Friday, November 19, 2021

Diabetic foot ulcer treatment and its avoidance.

 

Diabetic foot ulcer treatment and its avoidance.





Diabetic foot ulcer treatment and its avoidance 


Individuals with diabetes are inclined to foot issues that create because of delayed times of high glucose levels. Diabetic neuropathy and fringe vascular illness are the two principle foot issues that happen, and both can have genuine entanglements. 


Recognizing side effects and determination 


One of the primary indications of a foot ulcer is seepage from your foot that may stain your socks or break out in your shoe. Surprising enlarging, bothering, redness, and smells from one or the two feet are likewise normal early manifestations. 


The most noticeable indication of a genuine foot ulcer is dark tissue (called eschar) encompassing the ulcer. This structures due to a shortfall of solid blood stream to the space around the ulcer. 


Halfway or complete gangrene, which alludes to tissue passing because of contaminations, can show up around the ulcer. For this situation, smelly release, torment, and deadness can happen. 


Indications of foot ulcers are not generally self-evident. In some cases, you wont even show manifestations of ulcers until the ulcer has become tainted. 


Chat with your primary care physician if you start to see any skin staining, particularly tissue that has become dark, or feel any aggravation around a space that seems callused or bothered. 


Your primary care physician will probably distinguish the earnestness of your ulcer on a size of 0 to 5 utilizing the Wagner Ulcer Classification System: 


0: no open sores; may have recuperated injury 


1: shallow ulcer without infiltration to more profound layers 


2: more profound ulcer, arriving at ligament, bone, or joint case 


3: more profound tissues required, with ulcer, osteomyelitis, or tendonitis 


4: gangrene in a part of forefoot or impact point 


5: broad gangrenous inclusion of the whole foot 


Reasons for diabetic foot ulcers 


Ulcers in individuals with diabetes are most ordinarily brought about by: 


• helpless course 


• high glucose (hyperglycemia) 


• nerve harm 


• aggravated or injured feet 


Helpless blood dissemination is a type of vascular illness wherein blood doesnt stream to your feet productively. Helpless flow can likewise make it more hard for ulcers to mend. 


High glucose levels can slow the recuperating system of a contaminated foot ulcer, so glucose the board is basic. Individuals with type 2 diabetes and different sicknesses frequently make some harder memories fending off diseases from ulcers. 


Nerve harm is a drawn out impact and can prompt a deficiency of feeling in your feet. Harmed nerves can feel shivery and difficult. Nerve harm lessens affectability to foot agony and results in easy injuries that can cause ulcers. 


Ulcers can be recognized by waste from the impacted region and at times an observable irregularity that isnt consistently excruciating. 


Hazard factors for diabetic foot ulcers 


All individuals with diabetes are in danger for foot ulcers, which can have numerous causes. A few variables can build the danger of foot ulcers, including: 


• ineffectively fitted or low quality shoes 


• helpless cleanliness (not washing routinely or completely or not drying the feet well subsequent to washing) 


• ill-advised managing of toenails 


• liquor utilization 


• eye infection from diabetes 


• coronary illness 


• kidney infection 


• corpulence 


• tobacco use (represses blood course) 


• Diabetic foot ulcers are likewise generally normal in more seasoned men. 


Treating diabetic foot ulcers 


Stay off your feet to keep torment from ulcers. This is canceled stacking, and its accommodating for all types of diabetic foot ulcers. Tension from strolling can aggravate a disease and a ulcer extend. 


Your primary care physician might prescribe wearing specific things to secure your feet: 


• shoes intended for individuals with diabetes projects .


• foot supports 


• pressure wraps 


• shoe supplements to forestall corns and calluses 


Specialists can eliminate foot ulcers with a debridement, the evacuation of dead skin or unfamiliar items that might have caused the ulcer. 


A contamination is a genuine intricacy of a foot ulcer and requires prompt treatment. Not all contaminations are dealt with the same way. 


Tissue encompassing the ulcer might be shipped off a lab to figure out which anti-infection will help. If your primary care physician presumes a genuine disease, they might arrange a X-beam to search for indications of bone contamination. 


• Disease of a foot ulcer can be forestalled with foot showers .


• cleaning the skin around a ulcer .


• keeping the ulcer dry with incessant dressing changes .


• chemical medicines .


• dressings containing calcium alginates to repress bacterial development .


         ■ Meds 


Your primary care physician might endorse anti-microbials, antiplatelets, or anticlotting prescriptions to treat your ulcer if the contamination advances even after preventive or antipressure medicines. 


A considerable lot of these anti-toxins assault Staphylococcus aureus,bacteria known to cause bacterial sicknesses, or - haemolytic Streptococcus, which is ordinarily found in your digestion tracts. 


Consult with your PCP about other medical issue you have that may build your danger of contaminations by these unsafe microscopic organisms, including HIV and liver issues. 


    ■ Surgeries 


Your PCP might suggest that you look for careful assistance for your ulcers. A specialist can assist with lightening tension around your ulcer by shaving down the bone or eliminating foot anomalies like bunions or hammertoes. 


You will probably not need a medical procedure on your ulcer. Notwithstanding, if no other treatment choice can assist your ulcer with recuperating, medical procedure can keep your ulcer from turning out to be more awful or prompting removal. 


Top of Form 


As per a 2017 audit article in the New England Journal of Medicine, the greater part of diabetic foot ulcers become tainted. Roughly 20% of moderate to serious foot contaminations in individuals with diabetes lead to removal. Preventive consideration is vital. 


Intently deal with your blood glucose, as your odds of diabetes entanglements stay low when your glucose is steady. You can likewise assist with forestalling foot issues by: 


• washing your feet consistently.


• keeping toenails sufficiently managed, however not very short .


• keeping your feet dry and saturated. 


• changing your socks as often as possible.


seeing a podiatrist for corn and callus evacuation 


• wearing appropriate fitting shoes.


Foot ulcers can return after theyve been dealt with. Scar tissue can become tainted if the region is disturbed once more, so your primary care physician might suggest you wear shoes uniquely intended for individuals with diabetes to keep ulcers from returning.

Sunday, October 3, 2021

SANJABIISHU MAXAY DAAWO U TAHAY?

 SANJABIISHU MAXAY DAAWO U TAHAY?




Sanjabiilku wuxuu ugu horreeyaa geedo daaweedyada, waxaana lagu isticmaalaa wadamo aad u badan, waxaana warbixin caafimaadkeed laga dhaxlay hindida iyo shiineeska oo weligood u adeegsan jiray in ay ku daaweeyaan xanuunno aan la soo koobi karin.


Laakiin cilmiga cusub, cilmibaarisyo dhowr ah oo lagu sameeyay  ayaa lagu ogaadey Faaiiidooyinkeeda.


● Waxaa la ogaaday in sanjabiilka uu alle ku abuuray 115 walxo oo faa'ido u leh caafimaadka laakiin waxaa ugu muhiimsan wax loo yaqaano "Gingerol" 


oo ka faa'ido badan daawooyin kiimiko ah oo hadda jira loona adeegsado xanuuno kala duwan in lagu daaweeyo.


