brucellosis , Lung abscess iyo Infective Endocarditis )
3.  Endocrine Disorders: Khal-khal ku dhaca hormoonada sida xanuunka macaanka , xanuunka kacsanaanta qanjidhka Thyroid-ka ,  burooyinka Pheochromocytoma , carcinoid iyo sidoo kale joogsiga dhiiga caadada da'da 40 ka iyo wixii ka sareeya
4. Rheumatic Disorders : Lafo- xanuunada qaarkood sida Takayasu's arteritis iyo Temporal arteritis
5. Antipyretics : Daawooyinka xummad jabinta iyo daawooyinka Uurka iyo waliba daawooyinka dhiig-karka
Intaaso kaliya ma aha sidoo kale waxaa jira cuduro kale sida Obstructive Sleep Apnea , Gastroesophageal reflux disease , Chronic Fatigue Syndrome , Fibromyalgia , Granulamatous Disease , Chronic Eaosinophilic Pneumonia , Lymphoid Hyperplasia , Diabetes Insipidus , iyo Prinzmetal's angina kuwaaso dhamaantooda sababa dhididka habeenkii marka la hurdo .

Wacyigelin ku saabsan Isnidhaamis (Scabies):

  Wacyigelin ku saabsan Isnidhaamis (Scabies): Isnidhaamisku (Scabies) waa mid kamid ah cudurrada faafa ee ku dhaca maqaarka kaas oo ay sa...