Friday, August 28, 2020

Wax badan ka ogow xanuunka TIIFOOWGA.

 Xanuunka Typhoid oo ay Soomaalidu u taqaano tiifoowga waxa uu aad ugu badanyahay deegaanada Soomaalida oo idil,


Waa jeermis halis ah oo ay keento Bakteeriyo loo yaqaano "Salmonella typhi (S. typhi)" oo si fudud ugu dhex faafta biyaha iyo cuntada wasakhaysan,


Dadka la siiyo daawada xanuunkan si fudud ayey uga bogsadaan, balse dadka aanan helin daawada xanuunkan ayaa la kalma xaalado kale oo khatar ah,


Calaamadaha ugu badan ee qofka ka soo muuqda marka uu haleelo xanuunkan waxaa kamid ah,


- qandho

- tabar darro

- calool xanuun

- madax xanuun

- abateetka oo yaraada

- daal iyo culeys iyo diiqad,

Waxaa u raacda dadka qayb calool fadhiid ama shuban mararka qaarna nabaro yar-yar.


๐—ฆ๐—ถ๐—ฑ๐—ฎ ๐˜‚๐˜‚ ๐—ธ๐˜‚ ๐—ณ๐—ฎ๐—ฎ๐—ณ๐—ถ ๐—ธ๐—ฎ๐—ฟ๐—ผ


Habka ugu weyn oo uu ku faafo waa marinka afka oo ah in aad cunto ama cabto biyo wasakhaysan ama cunto wasakhaysan oo ay ku dulnooshahay bakteeriyada keenta tiifoowga,

Ama waxaa lagu kale qaadi karaa in xiriir toos ah lala yeesho qof cudurka qaba.


๐—ฆ๐—ถ๐—ฑ๐—ฎ ๐—น๐—ผ๐—ผ๐—ด๐—ฎ ๐—ต๐—ผ๐—ฟ๐˜๐—ฎ๐—ด๐—ถ ๐—ธ๐—ฎ๐—ฟ๐—ผ


Waa laga hortagi karaa xanuunkan hadii aad raacdo tilmaamaha dhakhaatiirtu ay ku siinayaan,


• iska hubi biyaha iyo cuntada aad cuneyso in ay yihiin kuwo nadiif ah,


• Haka cabin biyaha meelaha waraha ama baliyada ay biyihu jiifaan,


• Si fiican iskaga kari hilibka aad cuneyso

• si fiican iskaga dhaq khudrada aad

 cuneyso,

 

• caanaha xoolaha iska karkari ka hor inta aadan cabin siiba caanaha Lo'da,


• si fiican u falxalo mar walba oo aad cunto cuneyso ka hor,


• sidoo kale saabuun ku farxalo mararka aad musqulaha ama suuliyada kasoo baxdo.


๐—ง๐—ฎ๐—น๐—ฎ๐—ฎ๐—น ๐—บ๐—ฎ ๐—น๐—ฒ๐—ฒ๐˜†๐—ฎ๐—ต๐—ฎ๐˜†?


Labo nooc oo talaal  ka hortag u ah tiifoowga ayuu leeyahay,


Oo lagu kala magacaabo 

"Inactivated typhoid vaccine" iyo

 "Live typhoid vaccine"


๐—ฆ๐—ถ๐—ฑ๐—ฒ๐—ฒ ๐—น๐—ผ๐—ผ ๐—ฑ๐—ฎ๐—ฎ๐˜„๐—ฒ๐—ฒ๐˜†๐—ฎ๐—ฎ?


Baadhitaan dhiig oo lagu sameeyo qofka ayaa xaqiijin kara jiritaanka xanuunka Tiifoowga,

Markaas kadib Dhakhaatiirta ayaa u daaweysa si fudud iyaga oo siinaya bukaanka daawada qayb kamid ah oo waxtar weyn u leh xanuunkan loona yaqaano antibiyootig.


Daweyn la'aan, cudurka loo yaqaan 'typhoid' waxay horseedi kartaa dhibaatooyin culus oo nolosha halis geliya. 

Sanadkii qiyaas ahaan dunida dadka loo diwaangaliyo in ay u dhinteen tiifoowga ayaa kor u dhaafaya 200,000 oo qof.


