Monday, June 15, 2020

Dhabar xanuun cid kasta waa ka sheekataaa ee ma isku aragtay dhabar xanuun ?



Araxadda ayaan ka kici wayey si wanaagsan uma foorarsan karo,waxaan ka dareemaa xanuun aad u daran waa Astaamaha lagu garto dhabar xanuunka.

Dhabarka waa meesha ugu muhiimsan jidhka marka loo fiirsho socodka,jiifka iyo marka wax culus la qaadayo inta badan waxaa la isticmalaa murqaha dhabarka.

Haddii uu jirado dhabarka,waxaa  luma socodka iyo dhaqdhaaqa jidhka sababtoo ah jidhka waxaa isku haya  murqaha dhabarka iyo lafta dheeer ee ku tararsan dhabarka, waana xubin aad muhiim u ah jidhka.

Maxaa keena dhabar xanuunka ?

Waa su,aal muhiim ah in la is weydiiyo waxa keena dhabar xanuunka lakiinse dadka dhabarka laga hayo sadax ayey isku qaldaan lafta oo dhawac  soo gaara iyo murqaha dhabarka oo is gala waxaana saddaxeya neerfaha oo jug soo gaarta

Waxyaabaha keeni kara 

✓Jug soo gaarta dhabarka,jugta waa wax dhib badan waxaa laga yabaa mudo dheer kaddib in uu soo kacdo jugta  ,jugta waxay noqon kartaa kufitaan aad kuftay ama wax kaga dhacay sida ul,shil gaari iyo wixii la mid ah, 

✓Wax culus oo la qaado,caaddiyan qofka hadii uu wax culus qaado waxaa dhawac  soo gaari kara murqaha iyo seedaha dhabarka ee isku haya.

✓Xanuunka arthritis iyo osteoarthritis oo ah xanuuno  ku dhaca lafaha iyo iskoosyada waxay kalifi karaan dhabar xanuun in mudo ku haya haddii aan la daweyn.

✓Dhabarka waxaa ka baxa neerfayaal badan oo kala aada jidhka haddii uu bukoodo mid ka mid ah wuxuu siidayaa xanuun laga daremi kara  dhabarka qeybta danbe ilaa lugta

✓Herniated disk waa xanuun lagu arko dadka qaba dhabar xanuunka 

✓Dhalmadda badan  waxay horseedi kartaa dhabar xanuun raaga oo soo noqnoqda 

Talo guud 

Haddii uu xanuunka aheen lafta dheer ee dhabarka waxaa muhiim ah in aad sameysid jimcsi joogta ah ,sidoo kale waxaa muhiim ah in aad raadsatid physiotherapist oo si fiican u kala yaqaan murqaha dhabarka.

Qabkee iska daweyn kartaa adiga oo Gurigaada jooga

Marka aad dareenitid xanuun daran waxaad isticmaali kartaa xanuun baabiye sida Paracetamol, ibuprofen, DICLOFENIC iyo creamada la mariyo dhabarka sida Vicks  

Sidoo kale waxaad isticmaaali kartaa biyaha Kulul ee boorsada  lagu shubo adigoo ku haynaya dhabarka..

Markastana ku xirnoow dhakhtarka kugu dhawo...



Abdikadir M. Abdullahi 

No comments:

Post a Comment

Wacyigelin ku saabsan Isnidhaamis (Scabies):

  Wacyigelin ku saabsan Isnidhaamis (Scabies): Isnidhaamisku (Scabies) waa mid kamid ah cudurrada faafa ee ku dhaca maqaarka kaas oo ay sa...