Maadada Gingerol waaa maado sun-saare iyo caabuqdile xoog leh, waana xanuun baab'iye isku jiro!!!.


● Cudurka ugu horreeyo oo sanjabiilka daawo u yahay ama ka hortag loogu adeegsado waa wadna xanuunka iyo wadna howlgabka, 


wuxuu sanjabiilka, tuunta iyo basashaba siyaadiyaan qulqulka dhiiga,


 waxayna la mid tahay daawada "Asprin-ka" ee la siiyo dadka wadnaha ka xanuunsan,

 

 waxay kaloo awood siiyaa murqaha wadnaha maadaama uu daciifay, waxayna u shaqeysaa sida daawo loo yaqaano "Digoxin" oo wadnaha murqahiisa ka shaqaysiiso,

 

 Waxay kaloo waasicisaa howlbowlayaasha dhiiga qaado, waxayna qabataa daawooyinks wadnaha ee howshaas loo qaato oo loo yaqaano "Vasodilators", sidaas awgeed sanjabiilku wuxuu kulansaday faa'idada daawooyinkii loo wada qaadan jiray howlgabka wadnaha.


● Sanjabiilku wuxuu kaloo alle ku abuuray awood lalabo dajin iyo matag ka hortag, waana sababta loogula taliyo in haweenka ay adeegsadaan ku kotaroolidda wallaca,


 maadaama daawooyinka badanaa lalabada iyo mataga loo qaato uurka ay saamayn ku yeelan karaan uurjiifka, 

 

waxaa hooayda lagula taliyaa in ay isticmaasho sanjabiilka, waxaa jiro kaniiniyaal laga sameeyay sanjabiilka oo laga helo wadamada qaar, laakiin waxaad badalkooda isticmaali kartaa in sanjabiilka nooca qoyan aad biyo la dhigto, kadibna biyahaas aad cabto markii lalabo ku qabataba, 

sanjabiilka ha ruugin wuxuu kugu kicin karaa gaaska.


● Waxaa kaloo sanjabiilka loo adeegsadaa calool xanuunka, calool majiirka iyo dheefshiid xumada, iyadoo loo cabo sidii cabitaan oo kale, wuxuuna ka hortagaa laguna daweeyaa calool fadhiga, 


Dadka ka sheegto dheefshiid xumada, waxaa lagula taliyaa in ay toonta iyo sanjabiilka badsadaan, 


● Sanjabiilku wuxuu sare u qaadaa difaaca jirka isagoo firfircooni galiyo unuygyada difaaca jirka ka qayb qaato khaas ahaan kuwa "lymphocytes-ka" loo yaqaano oo howshuudu ka mid tahay la dagaallanka feyrasyada, sidaas darteed hergabka iyo wixii la mid ah, sanjabiilku aad buu wax uga taraa.


● Cilmibaaris lagu sameeyay awoodda antibiotic ahaan ee sanjabiilka waxaa lagu ogaaday inuu ka awood badan yahay daawooyinka ay ka mid yihiin: Ampicillin, Tetracycline iyo Chloramphenicol-ka, waxay dhakhaatiirtu dhahaan, haddii aad qalliin galaysid ama markaa qalliinka ka soo baxdid oo aad ka cabsi qabtid in aad infekshan ka qaadid meesha lagaa qalay, marso saliidda sanjabiilka, waxay ka awood badan tahay qallajiyayaasha la liqo, tani waxaa la mid ah oo badalkeeda isticmaali kartaa saliida dhaga-yaraha, 


● Sanjabiilku wuxuu leeyahay awood uu kaga takhallusi karo jeermiska fangaska loo yaqaano oo badanaa keeno caabuqyada maqaarka, waxuu sanjabiilka koobka u qaaday 29 daawo oo la barbardhigay awooda jeermis dilidda fangaska.


● Sanjabiilka qoyan wuxuu bogsiiyaa nabraha caloosha ku samaysma oo gaaska uu keeno, waxaana baaritaan lagu ogaaday arrintaan sanadkii 1980-kii, waliba waxaa waagaas lagu taliyay in lagu badalo daawo loo qaadan jiray laabjeexa oo loo yaqaano "Prevacid"


● Sanjabiilku waa xanuun baab'iye sida dhegayaraha oo kale, wuxuuna ku fiican yahay xanuunada ay neerfaha keenaan.


● Sanjabiilku wuxuu kaloo siyaadiyaa awooda hormoonka insulin-ka waxaana lagula taliyaa dadka qabo sokorowga nooca 2-aad, in ay badsadaan sanjabiilka si shaqada hormoonka naaquska ah u siyaado.l


Sanjabiilku waa geed siyaabo kala duwan loo adeegsan karo, qaab cabitaan, qaab cayriin, qaab saliid, qaab shaah, qaab budo iyo qaabab kalaba, intaba waxaa la ogaaday in watarkiisu uusan isbadalin.


Fadlan nagu soo biir si aad uga mid noqoto dadka ugu horeeya ee ka faaiidaysta talooyin caafimaad aan soogalino pageka #follow #like dheh mahadsanid 


Akhriste waxan rajaynayaa in aad wax badan ka faaiidays hadaba ha hilmaamin in aad sii gaadhsiiso asxabtaada iyo bulshada kale si ay uga faaiidaystan #SHEER dheh mahadsanid 

faafi oo gaarsii asxaabtaada fadlan 


Somalidoc


SHARE SHARE SHARE



Abdikadir M. Abdullahi 

Thursday, September 30, 2021

𝐌𝐚𝐱𝐚𝐲 𝐝𝐞𝐠 𝐝𝐞𝐠 𝐮𝐠𝐮 𝐝𝐡𝐢𝐧𝐭𝐚𝐚𝐧 𝐜𝐢𝐲𝐚𝐚𝐫𝐭𝐨𝐲𝐝𝐚.

 𝐌𝐚𝐱𝐚𝐲 𝐝𝐞𝐠 𝐝𝐞𝐠 𝐮𝐠𝐮 𝐝𝐡𝐢𝐧𝐭𝐚𝐚𝐧 𝐜𝐢𝐲𝐚𝐚𝐫𝐭𝐨𝐲𝐝𝐚?




Sanad walba waxa aynu aragnaa ama maqalnaa, qof si kediso ah u dhintay, ama mid isagoo suuxsan laga qaaday halkuu ku ciyaarayey, amaba goobta shaqada, qofkaas oo aan inta badan lagu ogeyn wax xanuun ah.


Haddaba aan iftiimino saddexda wax ee ugu caansan ee sababa Masiibadaan ku dhacda dadka qaar.


simple fainting ( suuxid sahlan ):- tani ma ahan mid halis badan,hase yeeshee waxay u baahantahay in la baaro waxa keenaya.

calaamadaha lagu yaqaan waxaa ka mid ah.