Taas badalkeeda qofka hela daawada xanuunkan ayaa si deg-deg uga bogsooda wax ka yar 5 maalmood ilaa 3 maalmood marka uu cuno daawada.


Hadaba hadii aad isku aragto calaamadaha xanuunkan ama aad iskaga shakido fadlan booqo goob caafimaad oo tayo leh.


Fadlan Gaarsii asxaabtaada iyo qaraabadaada una SHARE garee.



Abdikadir M. Abdullahi 


Tuesday, August 25, 2020

SANBOORKA AMA ELERJIGA ADIGOO XAAFADAADA JOOGA ISKA DAAWEE.

 SANBOORKA AMA ELERJIGA ADIGOO XAAFADAADA JOOGA ISKA DAAWEE

.


sanboorka waxa uu yimaada marka jirkaada ay soo galaan waxyaalo dibadda kaaga yimaadey sida boorka,cuntada ama dhaska.

 Marka ay jirkaada soo galaan walxahaan waxay ayna  toos u tagayaan unug la yiraahdo mast cell kadib isga ayaa falcelin soo diraya unugaas.


Hadii aad leedahay Sanboorka ama allerjiga marka unugaas ay gaaraan walxihii sanboorka keenayey wuxuu unugaa udiriyaaa unugyada kale ee u dhaw digniino badan si loo soo saaro Maadada Histaminta la yiraahdo ee sababta dhamaan calaamadaha Sanboorka ee ay ugu horeeyaan


-Hindhisada

-Jir cun cunka barara

-ilin faro badan oo kulul in ay kaa timaadom

-Duuf khafiif ah oo kulul in uu ka socdo.

-Dhaga cun cun saaid .

-Naqaska oo ku dhaga qofka mar marka qaar.


Marka si loo daaweeyo ama looga hortago xanuunkaan waxaa loo baahnaanayaa Maadadaas Histaminta layiraahdo unugyada soo sii deynaya in la xir-xiro si aysan usoo sii deyn.

Si sidaas loo sameeyo waxaa loo baahnaanayaa ANTIHISTAMINE oo ah maadadii xir-xiri lahayd unugyada soo deynaya histamiinta.


Marka waxaan idinku baraya charkaan adinka oo aanan wax daawo ah qaadan in gurigiina aad ka dhex heshaan maadadaan AntiHistaminta la yiraahdo ee ka hortageysa in lasoo saaro Histamiintii sababeysey Sanboorka iyo elerjigii.


1=   SANJABIISHA


Sanjabiisha waxa ay qani ku tahay Antihistamin oo awood u leh in ay xir-xirto unugyada Soo saaraya Histaminta.


Ku isticmaal sanjabiisha in aad shaah kulul ku darsato dabadeed aad cabto ama caadi aad u ruugto oo aad cunto maalin walba.


2=    TOONTA


Toontu waxay hormarisa difaaca jirka sidoo kale waxa ay koontaroosha elerjiga waxayna daawo utahay caabuqyada kala duwan,madax xanuunka iyo Hindhissada.


Xoogaa toon ah iyo caano isla kululeyso kadib cab maalin walba inta aad ka caafimadeyso.


3=    TUFAAXA.


Waxaa ku jirta maadadii antihistaminta ahayd ee aynu u baahneen si aynu u xir-xirno meelaha laga soo deynayey Histamiintii Sanboorka ama Elergiga sababeysey.wuxuuna daawo rasmi ah u yahay duufka,hindhisada,cun-cunka sanka iyo madax xanuunka waxa uuna kobciyaa difaaca jirka.


Shiido tufaaxa kadib biyo diiran ku qaso markaas kadib cab,

Sidoo kale waxaad ku sii qasan kartaa qaado Malab ah  iyo in aad liin ku miirato markaas kadib cab ilaa intii ayaan ah oo aad ka bogsaneyso.


   TALLO


Daawada ugu muhiimsan ee Sanboorka waa in aad ka dheerataa wax walba oo kugu kiciya Sanboorka,

qof walba waxbaa ku kiciya qof Ukunta ayaa ku kicisa,qof digirta,qof kaluunka, dadka qayb badan oo kamid ahna waxa ku kiciya boorka ama dhaska dadka qaybna qaboowga ayaa ku kiciya 

Marka ka dheeroow wax walba oo adiga kugu kicin kara.


