Sunday, December 6, 2020

Effect of smoking on health

 Habitual smoking can lead to a number of short-term consequences.

This includes:-

  • shortness of breath
  • impaired athletic performance
  • a coarse cough
  • poor lung health
  • bad breath
  • yellow teeth
  • bad-smelling hair, body, and clothes
    Smoking is also associated with many long-term health risks. It’s understood that smokers are much more likely than nonsmokers to develop all forms of lung cancer. It’s estimated that 90 percent of lung cancer cases are due to regular smoking. Men who smoke are 23 times more likely to develop lung cancer than men who have never smoked. Similarly, women are 13 times more likely to develop lung cancer than women that have never smoked.

Smoking also increases the risk of other lung-related illnesses such as COPD and pneumonia.
About 80 percent Trusted Source of all COPD-related deaths in the United States are due to smoking.

Regular smokers are also more likely to experience cancer of the:

  • pancreas
  • liver
  • stomach
  • kidney
  • mouth
  • bladder
  • esophagus
  • Cancer isn’t the only long-term health problem smoking can cause. Inhaling tobacco also impairs blood circulation.

This can increase your likelihood of:

  • a heart attack
  • a stroke
  • coronary artery disease
  • damaged blood vessels…






Source:
 @viral_medical

Friday, December 4, 2020

Wax badan ka ogaaw xiriirka ka dhaxeyo cunada iyo kansarka naasaha

 Wax badan ka ogaaw xiriirka ka dhaxeyo

cunada iyo kansarka naasaha


.



Cunooyinka siyaadiyo qatarta in dumarka ku dhaco kansarka naasaha.


Waxaa ku wanaagsan in aad yareeso isticmaalka cunooyinka noocaan ah si aad kaga hortagto kansarka ku dhaco naasaha.


Cunooyinka siyaadiyo qatarta waxaa ka mid ah.


1-Cunooyinka caanaha laga sameeyo ee warshadiisan.


Si loo joogteeyo soo saarista caanaha iyo gaarsiinta caanaha iyo waxyaabaha caanaha laga sameeyo aduunka oo idil warshadaha waxay isticmaaalan kiimikaada iyo hormonada kala duban kiimikaadkas waxaa laga helaa hormono jirka bini aadamka laga helo kuwaas oo ka qeeb qaato qeebsanka unugyada marka dumarka isticmaalaan caanaha warshadiisa waxaa ku sii siyaaado in unugyda si xad dhaaf ah u qeebsamaaan taas oo siyaadin karto qatarta in kansarka so deg dego.


2- isticmaalka baruurta.


Daraasado badan waxa ay soo jeediyeen in baruurta noocyo ka mid ah ay halis yihiin sida baruurta lagu so daro cunooyinka diyaarsan ma ahan kuwa wanagsan waxayna siyaadiyaan qatarta in kansarka naasaha yimaado.


3- hilibka gaduudan.


Daraasado badan oo la sameeyay waxaaa la arkay in xariir ka dhaxeeyo isicmaalka hilibka gaduudan iyo kansarka naasaha.gaar ahaan hilibka gaduudan ee warshadaha diyaariyeen waxaana laga helaaaa nooc baruurta ka mid ah taas oo siyaaadiso qatarta in o yimaado kansarka naasaha.


4-macmacaanka.


Waxaaa lo ogaaday dumarka isticmaalo macmacaanka aadka u tirada badan in ay qatar ugu jiraan in oo ku dhaco kansarka naasaha.


5 -saliida dhirta laga helo.


Saliida dhirta laga helo sida saliida laga helo galayda, digirta iyo gabal dayaha waxaa ka buuxo nooc saliid ah loo yaqaan #pollyunsaturated taas oo siyaadiso qatarta kansarka naasaha ku dhaco.




La wadaag ASXAABTAADA 

Sunday, November 29, 2020

Wax badan ka ogaaw xanuunka neerfaha jirka ugu dheer iyowaxaa sababo.

 Wax badan ka ogaaw xanuunka

neerfaha jirka ugu dheer

iyowaxaa sababo.




Xnuunka neerfaha ugu dheer jirka.


