Friday, August 28, 2020

Wax badan ka ogow xanuunka TIIFOOWGA.

 Xanuunka Typhoid oo ay Soomaalidu u taqaano tiifoowga waxa uu aad ugu badanyahay deegaanada Soomaalida oo idil,


Waa jeermis halis ah oo ay keento Bakteeriyo loo yaqaano "Salmonella typhi (S. typhi)" oo si fudud ugu dhex faafta biyaha iyo cuntada wasakhaysan,


Dadka la siiyo daawada xanuunkan si fudud ayey uga bogsadaan, balse dadka aanan helin daawada xanuunkan ayaa la kalma xaalado kale oo khatar ah,


Calaamadaha ugu badan ee qofka ka soo muuqda marka uu haleelo xanuunkan waxaa kamid ah,


- qandho

- tabar darro

- calool xanuun

- madax xanuun

- abateetka oo yaraada

- daal iyo culeys iyo diiqad,

Waxaa u raacda dadka qayb calool fadhiid ama shuban mararka qaarna nabaro yar-yar.


𝗦𝗶𝗱𝗮 𝘂𝘂 𝗸𝘂 𝗳𝗮𝗮𝗳𝗶 𝗸𝗮𝗿𝗼


Habka ugu weyn oo uu ku faafo waa marinka afka oo ah in aad cunto ama cabto biyo wasakhaysan ama cunto wasakhaysan oo ay ku dulnooshahay bakteeriyada keenta tiifoowga,

Ama waxaa lagu kale qaadi karaa in xiriir toos ah lala yeesho qof cudurka qaba.


𝗦𝗶𝗱𝗮 𝗹𝗼𝗼𝗴𝗮 𝗵𝗼𝗿𝘁𝗮𝗴𝗶 𝗸𝗮𝗿𝗼


Waa laga hortagi karaa xanuunkan hadii aad raacdo tilmaamaha dhakhaatiirtu ay ku siinayaan,


• iska hubi biyaha iyo cuntada aad cuneyso in ay yihiin kuwo nadiif ah,


• Haka cabin biyaha meelaha waraha ama baliyada ay biyihu jiifaan,


• Si fiican iskaga kari hilibka aad cuneyso

• si fiican iskaga dhaq khudrada aad

 cuneyso,

 

• caanaha xoolaha iska karkari ka hor inta aadan cabin siiba caanaha Lo'da,


• si fiican u falxalo mar walba oo aad cunto cuneyso ka hor,


• sidoo kale saabuun ku farxalo mararka aad musqulaha ama suuliyada kasoo baxdo.


𝗧𝗮𝗹𝗮𝗮𝗹 𝗺𝗮 𝗹𝗲𝗲𝘆𝗮𝗵𝗮𝘆?


Labo nooc oo talaal  ka hortag u ah tiifoowga ayuu leeyahay,


Oo lagu kala magacaabo 

"Inactivated typhoid vaccine" iyo

 "Live typhoid vaccine"


𝗦𝗶𝗱𝗲𝗲 𝗹𝗼𝗼 𝗱𝗮𝗮𝘄𝗲𝗲𝘆𝗮𝗮?


Baadhitaan dhiig oo lagu sameeyo qofka ayaa xaqiijin kara jiritaanka xanuunka Tiifoowga,

Markaas kadib Dhakhaatiirta ayaa u daaweysa si fudud iyaga oo siinaya bukaanka daawada qayb kamid ah oo waxtar weyn u leh xanuunkan loona yaqaano antibiyootig.


Daweyn la'aan, cudurka loo yaqaan 'typhoid' waxay horseedi kartaa dhibaatooyin culus oo nolosha halis geliya. 

Sanadkii qiyaas ahaan dunida dadka loo diwaangaliyo in ay u dhinteen tiifoowga ayaa kor u dhaafaya 200,000 oo qof.


Taas badalkeeda qofka hela daawada xanuunkan ayaa si deg-deg uga bogsooda wax ka yar 5 maalmood ilaa 3 maalmood marka uu cuno daawada.


Hadaba hadii aad isku aragto calaamadaha xanuunkan ama aad iskaga shakido fadlan booqo goob caafimaad oo tayo leh.


Fadlan Gaarsii asxaabtaada iyo qaraabadaada una SHARE garee.



Abdikadir M. Abdullahi 


No comments:

Post a Comment

Wacyigelin ku saabsan Isnidhaamis (Scabies):

  Wacyigelin ku saabsan Isnidhaamis (Scabies): Isnidhaamisku (Scabies) waa mid kamid ah cudurrada faafa ee ku dhaca maqaarka kaas oo ay sa...