U #SHARE gareeya walaalihiin ugana yeera halkaan qof la dhibtooda sanboorka si ay uga faaiideystaan daawadaan iyo Tallo soo jeedintaan.


Wixii su'aalaha oo khaas ah qofkii qaba qaybta fariimaha khaaska ah ha iga soo waydiiyo.


Mahadsanidiin.


Mowduuca inoo xiga insha allah wuxuu noqon doonaa Gaaska.


 XIGASHO: Dr Mohamed Amen



Abdikadir M. Abdullahi 

#SHARE

Sunday, August 23, 2020

ISKA DAAWEE ADIGOO GURIGAADA JOOGA GOORYAANKA PINWORM/DIRE-DIRE/IDIINYO.

 ISKA DAAWEE ADIGOO GURIGAADA JOOGA GOORYAANKA PINWORM/DIRE-DIRE/IDIINYO


Pinworm/dira-dire/indi waa dulnoolaha ugu caansan dunida ee ku dhaca midhicirada, wuxuuna inta badan ku dhacaa caruurta sidoo kale waxa uu ku dhacaa dadka waaweyn.


Cabirka dhererkiisu waa qiyaastii  5 ilaa 10 millimeters (mm) waxa uu egyaahay waa cadaan kalarka kareemka oo kale ah.


Waxaana sababa parasite layiraahdo 

 (Enterobius vermicularis).


Waxa uu ku fidaa marka ukumaha pinworm aad si kadis ah aad afka ugu qaadato iyaga oo kuusoo raacaya cuntada ama cabitaanka ay taataabteen ilmaha uu hayey pinworm,


Pinworm waxa uu leeyahay dhadig iyo lab noolayaal ah,

 kiisa dhadigga ah ayaa halkii xabo waxa uu soo saaraa in kabada 10,000 oo ukumood ,


Ukumaha pinworm mudo 2 asbuuc ah ayey ku noolaan karaan banaanka iyagoo saarnaanaya godasha uu ku seexdey qofka qabay pinworm dharka uu qabey ama cidayahiisa hoostooda,ama waxa uu kaasoo raacin saxanka lagu saxaroodo ee uu isticmaaley qofka qabey pinworm.

 

Hadii uu Gabdhaha uu ku dhaco gooryaankan waxa iyaga u dheer in uu ku fidi karo xubinta taranka iyo toobooyinka ugxan sidayaasha kaas ugu danbeen ku sababi kara caabuqyada ku dhaca xubinta taranka.


CALAAMADAHA UU LEEYAHAY.


Cun-cun dabada ah oo ubadan xiliga habeenkii ah 


Xanuun iyo nabaro yar-yar oo ku sameysma agagaarka mesha laga saxaroodo.


Hurdado la'aan ay sababto cun cunka dabada.


Bahalo yar-yar oo cadcad oo nool nool oo dabada ilmaha lagu arko iyo dadka waaweynba.


Bahaladaas yar-yar oo lagu arko qofka saxaradiisa iyaga oo socsoconaya.


Qofka oo inta badan dabada xoqonaya.


SIDEE ISKAGA DAAWEYN KARTAA?


TOONTA


Toontu waxa ay dileysaa ukumaha gooryaankan,sidoo kale waxa ay ka hortegeysaa kiisa dhadigga ah noolahan in uu soo saaro ukumo kale.


Soo qaado dhowr xabo oo toon ah kadib tun kuna dar saliid yar oo tan qunbaha ah kadib mari meesha laga saxaroodo iyo dhamaan aagagaarkeda.


Toontu caafimaad ayey utahay in jirka la marsado waxaa laga yaaba in aad xooga kuleel dareento.


SALIIDA QUNBAHA


Saliidana waxay daawo u tahay dhamaan bakteeriyada iyo fayrisyada jirka soo weerara, waxaana loo yaqaanaa mida ugu muhiimsan ee loo isticmaalo gooryaankan pinworm.

Saliid dhib makeeneyso in aad afka ka qaadato in yar iyo in aad mariso jirka labadaba 


Waxaad u istucmaali kartaa labo siyaabood

Mida koobaad Aroortii hal qaado oo saliida qunbaha ah cab.