In inta aanu qofku suuxin dareemo:-

1. Diyaan madaxa ah

2. Indhaha oo humaag ku furmo ( bullured vision) iyo dhegaha oo qaylo uu ka dareemo.


3. Mudo aan 15daqiiqo ka badnayn in qofku kasoo kaco suuxiddi.

4. In qofku meesha kulul ama qubeyska kulul ku xanuunsado, gaar ahaan madax xanuun ku dareemo.


Daweynta:- kolka la ogaado in qofka xanuunkaan suuxida sahlan ah uu hayo, waxaa lagu daweeyaa:-

1. In uu ka fogaado cabbidda kafeega, in uu joogteeyo biyo badan oo uu cabbo.

Waa talooyin haddii qofka saan camal u xanuunsadaa uu raaco, ka hortegaya in aan suuxidaani ku soo noqoneyn, balse daweyn ma ahan.


Cardiac problem/ Cillad wadnaha ah.


Inta badan cilladda wadnaha waxaa la ogaado kolki qofku si kediso ah ku dhinto.

Balse calaamadaha sii sheegay in xanuunka qofku la suuxay ama u dhintay wadnaha yahay waxaa ka mid ah:-

1. In qofku xilliga jimicsiga/physical exercise uu dhaco(collapse) ama miyir doorsoomo.

2. In isagoo aan horay waxba xanuun isku ogeyn ama dareemeyn uu suuxo,amaba dhinto.

3. Ama in qofkaas waalidkiis si kediso ah wadnaha ugu dhinteen iyagoo yaryar.


Wadna xanuunku waa waxa ugu badan ee keena geerida kedisada ah, gaar ahaan xilli qofku ku jirey jimicsi, waxaana keenaya in aanu ogeyn ee awal wadnihiisu weynaadey, iyadoo inta badan ey keentay in qofka aabihiis ama hooyadiis xanuunkaan u dhinteen ama markaasba xanuunka la nool yihiin(Genetical).


Fiiro gaar ah: marka qofku saan u miyir doorsoomo waxaa la gudboon cidda la joogta in ay u fidiyaan gargaar degdeg ah, 1. In ay xabadka gacmaha kaga riixriixaan, afkana neef ka siiyaan 2. In ay wacaan gawaarida gargaarka deg-dega ah si loogu gudbiyo cisbataalka ugu dhow loolana tacaalo haddii uu noolyahay.


Seizure/qallal:- tani waa mid ka mid ah waxyaalaha sababa in qofku si kediso ah u suuxo,inta badanna ma sababto geeri.

Calaamadaha qallalka waxaa ka mid ah:-

1. déjà vu/in qofku waxa uu markaas u jeedo la noqdaan wax uu horay u arkay,ama meel ama shey kuu doono ha noqdee, kadibna qallalku saas ku bilowdo.


2. In uu bilaabo in gacmuhu gariir sameeyaan, markuu qofku xaaladaha qallalka ku jiro.

3. In marka qofku soo tooso diyaan iyo wareer farabadan dareemo.


Qallalku wuxuu ka mid yahay xanuunada dawada leh, oo lala tacaali karo,dad badan oo qaba ayaana ku suuxa jidadka,goobta shaqada, ama xilliga jimicsiga, waana wax u baahan gargaar degdeg ah.


Gunaanad:- qofkasta oo dareema wadna xanuun, ama waalidkiis mid ka mid ah u dhintay xanuunka wadnaha, ama kolka uu exercise/jimicsi sameeyo dareema calaamadaha aan kor kusoo xusnay wuxuu u baahanyahay in uu xaaladiisa caafimaad eego, gaar ahaan haddii uu yahay qof sameeya jimicsi awood badan u baahan ama waqti badan lagu jirayo.


Xasuusnow waxyaalaha keena in qofku koomo galo waxaa ka mid ah in sonkortu dhacda, gaar ahaan hadduu macaan qabey.

Xogtaan share dheh,si wacyigelinta caafimaadku kor ugu kacdo.

Mahadsanid.


Abdikadir M. Abdullahi 


Dr-Zarqawi Yusuf Guled.

Friday, September 24, 2021

Kala duwanaanshaha Delta miyuu beddelay astaamaha COVID-19?



 Kala duwanaanshaha Delta miyuu beddelay astaamaha COVID-19?


 Calaamado kala duwan oo ballaaran ayaa la xiriira kala duwanaanshaha Delta.  Garashada iyaga ayaa kaa caawin doonta inaad ogaato goorta la is -baarayo.  Waxaa sii dheer, sida khaldan ee ku saabsan tallaallada ay noo kala qaybiyeen, macluumaad cusub oo ku saabsan Long COVID ee carruurta iyo sida loo ogaado haddii masiibada ay saamaysay caafimaadkaaga maskaxda.


 Waxaa la sheegay marar badan in imaanshaha kala duwanaanshaha Delta ee coronavirus ay beddeshay dariiqa masiibada.  Way ka gudubtaa kala duwanaansho hore waxayna si dhakhso ah u noqotay kala duwanaanshaha guud ee adduunka oo dhan.  Sababtoo ah tallaaladu aad bay uga waxtar yar yihiin, in kasta oo ay weli waxtar leeyihiin, haddana waxay keentay baahida loo qabo tallaalada xoojinaya doodda.


 Daraasad cusub ayaa muujisay in astaamaha infakshanka soo bandhigaa ay sidoo kale isbeddeleen.  Sida laga soo xigtay Ururka Caafimaadka Adduunka, astaamaha ugu caansan ee COVID waa:



 Sida kala duwanaanshaha Delta uu u beddelay dariiqa COVID-19 masiibo


 1. Qufac cusub ama joogto ah


 2. Qandho ama heerkul sare


 3. Lumid xagga dareenka urinta ama dhadhanka


 4. Daal


 Laakiin natiijooyinka ka soo baxay Zoe COVID Symptom daraasad kaas oo la socda astaamaha malaayiin qof oo laga helay fayraska UK, labadaba si buuxda loo tallaalay iyo kuwa aan la tallaalinba, waxay muujineysaa in kuwa si buuxda loo tallaalay shanta astaamood ee ugu sarreeya ay yihiin  :


 1. Madax xanuun


 2. Sanka Daata


 3. hindhiso


 4. Cune xanuun


 5. Urta oo lunta


 Kuwa aan la tallaalin, shanta calaamadood ee ugu sarreeya waa:


 1. Madax xanuun


 2. Cune xanuun


 3. Sanka oo dareera


 4. Qandho


 5. Qufac joogto ah


 Haddii aan dooneyno inaan sii wadno tijaabinta iyo go'doominta shaqsiyaadka iyo xiriirkooda kuwaas oo laga yaabo inay leeyihiin COVID si ay gacan uga geystaan ​​maareynta faafitaankiisa, waxaa muhiim ah inaan aqoonsanno astaamaha ballaaran ee ay soo bandhigi karto si dad badan u ogaadaan goorta ay naftooda u hormarin lahaayeen baaritaanka.  Xilliga xogta dhabta ah ee adduunka aan weligeed la heli karin oo ku-shaqayntu aysan ahayn mid deg-deg ah, waa furaha in waddamadu aqoonsadaan tan oo ay ballaariyaan shuruudaha imtixaankooda.


 Warbixinta Horumarka: Maxay tallaallada COVID noo kala qaybinayaan?


