Wednesday, June 3, 2020

Daweynta Gaaska iyo Cunnooyinka la rabo in la cuno halkan kaga BOGO

Daweynta Gaaska iyo Cunnooyinka la rabo in la cuno halkan kaga BOGO
......✓✓✓✓

Fadlan share garee si ay u gaadho dadka la dhiban xanuunkan gaaska.

Daawaynta Gaaska dhanka dawada...

Si loo daweeyo dhibaatooyinkii uu keenay iyo calamadaha uu qofku dareemayo, waxaana kamid ah dawoyinka ,Omeprazole/ lansoprozole/ eprix/ dompridone/ aluminum sulfate/ misoprostol/ metronidazole/ iyo kuwo kale. 

Fiiro gaar ah 

Dawooyinkaan waxa ay isugu jiraan kuwo bacteriyada gaaska lagula dagaalamo, kuwo xoojiya/ kuwo dhaawaca caloosha yareeya/ iyo kuwo dhecaanada dheefshiidka yareeya.

Markii uu qofku dawooyinkaan qaato oo uu ka bogsoodo gaaska  hadii uu sii wadao dawadii waxa uu la kulmi karaa xaalado ay sababeen dawooyinka waxaana kamid ah.

Xanuun lafaha ah oo ku bilaabta qofka dawada gaaska waqti dheer wada dheecaanka dheefshiidka oo yaraada, iyo hurdo laaan.

Si xaaladahaan looga gaashaanto  qofku marka uu ku caafimaado dawada gaaska waa in uu joojiyaa taa badalkeedana si uusan ugu soo laaban sidaan sameeyaa.

Cuntada koobaaad ee gaaska lagu daweeyo.
Isticmaal toon maxaa yeelay toonta waxa ay awood u leedahay burburinta bacteriyada iyo fungalka.

Si aad ahna waxa ay ugu wanaagsantahay bacteriyada gaaska keenta ee (h.pylori)
Waxaa laga yaabaa in aadan isku taxalujin laakiin waa dawo si fudud aad u isticmali karto aadna u yareyn doonta gubashada qalbiga iyo boga.

Marka hore qolofta toonta qaado oo ha iska badin wax yar rug sidaa ku wad kadib maalmo kordhi oo wax yar jabso kadibna joogtay insha allah waad ka guulaysandoontaa gaaska.

Cuntada labaad ee gaaska lagu daweeyo.

Isticmaal dawooyinka bogsiiya dhaawaca caloosha yareeyana calamadaha gaaska.

Waxaa kamid ah sanjabiil waliba nuuca qoyan ee meelaha dawooyinka dabiiciga ah lagu gado taalaa.

Tufaaxa la shiiday ee cabitaanka loo diyaariyay
Sacafaraanka qudaarta lagu kalar badalo.

Cananaaska nuuciisa aan la shiidin ee qudaarta ah

Karootada cabitaan ahaan oo la badsado

Caleenta cagaaran ee shaaha.

Sidaa oo kale wax aaad isticmaali kartaa cuntada uu fitamin A ku badanyahay sida beerka, begelka, karootada, sabiibka iyo kuwo lamid ah.

Maxaa yeelay fitamin A waxa uu muhiim u yahay shaqada caloosha iyo soo kabashada dahaarka caloosha.

Cuntada sedaxaad ee gaaska.

Ka fogaaw cuntada ama cabitaanka kugu kiciya calaamadaha gaaska.

Dadka qaar waa ay garanayaan waxa ku kiciya gaaska hadana iskama deynayaan taasina waa mushkilo uu qofku keensanayo hadana uu xanuunkii kacabanayo.

Hadii aadan aqoon nuuca cunto kugu kiciya waa ay fududahay garashadiisa.

Ilaa labo isbuuc qor cuntada ama cabitaanka  aad isticmaashay iyo saacada aad isticmaashay habeen iyo maalin kadibna qor xiligiga aad calaamadaha dareentay.

Kadib qiyaas xariirka ka dhaxeeya cuntadii aad isticmaashay iyo calaamadaha aad la daristay.
 kadibna xaqiiji cuntada kugu keentay markalena ha isticmaalin.

Tusaale:  baasto ayaad basbaas ku cuntay kadib saacado waxaad aragtay kuleel badan iyo wadna garaac, waad xaqiiqsan kartaa waxa kugu keenay.

Tusaale kale:  waxa aad isticmaashay cocacola iyo pizza  kadib saacado waxaad dareentay lalabo kuleel iyo wadna garaac , dib ayaad u xasuusatay waxaad isticmaashay waana aad ogaatay waxa ku haya iyo waxa kugu kiciyay.

