Thursday, November 26, 2020

Wax badan ka ogaaw calaamadaha qalqalka ku yimaado hormonada dumarka iyo waxa sababo.

 Wax badan ka ogaaw calaamadaha

qalqalka ku yimaado hormonada

dumarka iyo waxa sababo.



calaamadaha lagu arko dumarka marka hormonada qalqal galaan.


hormonada sida caadiga ah  waa waxyaabo kiimiko ah oo laga soo daayo qanjirada jirka ku yaal waxayna joogtayn ku sameeyaan waxyaabo badan jirka ka dhaco sida qaadashada cunada hurdada koriinka jirka iyo kan maskaxda sidoo kale waxay door muhiim ah ka ciyaaraan koriinka iyo shaqada xubnaha taranka jirka.


calaamadaha la arko marka hormonada dumarka qal qal galaan waxaa ka mid ah.


1- caado wareer: marka hormonada loo yaqaan ' estrogen ka iyo progestron ka sare u kacaan ama yaraadaan waxaa la arkaa caado wareerka.


2- sidoo kale waxaa la arkaa xanuun la socdo caadada.


3- hurdo la' aan hadii hormonka loo yaqaan progestronka hoos u dhac ku yimaado heerka loga tala galay waxaa timaado hurdo la'aan sidoo kale haddii hormonka loo yaqaan estrigenka hoos u dhac ku yimaad waxaa la arkaa dumarka jirka ka dareemaan dareen gubasho ah  ah iyo dhidid aad u fara badan xilliyada habeenki ah


3- fin  ama nabro ka so baxo wajiga.


4- xanuun la socdo caadada


5 - lafaha dumaka daciif noqdaan si  fi fududna ku jajabaan.


6- xubinta taranka dumarka qaleel noqoto.


7- naasaha damqadaan.


8 -dheefshiidka xumaado


9  -shuban ama saxarada adkaato.


maxaa sababo qal qalka ku yimaado hormonada dumarka.


1- wal walka xad dhaafka ah.


2- cudurka sokorta,


3- heerka sokorta dhiiga hoos u dhac ku yimaado.


4- nafaqo darada.


5' cayilka xad dhaafka ah.


6-daawoyinka uurka looga hortago.


7- daawoyinka kansarka lagu daweeyo.



No comments:

Post a Comment

Wacyigelin ku saabsan Isnidhaamis (Scabies):

  Wacyigelin ku saabsan Isnidhaamis (Scabies): Isnidhaamisku (Scabies) waa mid kamid ah cudurrada faafa ee ku dhaca maqaarka kaas oo ay sa...