 Waxaan ku noolnahay adduun qof walba fikrad ka haysto, kaas oo isla markiiba lala wadaagi karo malaayiin qof oo ku kala nool daafaha dunida iyaga oo adeegsanaya warbaahinta bulshada.  Tani waxay noqon kartaa wax wanaagsan marka la soo saarayo xog dhab ah: Waxaan aragnay sida ay muhiimka u tahay in la wadaago sheekooyinka shaqsiyeed kuwa ku nool meelaha colaaddu ka jirto si dadku u yeeshaan aragti gudaha ah sida ay tahay dhulka.  Dhawaanahan, tani waxay iftiimisay iftiin muhiim ah oo ku saabsan xaaladda haweenka Afghanistan.  Si kastaba ha noqotee, isla waqtigaas, warbaahinta bulshada waxaa loo adeegsan karaa in lagu faafiyo sheekooyin ay ku jiraan khaladaad iyo marka la eego tallaallada COVID-19, macluumaad khaldan.


 Tallaaladu weligood ma noqon mawduuc kala qaybiya sida ay maanta yihiin.


 Inay ahaadaan dawooyin muhiim ah, tallaaladu waxay badbaadiyeen nolosha malaayiin qof oo adduunka ku nool tan iyo markii la aasaasay waxayna mas'uul ka ahaayeen ciribtirka cudurrada sida furuqa iyo hoos u dhaca weyn ee dhacdooyinka dabaysha.


 Teknolojiyadda cusub ee mRNA ee loo adeegsado qaar ka mid ah tallaallada COVID-19 ayaa hadda la baarayaa iyadoo la rajaynayo inay gacan ka geysan karto soo afjaridda cudurrada kale sida duumada.  Tallaallada Pfizer iyo Moderna waxaa loo kala saaraa tallaallada mRNA, waxay ka kooban yihiin gabal walxo hidde ah oo xambaarsan tilmaamo ku saabsan sida loo sameeyo borotiin u eg “borotiinka lafdhabarta” ee dusha sare ee coronavirus.  Unugyada leh farriinta mRNA ayaa sameeya “borotiinno dheellitiran” waxayna ku muujiyaan dusha sare, hababka difaacayagu waxay u aqoonsadaan kuwan shisheeye waxayna diyaariyaan jawaab difaac muddo gaaban iyo mid dheer.  Marka ay gudbiso tilmaamaheeda, unugyadeenu waxay burburiyaan mRNA maalmo gudahood waxayna joogsataa jiritaankeeda.


 Had iyo jeer waxaa jiray dad laga tiro badan yahay oo ka soo horjeeday tallaallada laakiin tallaallada COVID-19 waxay umuuqdaan inay ku dhiirriyeen dadkan inay ka guuraan darafyada bulshada una gudbaan aaladaha caadiga ah iyo meeshii markii hore lagu jeesjeesay mowqifkooda tallaallada, waxay  ayaa hadda loo sacbinayaa oo codadkoodana ay sii kordhiyeen xitaa dad horay ugu farxay qaadashada tallaallada.  Dabcan, waxaa jira kuwa rumeysan in masiibada oo dhan ay tahay been abuur isla markaana qeyb ka ah qorshayaal aad u xun oo dib loogu dejinayo amarka adduunka oo si uun loo xakameeyo dadka oo dhan.


 Tani dabcan waxay ka cadhaysiisay kuwii ay dhibaatadu soo gaadhay markii ugu horreysay ee coronavirus, shaqaalaha daryeelka caafimaadka oo si hagar la’aan ah ugu hawlanaa daryeelka bukaanka iyo saynisyahannada oo sii kordhiyay dadaalladoodii ahaa inay la yimaadaan daaweyn iyo dawooyin suurtagal ah.


 Wadamo badan ayaa arkay banaanbaxyo dadweyne oo looga soo horjeedo qufulka iyo tallaabooyinka fogeynta bulshada, iyo sidoo kale isu soo baxyo looga soo horjeedo adeegsiga tallaalada.  Qaarkood xitaa waxay arkeen xarumo daryeel caafimaad oo bukaannada COVID lagu daweynayo ama meesha tallaallada laga maamulo, la kharribay iyo qaar ka mid ah xaaladaha ugu xun, xirfadlayaasha daryeelka caafimaadka oo la xumeeyo oo loo hanjabo.



 Laakiin sidee baan ku gaarnay heerkan?


 Marxaladihii hore ee masiibada, dadku waxay u muuqdeen inay isu yimaadeen.  Waxaa jiray dareen midnimo oo ka dhan ah fayras aan la arki karin kaas oo dhammaanteen noo keenay khatar lagu kalsoonaan karo.  Dadku waxay taageereen shaqaalaha daryeelka caafimaadka waddammada qaarkood xitaa waxay arkeen “sacab” abaabulan oo loogu talagalay kuwa naftooda halis gelinaya inay ka shaqeeyaan jiidda hore.  Markii kuwa nugul la weydiistay inay gaashaan ka dhigtaan oo ay guryahooda joogaan, bulshooyinku waxay isugu yimaadeen inay diyaariyaan oo ay keenaan baakadaha cuntada si aysan cunno la’aan u noqon inta ay nabdoon yihiin.  Dadku waxay umuuqdeen inay fahmeen baahida loo qabo qufulka iyo fogeynta bulshada maadaama xafiisyadii la xiray shaqaalahana laga codsaday inay guryahooda joogaan.  Laakiin markii waqtigu sii socday, kooxo kala duwan oo dad ah ayaa lahaa waayo -aragnimo kala duwan oo masiibada ah.  Guud ahaan, dadka waaweyni waxay ku dhaceen saddex xero:


 1. Kuwa sida tooska ah u taabtay xanuunka uu keenay COVID, oo ay ku jiraan kuwa ka shaqeeya safka hore.


 2. Kuwa ay saamaysay oo kaliya cawaaqibka dhaqaale ee masiibada.


 3. Kuwa dareemaya in aanay si weyn u saamayn masiibada - dad iska dhago tiray talada ama u noolaa hab xaddidaaduhu saamayn kuma yeelan.


 Kala qaybsanaantani waxay sababtay isku dhac.  Kuwa dhaqaale ahaan tabaalaysan ma dheelitiri karaan baahida loo qabo qufullo ka dhan ah burburka maaliyadeed ee baaxadda leh ee ay sababeen xannibaadyadan, iyo kuwa la kulmay argagaxa nolosha dhabta ah ee safka hore kama fikiri karaan waddo kale oo lagu joojiyo daadka  bukaanka buka ee ku jira isbitaallada.  Carruurtu waxay sidoo kale la kulmeen dhibaato ah markii xirnaashaha dugsigu ay saameyn xun ku yeelatay waxbarashadii oo aysan mar dambe fursad u helin is -dhexgalka bulshada oo ay ku tiirsan yihiin horumarka, tanina waxay buux dhaafiyeen oo walaac geliyeen waalidiin badan.