Cuntada afaraad ee gaaska.

Xaqiiji in aad cuntadaada si dhab ah u badashay oo aadan ku ekaan waqti gaaban.

Hadii aad rabto in aad si toos ah uga guulaysato gaaska waxaa dhab ah in lagaa rabo badalid nololeed.

Cun raashin isu dheeli tiran kana kooban raashinka qolofta leh iyo qudaarta cagaaran iyo mida miraha ah ee aan warshadaha soo marin.

Cuntada shanaad ee gaaska.

Ugu danbayn ha isticmaalin cuntadaan oo ka fogaw waxyeelada dheefshiidka iyo difaaca jirkaaaga.

Ha cunun cuntadaan.
Basbaaska
Sabuulka 
Cuntada la qamiiriyay
Digirta iyo salbukada
Shukulaatada
Cabitaanada ashitada leh sida cocacola
Cuntada warshada soo martay
Kafeega
Kuntada saliida ama baruurta leh.

 Dr Cabdiraxmaan Maxbuub.
Balanteenu waa Soomaali Caafimaad Qaba.

Monday, June 1, 2020

waxbadan ka ogaw qoyaanada aan caadiga ahayn ee ka yimado xubinta taranka dumarka.

waxbadan ka ogaw qoyaanada   aan caadiga ahayn ee ka yimado xubinta taranka dumarka

qoyaanada aan caadiga ahayn ee ka yimaado xubinta taranka dumarka 

qoyaanada aan caadiga ahayn ee ka yimaado xubinta taranka dumarka waa qooyaan leh ur aan caadi ahayn iyo midab aan caadi ahayn 
qoyaanadaas inta badan waxaa la socdo cun cun iyo xanuun 

hadaba maxaa sababo qoyaanada aaan caaadiga ahayn ee ka yimaado xubinta taranka dumarka 

waxa ugu badan ee sababo qoyaanada aan caadiga ahayn ee ka yimaado xubinta taranka dumarka waa caabuqa loo yaqaan yeast infection iyo bacterial vegenosis sido kale waxyaabaha sababo qoyaanka waxaa ka mid ah marka dumarka dhalmada gooy rabaan waxaa la arkaa qoyaan yimaado lakΓ¬in qoyaankaas wax dhibaato ah malahan 

sido kale qoyaanka ka yimaado xubinta taranka dumarka waxay calaamad u noqon karaan qaar ka mid ah cudurada galmada ku faafo 
 
waxyaabaha kale ee sababa  qoyaanka aan caadiga ahayn waxaa ka mid ah 

1-kansarka ku dhaco afka hore ee minka 
2-kansarka ku dhaco xubinta taranka dumarka
3-isku furanka 
4-dhalmo gooynta dumarka

waxyaabahan soo socdo midkood haddii aad aragto waxaa muhiim ah in aad dhaqarka aado 

1-qoyaaan cagaaran ama jaalo ah ama aad u adag 

2-xubinta tarankaa aad u ureeso 

3-gaduud 'cun cun gobasho hadii aad ka dareento xubinta taranka 

4-hadii aad aragto dhiig bax yar aan xariir lalaheen waqtiga caadada 

dumarka qatarta ku jiro in ka yimaado qoyaanka aan caadiga ahayn waxaa ka mid ah 

1-dumarka isticmaalo qalajiyayaalka tirada badan 

2-marka sare u kaco heerka hormonka estrogen gaar ahaan xilliga uurka 

3-dumarka qabo cudurka sokorta hadana aan la xakameen 

4-dumarka difaaca jirka hooseyo

sidee loga hortagaa qoyaanka aan caadiga ahayn ee ka yimaado xubinta taranka dumarka 

1-ilaali nadaafada xubinta taranka adigoo isticmaalayo saabuun aan caraf badan laheen iyo biyo fara badan si aad u ilaaliso nadaafada 

2-isticmaal nagis kugu haboon waxaa wanaagsan in hareeraha xubinta taranka markasto ahaato mid qalalan nagiska ugu wanaagsan waa midka suufka ka sameesan
sido kale waxaa wanaagsan marka aad seexaneso in aad seexato nagis la aan 

3- marka aad qubeesato ka dib waxaa wanaagsan in aad qalajiso xubinta taranka

4-ha xeran dhar kugu dhagan dharka kugu dhagan waxay keenaaan dhidid fara badan iyo qandac waxayna kicin karaan caabuq 

5-si joogto ah u badal nagiska iyo waxyaabaha kale aad isticmaasho xilliga caadada