Mida labaad soo qaado xoogaa saliidaas ka hor inta aadan seexan habeenkii kadib dabada iyo agagaarkeed dhamaan mari oo si fiican ugu daliiq.


KAAROOTADA


in aad cunto kaarooto cayrin ah waa wado fiican oo lagu daaweeyo gooryaanka pinworm sababtoo ah kaarootadu waxa qani ku tahay qalfoofta adag ee hormarisa in habdhiska dheef-shiidku uu si fiican u shaqeeyo.

Waxay dhiiri galisa in madhicirku uu si saaid ah u shaqeeyo taas oo ka dhigeysa in ugu danbeen ay soo daataan dhamaan ukumaha pinworm.


Soo qaado dhowr xabo oo kaarooto ah oo cayriin ah  kadib shiido hana kala miirin tabteeda markaad shiido intaad biyo ku darsato cab maalin walba hal galaas ilaa inta aad ka caafimaadeyso.


Dhamaan daawooyinkan dabiiciga ah waxay daawo u yihiin gooryaankan waxayna ka hortagaan in uu faafo oo dadka kale ee xaafada saameeyo.


MIRAHA BABAYGA IYO MALAB


Daraasaad ayaan dhaw lasameeyey ayaa cadeysey in qaadashada miraha babayga iyo malabku ay si fiican usoo xaaqaan dhamaan gooryaanada yar yar ee madhicirada ku jira

Miraha babaygu waxay ka hortagayaan in uu soo laab laabto gooryaankan 

Cun miraha babayga adiga oo kadaba cabaya qaado ama labo qaado oo malab ah


TALLO MUHIIM KUU AH SI UUSAN UGU FIDIN XAAFADA.


-Gacmaha ku dhaq saabuun mar walba oo aad musqusha ka timaado.

-dhamaan cidayaha iska gaabi

-buumaha ama kastuumada maalin walba ku dhaqo biyo kulul.

-iska badal dharka aad ku seexato mar walba oo biyo kulul ku dhaq.

- dhaqo gacmaha ka hor inta aadan cuntada cunin mar walba.


Dhakhaatiirtu waxa ay xanuunkan ku daaweysaa labo kaniini oo kala ah albendazole 400mg hal xabo, 2 asbuuc kadibna hal kale ayaa loogu daraa.


 mebendazole 100mg oo hal xabo laga qaadanayo hadii xabadaas lagu caafimaadi waayo hal kale 2 asbuuc kadib ayaa lasiinayo


Labadaan kaniini hadaad aad ka isticmaasho in kabadan 2 xabo iyaga ayaa xanuuno kale hor leh kugu keenaya.


Marka hore isticmaal daawada dabiiciga ah kadib hadii ay wax katari waydo isticmaal kaniiniyaashan.


U #SHARE  gareeya walaalihiin ama halkaan uga yeer qof muhiim kuu ah oo ilmihiisa ay la dhibtoodaan ama isaga la dhibtooda si uu uga faaiideysto daawadan.


In aad Ila socotaan dhiiri galin ayey ii tahay.


Mahadsanidiin


XIGASHO: Dr Mohamed Amen


SHARE.

Saturday, August 22, 2020

WAA MAXAY MADHALAYSNIMO.

 WAA MAXAY MADHALAYSNIMO?



Allah SW ayaa bixiya ilmaha balse waxaa jira cilado badan oo sabab u noqon kara in aad ilmo dhali waydo,

Waa in aadan awood u lahayn in aad uur yeelato,dumarka kaliya ma ahan qofka madhalaysnimadu ay ku dhici karto balse ragga ayaa iyaguna sidoo kale yeelan kara madhalaysnimada.


Madhalaysnimadu ma ahan micnaheedu in ay dhamaatey riyadaadii ahayd in aad ilmo dhasho balse qadarta alle iyada oo ay jirto ama la tijaabinayo adiga samirkaada ayaa laga yaaba in ay kugu qaadato in aad ilmo hesho hadaad samirto waqti dheer,

Lamaanayaasha qayb kamid ah si ay ilmo u dhalaan waxay u baahanyihiin gargaar caafimaad in loo fidiyo hadii dhakhaatiirtu ay awood u yeeshaan ciladaha jira in ay xaliyaan.


