๐ ๐ฒ๐ฎ๐๐น๐ฒ๐ (๐ท๐ฎ๐ฑ๐ฒ๐ฒ๐ฐ๐ผ)
Cudurkaan jadeecada ah waa mid si aad ah u fido oo dila caruurta gaar ahaan wuxuu
naafeeya sambabada (lungs)
Cudurkan jadeecada waxa uu ugu daran yahay marka uu ku dhaco caruurta tabarta daran
๐ช๐ฎ๐ ๐ฎ ๐๐ฎ๐ฏ๐ฎ๐ฏ๐ฎ
Cudurkani waxaa sababa noole virus ah oo lagu magacaabo (morbilla virus)
๐๐ป๐ฐ๐๐ฏ๐ฎ๐๐ถ๐ผ๐ป ๐ฃ๐ฒ๐ฟ๐ถ๐ผ๐ฑ
Xilli huuriska cudurkan waa 10 ilaa 14 maalin
๐๐ผ๐ ๐๐ผ ๐ฆ๐ฝ๐ฟ๐ฒ๐ฎ๐ฑ
Cudurkani waxa uu ku fidaa marka caruurta qabta cudurkan ay ku qufacaan ama ay ku
hindhisaan kuwa kale ee caafimaadka qaba ama jeermiska cudurkaan keena oo hawada
la raaciyo. Sidoo kale jadeecadu waxa ay ku fidaa marka caruurta la isla wada seexiyo
ama ay wax wada cunaan.
๐๐น๐ถ๐ป๐ถ๐ฐ๐ฎ๐น ๐ฃ๐ถ๐ฐ๐๐๐ฟ๐ฒ
1) Cudurkaan waxa uu ku biloowdaa sida hargabka caadiga ah, cunuga waxaa lagu
arkaa qandho iyo cabur.
2) Indhaha oo gaduuta
3) Qufac xoog leh oo lagu arko 3 beri kadib
4) Finan ka soo baxo wejiga
5) Shuban ama fuuq bax mararka qaar ah.
6) Finanka marka hore waxa ay ka soo baxaan wejiga iyo luqunta kadibna waxay ka soo
baxaan dhegaha gadaashooda ugu danbeyntiina waxay ku faafaan jirka intiisa kale.
7) Cudurkaan wuxuu badanaa ku dhacaa caruurta ay da’doodu u dhexeyso 8 bilood ilaa
5 sano.
8) Cunuga qabo cudurkan waxaa lagu arkaa xumad kor u kaceysa ayadoo maalinta ugu
horeysa ay gaarto 37.5Co ilaa 38Co maalinta labaad qandhada waxay gaartaa 38.5Co
ilaa 39Co qandhada si tartiib tartiib ah ayey hoos ugu dhacdaa maalinta sedexaad ee
jirada
๐ง๐ฟ๐ฒ๐ฎ๐๐บ๐ฒ๐ป๐
Waa inaad si deg deg ah u geysaa isbitaalka si uu helo nasasho iyo daawo
1) Daaweynta waxaa ka mid ah in la siiyo cabitaan fara badan iyo cunno jilicsan
2) Hadii aad canuga ku aragto calaamadaha dhego xanuunka sii antibiotic
3) Hadii aad ku aragto calaamadaha Oofwareenka ama maskax garaadka (pneumonia or meningitis) ama xanuuno daran ee caloosha ah raadi gargaar dhaqtarnimo oo wanaagsan.
๐ฃ๐ฟ๐ฒ๐๐ฒ๐ป๐๐ถ๐ผ๐ป
1) Ka hortaga ugu wanaagsan ee cudurkan waa in la tallaalaa caruurta oo dhan.
2) Cudurkan haddii hal canug lagu arko waa in la tallaalaa caruurta oo dhan.
3) Canuga qaba cudurkan jadeecada waa in laga fogeeyaa caruurta oo dhan..
Share dheh oo lasi wadaag asxbtada kale