W/Q talooyin caafimaad 

Abdikadir M. Abdullahi 

Wednesday, May 27, 2020

DHEECAANKA KUJIRA MASKAXDA IYO LAF-DHABARTA CSF-TA




Waa dheecaan ka mid ah jirka bani’aadanka waa dheecaan sida biyaha oo kale nadiif u ah oo ku wareegsan maskaxda iyo gunta laf dhabarta, kaasoo wada gaara dhammaan gododka maskaxda oo idil iyo kannaalka gunta laf-dhabarta, maskaxda waxay dul sabbaysaa dheecaankaan oo markaas aad qafiif uga noqota culayskeeda caadiga ah, maskaxda iyo gunta laf dhabarka dheecaanka ku wareegsan ee quudiya waxa loo yaqaana cerebrospinal fluids, sidaa daraadeed maskaxda waxa lagu riixaa basada agagaarkeeda marka madaxa si xad-dhaaf ah loo dhaq- dhaqaajiyo maskaxda waxa ku dahaaran xuub loo yaqaano meninges.

Meanings waa seddax xuub oo ku yaala kannaalka u dhexeeya basada madaxa iyo fiinta ricirka lafaha laf dhabarta sameeya kuwaas oo ku dahaaran maskaxda, xuubkaan waa kala adag yihiin oo kan ugu horeeya ayaa ugu adag waxana loo yaqaanaa dura-mater kan hoose iyo kan dhexe waa ay ka jilicsan yihiin kan kore kan dhexe waxaa loo yaqaanaa arachnoid halka kan hoose loo yaqaano pia-mater kan dhexe iyo kan hoose waa meesha laga helo dheecaanka loo yaqaano cerebrospinal fluids.


Cerebrospinal fluids: waxa soo saara waxa loo yaqaano choroid plexuses, choroid plexuses wuxuu ku yaalaa maskaxda wuxuna ka kooban yahay blood vesses iyo epithelial tissue waxana loo yaqaanaa ependymal cells, ependymal cells ka wuxuu isku xiraa cerebral ventricles iyo spinal cord, ependymal cells ka waa nooc ka mid ah nervous tissue oo ah cadka dareen wadka oo loo yaqaano neuroglia wuxuuna soo saaraa dheecaanka loo yaqaano cerebrospinal fluids.

Ependymal cells ka wuxuu kale oo ka qayb qaadtaa inuu filtareeyshan ku sameeyo biyaha iyo waxyaabaha kale oo kasoo gudba dhiigga, taasi waxa ka qayb qaadta xuub loo yaqaano Blood Brain Barrier, waa xuub ku wareegsan unugyada maskaxda oo shaqadeedu tahay inay kala soocdo wareega dhiigga ee soo gaara maskaxda si ay u sii dayso waxyaabaha dareeraha ah waxay kaloo dib u celisaa wixii adag oo aan dareerin.

Cerebrospinal fluid: wuxuu qabtaa seddax shaqo oo aad muhiim u ah:

Wuxuu difaac u yahay maskaxda iyo gunta laf dhabarta wuxuuna ka difaacaa in ay soo gaarto jug ama dhaawac.

Waxay quudisaa hab dhiska unugyada dareen wadka ee jirka bani,aadanka (nervous system)

Waxay ka qayb qaadataa inay kasoo saarto waxyaabaha wasaqda ah maskaxda.



Sidee Loo qaadaa dheecaanka cerebrospinal fluids?

Sawirkaan wuxuu ku muujinaa sida laf dhabarta looga qaado dheecaanka loo yaqaano cerebrospinal fluids. Dheecaanka cerebrospinal fluid ka marka la qaadaayo waxa habboon in uu qaado qof aqoon u leh ama khibrad sare u leh sida loo qaado sababtoo ah qofkasta ma iska qaadi karo dheecaankaan waxa laga qaadaa laf-dhabarta gaar ahaan laf-dhabarta laf xangulaha tan 3aad, 4aad ama tan 5aad inta u dhexeysa ayaa laga qaadaa dheecaanka loo yaqaano cerebrospinal fluids.

Dheecaankaan marka laga soo qaado qofka bukaanka ah waxa lagu shubaa ilaa iyo seddax dhalo ama (tubes), seddaxda dhalo mid kasta waxa laga baaraa cudur gaar ah waxana loo samaynaa calaamad lagu garto dhalo kasta (tube) tusaale ahaan 1,2,3.

