Wax badan ka ogaaw xiriirka ka dhaxeyo
cunada iyo kansarka naasaha
.
Cunooyinka siyaadiyo qatarta in dumarka ku dhaco kansarka naasaha.
Waxaa ku wanaagsan in aad yareeso isticmaalka cunooyinka noocaan ah si aad kaga hortagto kansarka ku dhaco naasaha.
Cunooyinka siyaadiyo qatarta waxaa ka mid ah.
1-Cunooyinka caanaha laga sameeyo ee warshadiisan.
Si loo joogteeyo soo saarista caanaha iyo gaarsiinta caanaha iyo waxyaabaha caanaha laga sameeyo aduunka oo idil warshadaha waxay isticmaaalan kiimikaada iyo hormonada kala duban kiimikaadkas waxaa laga helaa hormono jirka bini aadamka laga helo kuwaas oo ka qeeb qaato qeebsanka unugyada marka dumarka isticmaalaan caanaha warshadiisa waxaa ku sii siyaaado in unugyda si xad dhaaf ah u qeebsamaaan taas oo siyaadin karto qatarta in kansarka so deg dego.
2- isticmaalka baruurta.
Daraasado badan waxa ay soo jeediyeen in baruurta noocyo ka mid ah ay halis yihiin sida baruurta lagu so daro cunooyinka diyaarsan ma ahan kuwa wanagsan waxayna siyaadiyaan qatarta in kansarka naasaha yimaado.
3- hilibka gaduudan.
Daraasado badan oo la sameeyay waxaaa la arkay in xariir ka dhaxeeyo isicmaalka hilibka gaduudan iyo kansarka naasaha.gaar ahaan hilibka gaduudan ee warshadaha diyaariyeen waxaana laga helaaaa nooc baruurta ka mid ah taas oo siyaaadiso qatarta in o yimaado kansarka naasaha.
4-macmacaanka.
Waxaaa lo ogaaday dumarka isticmaalo macmacaanka aadka u tirada badan in ay qatar ugu jiraan in oo ku dhaco kansarka naasaha.
5 -saliida dhirta laga helo.
Saliida dhirta laga helo sida saliida laga helo galayda, digirta iyo gabal dayaha waxaa ka buuxo nooc saliid ah loo yaqaan #pollyunsaturated taas oo siyaadiso qatarta kansarka naasaha ku dhaco.
La wadaag ASXAABTAADA
No comments:
Post a Comment