MAXAA SABABI U NOQON KARA IN AAD ILMO DHALI WAYDO?


Ragga iyo dumarkaba dhibaatada ilmo la'aanta waa u simanyihiin dumarka kaliya wax ku gaar ah ma ahan sida ay Soomaalidu aaminsantahay oo mar walba waxaa eeda ilmo la'aan dusha laga saara haweenka,

Hadaba dabeecadahaan oo aad yeelato ayaa sabab u noqon kara in aad ilmo dhali waydo.


- in aad da'weyntahay 

- in aad sigaarka cabto

- in aad leedahay xanuunada ku faafa      galmada

- miisaankaada oo badan ama aad u yar

- in aad qamri badan ama tubaako badan ama shiishad ama qaad badan aad isticmaasho ama taabuu.


MEELAHA AY CILADUHU KA JIRI KARAAN EE SABAB U NOQDA IN AADAN UUR QAADIN


1= UGXANTA


-  ukumo haweeneyda oo aan lagu diyaarin xilliga wareegga caadada.

- ukumaha aan laga soo sii daynin ugxansidayaasha

- gabi ahaan cilad ku timaada ugxansidaha haweeneyda


2=  BACRIMINTA


- in ay xirmaan toobooyinka ukumaha iyo shahwaadku ay maraan si ay ugu xiraan makaanka.

- dhaawac afka ilmo galeenka ku yimaada.

- shahwada ninka oo aad u yar 

-  dhibaatoyin ku yimaada shahwada ragga.

-  shahwada ragga in ay awood u yeelan waydo in ay gaarto meeshii la rabey.

- dhaawac gaara makaanka haweeneyda

- awood yari ku timaada ama in gabi ahaanba qayb kamid ah la waayo dheecanada ka qayb qaada bacriminta.


MALAGA DAAWOOBI KARAA CILADAHAAN?

 

Haa si fudud ayaan u dhihi karnaa inta badan  ciladaha madhalaysnimada keena waa la xalin karaa,

Balse in la xaliyo waxa ay ku xirantahay in la ogaado ciladu ama dhibaatadu halka ay ka jirto.


TALO SOO JEEDIN


Haka niyad jabin lamaanahaaga wll hadaad ilmo heli waydaan hal sano labo sano 10 sano 30 sano oo aad is qabteen isku samra allah ayaa ilmaha bixiyo oo cidii uu dooona siiya waxaa jira dad badan oo 30 sano is qabey oo aan ilmo  helin balse Allah SW uu siiyey sanaddii 31aad kadib arooskooda mataanayaal,


Waxaan idin kugula talin lahaa in aad booqataan dhakhaatiirta ku takhasusey arimaha la xiriira ilmo la'aanta waxaa laga yaaba cilad yar oo la xalin karo in ay midkiin haysato dhakhtarkaasna illaahay uu waafajiyo kadibna aad ilmo heshaan....


U Gaarsiiya asxaabtiina wll sida aan idiin soo gaarsiiyey oo u SHARE gareeya si ay uga faaiideystaan ama halkan uga waca.


Mahadsanidiin


Share


Abdikadir M. Abdullahi 

Wednesday, August 19, 2020

TB da laf- dhabarka ( POTT’s DISEASE ).

 TB da laf- dhabarka ( POTT’s DISEASE )

 


Waa maxay Qaaxadu ama  TB du ?


Qaaxada oo inta badan loo yaqaano TB waa cudur faafa. Waxa sababa nuuc kamida bacteria da loona yaqaan Mycobacterium Tuberclouses , badana waxay ku dhacda sanbabaha lkn waxay gaarta ama ay saamaysa meela badan( extra-pulmonary ) oo ay kamid tahay laf dhabarta oo aan si gooni ah uga hadli doono


Ku dhowaad 1/3 dadka adduunka ku nool waxay la bukaan qaaxada. Ku dhowaad 8 milyan oo qof ayaan sanadkiiba qaada qaaxada, sanadkiina waxaa u dhinta in ku dhow 2 milyan. Dalka Turkiga  ku dhowaad 25,000 ayaa sanadkiiba qaada cudurkaas in kale oo ku dhow 1,000 ayaa u dhinta cudurkaan


#TB_da_laf_dhabarta ( POTT’S DISEASE )


Tiibishada lafdhabarta waa xanuun ku badan dhulka soomaalida, waa xanuun qofka naafayn karo laakiinse la daawayn karo haddii waqti hore la ogaado.