Dhallada kowaad waxa u isticmaali kartaa in aad ku samayso baaritaan sida in aad ka baarto waxyaabaha kiimikaaliska ah ee ku jirra dheecaanka CSF-ta (chemical) iyo serological test, serological test waxa ka mid in aad ka baarto sokor ama borotiinka ku jira CSF-ta.

Dhallada labaad waxa u isticmaali kartaa in aad ka baarto waxyaabaha ilma aragtada ah (microbiology) sida virus, bacteria iyo funga sidoo kale waxa u isticmaali kartaa in aad beerto ama koritaan ku samayso (culture) si aad u ogaato jeermiska ku jira dheecaanka CSF-ta


Dhallada seddaxaad waxa u isticmaali kartaa in aad ka baarto cell count, waa marka aad rabto inaa xisaabiso inta unug ee ku jirta dheecaanka sida unugyada cas cas iyo unugyada cad cad ee dhiigga.



Muuqaal ahaan siduu u ek yahay dheecaanka cerebrospinal fluids:

Muuqaal ahaan marka la fiirinaayo dheecaanka cerebrospinal fluids waa sida biyaha oo kale waa mid nadiif ah oo qafiif ah (crystal clear) haddii uu muuqaalkiisa is badalo oo uu noqdo sida caanaha oo kale waxa jira cudur.

Cerebrospinal fluids: waxyaabaha ku jira waxa ka mid protein iyo glucose, borotiinka ku jira dheecaanka cerebrospinal fluids wuxuu gaaraa 15-45 mg/dl borotiinka ugu badan ee ku jira cerebrospinal fluids waa Albumin kan ku xigane waa pre-albumin laakin sida caadiga ah IgA, IgM, fibrinogen iyo beta lipoprotein lagama helo dheecaankaan haddii lagu arko borotiinadaan waxa jiro cuduro.


Haddii uu badto borotiinka ku jira cerebrospinal fluid ka wuxuu dhibaato u gaysan karaa xuubka maskaxda blood brain barrier waxa kale oo jiri kara infections sidoo kale meningitis iyo hemorrhage ayaa lagu arki karaa qofka labadaan cudur waxay dhibaato u geystaan xuubka maskaxda ee loo yaqaano blood brain barrier.

Xasuus:

Meningitis: Waa xanuun ku dhaca maskaxda waxa sababa noole aad halis u ah taasoo ku dhaca seddaxda xuub ee daboola maskaxda, badanaa waxay ku dhacdaa ilmaha oo lagu arko madax xanuun aad u daran, qandho, cunto xumo iyo iftiinka oo dhiba, waxa kale oo lagu arkaa qoor adeeg aan la dhaq dhaqaajin Karin iyo matag joogta ah oo sababa geeri.

Haemorrhage: waa dhiig bax ka timaada gudaha ama banaanka jirka oo ka dhalata xidid dilaacay.

Xididada dhiigga waxay u qayb samaan mid weyn iyo kuwa yar yar, haddii kuwa yaryar ay dhib soo gaaraan waxaa dhici karta in dhiig baxooda wax dhib ah uusan gaysanin, laakin xididada waa weyn ee jirka sida halbowlayaasha haddii ay dilaacaan aad ayey halis u tahay oo waxa dhici karta qofka inuu la dhinto dhiig-bax ka dhasha xaaladaas.

Cerebrospinal fluids waxa ku jira sokor (glucose) sababtoo ah sokorta marka ay dhiigga soo gasho waxaa ku dhacaayo (circulation) macnaha waxay gaareysaa jirka oo dhan marka ay gaarto maskaxda 65 ilaa 70% waxay ka gudbaysaa maskaxda, maskaxda waxa ku yaala xuub loo yaqaano blood brain barrier xuubkaas waxa ka gudbi kara oo kelliya waxyaabaha dareeraha ah laakin glucose waxay uga gudbaysaa qaab selective transport ah.

Sokorta laga baaro cerebrospinal fluids iyo sokorta laga baaro plasma aha isku mid ma’ahan bukaanka marka aad rabto in aad cerebrospinal fluids aad ka baarto sokorta waxa habboon in aad dhiiggane ka baarto, cerebrospinal fluids iyo dhiigga halmar ayaad ka baareysaa.

Tusaale: bukaanka haddii ay sokorta dhiiggiisa noqoto 300 mg/dl sokorta ku jirta cerebrospinal fluid waxay noqonaysaa ku dhawaad 215 ilaa 230 mg/dl, haddii ay hoos u dhacdo sokorta ku jirta cerebrospinal fluid qofkaas wuxuu qabi karaa meningitis sidoo kale waxa kor u kacaayo WBC count waxa keeni kara bacteria ama virus.

