Sunday, May 24, 2020
DHIDIDKA XILLIGA HURDADA
Sleep Hyperhidrosis : Waa xaalad uu qofku dhidido marka uu seexdo (Hyperhidrosis and Focal Hyperhidrosis) . Dadka qaarkood waxa laga yaaba in ay isku arkaan dhidid xad-dhaaf ah wakhtiga ay seexdaan sidoo kale waxaa suurto gal ah in ayna ka caban dhidid xad-dhaaf ah laakiin ay tilmaamaan in ay dhididaan wakhtiga ay hurdaan.
Xaalada ugu badan ee sababta in ay dumarka ka wayn da'ahaan 40-ku dhididaani waa isbadalada ku dhaca hormoonada jidhkeeda kuwaaso calaamad u ah in gabadha ay caadadu ka joogsanayso (Menopause and Premenopause)
Dhididka habeenkii la dhididaa waa calaamad aan tilmaamayn dhibaato badan laakiin marmarka qaarkood dhididka habeenkii la dhididaa waa mid kamid ah calaamadaha tilmaama cudurada halista ah
Sidaa daraadeed waa muhiim in la garto oo la aqoonsado sababta saxda ah ee qofka dhididka ku sababaysa sidoo kale inta aanu dhakhtarku baadhitaano galin waa in uu waydiiyaa bukaankiisa
Goobta aad ku nooshahay ma goob kulul ama diirran baa ?
Sariirta ama goobta aad seexataa ma meel aad u diirranbaa ama aad u kulul ?
Marka aad seexanaysid ma waxa aad isticmaashaa dhar badan iyo bustayaal badan ?
Dhididka la xidhiidha caabuqyada waxaa lagu aqoonsan karaa waa dhidid radiya oo qooya go'a sariirta saaran iyo ashyaada uu qofku huwan yahay marka uu hurdo (Drench Sleepwear and Sheets) laakiin dhididkani lama xidhiidho jawi kulul ama jawi qabaw
Cudurada dhididka sababa waxaa kamid ah :
1. Cancer : kansarada qaarkood sida Lymphoma iyo Leukemia
2. Infections : Caabuqyada qaarkood sida Aids-ka , TB-da , Mycobacterium Avium-Intracellulare Infection , Infectious Mononucleosis iyo sidoo kale caabuqyada ay sababaan jeermisyada fungus-ku sida Histoplasmosis , Coccidioidomycosis , iyo qaar kale (Brucellosis , Lung abscess iyo Infective Endocarditis )
3. Endocrine Disorders: Khal-khal ku dhaca hormoonada sida xanuunka macaanka , xanuunka kacsanaanta qanjidhka Thyroid-ka , burooyinka Pheochromocytoma , carcinoid iyo sidoo kale joogsiga dhiiga caadada da'da 40 ka iyo wixii ka sareeya
4. Rheumatic Disorders : Lafo- xanuunada qaarkood sida Takayasu's arteritis iyo Temporal arteritis
5. Antipyretics : Daawooyinka xummad jabinta iyo daawooyinka Uurka iyo waliba daawooyinka dhiig-karka
Intaaso kaliya ma aha sidoo kale waxaa jira cuduro kale sida Obstructive Sleep Apnea , Gastroesophageal reflux disease , Chronic Fatigue Syndrome , Fibromyalgia , Granulamatous Disease , Chronic Eaosinophilic Pneumonia , Lymphoid Hyperplasia , Diabetes Insipidus , iyo Prinzmetal's angina kuwaaso dhamaantooda sababa dhididka habeenkii marka la hurdo .
Subscribe to:
Post Comments (Atom)
Wacyigelin ku saabsan Isnidhaamis (Scabies):
Wacyigelin ku saabsan Isnidhaamis (Scabies): Isnidhaamisku (Scabies) waa mid kamid ah cudurrada faafa ee ku dhaca maqaarka kaas oo ay sa...

-
Wacyigelin ku saabsan Isnidhaamis (Scabies): Isnidhaamisku (Scabies) waa mid kamid ah cudurrada faafa ee ku dhaca maqaarka kaas oo ay sa...
-
Wax badan ka ogow cudurka ugu badan ee sababo dhalmo la'aanta ragga iyo waxa sababo. Galaha waa marka ay balaartaan qaar ka mid ah xidi...
-
Geedka barakaysan ee timirta waa geed ka baxa dhulka kulaylaha ah gaar ahaan dhulka aanay ku samaysmeyn badi dalagyada kale ee la quutaa, dh...
Asc Dr marka xigta waxaan Ku waydiinayaa arin aan isku arkay taasoo ah Marian dhididaayo Hal Dhinac Ayaan ka dhididaa waliba dhinaca midigta waxaana isku arkaa gacantayda midig oo dhididaysa tan bidixdana way qalalantahay marka jwab waafi ah Ayaan ka sugaaya Dr mahadsanid
ReplyDelete