Badanaa jeermiska qaaxada keeno wuxuu ka tagaa sambabada isagoo raacayo qulqulka dhiigga, kadibne wuxuu ku faafaa meelaha dhaw dhaw sida lafdhabarta halkaas oo uu ku tarmo, muddo kadib wuxuu baab'iyaa carjawda "disc"-ka u dhaxeeyo ricirrada lafdhabarta, kadib lafdhabartii ayaa isku soo dunto ( Pott’s disease )

Haddii aan xanuunkaan laga gaarin, 


lafdhabarta isku soo duntay waxay dhaawici kartaa neerfaha xangullaha, taasoo keeni karto inuu qofka ka naafoobo qeybta hoose ee jirka, kaadida iyo saxaradane uu xakamayn kari waayo.

Badana xanunka TB da laf dhabarta ( Potts disease ) sahal laguma ogaado oo waxa lagu baraaruga mar dhaawac ay gaarsiisay cinjirkii iyo laftii dhabarkaba waliba qaybta hoose ee LUMBERka


Cudurkaan TB da lafaha hadii aan la dawayn ugu danbayn wuxu sababi karaa laf dhabartii oo dhumisa qaab dhismeedki sida ( GASAR ama Tuur oo kale qofku inuu yesh )

Iyo walibain gabi ahaanba uu noqdo paralyse

 

#ASTAAMAHA TB da laf- dhabarka ( POTT’s DISEASE ) 


Waa maxay Qaaxadu ama  TB du ?


Qaaxada oo inta badan loo yaqaano TB waa cudur faafa. Waxa sababa nuuc kamida bacteria da loona yaqaan Mycobacterium Tuberclouses , badana waxay ku dhacda sanbabaha lkn waxay gaarta ama ay saamaysa meela badan( extra-pulmonary ) oo ay kamid tahay laf dhabarta oo aan si gooni ah uga hadli doono


Ku dhowaad 1/3 dadka adduunka ku nool waxay la bukaan qaaxada. Ku dhowaad 8 milyan oo qof ayaan sanadkiiba qaada qaaxada, sanadkiina waxaa u dhinta in ku dhow 2 milyan. Dalka Turkiga  ku dhowaad 25,000 ayaa sanadkiiba qaada cudurkaas in kale oo ku dhow 1,000 ayaa u dhinta cudurkaan


 TB_da_laf_dhabarta ( POTT’S DISEASE )


Tiibishada lafdhabarta waa xanuun ku badan dhulka soomaalida, waa xanuun qofka naafayn karo laakiinse la daawayn karo haddii waqti hore la ogaado.


Badanaa jeermiska qaaxada keeno wuxuu ka tagaa sambabada isagoo raacayo qulqulka dhiigga, kadibne wuxuu ku faafaa meelaha dhaw dhaw sida lafdhabarta halkaas oo uu ku tarmo, muddo kadib wuxuu baab'iyaa carjawda "disc"-ka u dhaxeeyo ricirrada lafdhabarta, kadib lafdhabartii ayaa isku soo dunto ( Pott’s disease )

Haddii aan xanuunkaan laga gaarin, 


lafdhabarta isku soo duntay waxay dhaawici kartaa neerfaha xangullaha, taasoo keeni karto inuu qofka ka naafoobo qeybta hoose ee jirka, kaadida iyo saxaradane uu xakamayn kari waayo.