Xasuus:

Ricir: waa lafo gaaggaaban oo xoog leh oo dhexda ka daldaloola oo korka iska saarsaaran oo laf dhabartu ka samaysan tahay.

Fadlan Sii #Share Gareeya

Sunday, May 24, 2020

DHIDIDKA XILLIGA HURDADA



Sleep Hyperhidrosis : Waa xaalad uu qofku dhidido marka uu seexdo (Hyperhidrosis and Focal Hyperhidrosis) . Dadka qaarkood waxa laga yaaba in ay isku arkaan dhidid xad-dhaaf ah wakhtiga ay seexdaan sidoo kale waxaa suurto gal ah in ayna ka caban dhidid xad-dhaaf ah laakiin ay tilmaamaan in ay dhididaan wakhtiga ay hurdaan.
Xaalada ugu badan ee sababta in ay dumarka ka wayn da'ahaan 40-ku dhididaani waa isbadalada ku dhaca hormoonada jidhkeeda kuwaaso calaamad u ah in gabadha ay caadadu ka joogsanayso (Menopause and Premenopause)
Dhididka habeenkii la dhididaa waa calaamad aan tilmaamayn dhibaato badan laakiin marmarka qaarkood dhididka habeenkii la dhididaa waa mid kamid ah calaamadaha tilmaama cudurada halista ah
Sidaa daraadeed waa muhiim in la garto oo la aqoonsado sababta saxda ah ee qofka dhididka ku sababaysa sidoo kale inta aanu dhakhtarku baadhitaano galin waa in uu waydiiyaa bukaankiisa
Goobta aad ku nooshahay ma goob kulul ama diirran baa ?
Sariirta ama goobta aad seexataa ma meel aad u diirranbaa ama aad u kulul ?
Marka aad seexanaysid ma waxa aad isticmaashaa dhar badan iyo bustayaal badan ?
Dhididka la xidhiidha caabuqyada waxaa lagu aqoonsan karaa waa dhidid radiya oo  qooya go'a sariirta saaran iyo ashyaada uu qofku huwan yahay marka uu hurdo (Drench Sleepwear and Sheets) laakiin dhididkani lama xidhiidho jawi kulul ama jawi qabaw
Cudurada dhididka sababa waxaa kamid ah :
1. Cancer : kansarada qaarkood sida Lymphoma iyo Leukemia
2. Infections : Caabuqyada qaarkood sida Aids-ka , TB-da , Mycobacterium Avium-Intracellulare Infection , Infectious Mononucleosis iyo sidoo kale caabuqyada ay sababaan jeermisyada fungus-ku sida Histoplasmosis , Coccidioidomycosis , iyo qaar kale (Brucellosis , Lung abscess iyo Infective Endocarditis )
3.  Endocrine Disorders: Khal-khal ku dhaca hormoonada sida xanuunka macaanka , xanuunka kacsanaanta qanjidhka Thyroid-ka ,  burooyinka Pheochromocytoma , carcinoid iyo sidoo kale joogsiga dhiiga caadada da'da 40 ka iyo wixii ka sareeya
4. Rheumatic Disorders : Lafo- xanuunada qaarkood sida Takayasu's arteritis iyo Temporal arteritis
5. Antipyretics : Daawooyinka xummad jabinta iyo daawooyinka Uurka iyo waliba daawooyinka dhiig-karka
Intaaso kaliya ma aha sidoo kale waxaa jira cuduro kale sida Obstructive Sleep Apnea , Gastroesophageal reflux disease , Chronic Fatigue Syndrome , Fibromyalgia , Granulamatous Disease , Chronic Eaosinophilic Pneumonia , Lymphoid Hyperplasia , Diabetes Insipidus , iyo Prinzmetal's angina kuwaaso dhamaantooda sababa dhididka habeenkii marka la hurdo .

Thursday, May 21, 2020

CAANUHU DAAWO MA U YIHIIN GAASKA

CAANUHU DAAWO MA U YIHIIN GAASKA?

Gaasku waa boog ku sameysanta xuubka hoose ee caloosha,tuubada cuntadu ay marto iyo qaybta sare ee mandhicirka.

Waxyaalaha keeni kara boogtaas in ay ku sameysmato caloosha waxaa kamid ahaa

HCL-Acid oo ah acidkii loogu talo galey in cuntada lagu dheefshiido oo caloosha ku bata dabadeed xoqa xuubka hoose ee caloosha ama kusoo butaacda tuubada cuntadu ay soo marto  sidaasna ay boog ku noqoto meesha.