#neerfaha ugu dheer jirka laguna magacaabo '#sciatic nerve, mararka qaar waxaa lagu arkaa xanuun kaas oo ka soo bilaabto qeebaha hoose ee dhabarka kuna soo baaho lugaha.


xanuunka neerfahaas waxa oo noqon karaa mid meel dhaxaad ah ama mid aad u daran xanuunka neerfaha waxaa la socdo kawaawiyo iyo in ay daciifaan murqaha lugaha sido kale waxaa la arkaa mar mar in qofka waayo xakameenta saxarada iyo kaadida.


inta badan xanuunka waxa o sameeyaa qeeb ka mid ah jirka ama hal dhinac oo kaliya.


xanuunka inta badan waxaa oo yimaada marka qeeb ka mid ah carjawda laf dhabarta banaanka u soo baxdo ka dibna waxay cadaadis saartaa neerfaha inta ka dib waxaa mesha ka dhaco caabuq ka dibna xanuun iyo kawaawiyo ayaa yimaado.


calaamadaha lagu garto xanunka neerfaha waxaa ka mid ah.


1- xanuun ka soo bilaabto qeebaha hoose laf dhabarta kuna soo baaho lugaha iyo mel kasto neerahaas quudiyo.


2-sidoo kale waxaa la arkaa kawaawiyo lugaha laga dareemo.


3-murqaha lugaha daciif noqdo.


4-mar mar waxaa la arkaa dhibaato ku timaado xakamenta saxarada iyo kaadida.


waxaa wanaagsan in aad dhaqtar aado hadi ad aragto calaamadahaaan.


1- hadii aad aragto xanuun aad u daran lama filaan ah kana dareenta qeebaha hoose ee dhabarka iyo lugaha.


2- hadii aad isku aragto kawaawiyo iyo murqaha lugaha daciifaan.


3-hadii aad celin waydo ana xakameen waydo kaadida iyo saxarada.


 maxaa sababo xanuunkan 


1-waxaa sababo marka cadaadis la saaro neerfaha  caadaadiska inta badan waxa oo ka yimaada laf dhabarta.


dadka qatarta ku jiro in oo ku dhaco xanuunkaan waxa ka mid ah.


1- dadka dadooda waynaato markasto dada qofka siyaado waxaa dhacdo in lafaha si qaldan usameesnmaan caadaadisna saaraan neerfaha.


2- dadka aadka u cayilan marka oo siyaado cadaadiska  saaran laf dhabarta sida marka miisanka qofka aad u sareyo  waxay ka qeeb qaataan in laf dhabarta is badal ku yimaado sidaasna neerfaha cadaadis lagu saaro.


3- dadka ka shaqeeyo shaqooyinka qaar sida dadka xamaaliga ah iyo kuwa kaxeeyo mootooyinka.


4- dadka fadhiga fabadan fadhiga badan waxa oo cadaadis saara neerfaha.


5- dadka qabo cudurka sokorta hadii ay sokorta ku badato qul qulka dhiiga waxay dhaawacdaa neerfayaasha.


dhibaatooyinka ka dhasho neerfa xanuunka waxaa ka mid ah.


1- lugta xanuunka sameeyay oo darreenka ka lumo.


2- murqaha lugta daciif noqdo.


3-  in qofka xakameen waayo kaadida iyo saxarada.


sidee loogu hortagaa xanuunka neerfaha.


1- waxaa wanaagsan in aad sameeso jimic si joogto.



share dheh walaal

Thursday, November 26, 2020

Wax badan ka ogaaw calaamadaha qalqalka ku yimaado hormonada dumarka iyo waxa sababo.

 Wax badan ka ogaaw calaamadaha

qalqalka ku yimaado hormonada

dumarka iyo waxa sababo.



calaamadaha lagu arko dumarka marka hormonada qalqal galaan.


hormonada sida caadiga ah  waa waxyaabo kiimiko ah oo laga soo daayo qanjirada jirka ku yaal waxayna joogtayn ku sameeyaan waxyaabo badan jirka ka dhaco sida qaadashada cunada hurdada koriinka jirka iyo kan maskaxda sidoo kale waxay door muhiim ah ka ciyaaraan koriinka iyo shaqada xubnaha taranka jirka.


calaamadaha la arko marka hormonada dumarka qal qal galaan waxaa ka mid ah.


1- caado wareer: marka hormonada loo yaqaan ' estrogen ka iyo progestron ka sare u kacaan ama yaraadaan waxaa la arkaa caado wareerka.


2- sidoo kale waxaa la arkaa xanuun la socdo caadada.


3- hurdo la' aan hadii hormonka loo yaqaan progestronka hoos u dhac ku yimaado heerka loga tala galay waxaa timaado hurdo la'aan sidoo kale haddii hormonka loo yaqaan estrigenka hoos u dhac ku yimaad waxaa la arkaa dumarka jirka ka dareemaan dareen gubasho ah  ah iyo dhidid aad u fara badan xilliyada habeenki ah


3- fin  ama nabro ka so baxo wajiga.