 Faafida ayaa sidoo kale dadka u kala qaybisay iyada oo loo eegayo khadadka dhaqan -dhaqaale iyo midabka.  Waxay caddaatay goor hore in kuwa ku noolaa aagagga dhaqan -dhaqaale ee saboolka ah ay u badan tahay inay ka bukoodaan fayraska.  Maalgashi la'aan joogto ah oo ku habsatay bulshooyinkan ayaa ku qasabtay inay ku noolaadaan guryo ciriiri ah.  Marka lagu daro halista hore u sii korortay ee xaaladaha caafimaad ee kale saboolnimada awgeed, tani waxay gelisay halis sare oo ah inay u dhintaan fayraska.


 Waxay la mid ahayd kuwa ka soo jeeda beelaha laga tirada badan yahay.  Iyaguna waxay u badan tahay inay ku noolaadaan xaafadaha saboolka ah, ka shaqeeyaan shaqooyin aysan ka qaban karin guriga iyo qaar kaloo badan ayaa lahaa xaalado caafimaad oo horay u jiray taasoo kordhisay halista inay si daran ugu xanuunsan karaan fayraska.


 Markii waqtigu sii socday, burburka dhaqaale ayaa sii qoto dheeraaday, oo kuwa noloshoodu halis ku jirtay, fikradda ah in la ilaaliyo dadka nugul kharashkooda ayaa bilaabay inay xirtaan dhuuban.  Niyad-wanaagga loo fidiyey shaqaalaha safka hore ayaa sidoo kale bilaabay inuu libdho, iyadoo dadku ka dhawaajiyeen sida ay uga soo horjeedaan sida shaqaalaha daryeelka caafimaadka loogu ammaano fagaarayaasha dadweynaha;  waxay bilaabeen inay u arkaan inay astaan ​​u tahay qufulka iyo xannibaadaha.


 Kadibna waxaa yimid tallaaladii.


 Markii hore, soo dhaweyntu waxay ahayd mid togan.  Waxaan ugu dambayntii haysannay aalad suurtogal u noqon karta in lagu dhawaaqo bilowga dhammaadka masiibada.  Dadku waxay ahaayeen rajo.  Laakiin anti-vaxxers-ka ayaa durbadiiba ku booday khadka tooska ah waxayna bilaabeen inay faafiyaan macluumaad qaldan iyaga oo isku dayaya inay ka hortagaan dadaalka tallaalka.


 Ma aysan caawin in farriintii hore ee ku saabsan tallaallada aysan caddeyn, in kasta oo markii dambe la beddelay markii ay soo baxeen caddaymo badan, oo ay ku jiraan macluumaad ku saabsan ammaankooda inta ay uurka leeyihiin iyo haddii la siin karo dumarka isku dayaya inay uur qaadaan.  Hadda way caddahay in dheelitirka, ay ammaan u tahay haweenka uurka leh inay qaataan tallaallada intii ay halis ugu jiri lahaayeen inay qaadaan COVID iyo sidoo kale in tallaalladu aysan wax saamayn ah ku yeelan bacriminta.  Iyadoo ay taasi jirto, ayaa waxaa jira warar khaldan oo ku saabsan tallaalada sababa madhalaysnimada.


 Dadka ka soo horjeeda tallaallada ayaa si gaar ah u hadal-hayey, oo ka-hortagayaasha vaxxers-ka ayaa arkay taageeradooda iyo tiradooda oo koraysa.  Tani waxay u muuqataa inay ka sii dartay markii dawladuhu bilaabeen inay tallaalaan kooxaha da'da yar.  Isu soo bax dhowaan ka dhacay London ayaa lagu arkay dad ka soo horjeeda tallaalka carruurta ku duqeynaya xirfadlayaasha daryeelka caafimaadka aflagaado neo-Nazi oo u sheegaya in la daldalayo sida dhakhaatiirta iyo kalkaaliyayaasha tijaabooyinka Nuremberg.  Tani waxay dhibaato weyn ku abuurtay xirfadlayaasha daryeelka caafimaadka kuwaas oo naftooda qatar gelinaya iyagoo daryeelaya kuwa kale oo dhan inta uu jiro cudurka.


 Waa inaynaan iska indha tirin qaybta ay warbaahintu ka ciyaartay dhiirigelinta kala qaybsanaantan oo dhan.  Kanaalada wararka hadda waxay u muuqdaan inay ku tiirsan yihiin maqaallada internetka ee clickbait iyo doodaha telefishinka ee kululeeya si ay u soo jiitaan daawadayaasha. Tani waxay la micno tahay codad aad u badan oo la isku khilaafsan yahay ayaa la siiyay aaladaha warbaahinta waaweyn, telefishanka iyo daabacaaddaba, sababta fudud ee ay uga faa'iidaystaan  shirkadaha wararka.  Waxaa laga yaabaa inay u labistaan ​​sidii iyagoo soo bandhigaya “labada dhinac ee doodda”, laakiin marka hal dhinac uusan ku salaysnayn caddayn oo uu ku tiirsan yahay oo keliya aragtida shaqsi aan u qalmin, waxay u adeegayaan oo keliya inay faafiyaan macluumaad khaldan oo dheeraad ah.  Doodahan kulul iyo qaybaha fikradaha ayaa ku beeray abuurka shakiga dad badan maskaxdooda markay timaado tallaalada, taas oo horseedi karta dhimashada qaar ka mid ah kuwa qaatay COVID kadib markay doorteen inaan la tallaalin  internetka ama telefishanka.


 Shaki kuma jiro in masiibada ay noo kala qaybisay siyaabo ka badan hal.  Waxay qaadan doontaa waqti si ay u bogsato waxayna u baahan doontaa hoggaamin ka timaadda madaxda.  Waxaa jira shaqsiyaad, ururo waaweyn iyo xitaa wadammo dhan oo u istaaga inay ka faa'iideystaan ​​iyagoo sii qoto dheer kala qaybsanaantan.  Inay guulaysan doonaan iyo in kale ayaa weli la arki doonaa, laakiin dhakhtarkan ayaa dareensan inay jiraan wax badan oo laga faa'iidaysan karo isu -imaanshaha intii la sii kala fogeyn lahaa.


 Warka Wanaagsan: COVID dheer oo ku jira carruurta aan ku badnayn sidii markii hore la moodayay


 Koox cilmi -baarayaal ah oo uu hoggaaminayo University College London ayaa soo gabagabeeyay in halista Long COVID ee carruurta ay aad uga yar tahay sidii hore looga baqi jiray.  Waxay sahamiyeen in ka badan 50,000 oo carruur ah oo da'doodu u dhaxayso 11 ilaa 17 kuwaas oo laga helay cudurka coronavirus gudaha England intii u dhaxaysay Sebtember 2020 iyo Maarso 2021. Marka loo eego natiijooyinkooda, inta u dhaxaysa 2 boqolkiiba iyo 14 boqolkiiba carruurtaas ayaa wali leh astaamo 15 toddobaad kadib markii caabuqii hore,  laakiin in yar baa leh calaamado sii socda oo u baahnaa inay raadsadaan caawimaad caafimaad ama inay waqti weyn ka qaataan dugsiga.