Waxaana si aad ah usii danqiya boogtaas marka caloosha lagu soo siidaayo HCL-Acid si cuntada meesha soo gashey loo shiido
Sidaasna boogtii ay ku gaarto acidkii adigana aad dareento in nabar aad u kulul uu ku hayo,

Hadaba su'aasha waxa ay tahay Caanuhu daawo ma u yihiin Gaaska?

Caanaha marka aad cabto Gaaska oo kugu kacsan waxaad dareemaysaa raysasho
Lkn raysashadaasi ma ahan mid sii socon doonta waa mid ku meel gaar ah,

Xoogaa yar kadibna nabarkii mid ka culeys badan ayaa meeshii kasii soconaya,

Sababta aysan Caanuhu u noqon kareen mid sii raagta raysashadooda oo ay u noqonayaan kuwa xanuunkii sii saa'idiya xoogaa ka dib waa

Cuntooyinka aynu qaadano ayaa waxaa loo qaybiyaa labo qaybood oo kale ah kuwa ah Acid iyo kuwo kasoo horjeeda acidka oo loo yaqaan  Alkaline

Calooshu waa bay'o ay ku badantahay Acidka hadii ay Acidku ku yaraantana waxa ay dalbataa in Acid dheeraad ah loo soo diro maadaama uu Acidkii ku yaraadey,

Caanuhu iyaguna waxa ay yihiin Alkaline oo kasoo horjeeda Acidka,

Hadaba marka nabarku uu ku qabanayo waxaa weeye calooshaada ayaa Acidkii ku batey sidaas ayaa Acidka uu ugubayaa boogta gaaska markaas ayaadna xanuunka dareemaysaa,

Kadib adigoo marxaladaas caloosha uu ku batey acidka ku sugan ayaa waxa aad cabtey Caano dabadeed caanaha oo ka koobnaa Alkaline ayaa calooshaada tagey,
Alkalinekii caanaha ku jirey ayaa isla markiiba la falgaley Acidkii caloosha ku jirey dabadeedna wuu barxayaa oo
calooshana waxa ay noqonaysaa markaas bay'o Alkaline ah,

Markaas ayaad dareemaysaa raysasho iyo qabow maadaama Acidkii caloosha kaa yaraadey.

Dabadeed maxaa xigi doona?

Xoogaa yar kadib marka aad caanaha cabtay oo Aad raysatay calooshiina ay noqotey bay'o Alkaline ah
ayaa  calooshii waxa ay dirsanaysaa gurmad si loogu soo sii daayo Acid aad u fara badan ee calooshii Caanuhu ay ka qabsadeen ee alkaline ka laga dhigey si ay dib ulasoo wareegto oo ay bay'o Acid ah ugu soo celiso,
Waxaana loo soo dirayaa Acid badan caloosha,
meeshaasna waxaa ka baxaya caanihii alkaline ka ahaa

Boogtii  gaaska waxaa gaareysaa Acid aad u fara badan dabadeed way sii qodmaysaa boogtu xanuunkuna waa kugu sii dheeraanayaa waqti yar kadib markaad caanaha cabtey.

Marka waxa aynu caawa si fudud u dhihi karmaa Caanuhu gaaska daawo uma ahane ee waxa ay kugu dirayaan gaaska.

Waxaa filayaa in aad i fahanteen caawa kadibna aad ogaan doontaan in caanuhu aysan daawo u ahayn gaaska oo ay u yihiin raysasho kooban oo kumeel gaar ah dabadeed kaaga sii dari doona waxyar kadib.

U #SHARE gareeya asxaabtiina

Mahadsanidiin

Tuesday, May 19, 2020

WAX WALBA OO AAD UGA BAAHANTAHAY IN AAD KA OGOOTO BEER SUBAGGA/DHIIG SUBAGGA AMA KOLESTEROOL (CHOLESTEROL)

WAX WALBA OO AAD UGA BAAHANTAHAY IN AAD KA OGOOTO BEER SUBAGGA/DHIIG SUBAGGA AMA KOLESTEROOL
(CHOLESTEROL)

Kolestaroolka ama beer subagga waa nooc ka mid ah dufanka Waana shey dufan leh oo beerkaagu uu u soo saaro si dabiici ah Waxayna muhiim u tahay sameynta unugyada hormoonnada qaarkood, iyo fitamiin D.,

Hadii uu jirka ku bato dufankaas ayuu halis ah khatar ah galin karaa naftaada,

CALAAMADAHEE LAGU ARKI KARAA QOFKA QABA BEER SUBAGA?

