Fadlan share garee si ay u gaadho dadka la dhiban xanuunkan gaaska.
Daawaynta Gaaska dhanka dawada...
Si loo daweeyo dhibaatooyinkii uu keenay iyo calamadaha uu qofku dareemayo, waxaana kamid ah dawoyinka ,Omeprazole/ lansoprozole/ eprix/ dompridone/ aluminum sulfate/ misoprostol/ metronidazole/ iyo kuwo kale.
Fiiro gaar ah
Dawooyinkaan waxa ay isugu jiraan kuwo bacteriyada gaaska lagula dagaalamo, kuwo xoojiya/ kuwo dhaawaca caloosha yareeya/ iyo kuwo dhecaanada dheefshiidka yareeya.
Markii uu qofku dawooyinkaan qaato oo uu ka bogsoodo gaaska hadii uu sii wadao dawadii waxa uu la kulmi karaa xaalado ay sababeen dawooyinka waxaana kamid ah.
Xanuun lafaha ah oo ku bilaabta qofka dawada gaaska waqti dheer wada dheecaanka dheefshiidka oo yaraada, iyo hurdo laaan.
Si xaaladahaan looga gaashaanto qofku marka uu ku caafimaado dawada gaaska waa in uu joojiyaa taa badalkeedana si uusan ugu soo laaban sidaan sameeyaa.
Cuntada koobaaad ee gaaska lagu daweeyo.
Isticmaal toon maxaa yeelay toonta waxa ay awood u leedahay burburinta bacteriyada iyo fungalka.
Si aad ahna waxa ay ugu wanaagsantahay bacteriyada gaaska keenta ee (h.pylori)
Waxaa laga yaabaa in aadan isku taxalujin laakiin waa dawo si fudud aad u isticmali karto aadna u yareyn doonta gubashada qalbiga iyo boga.
Marka hore qolofta toonta qaado oo ha iska badin wax yar rug sidaa ku wad kadib maalmo kordhi oo wax yar jabso kadibna joogtay insha allah waad ka guulaysandoontaa gaaska.
Cuntada labaad ee gaaska lagu daweeyo.
Isticmaal dawooyinka bogsiiya dhaawaca caloosha yareeyana calamadaha gaaska.
Waxaa kamid ah sanjabiil waliba nuuca qoyan ee meelaha dawooyinka dabiiciga ah lagu gado taalaa.
Tufaaxa la shiiday ee cabitaanka loo diyaariyay
Sacafaraanka qudaarta lagu kalar badalo.
Cananaaska nuuciisa aan la shiidin ee qudaarta ah
Karootada cabitaan ahaan oo la badsado
Caleenta cagaaran ee shaaha.
Sidaa oo kale wax aaad isticmaali kartaa cuntada uu fitamin A ku badanyahay sida beerka, begelka, karootada, sabiibka iyo kuwo lamid ah.
Maxaa yeelay fitamin A waxa uu muhiim u yahay shaqada caloosha iyo soo kabashada dahaarka caloosha.
Cuntada sedaxaad ee gaaska.
Ka fogaaw cuntada ama cabitaanka kugu kiciya calaamadaha gaaska.
Dadka qaar waa ay garanayaan waxa ku kiciya gaaska hadana iskama deynayaan taasina waa mushkilo uu qofku keensanayo hadana uu xanuunkii kacabanayo.
Hadii aadan aqoon nuuca cunto kugu kiciya waa ay fududahay garashadiisa.
Ilaa labo isbuuc qor cuntada ama cabitaanka aad isticmaashay iyo saacada aad isticmaashay habeen iyo maalin kadibna qor xiligiga aad calaamadaha dareentay.
Kadib qiyaas xariirka ka dhaxeeya cuntadii aad isticmaashay iyo calaamadaha aad la daristay.
kadibna xaqiiji cuntada kugu keentay markalena ha isticmaalin.
Tusaale: baasto ayaad basbaas ku cuntay kadib saacado waxaad aragtay kuleel badan iyo wadna garaac, waad xaqiiqsan kartaa waxa kugu keenay.
Tusaale kale: waxa aad isticmaashay cocacola iyo pizza kadib saacado waxaad dareentay lalabo kuleel iyo wadna garaac , dib ayaad u xasuusatay waxaad isticmaashay waana aad ogaatay waxa ku haya iyo waxa kugu kiciyay.
Cuntada afaraad ee gaaska.
Xaqiiji in aad cuntadaada si dhab ah u badashay oo aadan ku ekaan waqti gaaban.
Hadii aad rabto in aad si toos ah uga guulaysato gaaska waxaa dhab ah in lagaa rabo badalid nololeed.
Cun raashin isu dheeli tiran kana kooban raashinka qolofta leh iyo qudaarta cagaaran iyo mida miraha ah ee aan warshadaha soo marin.
Cuntada shanaad ee gaaska.
Ugu danbayn ha isticmaalin cuntadaan oo ka fogaw waxyeelada dheefshiidka iyo difaaca jirkaaaga.
Ha cunun cuntadaan.
Basbaaska
Sabuulka
Cuntada la qamiiriyay
Digirta iyo salbukada
Shukulaatada
Cabitaanada ashitada leh sida cocacola
Cuntada warshada soo martay
Kafeega
Kuntada saliida ama baruurta leh.
Dr Cabdiraxmaan Maxbuub.
Balanteenu waa Soomaali Caafimaad Qaba.
No comments:
Post a Comment