Wednesday, September 22, 2021

Waa maxay Findoob?

 Waa maxay Findoob?






Finanka ugu badan ee wajiga ka soo baxo waxaa loo yaqaanaa "Acne", Afka soomaaligane waxaa lagu dhahaa "Findoob" waa nabro yaryar oo ka soo baxa sanka kaliya ama wejiga oo idil, waxayna ka dhashaan qanjirro maqaarka ku dhex abuuran oo aad u yaryar oo soo saara dufan maqaarka subkiya, qanjirradaas ayaa ka xirma afka kadibna way bararaan markii la riixane waxaa ka soo baxa wax cad oo adag oo dadka qaar ay moodaan malax.

Findoobka wuxuu ku dhacaa wiilasha iyo gabdhaha intaba, wuxuuna u badan yahay xilliga ay qaangaarayaan.


Meeqo nuuc ayuu u kala baxaa Findoobku?


Marka ugu horeysa uu finka soo bixi rabo waxaa la dreemaa meel jirka aan la sinnayn oo ka soo kacsan, waana astaanta ugu horayso ee la dareemo inta finka uusan soo bixin, waxaana afka qalaad lagu dhahaa "Comedones", waxay arintaan dhacdaa markii dulduleelada wajiga ee aadka u yaryar ay bilaabmaan in ay xirmaan, waxaana jira waxyaabo badan oo xeri kara kuwaasoo hoos aan ku faahfaahin doonno waxaana loo yaqaanaa "Comedogenic", sidaa darteed waxyaabaha la isku qurxiyo oo aad wajiga u isticmaali rabtid waa inay noqdaan "non-comedogenic" taasoo macnaheeda ah "dulduleelada wajiga aanan xirayn". shirkadaha qaarkood way ku soo qoraan waxyaabaha ay sameeyaan oo maqaarka loo adeegsado.


Waxaa ku xiga oo dadka qaar isku arkaan fin afka hore ka furan, waxaana loo arkaa sidii dhibco madmadaw oo kale oo wajiga ku firdhisan waxaana loo yaqaanaa "Blackheads", markii aad loogu dhawaadane waa sida godad yaryar oo aad moodid in la dulduleeliyay.


Waxaa kaloo jira finan afka ka daboolan oo kuusma, waxaana ku jira wax cad oo jilicsan oo dadka qaar ay iska tuujin karaan, waxaana loo yaqaanaa "whiteheads", tan wax dhib ah badanaa ma reebto markii la tuujiyo, maalmo ka dib way baaba'daa, caadi ayuuna wajiga ku soo laabtaa, waxay badanaa lagu arkaa sanka dhinacyadiisa iyo garka.


Mararka qaar meelihii dufanka ku xirmay ayaa caabuq yeesho, waxaana lagu fahmi karaa in xanuun la dareemo markii la taabto, haddii la tuujiyane wuu ka sii daraa oo barar iyo xanuun ayuu keenaa, finankuna si dhakhso ah ayay ku faafaan, wayna gaduudataa meesha la tuujiyay, waxayna reebtaa haar ama madaw wajiga ku hara, waana muhiim in aadan tuujin fin xanuun leh oo jirkaaga ka soo baxa, tani waa khalad ay dad badani ku dhacaan, finka markuu sidaan noqdo waxaa loo yaqaanaa "papules" ama "Pimples" lamana taabto.


Haddii aad tuujisid finkii hore wuxuu isku badalaa wax loo yaqaano "Pustules", tanoo ah fin malax gashtay, weli waa muhiim in aadan taataaban oo aadan ka dhiijin malaxdaas, haddii kale wajiga wuu kaa hallaabayaa, waxaa jira daawooyin loo qaato markay xaaladdu halkaa gaarto waana muhiim in aad dhakhtar maqaar la xiriirtaa, laakiin inta ka horayso siyaabo dabiici ah ayaa loola tacaalaa sida aad ku arki doontaan qeybta hoose.


Haddii finka ay wax ka soo bixi waayaan oo uu sii bararo wuxuu isku badalaa xaalad loo yaqaano "nodules" qofka wuxuu wajigiisa yeelanayaa kuus kuus tira badan, waana qasab in aad dhakhtar la xiriirtid markay sidaan noqdaan.


Waxaa qofka la dhihi karaa wuxuu qabaa Findoob markii ugu yaraa 20 fin ay soo baxaan, taasoo haddii si khalad ah loola tacaalo reebi karo haaro wajiga ku samaysma.