  [Muaz Kory/Al Jazeera]


 Daraasado horudhac ah oo lagu sameeyay Rome, oo lagu wareystay 129 carruur ah oo da'doodu u dhaxayso lix ilaa 16 jir laga bilaabo Maarso illaa Noofambar 2020, ayaa soo sheegay in in ka badan saddex meelood meel ay lahaayeen hal ama laba astaamood oo raagaya afar bilood kadib.  Markaa natiijooyinkan ugu dambeeyay, in kasta oo ay wali walwalsan yihiin, waxay waalidiinta u xaqiijin doonaan in haddii ilmahoodu uu qaadi lahaa fayraska, ay jirto khatar ka yar sidii markii hore loo malaynayay inay ku sii socdaan Long COVID.


 Laakiin halista Long COVID, in kasta oo ay ka yar tahay, weli way jirtaa oo qorayaasha daraasaddu waxay ka walaacsan yihiin inay tilmaamaan in tirooyinku aysan wali ahayn kuwo fudud oo cudurka loo baahan yahay in si dhab ah loogu qaado carruurta.


 Waxay ku caddahay daraasaddan in carruurtu aysan "ka badbaadin" saamaynta fayraskan, sheeko ay dad badani sii wadaan, laakiin waa war soo dhawayn ah inay u nugul yihiin Long COVID sidii markii hore la moodayay.


 Qalliinka Dhakhtarka: Sida masiibadu u saamaynayso caafimaadka maskaxda ee bukaankayga


 Caafimaadka maskaxdu wuxuu ahaa walaac joogto ah inta uu cudurku dillaacay.  Markii hore, waxaan arkayay bukaanno aad uga walwalsanaa qaadista fayraska oo ay bilaabeen inay muujiyaan astaamaha welwelka iyo niyadda la beddelay.  Waxa kale oo aan arkay astaamaha ka sii daraya kuwa la nool xanuunka qallafsan (OCD) maaddaama farriinta joogtada ah ee agagaarka nadaafadda iyo meelaha nadiifintu ay saamayn xun ku yeelato caafimaadkooda maskaxeed oo qaar badan oo ka mid ahi ay tahay inay raadsadaan daryeel caafimaad.


 Dhawaanahan, waxaan arkaa saamaynta muddada-dheer ee masiibada ku yeelatay caafimaadka maskaxda bukaankayga.  Qaarkood waxay waayeen eheladoodii waxayna hadda la il daran yihiin astaamaha niyad -jabka oo dhaafsiisan kuwii laga filayay falcelinta murugada.  Waxaa jira dhallinyaro walaac ka qaba fikirka ah inay dib ugu laabtaan iskuulka iyo jaamacadda.  Waxaa jira dad ay soo wajahday dhibaato maaliyadeed oo ka dhalatay qufullo badan oo caafimaadkooda maskaxeed xumaaday.  Way adkaan kartaa dhageysiga dhammaan sheekooyinkan shaqsiyeed ee dhibaatada maalintii oo dhan, laakiin si kasta oo ay igu adag tahay, aad bay ugu adag tahay iyaga.


 Dhibaatooyinka caafimaadka dhimirka ayaa ku dhici kara mid kasta oo naga mid ah mar kasta oo nolosheena ah.  Waa muhiim in la garto astaamaha oo gargaar la raadsado.  Waxaa jira calaamado badan oo welwel iyo niyad -jab leh, jir ahaan iyo maskax ahaanba, laakiin kuwa ugu badan waa:


 · Si joogto ah u dareemo murugo ama niyad jab


 · Dareen rajo la'aan ama ilmo


 · Inaadan lahayn wax dhiirigelin ah ama xiiso u leh waxyaabihii aad ku raaxaysan jirtay


 · Inaad nolosha ka hesho raaxo la'aan


 · Si joogto ah u joogga ama aad dareento cabsi


 Dadka qaarkood, welwelkooda ama niyad -jabka ayaa laga yaabaa inay aad u xumaadaan oo ay ku fekeraan inay naftooda waxyeelleeyaan.


 Astaamaha jirka waxaa ka mid noqon kara daal, wadna garaac, dawakh iyo neefsasho la'aan.


 Calaamadaha aad doonto ha lahaadee, waxaa muhiim ah in aad qof kala hadasho iyaga, gaar ahaan xirfadle caafimaad.  Waxaa jira ikhtiyaarro daaweyn oo badan oo khubarada ayaa kula shaqayn doona si ay go'aan uga gaaraan waxa adiga kuu fiican.  Tani waxay noqon kartaa qaab hadal -ku -hadal, ka -qoris bulsheed - tusaale jimicsiga iyo dabeecadda marka la qoro, ama daawo, ama waxay noqon kartaa isku -darka waxyaabahaas.  Waxaa muhiim ah in aad ka fikirto caafimaadka maskaxda si la mid ah sida aad uga fikirto caafimaadka jirka: Si dhab ah u qaado oo maalin walba samee waxyaabo si aad maskaxdaada u noqoto mid caafimaad qabta.  Qaadashada jimicsiga maalinlaha ah, waqti ku qaadista meelaha cagaaran iyo ka hadalka sida aad dareemeyso ayaa dhammaantood la caddeeyey inay caawinayaan caafimaadka maskaxda oo liita.  Ha hoos u dhigin calaamadahaaga - waa muhiim oo xirfadlayaasha daryeelka caafimaadku si dhab ah ayay kuu qaadan doonaan haddii aad u furnaato.


 Waxaan bukaan ku waayey xaalado caafimaad maskaxeed waxaanan si xamaasad leh ugu doodaa kuwa la il daran caafimaadka maskaxda oo liita.  Fadlan ha ku xanuunsan aamusnaanta.


 Su'aasha Akhristaha: Tallaaladu ma caawiyaan ka hortagga COVID -dheer?


 Jawaab: Haa.


 Daraasad ay samaysay Kings College London ayaa muujisay in si buuxda loo tallaalo ay boqolkiiba 50 hoos u dhigayso calaamadaha


 COVID dheer ayaa la aqoonsadaa marka calaamaduhu sii jiraan afar toddobaad ama ka badan kadib caabuqa hore ee COVID.  Daraasaddu waxay eegtay ku dhawaad ​​hal milyan oo qof oo si buuxda loo tallaalay 592 -kii oo kaliya ayaa laga helay cudurka COVID.  592 -kan, kaliya 31, oo ah 5 boqolkiiba kooxda, ayaa soo sheegay astaamaha afar toddobaad ama ka badan caabuqa kadib.  Kooxda aan la tallaalin, tiradaasi waxay ahayd 11 boqolkiiba.  Tani waa sabab kale oo loo qaato tallaalka marka la siiyo.



XIGASHO: AL JAZEERA



W/Q: Dr Amir Khan


WAXAA TURJUMAY: Abdikadir M. Abdullahi 



Thursday, September 23, 2021

Arrimaha Sababa Kansarka Beerka Iyo Calaamadaha Lagu Garto (LIVER CANCER).

 

Arrimaha Sababa Kansarka Beerka Iyo Calaamadaha Lagu Garto (LIVER CANCER)

Kansarka beerka waa kansar kasoo bilowda unugyada uu beerka ka sameysan yahay ee loo yaqaano hepatocyte. Beerka waa xubin ku yaala qeybta kore ee uurkujirta, wuxuu ka hooseeyaa muraqa kala bara xabadka iyo uurkujirta.

