𝗖𝗮𝗮𝗱𝗼 𝗪𝗮𝗿𝗲𝗲𝗿𝗸𝗮
Waa sababta wareega dhiiga caadada ay usoo daahdo ama ay u soo dhaqsato ama gabi ahaan loo waayaa Waa qasab in aad ka welwesho sababta uu kaaga soo daaho dhiiga caadada?
In aad weydo gabi ahaan caadada ama ay kaasoo daahdo sababo badan ayaa keeni kara marka laga yimaado in aad uur leedahay waqtiga uurka waa wax dabiici in ay kaa maqnaato caadada.
Wax yaabaha ugu caansan ee sababa caado wareerka waxey ka yimaadaan isku dheeli tirnaanta ku timaada dheecaanada taranka labo jeer ayey caadi tahay in waqtiga caadada ay ka wareerto sida waqtiga qaangaarka oo ay caadadu ku cusubtahay Iyo waqtiga ay hooyadu dhalmo dayso oo da,deedu ay ka weyntahy 40 sano
Wareega saxda ah ee cadada waa in ay 28dii bariba ay ku timaadaa halmar waxaa sidoo kale caadi ah inta u dhaxeysa ilaa iyo 21 bari ilaa iyo 35 bari inta udhaxeysa in ay kutimaado
Hadii ay 35 bari ka badan ay kaa maqnaato ama 20 bari ka yar ay ku timaado waxaa macquul ah in uu xanuun jiro
Wax yabaha sababi karo caado wareerka
1 Walbahaarka (stress)
2 Miisaanka jirka oo aad u hooseeya
3 Miisaanka aadka ubadan
4 Jirka oo dhiicanada kubata
5 Daawooyinka uurka ka hortaga
6 Xanuunka Sokorowga ama macaanka
7 In ay kugu so dagdagto xiliga caadadu ay go ilaheyd
8 In ay dhibaato kajirto qanjirka (tyroid)
Dumarka qatarta ku jiro in oo ku dhaco caado wareerk
1 Dumarka cayilka xad dhaafka ah qabo
2 Dumarka walwalka badan
3 Dumarka qabo cudurada ku dhaco qanjirada
4 Dumarka aan qaadan cuno isku dheeli tiran
5 Dumarka isticmaalo sigaarka
Sidee loga hortagaa caado wareerka
1 Qaado cunooyin isku dheeli tiran
2 Qaado cunooyin aan baruurta ku badneen
3 Qaado waqti fiican oo nasiino ah
4 Iska yareey walwalka iyo walaaca
5 Yarey ciyaaraha iyo jimicsiga xad dhaafka ah
Hadii aad calaamadahaan la kulanto fadlan booqo dhaqtarka
1 Dhiig farabadan
2 Qandho iyo xanuun aad udaran
3 Dhiig socda 7 bari wax kabadan
4 50 sano adigoo kaweyn hadii uu dhiig uu dhiig kaa yimaado
𝗦𝗵𝗮𝗿𝗲 𝗱𝗵𝗲𝗵 𝗼𝗼 𝗹𝗮𝘀𝗶 𝘄𝗮𝗱𝗮𝗮𝗴 𝗮𝘀𝘅𝗯𝘁𝗱𝗮 𝗸𝗮𝗹𝗲
Abdikadir M. Abdullahi
No comments:
Post a Comment