Wednesday, May 27, 2020
DHEECAANKA KUJIRA MASKAXDA IYO LAF-DHABARTA CSF-TA
Waa dheecaan ka mid ah jirka bani’aadanka waa dheecaan sida biyaha oo kale nadiif u ah oo ku wareegsan maskaxda iyo gunta laf dhabarta, kaasoo wada gaara dhammaan gododka maskaxda oo idil iyo kannaalka gunta laf-dhabarta, maskaxda waxay dul sabbaysaa dheecaankaan oo markaas aad qafiif uga noqota culayskeeda caadiga ah, maskaxda iyo gunta laf dhabarka dheecaanka ku wareegsan ee quudiya waxa loo yaqaana cerebrospinal fluids, sidaa daraadeed maskaxda waxa lagu riixaa basada agagaarkeeda marka madaxa si xad-dhaaf ah loo dhaq- dhaqaajiyo maskaxda waxa ku dahaaran xuub loo yaqaano meninges.
Meanings waa seddax xuub oo ku yaala kannaalka u dhexeeya basada madaxa iyo fiinta ricirka lafaha laf dhabarta sameeya kuwaas oo ku dahaaran maskaxda, xuubkaan waa kala adag yihiin oo kan ugu horeeya ayaa ugu adag waxana loo yaqaanaa dura-mater kan hoose iyo kan dhexe waa ay ka jilicsan yihiin kan kore kan dhexe waxaa loo yaqaanaa arachnoid halka kan hoose loo yaqaano pia-mater kan dhexe iyo kan hoose waa meesha laga helo dheecaanka loo yaqaano cerebrospinal fluids.
Cerebrospinal fluids: waxa soo saara waxa loo yaqaano choroid plexuses, choroid plexuses wuxuu ku yaalaa maskaxda wuxuna ka kooban yahay blood vesses iyo epithelial tissue waxana loo yaqaanaa ependymal cells, ependymal cells ka wuxuu isku xiraa cerebral ventricles iyo spinal cord, ependymal cells ka waa nooc ka mid ah nervous tissue oo ah cadka dareen wadka oo loo yaqaano neuroglia wuxuuna soo saaraa dheecaanka loo yaqaano cerebrospinal fluids.
Ependymal cells ka wuxuu kale oo ka qayb qaadtaa inuu filtareeyshan ku sameeyo biyaha iyo waxyaabaha kale oo kasoo gudba dhiigga, taasi waxa ka qayb qaadta xuub loo yaqaano Blood Brain Barrier, waa xuub ku wareegsan unugyada maskaxda oo shaqadeedu tahay inay kala soocdo wareega dhiigga ee soo gaara maskaxda si ay u sii dayso waxyaabaha dareeraha ah waxay kaloo dib u celisaa wixii adag oo aan dareerin.
Cerebrospinal fluid: wuxuu qabtaa seddax shaqo oo aad muhiim u ah:
Wuxuu difaac u yahay maskaxda iyo gunta laf dhabarta wuxuuna ka difaacaa in ay soo gaarto jug ama dhaawac.
Waxay quudisaa hab dhiska unugyada dareen wadka ee jirka bani,aadanka (nervous system)
Waxay ka qayb qaadataa inay kasoo saarto waxyaabaha wasaqda ah maskaxda.
Sidee Loo qaadaa dheecaanka cerebrospinal fluids?
Sawirkaan wuxuu ku muujinaa sida laf dhabarta looga qaado dheecaanka loo yaqaano cerebrospinal fluids. Dheecaanka cerebrospinal fluid ka marka la qaadaayo waxa habboon in uu qaado qof aqoon u leh ama khibrad sare u leh sida loo qaado sababtoo ah qofkasta ma iska qaadi karo dheecaankaan waxa laga qaadaa laf-dhabarta gaar ahaan laf-dhabarta laf xangulaha tan 3aad, 4aad ama tan 5aad inta u dhexeysa ayaa laga qaadaa dheecaanka loo yaqaano cerebrospinal fluids.
Dheecaankaan marka laga soo qaado qofka bukaanka ah waxa lagu shubaa ilaa iyo seddax dhalo ama (tubes), seddaxda dhalo mid kasta waxa laga baaraa cudur gaar ah waxana loo samaynaa calaamad lagu garto dhalo kasta (tube) tusaale ahaan 1,2,3.
Dhallada kowaad waxa u isticmaali kartaa in aad ku samayso baaritaan sida in aad ka baarto waxyaabaha kiimikaaliska ah ee ku jirra dheecaanka CSF-ta (chemical) iyo serological test, serological test waxa ka mid in aad ka baarto sokor ama borotiinka ku jira CSF-ta.
Dhallada labaad waxa u isticmaali kartaa in aad ka baarto waxyaabaha ilma aragtada ah (microbiology) sida virus, bacteria iyo funga sidoo kale waxa u isticmaali kartaa in aad beerto ama koritaan ku samayso (culture) si aad u ogaato jeermiska ku jira dheecaanka CSF-ta
Dhallada seddaxaad waxa u isticmaali kartaa in aad ka baarto cell count, waa marka aad rabto inaa xisaabiso inta unug ee ku jirta dheecaanka sida unugyada cas cas iyo unugyada cad cad ee dhiigga.