Waxaa jira noocyo kala duwan oo kansar ah kuna dhaca beera. Nooca ugu badan ee dadka ku dhaca beerka waxaa la yiraahdaa Hepatocellular carcinoma, kansar kasoo farcama unugyada shaqada qabta ee beerka ku jira. Waxaa jira noocyo kale oo aan caan aheyn sida intrahepatic cholangiocarcinomaiyo hepatoblastoma.

Kansarada saameeya beerka kuligood ma ahan kuwo kasoo askumay beerka, waxaa jira kansarro kasoo bilowdo xubno kale oo jirka kamid ah kuna faafaa beerka, sida kansar xiidmaha, kansarka sambabaha.

Astaamaha kansarka beerka:

Dadka badankoodu malahan astaamaha iyo calaamadaha. Waa muhiim inaad la kulantid dhaqtar hadii aad isku aragtid astaamaha hoos u qoran.

  • Miisaanka oo luma isku day la’aan
  • Abataytka oo luma
  • Qeybta kore ee uurkujirta oo xanuun laga dareemoLalabo iyo matag
  • Awood la’aan iyo daal guud
  • Barar caloosha ah
  • Maqaarka oo huruud/jaale noqda
  • Saxara oo cadaad ama dambas u ekaata

Maxaa sababa kansarka ku dhaca beerka?

Waxaa jira sababayaal la ogyahay iyo kuwa aan la ogeyn, sida infekshanda qaar ee cagaarshoowga waxay sababi karaan kansar beerka ku dhaca.

Kansarka beerku wuxuu imaan karaa marka uu qalad ka dhex dhaco hidda sidayaasha ku jira gudaha unugyada beerka.

Haslista sababi karta xanuunkaan

  • Infekshanka raaga ee Cagaarshoow B iyo Cagaarshoow C: fayrus yada HBV iyo HCV waxey kordhiyaan halista kansarka beerka
  • Cirrhosis: beerka oo boog yeesho waxey soo dedejisaa kansarka beerka
  • Sonkoroow: dadka la nool xanuunka sonkoroowga waxey halis ugu jiraan in uu ku dhoco kansarka noocaan ah
  • Beer subagga: beerka oo ay ku badan tahay dufinta waa halis kale oo sababi karta kansarkaan
  • Suntan Aflatoxins: waa sun ka dhalata cunooyinka aan si wanaagsan loo keydinin, sida galeyda iyo lowska. Suntan waa mid ku badan wadama Afrika.
  • Cabidda khamri xad dhaaf ah: khamriga wuxuu dhaawac aan laga noqon karin gaarsiiyaa beerka.

Baaritaanka kansarka beerka

Waxaa jira baaritaano iyo nidaamyo la maro si loo baaro xanuunkaan waxaana ka mid ah:

  • Baaritaanka dhiigga: waxaa laga ogaan karaa dheecaanada beerka soo dayaa iney cilladeysan yihiin iyo in kale
  • Baaritaanada sawirka: waxaa inta badan la isticmaalaa kombuyuutarada ultrasound, CT iyo MRIIn qeyb laga soo jaro beerka laguna baaro mikarskoob.

Sidee baa loo daweeyaa?

Kansarka beerka waxa lagu daweeyaa qaabab kala duwan, sida in qofka la siiyo dawooyinka kansarka laakin sida ugu fiican waa in la jaro qeybta burada leh hadii burada aysan ku faafin beerka iyo jirka qeybihiisa kala duwan. Arintaan hadii lagu guul dareysto waxaa inta badan la sameeyaa in beerka laga bedelo qofka.

Wednesday, September 22, 2021

Waa maxay Findoob?

 Waa maxay Findoob?






Finanka ugu badan ee wajiga ka soo baxo waxaa loo yaqaanaa "Acne", Afka soomaaligane waxaa lagu dhahaa "Findoob" waa nabro yaryar oo ka soo baxa sanka kaliya ama wejiga oo idil, waxayna ka dhashaan qanjirro maqaarka ku dhex abuuran oo aad u yaryar oo soo saara dufan maqaarka subkiya, qanjirradaas ayaa ka xirma afka kadibna way bararaan markii la riixane waxaa ka soo baxa wax cad oo adag oo dadka qaar ay moodaan malax.

Findoobka wuxuu ku dhacaa wiilasha iyo gabdhaha intaba, wuxuuna u badan yahay xilliga ay qaangaarayaan.


Meeqo nuuc ayuu u kala baxaa Findoobku?


Marka ugu horeysa uu finka soo bixi rabo waxaa la dreemaa meel jirka aan la sinnayn oo ka soo kacsan, waana astaanta ugu horayso ee la dareemo inta finka uusan soo bixin, waxaana afka qalaad lagu dhahaa "Comedones", waxay arintaan dhacdaa markii dulduleelada wajiga ee aadka u yaryar ay bilaabmaan in ay xirmaan, waxaana jira waxyaabo badan oo xeri kara kuwaasoo hoos aan ku faahfaahin doonno waxaana loo yaqaanaa "Comedogenic", sidaa darteed waxyaabaha la isku qurxiyo oo aad wajiga u isticmaali rabtid waa inay noqdaan "non-comedogenic" taasoo macnaheeda ah "dulduleelada wajiga aanan xirayn". shirkadaha qaarkood way ku soo qoraan waxyaabaha ay sameeyaan oo maqaarka loo adeegsado.


Waxaa ku xiga oo dadka qaar isku arkaan fin afka hore ka furan, waxaana loo arkaa sidii dhibco madmadaw oo kale oo wajiga ku firdhisan waxaana loo yaqaanaa "Blackheads", markii aad loogu dhawaadane waa sida godad yaryar oo aad moodid in la dulduleeliyay.


Waxaa kaloo jira finan afka ka daboolan oo kuusma, waxaana ku jira wax cad oo jilicsan oo dadka qaar ay iska tuujin karaan, waxaana loo yaqaanaa "whiteheads", tan wax dhib ah badanaa ma reebto markii la tuujiyo, maalmo ka dib way baaba'daa, caadi ayuuna wajiga ku soo laabtaa, waxay badanaa lagu arkaa sanka dhinacyadiisa iyo garka.


Mararka qaar meelihii dufanka ku xirmay ayaa caabuq yeesho, waxaana lagu fahmi karaa in xanuun la dareemo markii la taabto, haddii la tuujiyane wuu ka sii daraa oo barar iyo xanuun ayuu keenaa, finankuna si dhakhso ah ayay ku faafaan, wayna gaduudataa meesha la tuujiyay, waxayna reebtaa haar ama madaw wajiga ku hara, waana muhiim in aadan tuujin fin xanuun leh oo jirkaaga ka soo baxa, tani waa khalad ay dad badani ku dhacaan, finka markuu sidaan noqdo waxaa loo yaqaanaa "papules" ama "Pimples" lamana taabto.


