13_faaaido oo liin dhanaanta laga helo :-
1- Liin dhanaantu waxaa aad ugu badan fitamiin C-ga, ( vitamin C ) fitamiinkaan oo xoojiyo difaaca jirka ( boosts immunity ), lana dagaallamo infekshanka ay feyrasyadu keenaan sida Hergabka iyo Ifilada,
2- Liin dhanaantu waxay caawisaa shaqada beerka, ( liver function ) waxayna dhalaalisaa waxyaabaha halista ku ah, sida aashitada ( Uric Acid ) , waxay kaloo mishaa dacarta, sidaas daraadeed waxaa lagu taliyaa in qofka uu subaxii hore cabo biyo liin dhanaan oo qandac ah si beerka u nadiifismo.
3- Liin dhanaantu waxay nadiifisaa mindhicirrada, waxay kordhisaa dubaaxinta mindhicirrada ( peristalsis movement of intestines ) si ay jirka uga saaraan waxa mindhicirrada ku dhex jiro, waxay kaloo la dagallantaa gooryaannada caloosha ku jiro.
4- Liin dhanaantu waxay daawo u tahay cudurka cirid dhiigga “Scurvey”,( gum bleeding ) xanuunkaan oo aad ugu badan badmaaxayaasha, waxaa lagula taliyaa inay liin dhanaan ku filan ay u qaataan safarradooda bada.
5- Liin dhanaanta waxaa ku jiro aashitada loo yaqaano “Citric acid” tan oo jirka ku caawiso inay misho ama dhalaaliso dhagaxaanta ku samaysmo xameetida ( gallstones ) iyo kilyaha, ( kidney stones ) dadka ay ku soo laalaabtaan dhagaxaanta kilyaha iyo xameetida waxaa lagu booriyaa inay cunista liin dhanaanta joogteeyaan.
6- Qolofta liin dhanaanta waxaa ku jiro maaddo loo yaqaano ( Tangeretin ) taaas oo caawiso dadka qaba xanuunka laleemada ( Parkinson’s disease )
7- Liin dhanaantu waxay xal u noqotaa cabburka iyo oksajiin yarida, waxayna siisaa jirka awood uu oksajiin yar ku noolaan karo, arrintaan oo la ogaaday markii uu ku guuleystay ninkii ugu horeeyay oo gaara cirifka buurta ( “Mt. Everest” ) oo sheegay inuu liin dhanaan kaliya cuni jiray inta uu safarka buurta ku sii jiray!.
8- Liin dhanaanta waxay xoojisaa xididada, waxayna yaraysaa halista inay xidida dillaacaan ama qofka dhiigbax jirka gudihiisa ku dhaco, khaasatan dadka qabo dhiig-karka ( hypertention ) ...
9- Liin dhanaantu waxay wanaajisaa aragga, iyadoo daawo u ah xanuunada ku dhaca shabakadda isha ee ( “Retina” ) waxaana la ogaaday inay sabab u tahay maado liin dhanaanta ku jirto oo loo yaqaano ( “Rutin” )
10- Liin dhanaantu waxaa ku jiro maadooyin kansarka la dagaallamo, kuwaas oo alle ku abuuray liin dhanaanta, howsha badan ey qabtaan waa hakinta ama joojinta tarmidda unugyada kansarka.
11- Liin dhanaantu waxay jirka siisaa nafaqo kala duwan oo iskugu jirto, fitamiin c, fitamiin b, kaalsiyam, birta, magniisiyamta, bootaaisyamta iyo kuwa kale oo badan.
12- Liin dhanaantu waxay nuurisaa maqaarka qofka, waxaana loo adeegsadaa in jirka looga baab’iyo haaraha wajiga noocyadooda kala duwan, waxaana taariikhda la sheegaa in dadka shiinaha ay caruusooyinka ugu qubeyn jireen liin dhanaanta dhowr maalmood ka hor inta aan la aroosin!, waana arrin cilmibaarista lagu arkay in liin dhanaanta ay maqaarka ka baab’iso haaraha, iftiina u kordhiso, unugyada dhintayna ay ka saarto jirka.
13- Liin-dhanaantu waa jeermis dile awood buuxa leh, waxay la dagaallantaa caabuqa bakteeriyada iyo fayrasyada qaar oo ay ku samayso waxa loo yaqaano ( “inactivation )
No comments:
Post a Comment