Badana xanunka TB da laf dhabarta ( Potts disease ) sahal laguma ogaado oo waxa lagu baraaruga mar dhaawac ay gaarsiisay cinjirkii iyo laftii dhabarkaba waliba qaybta hoose ee LUMBERka


Cudurkaan TB da lafaha hadii aan la dawayn ugu danbayn wuxu sababi karaa laf dhabartii oo dhumisa qaab dhismeedki sida ( GASAR ama Tuur oo kale qofku inuu yesh )

Iyo walibain gabi ahaanba uu noqdo paralyse

 

 ASTAAMAHA TB da lafaha

Astaamaha hore waxay kala mid tahay TB da caadiga, Tusaala ahan qof ka ayaa lakulmi kara miisankisa oo yaraada , dhidid habeenkii ah , tabar-daro , qandho marna timada marna tagta  iyo dhabar xanuun

 

Astamaha aya isku badali kara ugu danbayn kuwa u qaasa TB da lafaa sida , dhabar xanuun , qofka oo dhinac u qaloocda , istaaga o ku dhiba , caabuq dhabarka ku dhasha iyo malax ( psoas abcess ), dareenka lugaha oo xumaada , kabaabyo iyo xanuun lugaha ah

 

DAAWAYNTA :


Waxa alle mahadiis ah in xanuunkan hadii xili hore laga gaaro dawayntiisa ay ku filantahay daawoyinka TB da ( ant TB drugs ) oo manta helidoodu ay fududahay ,waxaa macqul ah in ay ka waqti dheerato dawa qaadashadu TB da sanbabaha oo 6 ilaa 9 bilood ah , lkn sanad ayay gaari karta qadasha dawada TB da marka qofka laga dawaynaayo TB da lafaha.


Qore: Dr-Abdinur Garcadde


Abdikadir M. Abdullahi 

Sunday, August 16, 2020

Wax badan ka ogaaw caabuqa ugu badan ee ku dhaco lugaha.

 Wax badan ka ogaaw caabuqa ugu badan ee ku dhaco lugaha.


Caaabuqa ku dhaco maqaara lugaha ee loo yaqaan ( cellulits) waa caabuq caan ah waana mid halis ah kana dhasho caabuq sidaha loo yaqaaan bacteria-yada qeebta maqaarka ee cudurkaan ku dhaco waxaa lagu arkaa dhamaan calaamada caabuqa sida in maqaarka bararo midabkana noqdo mid gaduud ah sidoo kale waxaa la dareema xanuun aad u daran iyo  heerkulka maqaarka cudurka saameyay sare u kaco. 


Caabuqaan kaliya ma ahan mid saameeyo lugaha lakiin  waxa oo ku dhici karaaa wajiga gacmaha iyo qeebaha kale ee jirka sidoo kale waxaa oo ka dhici karaa meelkasto dilaacsan oo jirka ka mid ah.


Calaamada lagu arko qeebta maqaarka ee cudurkan ku dhaco waxaa ka mid ah.


1-meesha caabuqa ku dhacay oo gaduud noqoto.


2- barar.


3- damqasho marka la riixo.


4- xanuun.


5- bacool ama in mesha biyo galo.


 


Waxaa wanaagsan in aad dhaqtar aado hadii aad aragto nabro ka so baxo lugaha kuwaas oo la socdo qandho.


Maxaa sababo caabuqaan.


Caabuqaan waxa ugu badan ee sababo waa caabuq sida loo yaqaan bacteria-yada gaar ahaan noocyada loo yaqaan #steptococcus iyo #staphylococcus kuwaas oo jirka ka galo meela dilaacsan ee dhawacyada gaaren.


Dadka qatarta ugu jiro in cudurkaan ku dhaco waxaa ka mid ah.


1- dadka qabo dhaawacyada maqaarka.


2-dadka difaaca jirkoda hooseeyo.


3- dadka qabo caabuqyada kale ee maqaarka.


4- dadka qabo luga bararka waqtiyo dheer.


5- dadka caabuqaan hore ugu dhacay.


6-dadka cayilka xad dhaafka ah qabo.


Dhibaatada ka dhalan karto hadii aan caabuqaan la daawayn waxaa ka mid ah waxa oo dhaawici karaa qeebaha gudaha ee jirka sida xididada dhiiga iyo kuwa ka shaqeeyo difaaca jirka.


Sidee looga hortagaa caabuqa.


1-waxaa wanaagsan in aad dhaawacyda ku meerto biyo iyo saabuun maalinkasto si bacteriyada aan jirka u galin.


2-hadii aad cayil xad dhaaf ah qabto yaree miisanka jirka ado samenayo jimicsi.


3- dabool dhaawacyada jirka.



Wednesday, August 12, 2020

Wax badan ka ogaw xanuunka aan caadiga ahayn oo ay dareemaan dumarka xilliga caadada.