4- xanuun la socdo caadada


5 - lafaha dumaka daciif noqdaan si  fi fududna ku jajabaan.


6- xubinta taranka dumarka qaleel noqoto.


7- naasaha damqadaan.


8 -dheefshiidka xumaado


9  -shuban ama saxarada adkaato.


maxaa sababo qal qalka ku yimaado hormonada dumarka.


1- wal walka xad dhaafka ah.


2- cudurka sokorta,


3- heerka sokorta dhiiga hoos u dhac ku yimaado.


4- nafaqo darada.


5' cayilka xad dhaafka ah.


6-daawoyinka uurka looga hortago.


7- daawoyinka kansarka lagu daweeyo.



Saturday, November 21, 2020

Wax badan ka ogaaw kansarada ku dhaco lafaha iyo calaamadahiisa.

 Wax badan ka ogaaw kansarada ku

dhaco lafaha iyo calaamadahiisa




Kansarka ku dhaco lafaha 


Kansarka ku dhaco lafaha waa mid ka bilaaban karo lafkasto ka mid ah lafaha jirka laakiin lafaha ugu badan ee ka bilaaban karo waa lafata isku xerto lafdhabarta iyo lugaha sido kale lafaha oo ka bilaaban karo waxaa ka mid ah lafaha dhaadheer sida kuwa lugaha iyo gacmaha.

kansarada ku dhaco lafaha waa kuwa aan badnen waa naadir waana wax ka yar boqolkiiba hal.

inta badan waxa oo u badan yahay noocyada aan faafin  inta badan ma ahan kuwa faafo.

noocyo ka mid ah kansarada ku dhaco lafaha waxay ku dhacaan caruurta halka kuwa qaarna ay ku dhacaan dadka waa wayn.

daawada ugu badan ee loo sameeyo dadka qabo kansarka lafaha waa qaliin.

sido kale waxyaabaha kansarka lagu daaweeyo waxaa ka mid ah daawooyin kiimiko ah iyo shucaac lagu daaweyo kansarka,

inla isticmalo qaliin daawo ama shucaac waxay ku xerantahay nooca kansarka.


calaamadaha kansarka lafaha waxaa ka mid ah.


1-lafo xanuun

2-barar iyo damqasho lafaha kansarka sameyay ah

3-daal 

4-culeska qofka lumo


hadii aad aragto calaamadahaan waxaa wanaagsan in aad dhaqtar aado.


1-xanuun so laalaabanayo

2-xanuun lafaha ah habeenki darsanaaayo

3-xanuun aan baaba een hadii daawo xanuun baabi iye la qaato.


waxyaabaha saxda ah ee sababo kansarka lafaha lama garanaayo lakiin tiro yar oo kansaradaas ka mid ah waxaa lala xariiriyaa in la dhaxlo' halka kuwa qaarna la sheego in ay la xariiraan shucaacyada qofka horay loo saaray sida raajada


kansarada ku dhaco lafaha waxaa loo qeebiyaa noocyo kala duban ayagoo looo fiirrinayo halka ay ka soo bilaabteen 


noocyada kansarada ku dhaco lafaha waxaa ka mid ah


1-osteosarcoma:waa kansarka ugu caansan ee ku dhaco lafaha.waxa oo ku dhacaa caruurta iyo dadka waawayn.unugyada kansarka waxay soo saaran lafo


2-chandrosarcoma: wa midka labaad ee ugu caansan ee kansarada ku dhaco lafaha unugyada kansarka waxay soo saaraan carjaw kansarkaa inta badan waxa o ku dhacaa lafta isku xerto lafdhabarta iyo lugaha sido kale waxa oo ku dhacaa lafaha dhadheer sida kuwa lugaha iyo gacmaha


dadka qatarta ku jiro in oo ku dhaco kansarka waxaa ka mid ah


marka hore mala garanaayo waxa saxda ah ee sababo kansarka lafaha lakiin dhaqaatiirta waxay heleen waxyaabo la xariiro kansarka waxaana ka mid ah


1-in kansarka ku yimaado qaab dhaxal ah


2-dadka qabo cudurka loo yaqaan (paget's)


3-iyo dadka laga daaweyo kansarada kale ee jirka ku dhaco iyado lo isticmaaalayo shucaac


kansarka lafaha ku dhaco waxaa loo daaweeyaa 3 nooc oo kala ah


1-in qaliin lagu sameeyo kansarka

2-in daawoyin kiimiko ah la siiyo

3-iyo in shucaac lagu daaweyo

  

W/Q talooyin caafimaad 

Wednesday, November 18, 2020

Kilyahaada badbaadi (save your kidneys).