Inta badan dadka qaba xanuunkan wax calaamad ah kama soo muuqato waana sababta dad badan oo xanuunkan qaba aysan is ogeyn ilaa uu ka noqdo mid keena dhibaato ah halis ah sida in uu wadnuhu istaago ama maskaxda uu istaroog uu ku dhaco,

Waana sababta qof walba oo jira 20 sano ama ka weyn dhakhaatiirtu ay kula taliso 6dii sanaba mar kamid ah in uu iska baaro xanuunkan maadaama xanuunkan uu yahay mid qarsoon inta hore,

MAXAA SABABI KARAA BEER SUBAGGA?

Cunista cuntooyinka baruurta badan iyo cunista cuntooyinka saliida lagu shiiley sida jibista, hanbeegarka hilbaha ku jira iyo dhamaan hilbaha la shiilo ayaa sababi kara beer subbaga,

Sidoo kale waxaa sababi kara isticmaalka tubaakada,sigaarka iyo mukhaadaraadka dhamaan, iyo jimicsi la’aanta ayaa keeni karta,

Sidoo kale waxaad ka dhaxli kartaa waalidiintaa iyo qaraabada kuu dhaw hadii uu ku dhacay xanuunkan isaga oo kuu soo maraya hido sidayaashaada,

In aad kelyaha ka jirantahay ama dhibaato qanjirka thyroid ah aad qabto ayaa sababi karta xanuunkan,

Sidoo kale in aad tahay qof cayilan ayaa sabab u noqon karta in aad qaado xanuunkan,

SIDEE DHIBAATO U KEENI KARAA HADII DUFANKA KOLESTOROOLKA UU JIRKAADA KU BATO?

Hadii aan horey laga ogaan in aad qabto xanuunkan waxa ay sababeysa dufankaas xeyr ka sameysan in uu ku uruuro halbawlayaasha dhiiga qaada taas oo sababeysa in uu uu dhuubto halbawlihii meeshaasna uu ka dhasho xanuunka la yiraahdo (atherosclerosis),

atherosclerosis waa xaalad aad qatar u ah oo yareenaysa qulqulka dhiigii ee dhex maraayey halbawlayaasha halkaasna halbawlihii dhexdiisii ay xinjiri ku sameysmanto, kadibna ay ka dhalato in uu xinjirihii ay tagaan xididida maskaxda halkaasna ay maskaxda ka xiraan dhiiga, meeshaasna uu ka dhasho xanuunka loo yaqaan istorooga ee loo dhinto,

Sidoo kale xinjirihii waxay xirayaan xididada wadnaha taas oo sababaysa in wadnuhu uu gaari waayo dhiig ku filan sidaasna uu shaqada ku joojiyo dabadeena dhimasho ay timaado,

Sidoo kala dufankaan waxa uu sababi karaa in uu qaso habka sii deynta dheecaanka bile ka loo yaqaano dabadeena halkaas uu ka sameyso dhagaxaan ku uruurta xamaytida,

Waxa kale oo ka dhalan kara maadaama halbawlayaashii dhiigu ay dhuub-dhuubteen in uu siyaado cadaadiska dhiiga sidaasna uu dhiikar qofku u qaado,

Waxa kale uu sababi karaa xanuunkan in kelyuhu ay hawlgab noqdaan

SIDEE HOOS LOOGU DHIGI KARAA DUFANKA KOLOSTEROOLKA HADII AAD QABTO,

Hadii uu kacsanyahay dufanka kolosteroolka dhakhtarkaadu waxa uu kugu talinayaa in aad wax ka badasho qaabka nolashaada jimicsi aad samayso tubaakada iyo sigaarkaba aad iska joojisa iyo dhamaan mukhaadaraadka,

In aad ka dheeraato cuntooyinka saliida lagu shiiley sida jibista iyo hanbeegarka,

In aad ka dheeraato cunista hilibka cas ee xoolaha sida geela ariga iyo lo’da,

In aad ka dheeraato cunista ukunta nooc kasta oo ay tahay,

In aad ka dheeraato cuntooyinka Fast Foods ka loo yaqaano ee sida deg dega ah loo sameeyo,

In aad ka dheeraato cuntooyinka dufanka badan leh sida xubnaha hilibka xoolaha oo ay kamid tahay beerka iyo kelyaha, sidoo kale aad yareyso cunista jalaatada ICE Cream ee dufanka badan leh iyo sidoo kale farmaajada,

CUNTOOYINKEE U FIICAN IN AAD CUNTO?