 Wax badan ka ogaw xanuunka aan caadiga ahayn oo ay dareemaan dumarka xilliga caadada.



Xanuunka aan caadiga ahayn xilliga caadada 


xanuunka xilliga caadada yimaado waa xanuun aad u daran waxaana laga dareema qeebaha hoose ee calooaha waxaana la dareema waqtiyada caadada iyo waqtiyada ka horeeyo xanuunka xilliga caadada waxaa oo noqon karaa mid aad u daran waxa oona hor istaagi karaa shaqo maalmeedka dumarka xaaladaha inta badan sababo xanuunka waa cudurada kala ah 'endometrosis iyo burooyin kale oo kasoo baxo minka inta badan hadii la daweeyo waxa xanuunka sababay xanuunka waa yaraadaa waxyaabaha kale รจe la socdo xanuunkaas waxaa ka mid ah madax xanuun labo labo wareer iyo saxaro jilicsan 

 

hadii aad isku aragto xanuun hor istaago shaqo maalmeedka bilkastana aad dareento xanuun xilliga caadada waxaa wanaagsan in aad dhaqtar aado 

 

inta caadada socoto minka waxa oo sameeyaa isku soo aruurid si dhiiga iskaga saaro 

waxaa jiro waxyaabo sida hormonka u shaqeeyo loona yaqaan 'prostgladins,kaas oo shaqo ku leh in oo kiciyo xanunka iyo caabuqa marka murqaha minka isku soo aruuro heerka 'prostglandin ,waa siyaadaa xanuunkana sidaas ku siyaaadaa 


waxayabaha sababo xanuunka xilliga caadada waxaa ka mid ah 


1-endometrosis:waxaaa dhacdo in unugyo minka gudahiisa ku yaalay lagu arko meel aan minka ahayn sida ugxaan sidayaasha iyo tubooyinka ugxaanta qaado 


2-uterine fibroids: waa nooc ka mid ah burooyinka aan faafin taas oo ka soo baxdo minka dhaxdiisa sababtana xanuunka xilliga caadada 


3-adenomyosis:waxaa dhacdo nudayaal ku yaalo minka dhaxdiisa koriin sameeyan waxayn koriin ku sameeyaan murqaha minka taas sababto xanuunka xilliga caadada 


4-caabuqa ku dhaco xubnaha taranka dumarka caabuqaas waxaa inta badan sababo cudurada ku faafo galmada waxayna sababaan xanuunka xilliga caadada 


dumarka qatarta ku jiro in oo ku dhaco xanuunka waxaa ka mid ah 


1-dumarka dadooda ka yar tahay 30 sano 


2-dumarka ku qaangaaray dada 11 jir ama ka yar 


3- dumarka dhiig baxa saa idka ah sameeyo xilliga caadada 


4-dumarka caadada ka qaldan tahay 


5-farac ama dhaxal ahaan 


6-dumarka sigaarka cabo


waxyaabaha guriga aad ku sameesan karto si aad u yareeso xanuunka waxa ka.mid ah 


1-hurdo waqti fiican leh qaado 


2-badi nasiinada 


3-waxad qaadataa cunooyinka vitimin E laga helo


4-iska yareeey walwalka iyo walaaca


5-isticmaal waxyaabo diiran waxadna saartaa qeebta hoose caloosha


sidee looga hortagaaa xanuunka xilliga caadada 


1-qaaado cunooyin isku dheeli tiran vitiminka u badan yahay gaar ahaan vitimin E 


2-sameey jimicsi nooca dabaasha 


3-iska yareey sigaarka iyo waxyaabaha la mid ka ah


daawaynta xanuunka xilliga caadada 


1-qaado daawoyinka xanuunka baabi iya sida 'eburofen, 


2-inta badan waxaa la saxaa waxa sababay xanuunka hadii ay buro tahay waa lagu sameeya qaliin


W/Q talooyin caafimaad 


Abdikadir M. Abdullahi. 

Wacyigelin ku saabsan Isnidhaamis (Scabies):

  Wacyigelin ku saabsan Isnidhaamis (Scabies): Isnidhaamisku (Scabies) waa mid kamid ah cudurrada faafa ee ku dhaca maqaarka kaas oo ay sa...