Muuqaal ahaan siduu u ek yahay dheecaanka cerebrospinal fluids:
Muuqaal ahaan marka la fiirinaayo dheecaanka cerebrospinal fluids waa sida biyaha oo kale waa mid nadiif ah oo qafiif ah (crystal clear) haddii uu muuqaalkiisa is badalo oo uu noqdo sida caanaha oo kale waxa jira cudur.
Cerebrospinal fluids: waxyaabaha ku jira waxa ka mid protein iyo glucose, borotiinka ku jira dheecaanka cerebrospinal fluids wuxuu gaaraa 15-45 mg/dl borotiinka ugu badan ee ku jira cerebrospinal fluids waa Albumin kan ku xigane waa pre-albumin laakin sida caadiga ah IgA, IgM, fibrinogen iyo beta lipoprotein lagama helo dheecaankaan haddii lagu arko borotiinadaan waxa jiro cuduro.
Haddii uu badto borotiinka ku jira cerebrospinal fluid ka wuxuu dhibaato u gaysan karaa xuubka maskaxda blood brain barrier waxa kale oo jiri kara infections sidoo kale meningitis iyo hemorrhage ayaa lagu arki karaa qofka labadaan cudur waxay dhibaato u geystaan xuubka maskaxda ee loo yaqaano blood brain barrier.
Xasuus:
Meningitis: Waa xanuun ku dhaca maskaxda waxa sababa noole aad halis u ah taasoo ku dhaca seddaxda xuub ee daboola maskaxda, badanaa waxay ku dhacdaa ilmaha oo lagu arko madax xanuun aad u daran, qandho, cunto xumo iyo iftiinka oo dhiba, waxa kale oo lagu arkaa qoor adeeg aan la dhaq dhaqaajin Karin iyo matag joogta ah oo sababa geeri.
Haemorrhage: waa dhiig bax ka timaada gudaha ama banaanka jirka oo ka dhalata xidid dilaacay.
Xididada dhiigga waxay u qayb samaan mid weyn iyo kuwa yar yar, haddii kuwa yaryar ay dhib soo gaaraan waxaa dhici karta in dhiig baxooda wax dhib ah uusan gaysanin, laakin xididada waa weyn ee jirka sida halbowlayaasha haddii ay dilaacaan aad ayey halis u tahay oo waxa dhici karta qofka inuu la dhinto dhiig-bax ka dhasha xaaladaas.
Cerebrospinal fluids waxa ku jira sokor (glucose) sababtoo ah sokorta marka ay dhiigga soo gasho waxaa ku dhacaayo (circulation) macnaha waxay gaareysaa jirka oo dhan marka ay gaarto maskaxda 65 ilaa 70% waxay ka gudbaysaa maskaxda, maskaxda waxa ku yaala xuub loo yaqaano blood brain barrier xuubkaas waxa ka gudbi kara oo kelliya waxyaabaha dareeraha ah laakin glucose waxay uga gudbaysaa qaab selective transport ah.
Sokorta laga baaro cerebrospinal fluids iyo sokorta laga baaro plasma aha isku mid ma’ahan bukaanka marka aad rabto in aad cerebrospinal fluids aad ka baarto sokorta waxa habboon in aad dhiiggane ka baarto, cerebrospinal fluids iyo dhiigga halmar ayaad ka baareysaa.
Tusaale: bukaanka haddii ay sokorta dhiiggiisa noqoto 300 mg/dl sokorta ku jirta cerebrospinal fluid waxay noqonaysaa ku dhawaad 215 ilaa 230 mg/dl, haddii ay hoos u dhacdo sokorta ku jirta cerebrospinal fluid qofkaas wuxuu qabi karaa meningitis sidoo kale waxa kor u kacaayo WBC count waxa keeni kara bacteria ama virus.
Xasuus:
Ricir: waa lafo gaaggaaban oo xoog leh oo dhexda ka daldaloola oo korka iska saarsaaran oo laf dhabartu ka samaysan tahay.
Fadlan Sii #Share Gareeya
Subscribe to:
Post Comments (Atom)
Wacyigelin ku saabsan Isnidhaamis (Scabies):
Wacyigelin ku saabsan Isnidhaamis (Scabies): Isnidhaamisku (Scabies) waa mid kamid ah cudurrada faafa ee ku dhaca maqaarka kaas oo ay sa...

-
Wacyigelin ku saabsan Isnidhaamis (Scabies): Isnidhaamisku (Scabies) waa mid kamid ah cudurrada faafa ee ku dhaca maqaarka kaas oo ay sa...
-
Wax badan ka ogow cudurka ugu badan ee sababo dhalmo la'aanta ragga iyo waxa sababo. Galaha waa marka ay balaartaan qaar ka mid ah xidi...
-
Geedka barakaysan ee timirta waa geed ka baxa dhulka kulaylaha ah gaar ahaan dhulka aanay ku samaysmeyn badi dalagyada kale ee la quutaa, dh...
No comments:
Post a Comment