Maxaa keeno Findoobka?


Inkastoo waxyaabaha toos u keeno finankaan aan la garanayn laakiin waxaa jira waxyaabo dhowr ah oo dadajiya ama saacida soo bixitaankiisa oo ay ka mid tahay:

Daawooyinka qaar, sidaa darteed waa isticmaalka daawooyinka aan laguu qorin khaasatan kuwa korka la mariyo.

Heerka hormoonnada qofka (hormoonnada kacsan ee loo yaqaano "Androgens" ayaa lala xiriiriyaa soo bixidda finanka wajiga ee u badan dhalinyarada, xilliga qaangaarka ama waqtiyada haweenka ay uurka leedahay, saas ayaana loogu magac daray).

Jeermiska (waxaa la sheegaa in ay jirto bakteeriyo badanaa lala xiriiriyo in ay ka qeyb qaadato samaysanka haaraha wajiga markii finanka ay soo baxaan ka dib) in bakteeriyo ay ku dhalatay finka wajiga waxaa lagu fahmaa in finkii uu xanuun yeeshay, midabkiisane uu isbadalay.


Qanjirrada dufanka wajiga oo aad u shaqeeya (Haddii qanjirrada soo daayo dheecaanka subkiya maqaarka ay aad u shaqeeyaan, waxay keeni kartaa in saliidda ku xiranto sidaasne ay finan ku samaysmaan)

Diiqada (welwelka iyo fekerka) - Fakarka, stresska ama walwalka waxaa lala xiriiriyaa findoobka.

Hurdo yarida ama hurdo xumida waxay ku jirtaa waxyaabaha ka qeyb qaato findoobka.


Cabitaan yarida: dadka badanaa aan cabin biyaha caadiga ah way ka finan badan yihiin dadka aadka u cabo biyaha, waana arrin cilmibaaris lagu ogaaday sababtoo ah, dadka jirkoodu uu leeyahay biyo ku filan badanaa ma xirmaan qanjirrada dufanka ee jirka ku yaallo.


Cunnooyinka qaar waxaa la sheegay in ay xiriir la leeyihiin findoobka sida shokolaatada, caanaha, cunada leh karbohaydareetka, Vitamiinka A iyo E-ga.

Allarjiga iyo xasaasiyadda: dadka qaarkiis wuxuu jirkood falcelin ka sameeyaa cunnada qaarkood ay isticmaalaan, waxayna tani keenaa finan wajiga ka soo baxo


Yuu ku badan yahay Findoobka?


Acne waa dhibaato ay ka sheegtaan in ka badan 85% dhalinyarada mana ahan cudur halis ah, dhibaatada ugu weyn uu keeni karane waa wajiga oo haaro yeesho, dhaawac nafsaani ah, niyad jab iyo ka go'idda bulshada (tan oo u badan gabdhaha).


Sidee looga hortagaa Findoobka?


Nadaafadda waxay dowr weyn ka ciyaartaa furidda afka qanjirrada saliidda ee xirmay si aysan finan cusub u samaysmin.

Si joogto ah wajigaaga biyo nadiif ah ugu dhaq, adigoo aadan isticmaalin saabuun ama kiimiko kalaba.

Finanka ka daa gacmahaaga, hana tuutuujin, waxa ku jirane haka soo saarin.

Ka fogow cunnooyinka warshadaysan ama kuwa bacaysan

Jooji isticmaalka sigaarka iyo daroogada kale.


Findoobka ma leeyahay daawo?


Findoobka waxaa loo isticmaalaa daawooyin badan oo ay ka mid tahay bamaatooyin la marsado laakiin waxaa kugu haboon in aad u tagto dhakhtar maqaar si loo arko finankaaga noocooda iyo heerka ay marayaan sida aan ku soo faahfaahiyay qeybta kore. Waxaa kaloo jira xanuuno maqaar oo dhowr ah oo u eg Findoobka oo lagu daaweeyo daawooyin ka duwan.


Abdikadir M. Abdullahi 

No comments:

Post a Comment

Wacyigelin ku saabsan Isnidhaamis (Scabies):

  Wacyigelin ku saabsan Isnidhaamis (Scabies): Isnidhaamisku (Scabies) waa mid kamid ah cudurrada faafa ee ku dhaca maqaarka kaas oo ay sa...