 #Kilyahaada badbaadi (save your kidneys)




Waxaa sara u kacay dadka da'yarta ah ee la il daran xanuunada asiibada kliyaha.

 taaso oo loo sababeeyo arima kala duwan oo halis galin karo inaad weyso xubnaha ugu muhiimsan noloshadaaada..


๐Ÿ“ฃHalkaan waxaan kuugu soo gudbin doonaa 6 waxyabood oo  qatar weyn ku ah kiliyahaada.


๐Ÿ’ฅ(1) kaadida oo leesku celiyo  am aad ka ๐Ÿƒ‍♂️ wehsato inaad suuliga  aaado .

arintaan ayaa sabab u noqoto in kaadi heestaado dhaafto xadka keydinta taasi oo sababta in bacteriada ku jirto kaadida si dhaqsi ah isku badiso sababtana caabuq kaasi oo dib ugu laabta kliyaha kaanena xlad loo yooqaan #pyelonephritis oo ah infections daran oo kaa asiiba kilyaha.


๐Ÿ’ฅ(2) cusbada badan.๐Ÿš๐Ÿš


Ha ka qaadan cusbada wax ka badan 5.8 gm maalintii. waa khatar kale oo kuu qarsoone. 


๐Ÿ’ฅ(3)ha cunin hilib badan ๐Ÿ—๐Ÿ—


Hilibka aya ka kooban proteins xajmi adag .

Markii jirku shiidaayo  proteins ka waxaa la soo dayaa maado loo yaqoon #ammonia taasi oo halis galisa shaqada kilyahab sababtana  dhaawacyo daran oo kilyaha ah...

Hilib badan = dhawaac badan ee kildaaada.


๐Ÿ’ฅ(4 )cabida coffee ga badan ☕☕


coffee ga ayaa sara u qaada xadiga cadaadiska dhiiga iyo shaqa  kilyaha kaasi oo sababa u noqon karo in kilyahaado shaqada yareeyaan ..


๐Ÿ’ฅ(5) cabid yarida  biyaha. ..๐Ÿธ๐Ÿธ


Kliyaha  ayaa u baahan iney helaan biya kufilan  si ey shaqadooda si caadi ah ugu qabsadaan hadii aadan biya badan cabin sunta iyo wasaqda jirka kale laga so saaro  ayaa ku aruuri doona kilyahaaada kadibna usiigudbi donta dhiiiga waxana ka dhasha xaalad adag oo loo yaqaan #uremia  kadida iyo dhiiga oo si dhax gala....

Waxaad u bahnatahy malintii inaad cabto 8 galaas oo biyaha saafigaa ah..

Si aaad u hubiso inaad biya kugu filan cabtay fiiri midabka kaadidada  ma cadaaan saafi ah baa misa waa midab qasan oo calaw ah...


๐Ÿ’ฅ6) haka caajisin inaad hubiso caafimaadka kliyahaada 6 dii bilba mar jeer  booqo dhaqtarka si aaad ula socoto kilyahaaada bad qabkooda.


๐ŸฉธKa fogooow daawooyinkaan hana qaadan waligaa waa dilaaga kilyahaada.

 D-cold

* Vicks Action-500

* Actified

* Coldarin

* Cosome

* Nice

* Nimulid

* Cetrizet-D

Sidoo kale


๐Ÿ“ฃ๐Ÿ“ฃTala guud ...

Dhaqaatiir u dhaltay wadanka Germany ayaa ogaaday nuuc cusub oo ah kansarka maqaarka ku dhaco kaasi oo laga qaado maadada loo yaqaan Silver Nitro Oxide. 

Madaadaan ayaa laga helaa cijiyaha qofka hadii aad dareento cun cun jirka haku xoqin maqaarka  cijiyahaaada....