Haddii aad tuujisid finkii hore wuxuu isku badalaa wax loo yaqaano "Pustules", tanoo ah fin malax gashtay, weli waa muhiim in aadan taataaban oo aadan ka dhiijin malaxdaas, haddii kale wajiga wuu kaa hallaabayaa, waxaa jira daawooyin loo qaato markay xaaladdu halkaa gaarto waana muhiim in aad dhakhtar maqaar la xiriirtaa, laakiin inta ka horayso siyaabo dabiici ah ayaa loola tacaalaa sida aad ku arki doontaan qeybta hoose.


Haddii finka ay wax ka soo bixi waayaan oo uu sii bararo wuxuu isku badalaa xaalad loo yaqaano "nodules" qofka wuxuu wajigiisa yeelanayaa kuus kuus tira badan, waana qasab in aad dhakhtar la xiriirtid markay sidaan noqdaan.


Waxaa qofka la dhihi karaa wuxuu qabaa Findoob markii ugu yaraa 20 fin ay soo baxaan, taasoo haddii si khalad ah loola tacaalo reebi karo haaro wajiga ku samaysma.


Maxaa keeno Findoobka?


Inkastoo waxyaabaha toos u keeno finankaan aan la garanayn laakiin waxaa jira waxyaabo dhowr ah oo dadajiya ama saacida soo bixitaankiisa oo ay ka mid tahay:

Daawooyinka qaar, sidaa darteed waa isticmaalka daawooyinka aan laguu qorin khaasatan kuwa korka la mariyo.

Heerka hormoonnada qofka (hormoonnada kacsan ee loo yaqaano "Androgens" ayaa lala xiriiriyaa soo bixidda finanka wajiga ee u badan dhalinyarada, xilliga qaangaarka ama waqtiyada haweenka ay uurka leedahay, saas ayaana loogu magac daray).

Jeermiska (waxaa la sheegaa in ay jirto bakteeriyo badanaa lala xiriiriyo in ay ka qeyb qaadato samaysanka haaraha wajiga markii finanka ay soo baxaan ka dib) in bakteeriyo ay ku dhalatay finka wajiga waxaa lagu fahmaa in finkii uu xanuun yeeshay, midabkiisane uu isbadalay.


Qanjirrada dufanka wajiga oo aad u shaqeeya (Haddii qanjirrada soo daayo dheecaanka subkiya maqaarka ay aad u shaqeeyaan, waxay keeni kartaa in saliidda ku xiranto sidaasne ay finan ku samaysmaan)

Diiqada (welwelka iyo fekerka) - Fakarka, stresska ama walwalka waxaa lala xiriiriyaa findoobka.

Hurdo yarida ama hurdo xumida waxay ku jirtaa waxyaabaha ka qeyb qaato findoobka.


Cabitaan yarida: dadka badanaa aan cabin biyaha caadiga ah way ka finan badan yihiin dadka aadka u cabo biyaha, waana arrin cilmibaaris lagu ogaaday sababtoo ah, dadka jirkoodu uu leeyahay biyo ku filan badanaa ma xirmaan qanjirrada dufanka ee jirka ku yaallo.


Cunnooyinka qaar waxaa la sheegay in ay xiriir la leeyihiin findoobka sida shokolaatada, caanaha, cunada leh karbohaydareetka, Vitamiinka A iyo E-ga.

Allarjiga iyo xasaasiyadda: dadka qaarkiis wuxuu jirkood falcelin ka sameeyaa cunnada qaarkood ay isticmaalaan, waxayna tani keenaa finan wajiga ka soo baxo


Yuu ku badan yahay Findoobka?


Acne waa dhibaato ay ka sheegtaan in ka badan 85% dhalinyarada mana ahan cudur halis ah, dhibaatada ugu weyn uu keeni karane waa wajiga oo haaro yeesho, dhaawac nafsaani ah, niyad jab iyo ka go'idda bulshada (tan oo u badan gabdhaha).


Sidee looga hortagaa Findoobka?


Nadaafadda waxay dowr weyn ka ciyaartaa furidda afka qanjirrada saliidda ee xirmay si aysan finan cusub u samaysmin.

Si joogto ah wajigaaga biyo nadiif ah ugu dhaq, adigoo aadan isticmaalin saabuun ama kiimiko kalaba.

Finanka ka daa gacmahaaga, hana tuutuujin, waxa ku jirane haka soo saarin.

Ka fogow cunnooyinka warshadaysan ama kuwa bacaysan

Jooji isticmaalka sigaarka iyo daroogada kale.


Findoobka ma leeyahay daawo?


Findoobka waxaa loo isticmaalaa daawooyin badan oo ay ka mid tahay bamaatooyin la marsado laakiin waxaa kugu haboon in aad u tagto dhakhtar maqaar si loo arko finankaaga noocooda iyo heerka ay marayaan sida aan ku soo faahfaahiyay qeybta kore. Waxaa kaloo jira xanuuno maqaar oo dhowr ah oo u eg Findoobka oo lagu daaweeyo daawooyin ka duwan.


Abdikadir M. Abdullahi 

Saturday, September 18, 2021

SABABAHAAN AWGOOD U JOOJI SHAAHA CADDEYSKA AH.

 Culumo-saynisyahanno ah oo u dhashay dalka Jarlmalka ayaa ka digay Shaaha caddeyska ah oo saameynta taban  ku yeelanayo caafimaadka aadanaha.


cilmibaarayaasha ayaa sheegay in shahaa oo caano caddeys ah lagu darsado uu keeni karo calool majiir iyo kalyaha oo dhagaxaan ay ku beermaan. Xaaladduna way kasii dari karta, ayay yiraahdeen, marka caddaysku yahay caano-boore(caanaha gasacadeysan).


Dad badan oo dunida daahafeeda ku nool ayaa aaminsan in shaaha caddeysku yahay mid faa’iidooyin badan si maalin leh ahna u cabba, la’aantiina aan joogi karin.


Cilmibaarayaashan u dhashay dalka Jarmalka ayaa waxay sameeyeen daraasad ballaaran oo ah saameynta shaaha caddeyska ah ee dhinaca caafimaadka aadanaha. Daraasaddan ayaa loo sameeyay labo qeybood mid keed uu yahay; habidda shahaaha-caddeyska ah, halka midda kalena ay ahayd in dadkii ka qeybgalayay ay cabayeen biyo bedelay shaaha caddeyska ah.


Markii ay dhamaatay tijaabadii ayaa sheybaarro lagu sameeyay dadkii mutadawiciinta ahaa ee daraasadda ka qeybgalay, waxaa soo baxday in dadka shaaha caddeyska ah cabaa ay la kulmeen dhibaatooyin dhanka caloosha ah isla markaan la arkay kalyaha iney dhagaxaan ku sameysmaan. Halka dadkii biyaha sida caadiga ah u cabayna aan wax dhibaato ah oo dhanka caafimaadka ah aan lagu arkin.


Cululmada ayaa ku talinaya in shaaha caddeyska ah lagu bedelo liin-dhanaanata oo faa’idooyin badan oo dhanka caafimaadka ah leh.



Wacyigelin ku saabsan Isnidhaamis (Scabies):

  Wacyigelin ku saabsan Isnidhaamis (Scabies): Isnidhaamisku (Scabies) waa mid kamid ah cudurrada faafa ee ku dhaca maqaarka kaas oo ay sa...