In aad cunto cuntooyinka dahaarka sare leh sida digirta masagada iyo kuwa lamidka ah,

In aad cunto hilibka kaluunka iyo digaaga lkn aadan badsanin,

In aad qudaarta badsato cunisteeda,

Cunista toonta ayaa u fiican kolosteroolka in ay hoos u dhigto,

SIDEE LOO DAAWEEYAA XANUUNKAN KOLESTOROOLKA?

dhakhtarkaadu waxa uu kuu qorayaa daawooyin hoos u dhigaya dufankaas beerkana ka xadidaya in uu saaro dufan dheeraad ah,

Nooca ugu caansan daawoouinkan waxaa loo yaqaana STATINS oo ah nooc beerka ka joojinaya in uu soo saaro kolosterool badan,

SIDEE LOOGA HORTAGI KARAA XANUUNKAN?

in aad cunto cunto dheeli tiran oo aadan badsan baruurta cuntooyinka saliida lagu shiilo,
in aad miisaankaada hoos u dhigto oonaad iska ilaaliso cayilka badan,
in aad sameyso jimicsi mar walba
in aad iska deyso cunista mukhaadaraadka dhamaan, U SHARE gareeya Asxaabtiina oo gaarsiiya faaiidadaan ama halkaan uga wac qof aad la jeceshahay faaiidadan.......


Saturday, May 16, 2020

TIMIRTA IYO FAA'IDEEDA

Geedka barakaysan ee timirta waa geed ka baxa dhulka kulaylaha ah gaar ahaan dhulka aanay ku samaysmeyn badi dalagyada kale ee la quutaa, dhulka ay timirtu ka baxdo waxa kale oo la yidhaa lama dagaan, waana dhul saxare ah oo cimilo ahaana aad u kulul.

Timirtu waxa ay leedahay faa'iido badan waxana ay caawisaa qaybo badan oo kamid ah jidhka aadamaha. Haddaba faa'iidooyinka iyo mucjisada uu koobsaday geedka timirtu maaha mid qoraal lagu soo koobi karo laakiin waxa aynu xusi doonaa waxyaahaba ugu caansan ee laga dhaxlo isticmaalka timirta.

1. timirtu waxay aad u caawsa dheefshiidka jidhka  waxaanay yaraysaa calool istaaga(constipation).

2. timirtu waxay hoos yaraysaa caabuqa jidhka ku dhaca maadaamo ay ku jirto maado la dhaho (magniisum)

3. waxay faaido u tahay inay yarayso cadaadiska dhiiga

4. Waxay ka joojisaa in Ilkaha uu Suus galo, sababtoo ah waxa ku jirta Maadada "Fluoride"

5. Waxay daawaysaa Xanuunada Ciridka ku dhaca waxan laga helaa
 Vitamin C .

6.Waxay ka joojisaa in Ilkaha uu Suus galo, sababtoo ah
waxa ku jirta Maadada "Fluoride"

7. Waxay ka ilaalisaa Jidhka Sumaha waayo waxaa ku jira Maadooyinka Sodium, Potassium iyo Vitamin C.

8. Waxay daawaysaa Dhiig la'aanta sababtoo ah waxa ku jira Maadooyinka Iron, Copper iyo Vitamin B2.

9. Waxay daawaysaa Jil jileeca Lafaha oo waxa ku jira Maadooyinka Calcium, Phosphorus iyo Vitamin A

10. Waxay daawaysaa Appetite la'aanta, sababtane waa maadada Potassium-ka ee ku jirta.

Timirtu waa cunnada ugu haboon ee lagu furo soonka caafimaad ahaan sababtoo ah waxay u roontahay dheefshiidka, waana cunnada sida tartiibka ah calooshu u shiido.

waxaa intaa sii dheer inay dheecannada iyo fitamiinada jirka ku jiro ay isu dheelli tirto markuu qofka muddo gaajaysnaado, waxayna sare u qaadaa appetite-ka qofka iyadoo gaajada si dhakhso ah u yarayso.

 waxaa intaa sii dheer inay gaaska iyo aashitada caloosha ay ka ilaaliso inay dhaawac gaarsiiso dahaarka caloosha, sidaas awgeed waa in aan ku dadaalnaa in soonka aan ku afurnaa timir anagoo sunanda nabigeena suuban raacayno.


Wacyigelin ku saabsan Isnidhaamis (Scabies):

  Wacyigelin ku saabsan Isnidhaamis (Scabies): Isnidhaamisku (Scabies) waa mid kamid ah cudurrada faafa ee ku dhaca maqaarka kaas oo ay sa...