Friday, November 13, 2020

๐— ๐—ฒ๐—ฎ๐˜€๐—น๐—ฒ๐˜€ (๐—ท๐—ฎ๐—ฑ๐—ฒ๐—ฒ๐—ฐ๐—ผ)

 ๐— ๐—ฒ๐—ฎ๐˜€๐—น๐—ฒ๐˜€ (๐—ท๐—ฎ๐—ฑ๐—ฒ๐—ฒ๐—ฐ๐—ผ)


Cudurkaan jadeecada ah waa mid si aad ah u fido oo dila caruurta gaar ahaan wuxuu 

naafeeya sambabada (lungs)


Cudurkan jadeecada waxa uu ugu daran yahay marka uu ku dhaco caruurta tabarta daran 


๐—ช๐—ฎ๐˜…๐—ฎ ๐˜€๐—ฎ๐—ฏ๐—ฎ๐—ฏ๐—ฎ


Cudurkani waxaa sababa noole virus ah oo lagu magacaabo (morbilla virus) 


๐—œ๐—ป๐—ฐ๐˜‚๐—ฏ๐—ฎ๐˜๐—ถ๐—ผ๐—ป ๐—ฃ๐—ฒ๐—ฟ๐—ถ๐—ผ๐—ฑ


Xilli huuriska cudurkan waa 10 ilaa 14 maalin 


๐—›๐—ผ๐˜„ ๐˜๐—ผ ๐—ฆ๐—ฝ๐—ฟ๐—ฒ๐—ฎ๐—ฑ


Cudurkani waxa uu ku fidaa marka caruurta qabta cudurkan ay ku qufacaan ama ay ku 

hindhisaan kuwa kale ee caafimaadka qaba ama jeermiska cudurkaan keena oo hawada 

la raaciyo. Sidoo kale jadeecadu waxa ay ku fidaa marka caruurta la isla wada seexiyo 

ama ay wax wada cunaan.


๐—–๐—น๐—ถ๐—ป๐—ถ๐—ฐ๐—ฎ๐—น ๐—ฃ๐—ถ๐—ฐ๐˜๐˜‚๐—ฟ๐—ฒ


1) Cudurkaan waxa uu ku biloowdaa sida hargabka caadiga ah, cunuga waxaa lagu 

arkaa qandho iyo cabur.

2) Indhaha oo gaduuta

3) Qufac xoog leh oo lagu arko 3 beri kadib

4) Finan ka soo baxo wejiga 

5) Shuban ama fuuq bax mararka qaar ah.

6) Finanka marka hore waxa ay ka soo baxaan wejiga iyo luqunta kadibna waxay ka soo 

baxaan dhegaha gadaashooda ugu danbeyntiina waxay ku faafaan jirka intiisa kale.

7) Cudurkaan wuxuu badanaa ku dhacaa caruurta ay da’doodu u dhexeyso 8 bilood ilaa 

5 sano.

8) Cunuga qabo cudurkan waxaa lagu arkaa xumad kor u kaceysa ayadoo maalinta ugu 

horeysa ay gaarto 37.5Co ilaa 38Co maalinta labaad qandhada waxay gaartaa 38.5Co 

ilaa 39Co qandhada si tartiib tartiib ah ayey hoos ugu dhacdaa maalinta sedexaad ee 

jirada 


๐—ง๐—ฟ๐—ฒ๐—ฎ๐˜๐—บ๐—ฒ๐—ป๐˜


Waa inaad si deg deg ah u geysaa isbitaalka si uu helo nasasho iyo daawo


1) Daaweynta waxaa ka mid ah in la siiyo cabitaan fara badan iyo cunno jilicsan 

2) Hadii aad canuga ku aragto calaamadaha dhego xanuunka sii antibiotic 

3) Hadii aad ku aragto calaamadaha Oofwareenka ama maskax garaadka (pneumonia or meningitis) ama xanuuno daran ee caloosha ah raadi gargaar dhaqtarnimo oo wanaagsan.


๐—ฃ๐—ฟ๐—ฒ๐˜ƒ๐—ฒ๐—ป๐˜๐—ถ๐—ผ๐—ป


1) Ka hortaga ugu wanaagsan ee cudurkan waa in la tallaalaa caruurta oo dhan.

2) Cudurkan haddii hal canug lagu arko waa in la tallaalaa caruurta oo dhan.

3) Canuga qaba cudurkan jadeecada waa in laga fogeeyaa caruurta oo dhan..





Share dheh oo lasi wadaag asxbtada kale

Wacyigelin ku saabsan Isnidhaamis (Scabies):

  Wacyigelin ku saabsan Isnidhaamis (Scabies): Isnidhaamisku (Scabies) waa mid kamid ah cudurrada faafa ee ku dhaca maqaarka kaas oo ay sa...